Faallo: Heshiiska Cadan Iyo Caqabadaha
Ku Gadaaman.
W.Q
C/Shakuur Cali Mire
London, uk
shakuur@somtv.net
Shirkii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo gudoomiye Shariif Xasan ku dhexmarayey
magaalada dekada ah ee cadan intii u dhaxaysay 1-dii ilaa 5-tii bishaan janaayo
ayaa waxaa uu ahaa mid ay dadka Soomaaliyeed iyo dowladahha daneeya arrimaha
Soomaaliya il gaar ah ku eegeyeen.
Haddii ay bartamihii bishii June 2005 ay madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo
Shariif Xasan Sheekh Adan kulan ku yeesheen magaalada Sanca ayadoo uu dhex
dhexaadinayey madaxweyne Saalix uuna ku dhamaadey fashil iyo is afgaran waa,
waxaa isweydiin muddan maxaa markale soo cusbooneysiiyey kulan markale labadaan
hoggaamiye ku dhexmara isla dalkii ay horey ugu kulmeen?.Waxaa lagu sababeyb
karaa marka dib loo milicsado siyaasadda Soomaaliya intii uu taagnaa khilaafka
xubnaha labada golle kulankaan markale ka dhacay dalka Yamen inay sabab u
tahay saddex qodob oo is biirsadey oo kala ah.
Madaxweyne Saalix. Kulankii hore ee
madaxweyne Cabdullaahi iyo Shariif Xasan ku dhexmaray dalka Yamen bartamihii
bishii Juun 2005-tii wixii ka dambeeyey waxaa soo kordhayey eedeynta iyo cambaareynta
ay garabka xubnaha labada golle ee uu hogaamiye Shariif Xasan ee kusugan
Muqdisho u jeedeeinayeen dowladda Yamen iyo gaar ahaan madaxweyne Saalax oo ay
ku eedeeyeen inuu taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed iyo mid ciidanba siinayo
kooxda Jowhar ee uu horkacayey Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf.
Dowladda Yamen oo aan wax cadaawad iyo dhibaato ah aysan kala dhexeyn dalka
Soomaaliya sida dalalka Soomaaliya dariska la ah waxaa ay u qaadey tilaabadan
si ay eedees iska rogto una muujiso inay jeceshahay in si afgarad guud laga
gaaro khilaafka labada dhinaca ayadoo martiqaad lama fillaan ah u fidisay
Shariif Xasan soona cusbooneysiisay hindisii kol-hore ka fashilmay, tiiyoo ay
dowladda Yamen dareentay inuu jiro biseyl ka duwan markii uu dhacayey kulankii
hore ee June sidaas darteed ayey dowladda Yamani ayadoo muujinaysa kaalinteeda
ku lug lahaanshaha arrimaha Soomaaliya oo ay ka dhex muuqatay tan iyo markii uu
burburey qarankii Soomaaliyeed iskugu dayeysaa inay xal u hesho khilaafka labada
dhinac waxaan xusid mudan in dowladda Yamen ay taageero lixaad leh u fidisay
dowladdii C/qaasim Salaad Xasan waqti ay dowladda Itoobiya ku hawlanayd
burburinta mirihii Carta.
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf: Shaki
kuma jiro inuu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf meel adag taagnaa kulankii hore ee
ka dhacay Sanca bishii June-2005, balse kulankaan Cadan waxaa uu kusoo beegmay
waqti Madaxweyne Cabdullaahi caqabado badan kala kulmey natiijada khilaafka ka
dhex ooggan xubnaha labada golle, culays dhaqaale iyo mid siyasadeed oo uu
madaxweynuhu kala kulmey magaalada Jowhar is af-garasho la`aan badan oo aan
shaac aheyn oo ka dhex oogantay asaga iyo Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dhheere)
oo gacanta la galay in badan oo hawlihii dowladda dhexe ah, dhaqaalihii beesha
caalamka laga sugayey oo shardi looga dhigay heshiis buuxa oo ay wada garaan
xubnaha labada gale iyo madaxda dowladda , Ciidan Qaran oo hananka ammaanka
dalka oo aan jirin, qabqablayaasha oo tan iyo markii la dhisay dowladda aysan
awoodoodii qabqablanimo wax isbadal ah ku imaan, dowladda Itoobiya oo madaxweyne
Yusuf taageero badan ka filayey oo dhibaatooyin gudeheeda ah la caal weydey oo
ay ugu muhiimsan tahay khilaafka mucaardka iyo Zenawi iyo xiisadda Eratariya iyo
Itoobiya, reer galbeedka oo dhaqaalo badan ka joojiyey Itoobiya, Carabta oo u
dhabar jeedisay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, Maraykan iyo Ingriiska oo
horbooda siyaasadda reer Galbeedka oo aan aqoonsan dowladda, cunaqabeteyntii
hubka oo gollaha ammaanku diidey in laqaado, ciidamadii IGAD Som oo sheeko uun
noqdey arrimhaas oo isbiirsadey waxaa ay horseedeen inuu madaxwyen Yusuf kasoo
dabco halkii uu taagnaa kulankii horey u dhexmaray asaga iyo gudoomiye Shariif
Xasan Sheekh Adan.
Gudoomiye Shariif Xasan:Gudoomiyaha
laftiisu kulankaan waxaa uu yimid asagoo in badan ka dabcay halkii uu taagnaa
kulankii horey u dhexmaray asaga iyo madaxweynaha, kala diridii uu madaxweynihu
kala direy xubnaha baarlamaanka 11/5/2004 iyo qabsoomid la`aantii wax shir
baarlamaan ah, kooxada Muqdisho iyo kooxada Jowhar oo labaduba ku guuldaraystay
inay helleen kooramka ama tirade fadhiga baarlamaanku ku ansaxo, iskudaygii
Shariifka iyo kooxdiisa ee wax ka qabashada ammaanka Muqdisho oo guuldaro ku
dhamaatay, go`aan qaadashada arrimaha Muqdisho oo ay la kali noqdeen
qabqablayaasha Muqdisho, dhaqaalo la`aan ba`an oo soo wajahdey kooxda Muqdisho,
wakiilada iyo dubulumaasiyiinta caalamiga ah oo Muqdisho go`doon siyaasadeed
galiyey halka ay Jowhar safaro isdaba joog ah ku tagayeen, culays deegaan oo
Shariifka uga yimid dhanka madaxda digil iyo mirifle oo aad uu u saameyey
khilaafka labada golle ahna beesha kaliye ee khlaafkaas dagaal ku dhexmaray,,
gudoomiyaha oo dareemay inuu sii dhuminayo awoodiisii baarlamaanka kadib markii
uu dhar-baaxso siyaasadeed kala kulmey kulankii madaxda baarlamaana Jaamacatul
Carab oo shaki galisay gudoomiyinimadiisa baarlamaanka kadib markii la aqabalay
waftigii uu hoggaaminayey ku xiggeenkiisaa horey uga gadoodey.
Arrimahaas oo dhan gudoomiyaha baarlamaanka waxaa ay galiyeen xaraj siyaasaddeed
oo ku qasbey inuu raadiyo wado uu uga baxo taasoo sababtay inuu dabac weyn u
muujiyo Yamen oo uu horey eedeyn ugu jeediyey balse uu hadda ku tilmaamay dal
walaal ah. Qodobadaas oo dhan waxaa la oran kara waxaa ay qeyb kayihiin xoogga
ku riixay gudoomiyihu inuu qaato mowqifkaan ayna baabur isla fuullan asaga iyo
madaxweyne Cabdullaahi Yusuf si ay u soo arkaan meelaha qadiimka ah ee magaalada
Cadan.
Heshiiska la Saxiixay. Inkastoo uusan heshiiskaani
markaad aqrisid qodoba uu dhigayo uusan si cad ama rasmi ah u abaareyn qodobadii
horey khilaafku uga taagnaa sida waxa laga yeelayo hindisii ciidamada shisheeye,
xarunta rasmiga ah ee dowladda marka laga reebo inuu heshiisku tilmaamayo
baahida loo qabo shir uu yeesho baarlamaanku mudo bil gudaheed ah waxaa uu
intiisa kale ka hadlayaa qodobo guud iyo baaqyo aan wax xiriir weyn ah la
laheyn qodobadii la isku hayey, balse waxaa dhanka kale lagu tilmaami karaa inuu
yahay bilow wanaagsan oo horseedi kara heshiis soo afjara khilaafkii horey u
oognaa ama waxaa la dhihi karaa inuu furay albaabkii wadahadalada waxaa kale oo
muhiim ah inuu heshiiskaani dhigayo in la joojiyo daacayadihii siyaasaddeed ee
ay labada dhinac isku marin jireen qalabka warbaahinta taas oo ay dad badani
aamisan-yihiin inay kaalin lixaadleh kaqaadatay kala fogaanshihii mudada u
dhexeysey xubnaha labada golle.
Kasokow heshiiskaan la saxiixey oo aduunka lagu faafiyey waxaa ay tibaaxayeen
dubulumaasiyiintii ka agdhawaa mudadii afarata casho aheyd ee ay madaxweynaha
iyo gudoomayaha baarlamaanku wada hadlayeen inuu jiro qodobo badan oo ay
madaxweynaha iyo gudoomiyuhu isla meel dhigeen balse ay ka gaabsadeen inay ku
xusaan qoraalkii ay saxiixayeen sababo la xiriira inay caro kala horyimaadaan
qaar ka mid ah qabqablayaasha dowlada ku jira waxayna wararku intaas ku
darayaan inay labada mas`uul ku heshiiyeen in masuul kasta kooxdiisa dib ugu
laabto kana dhaadhiciyo labada qeybood ee heshiiska ee midna la shaaciyey midna
la qariyey.
Yaa ka Hor Imaankara Heshiiskaan.
Ka warqabayaalka siyaasadda Soomaaliya oo aan falanqeyn iswaydaarsanay waxaa
ay tibaxayaan in heshiiskaan ay ka hor imaankaraan xubno ay ugu horeeyaan
Ra`iisul-wasaare Cali Maxamed Geeddi oo walwal-badan ka qaba haddii uu dhaco
kulan uu baarlamaanku u dhan yahay inay ka aarsan doonaan xubno badan oo ka mid
ah labada golle oo ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar waxaana jirtay in kooxda
Muqdisho ay mudo raadinaysay tirade uu ku qabsoomi karo baarlamaanku si ay codka
kalsoonida ugu qaadan ra`iisul-wasaare Geeddi oo laftiisu intuu uu taaagnaa
khilaafka xubnaha labada golle ka qeybqaatay kala fogaanshaa labada dhinac.
Maxamed Cumar Xabeeb oo awood siyaadeed iyo muuqal weyn ku helay joogi-taanka ay
Jowhar joogaan madaxweyanaha iyo wasiirka koowaad iyo qaar ka tirsan xubnaha
labada golle ayaa khatar weyn asaguna ku noqon kara taaba galka heshiiskaan
haddii uu urko in heshiiskaani keeni karo in miisaankii siyaasaddeed iyo
dhaqaalihii ay Jowhar hanatay loo wareejinayo mid ka mid ah magaalooyinka
Soomaaliya tiiyoo ay weheliso khilaaf waayahanba lahadal hayey oo ka dhex jirey
madaxweynaha iyo Maxamed Dheere oo aan la gaban faragalinta joogtada ah ee uu
kahayo hawl-maalmeedka dowladda asagoon xildhibaan iyo wasiir midna ka aheyn.
Qab-qablayaasha Muqdisho oo ay ka midyihiin Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi
Yalaxo, Cusmaan Xasan Cali Caato, Yuusuf Siyaad Indhacade haddii ay dareemeen
inuu gudoomiyaha baarlamaanku tanaasul-weyn ka sameeyey qodobadii ay horey
uguwada socdeen ee ay ku diidanaayeen kooxda Madaxweynaha waxaa ay sameyn karaan
jilaaffo ay ku fashilin karaan heshiiskaas, waxaana haddaba shaki weyn muujiyey
inaysan illaa hadda ka hadlin soo dhaweynta heshiiskaas xildhibaan ku sugan
magaalada Muqdisho oo aan wax ka weydiiyey sida ay qabqablayaasha Muqdisho u
arkaan heshiiskaan Cadan waxaa uu i xaqjiiyey inay shaki badan muujinayaan balse
waxaa la oggaan doonaa markii uu Shariif Xasan dib ugu laabto magaalada Muqdisho.
Col:
Bare Hiiraale oo dhawaanahan wadey wax uu ugu yeeray dhexdhexaadinta xubnaha
labada golle waqti badan iyo xoogg badana galiyyey sidii uu shirka
dhex-dhexaadinta labada dhinac uga dhici lahaa magaalada kismaayo asagoo ciyaarayey
siyaasad meel-dhexe una ku doonayey inuu ku muujiyo muuqaalkiisa siyaasadeed iyo
ahmiyadda magaalada Kismaayo uuna ku kasbado sumcad siyaasadeed iyo dhaqaalo soo
gala magaalada Kismaayo ayaa u muuqda in dadaalkiisii uu heshiiskaan Cadan
dhaawac weyn gaarsiiyey hadduusan-ba gabi ahaan hindisihii Barre Hiiraale meesha
kasaarin waxaana suurta gal noqonkarta inuu Barre Hiiraale lug jiido heshiiskaan
haddii aysan haddaba labada masuul kusoo heshiin in kulanka baarlamaanku ka
dhaco Kismaayo inkastoo warar aan dhinacna u dhicin tilmaamayaan
suurta-galinimada shirka baarlamaanku in lagu qabto Baydhabo ama kismaayo taas
oo ka mid ah qodobada shaacinteeda ay dib u dhigteen madaxwenaha iyo
gudoomiayah baarlamaanku.
Maxaa Haboon Hadda: Waxaa jirta
maahmaad Soomaaliyeed oo oranayna “ Aan wadahalno waa Aan heshiino”
inkastoo heshiiska xooggiisu uu ugacanta ugu jiro xubnaha labada golle iyo
madaxdooda oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka iyo
wasiirka ayna masuuliyada koowaad ee xalka gaarista mushkilada oogan ku
dhacayso xubnaha labada golle iyo madaxdooda haddana waxaa lagama maarmaan ah in
wax garadka, siyaasiyiinta ,culumo aw-diinka aqoonyahanadu intuba ay taageeraan
bilowgaan iyo al-baabkaan wadahalada ee furmey hadda.
Innigoo maanka ku hayo inay dadbadan oo xog-ogaal ahi qabaan dareen iyo saadaal
muujinaysa inaysan xubnahna labada golle iyo madaxdooduba wali u bisleyn inay si
dhab ah u jawahaan dhibaatada 16 jirsatay ee haysata dalka iyo dadka
Soomaaliyeed haddana waxaa waajib diini ah inaysan dadku ka quusan latacaalka
mushkiladda ummaddeed ee markaas haysata waana habboontahay haddii kuwaas
illahay ugartay inay qaataan masuuliyadii shacabka Soomaaliyeed in haddii ay
suurta gal tahay wax lala dhoodhoobo, Heshiiskaana loo arko bilow fiican illaa
inta laga gaarayo meeshii ay ku dhiiqan jireen
W.Q C/Shakuur
Cali Mire
London,uk
shakuur@somtv.net
Faallo: Madxada Dowladda Oo Labo qeybood oo Hubaysan Iskaga hor Imaan doonta.
Maqaalkii
C/Shakuur Cali Mire...
Guji...
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 7, 2006
|