
Barnaamijkii Radio Xoriyo
06 January
2006
Ogaadeenya: Dagaallo cadowga lagu jabiyay.
Sharikada Yara oo qandaraas weyn ka heshay
Meles.
Madaxii mucaaradka oo la diiday in damiin
lagu sii daayo.
Dagaallo Bakool ka dhacay oo Itoobiya ku
lug-lahayd.
======================
Dagaallada u dhexeeya ciidammada xoreynta
Ogaadeenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ayaa si joogta ah uga dhaca dhammaan
geyiga Ogaadeenya, waxaana dagaalladaas ugu denbeeyay kuwan soo socda;
08/12/05 dagaal ka dhacay meesha lagu
magacaabo Dhanqo oo Fiiq ka tirsan, waxaa cadowga lagaga dilay 2 askari, 3
kalana waa lagaga dhaawacay.
15/12/05 dagaal ka dhacay Gurdumi waxaa
cadowga lagaga dilay 5 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
17/12/05 waxaa weerar lagu qaaday kolonyo
baabuur ah oo cadowgu leeyaha, kuwaasoo marayay Daratoole, oo gobolka Doollo
ka tirsan, waxaana weerarkaas lagu dilay 18 askari, 21 kalana waa lagu
dhaawacay.
18/12/05 Araweelo, oo gobolka Doolka Doollo ka
tirsan, dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 17 askari, 19 kalana waa
lagaga dhaawacay.
20/12/05 Dhiya, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa
dagaal ku dhex-maray ciidammada gumaysiga Itoobiya, ka dib markii ay amarka
kala qaadan waayeen, waxayna halkaas iskaga dileen inta la ogyahay 10 askari.
20/12/05 Siraa-Gole, oo Fiiq duleedkeeda ku
taalla, dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa
lagaga dhaawacay.
20/12/05 dagaal ka dhacay magaalada Xamaro
waxaa cadowga lagaga dilay 4 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
23/12/05 Bulxan, oo Dhagaxbuur ka tirsan,
waxaa cadowga lagaga gubay hal baabuur, waxaana ku dhintay kornaylkii
xukumay ciidammada Dhagaxbuur iyo 3 askari oo kale. Waxaa sidoo kale ku
dhaawacmay 3 askari.
24/12/05 Huuraale, oo Dhagaxbuur ka tirsan,
waxaa cadowga lagaga gubay baabuur Uuraal ah, isaga iyo wixii saarnaana
waxba kama bixin. Waxaa sidoo kale halkaas ku banjaray baabuur kale oo midka
la gubay daba-socday, kaasoo badhtanka u fadhiistay holaca baabuurkii ka
horreeyay. Baabuurkan denbe, isagoo dhaawac xun soo gaadhay ayaa halkaas
laga jiiday.
27/12/05 Garasley, oo Nogob ka tirsan, dagaal
adag oo muddo dheer socday ayaa ka dhacay, waxaana halkaas cadowga lagaga
dilay 45 askari. Inta la ogyaha waxaa ka dhaawacantay 35 askari.
30/12/05 Yucub iyo Qamuuda dhexdooda waxaa
cadowga lagaga gubay baabuur Uuraal ah, waxaana halkaas ku bas-beelay
baabuurkii iyo wixii saarnaa.
Sharikada Yara oo qandaraas weyn ka heshay
Meles.

Yara Prize to Prime Minister Meles Zenawi
Ururka
Ethiopian-Americans for Democracy
ayaa Aug 19, 2005 waxay warqad cabashado ah u direen madaxweynaha
jaamacada Columbia University ee ku taal magaalada New York, USA,
warqadaas oo ay ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin in bilada la
sheegay in shirkadda YARA (NORWAY) ay siineyso Zenawi in ay lug ku
leeyihiin Profosooro ka tirsan Jaamacadaas. Waxana ay qoraalkooda ku
xuseen in Profosoor katirsan jaamacaadaas uu magaalda Oslo, Norway
billada ku guddoon siin doono Zenwi, sidoo kale waxay qoraalka ku
xuseen in profosoor kale oo jaamacdaas ka tirsan uu xubin ka yahay
guddiga gudiga shirkada YARA ee bilada bixinaya. Waxayna Jaamacada
ugu baaqeen in ay magaceeda lug kuyeelan xaaladaas magac xumada ah.
Waxaa biladaas la sheegay in Zenawi lagu gudoon siin doono magaalada
OSLO September 3, 2005.
Ururka Ethiopian-American for
Democracy waxa ay xuseen sida uusan Zenawi ugu qalmin in billad
noocaas ah la siiyo, ayagoo xusay in doorashadii May 15, 2005 ee ka
dhacday Itoobiya markii ay dadweynuhu u codeeyeen diidmo qayaxan oo
ay ku diideen xusunka Zenawi, in uu dalka kusoo rogey amar degdeg
ah. Waxa kale oo ay xuseen in June 8 uu Zenawi amar ku bixiyey
xasuuqii 36 qof oo si nabad ah ugu mudaharaadayey Addis Ababa.
Guji Halkan....:
SHIRKADA YARA:::: waa
shirkad reer Norway oo samaysa waxyaabaha lagu bacrimiyo beeraha ee
loo yaqaan (Fertilizers) loogu talo galay in dhirtu ku kobcaan.
Also Read:
Update from Anti-Yara Award Commette.
MUDAHARADAKII NORWAY |
Saddex bilood oo kaliya ka dib markii ay
shirkada bacriminta dhirta ee Yara oo laga leeyahay dalak Norway ay siisay
keligii taliye Meles Zenawi abaalgudkii khilaafka wayn dhaliyay, kaasoo ay
sheegeen inay ku siiyeen maamul wanaag, ayaa hadda sharikada Yara waxay
nasiib u heshay qandaraas muhiim ah oo ay ka heshay Itoobiya.
Qaybo ka mid ah qandaraaska waxay sharikada
Yara heshay, ka dib markii la sheegay inay ku guulaysatay tartan
qandaraaskaas loo galay bishii disember ee sannadkii hore. Qandaraaskan
wuxuu qiimihiisu gaadhayaa 14.2 milyan oo doollarka maraykanka ah.
Sharikada Yara waxay qandaraaskan heshay, ka
dib markii ay seddex bilood ka hor keligii taliye Meles Zenawi siisay
abaalgud qiimihiisu gaadhayo 200.000 oo doollarka maraykanka ah. Abaalgudkan
ayaa si wayn loo dheleeceeyay, waxaana sharikada Yara lagu eedeeyay inay
abaalgudkaas laaluush uga jeeday, isla markaana ay doonaysay in qandaraaskan
la siiyo.
Ururrada caalamiga ah ee sharikada Yara
abaalgudka ay Zenawi siisay ku canbaareeyay waxaa ka mid ahaa ururka
xuquuqda aadanaha daneeya ee Amnesty International, oo canbaarayntiisa sabab
uga dhigay xaaladda xuquuqda aadanaha ee Itoobiya oo ah mid aad u liidata,
isla markaana ay xukuumadda Zenawi si wayn ugu tumato xuquuqul insaanka.
Sharikada Yara waxay siin doontaa aaladaha
bacriminta dhirta iyo daaqa laba shirkadood oo xukuumadda leedahay oo u
qaybin doona beeralayda gobolka Orormada, iyadoo aaladahan bacriminta ah loo
adeegsan doono cadaadis siyaasadeed oo la saaro beeralayda Oromada ah.
Cilmi baadhe ka tirsan Jaamacadda Oslo, oo ku
takhasustay arrimaha Itoobiya oo u warramayay saxaafadda Norway ayaa sheegay
in xaalada Itoobiya ay aad u qasan tahay, intii abaalgudka la siiyay Meles
Zenawina la xidhxidhay 40,000 oo mucaarad ah, kuwaasoo wali jeelasha lagu
hayo. Wuxuu kaloo tilmaamay sida ay beesha caalamku uga biya-diidsan tahay
siyaasada Zenawi, isagoo farta ku fiiqay in Midowga Yurub uu joojiyay
adduun gaadhaya 375 milyan oo doollar oo uu Itoobiya ugu deeqi lahaa.
Madaxii mucaaradka oo la diiday in damiin
lagu sii daayo.
Maxkamada fadaraalka Itoobiya ayaa arbacadii
diiday codsigii madaxda mucaaradka iyo suxufiyiinta xidhxidhan ee ahaa in
damiin lagu sii daayo. Maxkamddu waxay diiday in lacag lagu damiinto 129 qof
oo isugu jira madaxdii xisbiga mucaaradka ah ee CUD, suxufiyiin iyo dad u
dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuqul insaanka, oo loo haysto denbiyo ay ka mid
yihiin khiyaamo qaran, gumaad iyo denbiyo kale oo khatar ah.
Dadkan ayaa intooda badan xabsiga ku jiray tan
iyo billowgii bishii Nofember eek al hore, waxaana la qaqabtay markii ay
dhaceen shaqaaqooyinkii ka dhashay musuqmaasuqii ay xukuumaddu ku samaysay
doorashadii May.
Madaxda CUD ayaa iyaguna dhinacooda sheegay
inayna maxkamadda aqoonsanayn, waxayna xukuumadda ku eedeeyeen inay u
samaysay denbiyo ayna galin oo beenabuur ah.
Dagaallo Bakool ka dhacay oo Itoobiya ku
lug-lahayd.
Wararka ka imanaya magaalada Xudur ee Gobolka
Bakool ee dsalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalladii ka socday deegaanka
Tiyeglow ee Gobolka Bakool ay ka dambeyso xukuumadda keligii taliye Meles
Zenawi.
Dagaalkan oo u dhexeyay labo beelood oo wada dega Gobolka Bakool ayaa
geystay khasaaro isugu jira naf iyo maal, wuxuuna dagaalkaasi ku faafay
dhammaan dhinacyada deegaanka Tiyeglow ee Gobolka Bakool.
Mid ka mid ah beelihii isku heystay deegaanka Tiyeglow ayaa xukuumadda
Itoobiya ku eedeysay inay hub iyo saanad millatari soo siisay beeshii kalee
ay is-hayeen, wexayna beeshaasi xukuumadda Itoobiya u soo jeedisay inay
faragalinta ka dayso deegaanka Tiyeglow ee Gobolka Bakool.
Mana aha markii ugu horraysay ee xukuumadda Itoobiya lagu eedeeyo inay hub
sharci darro ah soo galiso dalka Soomaaliya. Warbixino badan oo hay’ado
caalami ahi sameeyeen ayaa lagu sheegay in Itoobiya hub soo galiso dalka
Soomaaliya, isla markaana isku hubayso kooxaha soomaaliyeed ee xurgufaha
siyaasadeed ka dhexeeyaan.
Radio
Xoriyo
06 January 2006.
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay
9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 6, 2005
|