SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Madaxweynaha DGPL oo kusoo Laabtay Boosaaso

SomaliTalk.com | Bosaso | Soomaaliya | Jan 9, 2006

Madaxweynaha DGPL Gen: Maxamuud Muuse Xirsi ayaa Dalka Dib ugu soo laabtay kadib markii uu socdaal aan ula jeedadiisa la faahfaahin ku tagay Dalka Imaraadka Carabta, Madaxweynaha oo intuu Dalka ka amba bixin Balanqaaday in uu Golaha Wakiilada Puntland ka Codsaday in uu safar ku tagi doono Emaraatka kadibna uu ku soo noqon doono Dalka mudo Todobaada uuna Xukuumadiisa ku samayn doono Dib u dhis ay ka muuqdaan Aqoonyahno.


Madaxwenaha DGPL oo Salaamaya Madaxdii iyo Shacabkii soodhawanayay

Madaxweynaha ayaa soo noqokiisii Dalka ay soo dhoweeyeen Dad aad u fara badan oo isgu jira Madax iyo Shacab ayadoo ay Albaabka Diyaarada ay kaga hortageen Gudoomiyaha Baarlamaanka DGPL, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta DGPL oo isagu ahaa Kusimaha Madaxweynaha intii uu Dalka ka maqnaa iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari iyo kan dagmada Bosaaso.

Madaxweynaha ayaa lafilayaa in uu shir la galo Caawa Ganacsatada oo mudo 10 Bari u dhowaaad jojiyay alaabihii ay kala soo dagi jireen Dekada Boosaaso ayagoo ka gadoodsan Canshuur lagu daray Port Charge Canshuurta Maraakiibta iyo Doomaha kusoo xirta Dekada.

Inta badan Dadweyaha ayaa hadal haya sida ay noqon doonto Magacaabida Golaha Xukuumada cusub ee laga filay in uu magacaabo Madaxweynaha DGPL.


Qaar kamida Shacabkii soo Dhawaynayay Madxweynaha DGPL

Qaar kamida Madaxda DGPL iyo Shacabka.

Qaar kamida Wasiirda oo Sugayay Soodagida Madaxweynaha DGPL

SomaliTalk.com | Bosaso


»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?

Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

Col Abdi IgalSomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay Col. Cabdi Cigaal Jaamac...
"..aniga horta ma ahi kaabe qabiil ee waxaan ahay nin corneyl ah aritna aad sheegeyso hada ee aad leedahay odayaasha beesha Akhri...
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


WARARKA MAANTA:: Jan 9, 2006

  • Sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay  Doorashadii Cadde Muuse..

  • Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo ku sii jeeda dalka

  • Waxgarad ka tirsan beelaha Mareexaan iyo Suleymaan oo dhex marey

  • Hay’adda COGWO oo soo dhaweysay heshiiskii Cabdulaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan....

  • Ra’sul wasaare Cali Max’ed Geeddi oo sheegay in uu dhawaan gaari doono Gobolada Dhexe....


Sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay  Doorashadii Cadde Muuse..

Maalintii shalay aheyd waxey ku beegneyd markii xilka loo doortay Jen. Cadde Muuse ee maamul gobaleedka Puntland waxaana magaalada Garoowe ka dhacay xaflad aad u balaaran oo lagu xusanayey sannad guuradaasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta maamul gobaleedka Puntland.

Waxaa halkaasi laga akhriyey warbixin ku saabsan waxqabadkii mudada sannadka aheyd ee maamul gobaleedkaasi waxeyna warbixintu sheegtay in maamulku uu ku talaabsaday horumar fara badan oo la xiriira kor u qaadidda adeegyada bulshada iyo xoojinta nabad galyada, doorashadii Jen. Cadde Muuse gabagabadeeda waxaa isugu soo haray Cadde Muuse iyo Max’ed Cabdi Xaashi, waxaase doorashadaasi ku guuleystay Cadde Muuse, hase ahaatee, madaxweyne C/laahi Yuusuf wuxuu xilkaasi si aad ah ula doonayey ku xigeenkiisii Max’ed Cabdi Xaashi, balse taasi ma dhicin, waxaa si fudud ugu guuleystay Jen. Cadde Muuse wuxuuna xuskaani ku soo beegmay xilli uu Cadde Muuse ka maqan yahay xafiiskiisa Garoowe isagoo haatan ku sugan dalka Imaaraadka Carabta oo uu u joogo arrimo caafimaad, kaddib markii dhawaan keli laga qalay. 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo ku sii jeeda dalka

Warar aanu ka helnay dalka Yemen waxey sheegayaan in madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ay ku sii jeedaan dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan Imaaradda Dubai.]

Madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sababaha ay halkaasi u tagayaan waxaa ay tahay sidii ay ugu soo tacsiyeyn lahaayeen geeridii ku timid madaxweyne ku xigeenkii iyo ra’isul wasaarihii dalka Imaaraadka Sheekh Maktuum Al-Raashid.

Madaxweynaha iy gudoomiyaha baarlamaanka waxaa kaloo la filayaa in dalka Imaaraadka ay kulamo kula yeeshaan madaxda dalkaasi oo ay isla soo qaadi doonaan sidii ay dowladda Imaaraadka uga qeyb qaadan laheyd dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo gacan siinta dowladda.

Warar kale ayaa waxey sheegayaan in madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ay booqan doonaan dalka Suudaan kaddib markii ay marti qaad ka heleen dowladda waddankaasi, iyadoo dowladda Suudaan ay ka mid aheyd dowladihii gacanta ka geystay heshiiskii dhex maray madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Waxgarad ka tirsan beelaha Mareexaan iyo Suleymaan oo dhex marey

Waxgarad iyo odayaal ka tirsan beelaha Mareexaan iyo Suleymaan ayaa haatan dadaal ugu jira sidii loo joojin lahaa dagaal dhex maray labadaasi beelood kana dhacay, gobalada dhexe, labada dhinac ayaa is dhaafsaday hadalo la xiriira sidii loo dhameyn lahaa dagaalkaasi iyagoo adeegsanaya qadka isgaarsiinta.

Maalintii shalay aheyd ayaa wax dagaal ah uusan ka dhicin halkii ay ku dirireen labadan bedelood, hase yeeshee, dagaalkani ayaa wuxuu sababay in dad badani ay ka qaxaan goobihii ay daganaayeen, iyadoo ay ugu sii darsantay abaaro iyo biyo la’aan.

Odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ayaa maanta la filayaa in ay ku kulmaan tuulooyin ku dhaw halkii uu dagaalku ka dhacay, waxaana lagu wadaa in si toos ah looga wada hadlo wixii dhex maray labadan beelood.

Labada beelood ayaa waxaa soo gaaray baaqyo lagaga dalbanayo in ay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka iyo colaadda, wuxuu dagaalkaani sii murjiyey dagaalo hore halkaasi uga jiray una dhaxeeyey laba beelood oo halkaasi wada dega kaasoo ay ku dhinteen dad aad u fara badan. 

Hay’adda COGWO oo soo dhaweysay heshiiskii Cabdulaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan....

Warsaxaafadeed ay shalay soo saartay daladda COGWO ayaa walaac xooggan ka muujisay abaaraha ka jira gobalada Jubbooyinka, Gedo, Baay, Bakool iyo qaar ka mid ah gobalada dhexe, waxeyna daladdu sheegtay in abaartaasi ay galaafatay dad tiradoodu ay gaareyso konton qof oo isugu jira waayeel, caruur iyo haween, waxeyna abaartaasi baabi’isay xoolo aad u fara badan.

COGWO waxey ugu baaqeysaa hay’adaha beesha caalamka in ay kaalmo gar gaar oo deg deg ah la soo gaaraan shacabka Soomaaliyeed ee ay abaartaasi saameysay.

COGWO waxa ay boogaadisay heshiiskii ay gaareen madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka waxeyna ku tilmaantay baal rajo cusub leh oo u furmay shacabka Soomaaliyeed, waxeyna COGWO u mahad celisay dowladda Yemen iyo madaxweyne Cali Cabadalla Saalax dadaalka iyo taabagalinta aslaaxinta khilaafaadkii u dhaxeeyey labada garab ee siyaasadeed ee ay kala hogaaminayeen madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka.

Hay’adda COGWO waxey ugu baaqeysaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kala jooga dalka dibadiisa iyo gudahiisa in ay kaaba galiyaan heshiiskaasi, iyagoo tixgalinaaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo muddo 15-sano ah ku jiray dhibaato nooc walba leh iyo dowlad la’aan.

Daladda waxey ugu baaqeysaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay taageeraan heshiiskani, kana qeyb qaataan kaalinta kaga aaddan fulintiisa, sidoo kale waxey ku dhiiragalineysaa beesha caalamka in ay gacan siiyaan heshiiskaasi. Waxaana warsaxaafadeedkani ku saxiixnaa guddoomiye ku xigeenka hay’adda COGWO Suldaano Max’ud Caddoow, waxaana su’aalaha saxaafadda ay weydiineysay uga jawaabayay Cayni Abuukar Gacal.

Ra’sul wasaare Cali Max’ed Geeddi oo sheegay in uu dhawaan gaari doono Gobolada Dhexe....

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar waxey sheegayaan in Ra’isul wasaare Geeddi uu kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Macdanta Max’ud Salaad Nuur oo haatan ku sugan magaalada Jawhar, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka dhex jira dowladda federaalka.

Max’ud Salaad oo ka mid ahaa ragga sida aadka ah ugu ololeynayey dhameynta khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka wuxuuna ka mid ahaa wasiirada ay isku fikirka ahaayeen xubnaha dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Ra’isul wasaaraha ayaa wuxuu ogolaaday in uu soo booqdo gobalada dhexe si uu u soo ogaado xaaladda nololeed ee gobaladaasi iyadoo gobaladaasi ay ka jiraan abaaro iyo dagaalo soo noq noqday, kuwaas oo bara kiciyey dad aad u fara badan oo u badnaa xoolo dhaqato.Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa wuxuu beesha caalamka ka dalbaday in gar gaar deg deg ah lala soo gaaro dadka ay saameysay abaarta. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

Email amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2006


Minneapolis: Lacagta Loo Ururiyey Dhismaha Masjidka Dar-Al-Hijra oo Gaartey $370,000 oo Doolar

Xamar oo Laga Qabanqaabinayo Banaanbax ka dhan ah Yalaxow iyo Qanyare
»
Mowqifka Wasiirada Hubeysan ee ku sugan Muqdisho..
»
Hiiraale iyo Xaabsade oo  soo dhaweeyey Heshiiska Cadan
»Indha-Cadde: heshiiska waa mid lala galey Qol Mugdi ah
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Jan 8

»Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Waqoyi America oo soo dhoweysay heshiiskii Cadan

»BAAQ KU SOCDA MADAXDA & GANASATADA PUNTLAND

Xaaji Dhabarey oo soo jeediyey in kulanka ugu horeeye ee Golaha Baarlamaanka Lagu Qabto Balcad
»Xaafuun: Hay'ada Care Gaarsisay Deeq Doomaha Kalumaysiga
»Cumar Geele iyo Gen. Cadde oo kulan ku yeeshey UAE...
»Yalaxow iyo Qanyare oo si tartiib ah uga hadalay heshiiska..
»War Saxafaafadeed: Ugaaska Beesha Mareexaan...
»Bosaso: Shir ay yeesheen Beesha Cali Saleebaan...
 iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Jan 7


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com


Dr Galaydh"Arrintan argagixisada ee markale la wadwado (la hadal hayo), Soomaaliya kama jiraan kooxo argagixiso ah, arrintan waa mid la dhoodhoobeen kuwa u malaynaya in ay isku maldahaya 'la dagaalanka argagxisada,' si loo maqlo oo loo taageero. Soomaalidu waa dad Muslim ah, Waxaana ku faraxsanahay in aan nahay dad Muslim ah. Haddii ay jiraan Argagixso, Ciidamada Maraykanka ee jooga Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho qudheeda ayaa heli lahaa. Sidaas daraadeed waxaa haboon in inta la hawl galo, la isku dayo in dadka la hawlgeliyo oo xaqiiqo ahaa la keeno wax ka bedelan xaalada hadda jirta ee laga yaabo in ay dad ka fa'iidaysanayaan." Sidaas waxaa yiri Cali Khaliif Galayr | Dhegeyso:  Dec 8, 05 Dr Elmi Duale"Waxa uu sheegay (Galaydh) in aan argagixiso jirin (Soomaaliya), laakiin waa jiraan. Waa la xaqiijiyey, waa ladaabacay. Koox qaramada Midoobey aha ayaa soo saartay warbixin - waxaa jir warbixin qaramada midoobey oo shegeysa in ay argagxiso ka jirto (Soomaaliya). Taas waxaa ka horeysey Markii la qarxiyey safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya iyo markii la qarxiyey Hotelkii Mombasa, waxaa la muujiyey in qaar kamid ah kuwii ka dambeeyey falalkaas in ay soo mareen Soomaaliya ama waxay ku carareen Soomaaliya. Sidaas daraadeed waxaa jira cadaymo ku filan." Sidaas waxaa yiri Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale | Dhegeyso:: Dec 8, 05 "Wadanka (Soomaaliya) waa ubucda ay ku kobcaan argagixisada caalamiga ah" sidaas waxaa yiri Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawlada Federaalka KumeelGaarka ah ee Soomaaliya, isagoo sida warku u dhigay, Soomaaliya ku eedeeyey in ay Xarun u Tahay Ururada Argagaxisada, sida ay qortay AFP, oo intaas ku dartay in wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliya uusan faahfaahin magaca, tirada iyo nooca xarunta argagxisada ee ka jirta dalkiisa, waa sida warku u dhigaye. Soomaaliya oo ah dal ku yaal bariga afrika oo 14-kii sano ee ugu dambeysey aan lahayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa, ayey tiri AFP AKhri Halkan:::: Aug 26,05 menkhaus.jpg (26533 bytes)"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.). GUJI...
 
Kalluumaysatadii Soomaaliyeed wax lug ah kuma  kulahayn Qaraxii Mombasa
Booliska Kenya waxa ay markey taariikhdu ahayd 13/12/2002 caddeeyeen in sagaalkii kalluumaysatada ahaa ee isugu jirey Soomaalida iyo Pakistan ee loo xirxiray qaraxii Mombsasa aysan wax lug ah ku lahayn qaraxaas, isla markaana la siideynayo, loona dhoofinayo dalalkoodii
AKhri Halkan....

Xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?




HTML CD