Xaggee Mareysaa
Cayaartii xiisaha badneyd ee Jowhar iyo
Muqdisho!
Qaybtii 13-aad
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Cayaartu
waa ay degen tahay, oo labada kooxood waxa ay
kubbaddoodu dhaafi la’ dahay dhexda taageerayasha
labada kooxood ayaa isweydiinaya, waxa ay cayaartu u
qabowdahay, isla markaana la isku weerari la’ yahay,
mid ka mid ah taageerayaasha ayaa la soo booday waxa
uu yiri “Wallaahi ma garanayo halka wax si ka yihiin”.
sidii loo
daawanayay cayaarta ayaa waxaa la bedelay
Gartsoorihii horey Cayaarta dhex dhexaadinayay, waan
Garsoore Barre Hiiraale, waxaana qalabkiisii deg deg
u gashaday Garsoore Cali Cabdalla Saalax, dhamaan
taageerayaashu aad u bay u yaaban yihiin, waxayna
leeyihiin “Garsoorahaan hore ayuu dhex dhexaadiyay
labadaan kooxood, waxayna eed gaar ah uga timid
dhinaca Kooxda Muqdisho, kaddib markii lagu eedeeyay
in uusan dhex dhexaad ka ahayn cayaarta” hase
yeeshee Cali Cabdalla Saalax isagoo u gacan
haatinaya taageerayaasha labada kooxda ayaa waxa uu
yiri “bal markaan ha la igu dayo in aan labada
kooxood dhexdhexaadiyo, waa taasoo aan guul ka soo
hooyaaye”, Garsoore Cali Cabdalla waa nin khibraad
badan oo si aad ah ula socday cayaartaan heerarka ay
soo martay.
Markii
waxa uu Garsoore Cali Cabdalla Saalax isugu yeeray
labadii Kaptan Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo C/llaahi
Yuusuf Axmed, si gaar ah ayuu ula faqay, waxa uu ku
yiri ciyaarta ha la dejiyo, hana noqoto mid natiijo
wax ku ool ah ka soo baxaan, labadoodiiba si kal iyo
laab furnaan ah ayay ku soo dhaweeyeen hadalka ka
soo yeeray Garsoore Cali Cabdalla Saalax, waxaa la
arkayay Kaptan C/llaahi Yuusuf iyo Kaptan Shariif oo
isku qoslaya oo aan ka muuqan xanaaqii horey looga
bartay labadooduba, mararka qaarkood inta ay
cayaartu socoto kii dhulka ku dhaca si fudub ayuu
kan kale u garab qabanayay, dabacsanaanta ka muuqata
labada Kaptan, waxaa si aad ah u la yaaban
cayaatooyda Labada Kooxood oo qaarkood waxay
leeyihiin “War sidey wax u jiraan, labadii Kaptan
waa kuwa sidaan isugu dhowaadaye”, Mid kalaa soo
booday waxa uu yiri “Waxaa cayaarta waxaa wax ka
bedelay garsoore Cali Cabdalla Saalax”.
Ilaa iyo
haatan dabacsanaanta ka muuqata Kaptan C/llaahi iyo
Kaptan Shariif cid ka hor timid ma jirto
ciyaartooyda labada Kooxood, cayaarta si wanaagsan
ayay u wada cayaarayahan, haddii aan soo qaadano
cayaarhayan Jinni Boqor iyo Cayaaryahan Jurile oo si
aad ah isku raaci jiray haatan waa ay kala
tartiibsadeen, sidoo kale Cayaaryahan Max’ed Dheere
iyo Max’ed Qanyare oo iyana lafaha isa saari jiray
maanta waxaa ka muuqata deganaan iyo isku turid,
sidoo kale Cayaaryahana Mowliid Macaane iyo
Cayaaryahan Shiikh Jaamac oo lafaha iska dhuuxi
jiray, maanta waxaa ka muuqata farxad iyo reyn reyn,
haddana midba midka kale waxa uu ka difaacanayaa
Goolka, Ciyaaryahan Muuse Suudi iyo Cayaaryahan Cali
Max’ed Geedi oo iyana is baal gooban jiray, waxay
dhankooda u muuqdaan in ay kala baal bedesheen.
Taageerayaasha labada Kooxood xitaa waxay arkeen
labadii Dhakhtar ee Kooxda, Caasho Cabdalle oo
kooxda Muqdisho ahayd iyo Khadiijo Maxamed Diiriye
oo Jowhar ka soo jeeday, iyagoo kursiga keydka
fadhiya ayay isku gacan- haatinayeen, xitaa waxay
dabacsanaantii saameysay Taageerayaasha labada
kooxood oo horey isku dhagax tuuri jiray, haatanse
way is dhex- galeen, oo waxay qaybsanayeen barafka,
Jalaatada iyo Lowskii iyo waxyaalo kale oo ay
madaadaaliska ku fiican.
Beesha
Caalamka ayaa iyana aad ula yaaban deganaashaha ka
muuqda Cayaarta dhex mareysa Muqdisho iyo Jowhar,
waxayna leeyihiin sidey wax u jiraan, oo maxaa is
bedelay?, qaarkood waxaa ka soo yeeraya “Awalba
Soomaali bay isla ahaayeen oo is fahmeen, waxayna
goosteen in ay cayaarta wanaag ku dhameeyaan” midbaa
hadalka qaatay oo yiri “waxaan u maleynayaa in ay ka
cabsanayaan in la ganaaxo”, “ma sidaa ma ahane waxay
ka cabsanayaan in dhaqaalihii ay FIFA siin jirtay
laga goosto” ku kale ku yiri “war waa isku xiiqeene,
marka waxay doonayaan in ay kala nastaan oo cayaarta
si qabow ku wadaan”.,
Todobaadkii hore ayay ahayd markii kooxo Seria-C ama
heerka saddexaad ah oo la doonayo in loo qoro Kooxda
Muqdisho ayaa fashil ku dhamaaday kaddib markii la
isku qabsaday cidda Tababaraha u noqoneysa kooxda oo
loo barbaarinayay in ay mustaqbalka bedelaan kooxda
heerka koowaad ee Muqdisho, waxaana arritaani si
weyn isugu qabsaday cayaartooydii weyneyd ee Kooxda
oo mid walbaa uu doonayo in uu tababare u noqdo
kooxda, balse Gow iyo Gash ma leh ayay arrintii isku
soo biya shubatay, waxayse markii dambe cayaarooydii
Kooxda heerka 1aad iyagoo Garka ciidda ka ceshanaya
ayay si qasab ah ku marsiiyeen tababaraha kooxda oo
loo magacaabay Tootoow.
La soco Sabtida soo
socota.....
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 7, 2006