Mudane
Shariif Xasan Oo Ka Hadlay Heshiiskii Cadan
Mudane Shariif Xasan
Sheekh Aadan oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee
Soomaaliya, isla markaana ka soo noqday Wadanka Yaman oo
uu heshiis kula soo galay Madaxweynaha DFKMG ah ee
Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta
Hotel Grand Regency qado ugu sameeyey 33 xildhibaan oo
ka tirasan baarlamaanka Soomaaliya. Qadada oo si farxad
iyo rayn-rayni ku dheehan tahay uga dhacday hoolkii
hadda ka hor ay xubnaha baarlamaanku ugu dagaalameen
ayaa waxaa ka hadlay dhawr xildhibaan oo si qiira leh
ugu nuux-nuuxsaday sida ay uga go’an tahay taageerada ay
u hayaan heshiiskii ay dhowaan madaxweynaha iyo
guddoomiyaha baarlamaanku magaalada Cadan ku gaareen.
“Waa maalin farxad weyn
leh oo qiimo iyo qaayo gaar ah ku fadhida oo sanadka
cusub si wanaagsan loola saan qaaday, waana inaynu
dareenaa masuuliyadda inaga saaran wax ka qabashada
dhibaatada dadkeena haysata” sidaa waxaa yiri Xildhibaan
Xaaf oo intaa ku daray inay lagama maarmaan tahay inuu
baarlamaanka Soomaaliyeed noqdo mid shaqeeya oo
waajibaadkiisa guta. Xildhibaan Xaaf waxaa figradaas ku
weheliyey xildhibaanadii maanta qadada ka soo qayb galay
oo dhamaantood dareenkooda ku muujiyey baahida loo qabo
inuu qabsoomo kalfadhigii baarlamaanku, si ay shaqadii
qaran ee goluhu u hir gasho. Waxayna isku wada raaceen
inay garab taagan yihiin go’aamadii heshiiskii Cadan,
iyagoo tibaaxay inay ka war sugayaan goobta uu
guddoomiyaha baarlamaanku isugu yeero.
“Raad arooryo gadaal
looma raaco, wixii tegey tage ee waa inaynu sida ugu
dhakhsiyaha badan wakhtiga uga faa’iidaysanaa, inagoo
isku ujeeddo iyo isku dan ah” ereyadaas waxaa hadalkiisa
ku bilaabay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane
Shariif Xasan oo isagoo hadalkiisa sii wata yiri:
“Doorashadii aad aniga iyo madaxweynaha na doorateen iyo
kalsoonidiina ayaanu heshiiskan ku gaarey, waadna ku
mahadsan tihiin inaad nagu raacdeen” wuxuuna
guddoomiyuhu intaa daba dhigay inay ciddii uu shaki ku
jiraa iska saarto oo ay heshiiskaas taariikhiga ah soo
dhoweeyaan, si ummadda Soomaaliyeed ee tabaalaysan loogu
adeego.
Guddoomiyaha
baarlamaanka Soomaaliya wuxu fagaarihii maanta ka
caddeeyey inaan heshiiskii Cadan cidna lagu xumayn ee
loo arkay inay danta ummadda Soomaaliyeed ku jirto oo
baarlamaanka kala maqan la isugu keeno si ay aayatiinka
ummadda uga arrimiyaan.
“Marka aynu wax qabsano
ayeey ee inagu is kaalmaysano ayeey daweynaha
Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba ina taakulaynayaan,
caalamku inaynu wax qabsanay rabaan oo ay ina
kaalmeeyaan, haddii aynaan wax qabsana cidi ina kaalmayn
mayso” ayuu yiri Mudane Shariif Xasan oo shaaca ka
qaaday in isu imaatinka baarlamaanku xildhibaanada ku
xiran yahay, meeshii ay u bataana la isugu yeerayo.
Guddoomiyaha oo ka
hadlayey hanaanka uu baarlamaanku u shaqayn doono ayaa
sheegay in sharciga la raaci doono oo dood dabadeed
meesha uu codku u bato lagu wada shaqayn doono. Wuxuuna
tibaaxay in loo baahan yahay in dagaalka la iska maanaco
oo gacan ka hadalka wada hadal iyo heshiis lagu bedelo.
Isagoo la dardaarmaya
xildhibaanadii uu qadada u sameeyey waxaa hadaladii
guddoomiyaha ka mid ahaa: “Waxaa nalaga rabaa midnimo,
wada jir, Soomaalinimo, iyo wada shaqayn joogtaysan,
baarlamaanku waa inuu waajibkiisa gutaa, oo horay loo
socdaa si horumar la taaban karo loo gaaro” waxaa kaloo
dardaarankii guddoomiyaha ka mid ahaa: “meeshii aynu is-nacaybka
isugu hayney waa inaynu is-jacayl ku bedelaa, meeshii
aynu qabyaaladda isugu haynayna waa inaynu soomaalinimo
ku bedelanaa” wuxu kaloo xusay inuusan dagaal waxba
tarayn ee loo baahan yahay in wada hadal wax kasta lagu
xalliyo.
Markii uu khudbaddii
dhameeyey ayuu guddoomiyaha baarlamaanku mid mid ugacan
qaaday xildhibaanadii qadada ka soo qayb galay oo
dhamaantood muujinayey sida ay ugu faraxsan yihiin
heshiiskii ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanku
Cadan ku gaareen. Wuxuuna guddoomiyuhu caddeeyey inuu
baarlamaanka isugu yeeri doono ka dib marka uu
baarlamaanka kala tashado halka baarlamaanku ku shiri
karo, isla markaana uu raaci doono halka loo badan yahay.
Wuxuuna xildhibaanada ku adkeeyey inay si deg-dega ah u
soo xaadiraan madasha uu golaha isugu yeero.
Wasaaradda Warfaafinta
& Hanuuninta Dadweynaha
Xoghaynta Wasiir Dawlaha Warfaafinta
Jowhar/Somalia
Faafin: Hayadda Wararka
Soomaaliya (SONA) - Jan 14, 2006
###
Ururka SCG oo ka dooday halka
shirka Baarlamaanka DFKMG ah uu ka dhici doono.
Ururka
Somali Concern Group oo xalay yeeshay kulan ballaaran oo
looga doodayo sida ay suuro gal ku noqon karto in
Baarlamaanka Soomaaliyeed uu kulmo...
Guji.....
Wararka kale ee Maanta
hoos ka akhri...
|
WARARKII
MAANTA: JAN 14, 2006
-
Magacyada dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyoodey Mina ...
-
Dagaal u dhaxeeya ganacsade Abuukar Cadaani iyo Bashiir
Raage..
-
Wasiirada
hubeysan ee Muqdisho oo marti qaad ka helay.
-
Madaxweyne
C/laahi Yuusuf oo ku soo fool leh magaalada Nairobi..
-
Hay’adaha
Xuquuqda Aadanaha oo walaac ka muujiyey dagaalada ka socda qaar ka mid aha
Gobalada dalka..
-
Shariif
Xasan iyo Max’ed Dheere oo kulan albaabadu u xiran yihiin ku …
Ogeysiis ku
saabsan xaflad dhaqaale loogu ururinayo dadka Soomaaliyeed ee abaaraha
ku tabaaloobay waqooyiga Kenya.
Fadlan caawi oo ka soo qayb gal xafladdan
dhaqaale loogu ururinayo Dadka Soomaaliyeed ee degan waqooyiga Kenya ee
ku tabaaloobay abaaraha.
Goobta: Brian Coyle Center
420 15th, Ave S.
Minneapolis, MN
Goorta: Galabta Axadda ee January 15th, 2006 Saacadduna waa 05:30pm
Fadlan deeqda (donations) ku soo aadi
Northern Kenya Famine Fund
3430 Wells Fargo Bank,
University Ave SE
Minneapolis, MN 55414
Wixii warar dheeraad ah oo ku saabsan dhaqaale ururinta iyo xafladdana
fadlan kala xiriir
www.thegcg.org
Ali Mohamed 612-282-5435
Abdirahman Shire 612-226-9921
Maxmuud Nuur Wardhere
mnwardere@yahoo.com
|
Magacyada dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyoodey Mina ...
Wararka ka imaanaya
dalka Saudi Arabia waxay sheegayaan in dad Soomaali ah ay ku geeriyoodeen is
jiirkii iyo is riix-riixii ka dhacay halka lagu magacaabo Mina ee Magaallada
Barakeysan ee Makah Al-Mukarrama. adka ku geeriyooday is riix-riixaasi waxaa
ka mid ah nin si weyn loogaa yaqaanno Soomaaliya oo lagu magacaabo Mahad
Dirir Guuleed, waxaa kale oo ku geeriyooday nin magiciisa lagu sheegay
Maxamuud Max’ed Sabriye iyo Cusmaan Cumar Qaasim, waxaa kale oo ku
dhaawacmay illaa iyo 10-qofood oo Soomaali ah oo haatan jiifa Isbitaallada
Makah.
Guud ahaan
dadka ku geeriyoodya is jiirkani ayaa waxaa lagu qiyaasay 420-qof oo Xujey
ah oo ka kala yimid daafaha Caalamka, waxaana la sheegay in tiradu ay intaa
ka sii badnaan doonto. Ma aha markii ugu horreysay ee ay dad xujey ah ku
geeriyoodaan halkaasi, waxaana sanadkii hore ku geeriyooday illaa 240-qofood
oo Muslimiin ah.
Dagaal u dhaxeeya ganacsade Abuukar Cadaani iyo Bashiir Raage..
Waxaa
halka lagu magacaabo Galgalato oo dhowr km u jirta dekedda Ceel macaan ka dhacay
dagaal u dhexeeyey kooxo maleeshiyooyin ah oo kala taageersan ganacsade Bashiir
Raage Shiiraar iyo ganacsade Abuukar Cumar Caddaan.
Dagaalkan oo la
isku adeegsaday hubka fudud ayaa illaa iyo haatan la xaqiijiyey in ay ku
dhinteen 5-ruux dhowr kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo lagu warramay in dadka
waxyeelladu soo gaartay ay u badnaayeen kooxihii diriraray, maadaama dhulka ay
ku dirarayeen uu ahaa dhul bannaan. Lama garanayo sababaha keenay dagaalkaasi,
balse warar ayaa waxay sheegayaan in labada Ganacsade ay isku heystaan dhul
bannaan oo halkaasi ku yaaalla.
Odayaal ka tirsan labada
beelood ee ka soo jeedaan labadan Ganacsade ayaa dadaal ugu jira sidii loo
joojin lahaa dagaalkani, waxayna kulammo la leeyihiin Bashiir Raage iyo Abuukar
Cumar Caddaan.
Wasiirada
hubeysan ee Muqdisho oo marti qaad ka helay.
Dowladda kenya oo iyadu horseed u aheyd dhismihii dowladda federaalka ayaa
waxaa la sheegya in ay marti qaad u soo dhiibtay wasiirada hubeysan ee ku
sugan magaalada Muqdisho kuwaas oo kala ah Wasiirka Amniga Qaranka, Max’ed
Qanyare Afrax, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cusmaan Xasan Cali Caato
iyo Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, wuxuuna marti qadkooda la
xiriiraa sidii ay Magaalada Nairobi kulamo ula yeelan lahaayeen madaxda ugu
sareysa dowladda oo kala ah madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekha Aadan iyo Ra’isul wasaare Cali Max’ed
Geeddi oo la filayo in todobaadkan gudahiisa ay isugu tagaan Magaalada
Nairobi, Wasiirada Hubeysan ayaa la filayaa in laga dhaadhiciyo go’aamadii
ka soo baxay heshiiskii dhex maray C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan,
Dowladda Kenya ayaa iyadu waxaa ay dooneysaa in guud ahaan lasoo afjaro
wixii khilaafaad ah ee u dhaxeeya dowladda federaalka, iyadoo heshiis ahna
ay dib ugu laabato dalka, Wasiirada Hubeysan ee Muqdisho ku sugan ayaa iyagu
si dabacsanaan ah u soo dhaweeyey heshiiskii Cadan ku dhex maray Madaxweyne
C/laahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, hase yeeshee,
Xubnaha labada Gole ee ku sugan Magalada Muqdisho ayaa si kal iyo laab ah u
soo dhaweeyey heshiiskaasi kuna tilamaamay guul usoo hoyatay shacabka
Soomaaliyeed.
Madaxweyne
C/laahi Yuusuf oo ku soo fool leh magaalada Nairobi..
Warar
aanu ka heleyno saraakiil ku dhaw dhaw madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa
waxey sheegayaan in madaxweynaha maalmaha soo socda uu soo gaari doono magaalada
Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo la filayo in uu kulamo kula yeesho mar kale
guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cali Max’ed Geeddi oo
isna la filayo in maanta uu gaaro magaalada Nairobi.
Mas’uuliyiinta ugu sarreysa dowladda ayaa kulankooda waxaa uu noqon doodnaa
sidii ay iskula meel dhigi lahayeen qaabka ugu habboon ee ay xubanaha
baarlamaanka isugu imaan lahaayeen, sidoo kale, waxey ka wada arrinsan doonaan
sidii ay dowladda iskula jaanqaadi laheyd, maadaama ay heshiis magaalada Nairobi
kuwada gaareen madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyah baarlamaanka
Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Saddexda mas’uul ee ugu sarreysa dowladda federaalka ayaa inta ay joogaan
magaalada Nairobi waxaa ay si wadajir ah ula kulmi doonaan dalalka deeqda bixiya
iyo hay’adaha samafalka, ee ku sugan magaalada Nairobi si ay dowladda u hesho
dhaqaale ay ku socodsiiso hawlaheeda iyo dib u dhiska dalka
Hay’adaha
Xuquuqda Aadanaha oo walaac ka muujiyey dagaalada ka socda qaar ka mid aha
Gobalada dalka..
Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee kala ah Dr. Ismaaciil Jimcaale, Gaashaan, Elman,
Wanlaweyn, Khaliif Huudow iyo Hay’adda Dhowrista ,Hormarinta Soomaaliya
(OSPAD),iyo SYRWA ayaa walaac ka muujiyeen dagaalada ka soo cusboonaaday qaar ka
mid ah Gobalada Dalka, gaar ahaan Gobalada Dhexe, gaar ahaan Muqdisho iyo
Bakool.
Hay’adahani waxaa ay ku tilmaameen dagaaladaasi kuwa xadgudub ku ah Shareecada
Islaamka, Xuquuda Aadanaha iyo xeerarka soo jireenka ah ee Soomaaliyeed, waxeyna
hay’adahani ka codsadeen waxgaradka beelaha dagaalamaya in ay u guntadaan sidii
loo dhameyn lahaa dagaalkaasi isla markaana hal qiimeyn ah ku sameeyaan wixii
horumar ah ee laga gaaray dagaaladii hadda ka hor dhacay taasoo ay dhab tahay in
natiijada ay noqoneyso khasaare.
Waxaana qoraalada ay soo saareen hay’adahani ku saxiixnaa Maryan Xuseen Owreeye,
Cali Max’ed Maxud, Eng. Siidow Xasan Mahdi, Eng. Suudaan Cali Axmed, Aweys
Macallin,C/laahi Max’ed Cali.iyo Iraad Cali Shiirkh
Shariif Xasan
iyo Max’ed Dheere oo kulan albaabadu u xiran yihiin ku …
Wararka naga soo gaaraya
magaalada Nairobi waxey sheegayaan in guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan
Sheekh Aadan iyo guddoomiyaha gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb {Max’ed
Dheere} ay kulan albaabada u xiran yihiin ay ku yeesheen magaaladaasi.
Kulankaan lama
faahfaahin waxyaabihii la iskula soo qaaday balse warar ayaa waxey sheegayaan in
guddoomiyaha baarlamanka loo soo jeediyey in uu yimaado magaalada Jowhar, taasi
oo uu aqbalay. Warar kale ayaa waxey sheegayaan in guddoomiyaha uu sheegay in
marka hore uu ku hormarayo magaalada Muqdisho kaddibna uu tagayo magaalada
Jowhar.
Waxaa kaloo
guddoomiyaha laga codsaday in kulanka ugu horreeya uu ka dhaco magaalada Jowhar,
wuxuuse sheegay in marka hore uu la tashi la soo sameynayo xubnaha dowladda ee
ku sugan magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha
baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay kulamo gaar ah la yeeshay
mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha samafalka waxaa ay isla soo qaadeen sidii
hay’adahaasi ay gacan u siin lahayeen dowladda federaalka isla markaana ay uga
qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, iyo waliba sidii gacan loo siin lahaa
dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay abaarta iyo biyo la’aanta.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com
|