C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Heshiis ku
kala saxiixday magaalada Cadan
C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo kala
saxiixanaya heshiis (Jan 5, 2006)
Khamiis Janaayo 5, 2006: Madaxweynaha DFKMG,
Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan
Sh. Aadan, ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan ee dalka Yemen,
heshiiskaas oo ah in ay soo afjaraan xurguftii u dhexeysey labada garab ee
Dawlada Federaalka ee Jowhar iyo Muqdisho.
Heshiiskaasi waxa ku xusan in 30 beri gudohood
uu baarlamaanka FKMG ah markii ugu horeysey ku shiro meel ka tirsan gudaha dalka
Soomaaliya.
Laakiin heshiisku ma xusin meesha ay dawladu
degi doonto.
Sida laga soo xigtey warbaahinta Yemen, waxaa
heshiiska ku cad in hoggaamiyayaasha labada dhinac ee heshiiskani dhex maray in
ay qadariyaan xeerarka u deggan dawladda Federaalka ah ee kumeel gaarka ah iyo
axdiga qaranka.
Waxa kale oo heshiiskani xubnaha dawlada
Soomaaliya ugu yeeray in ay dhinac iska dhigaan muranka iyo is qabqabsiga u
dhexeeya oo ay ku dadaalaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen wada jirka iyo in ay
danta qaranka muhiimada oo dhan siiyaan.
Waxaa heshiiska ku cad in beesha caalamka la
weydiisanayo in ay heshiiska Cadan taageeraan.
Saxiixa heshiiskan waxaa goob joog ka ahaa
madaxweynaha dalka Yemen.
Madaxweynaha Dalya Yemen, Cali Cabdallah Saalax
waxa uu dawlada Federaalka KMG ee Soomaaliya ugu baaqay in ay dawlada u raraan
magaalada Muqdisho. Waxa kale oo uu kooxaha hubaysan ugu baaqay in ay hubkooda
ku jeediyaan dhismaha dalka. Dadka Soomaaliyeedna ay wixii hore ka dhigaan wax
tegey.
Warbixin dheeraad ah ee Heshiiska Cadan iyo
qodobada heshiiska oo Af-Igiriisi ah hoos ka akhri
Isha: Yemen Observer | Sawirada: Yemen Observer
iyo Reuters |
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Jan 5, 2006
C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo
heshiis rasmi ah ku kala saxiixday Cadan
C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan
oo si wada jir ah Sanca ugu qabtay warsaxaafadeed
Jan 5, 2006: Madaxweyne C/laahi Yuusuf
Axmed iyo guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa
madaxtooyada dalka Yemen ee Cadan ku kala saxiixday heshiis rasmi ah oo
lagu soo afjaro hal sano iyo lix bilood khilaaf u dhaxeeyey xubnaha
dowladda kaas oo soo bilowda 17-kii Maarso 2005-ta kaddib markii ay
xubnaha labada gole isku khilaafeen in dalka la keeno ciidamo shisheeye
iyo qodobo kale ayaa heshiiska ay shalay kala saxiixdeen labada mas’uul
ka soo shaqeeyey madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo isagu
shalay goob joog ka ahaa heshiiskaasi.
Qodobada lagu heshiiyey ayaa waxaa ka
mid ah in xubnaha labada gole ee dowladda ay ku shaqeeyaan caasimadda
Soomaaliya ee Muqdisho , iyadoo maadaxweynaha uu Muqdisho imaanayo marka
ay noqoto Muqdisho goob nabdoon sidoo kale waxaa qodobada ka mid ah in
muddo 30-maalmood gudahood ah ay xubnaha baarlamanka kulan ku yeeshaan
dalka gudahiisa ama meeshii nabdoon balse farta laguma fiiqin goobta uu
ka dhacayo.
Qodobada kale ee ay madaxweynaha iyo
guddoomiyaha baarlamanka ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in loo
hawl galo sidii la isaga iloobi lahaa waxyaabihii hore u dhacay ee dhex
maray xubnaha labada gole ee dowladda waxaa loogu baaqay xubnaha labada
gole in ay ka shaqeeyaan sidii ay dowladda ugu talaabsan laheyd nabad
iyo xasilooni ka dhacday guud ahaan dalka.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo ka halday
kulankaasi waxaa uu ballan qaaday in heshiiskaani uu ka dhaadhicin doono
xubnaha labda gole ee ku fikirka ah sidoo kale guddoomiyaha baarlamanka
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wuxuu sheegay in uu heshiiskani ka
dhaadhicin doono xubnaha dowladda ee ku sugan Muqdisho, sidoo kale waxaa
kulankaani ka hadlay madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo u
soo jeediyey xubanah dowladda in ay yeeshaan kala dambeyn waayo ayuu
yiri “Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre wuxuu ahaa
nin dalka isku hayey lagana wada dambeeyey waxaana la idinka rabaa in
aad kala yeelataan kala dambeyn iyo is tixgelin taas ayey ku imaan
kartaa dowladnimo.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda
federaalka ah C/laahi Sheekh Ismaaciil iyo wasiirka Hidaha iyo Tacliinta
sare Xuseen Max’ud Sheekh Xuseen oo iyagaana ka qeyb galay heshiiskaasi
una waramayey saxaafadda ayaa waxaa ay sheegeen in madaxweynaha iyo
guddoomiyaha baarlamanka ay daacad ka tahay fulinta hawshaasi.
Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi oo
haatan ku sugan magaalada Jowhar ayaa si aad ah u soo dhaweeyey
heshiiskaasi kuna tilmaamay mid taariikhi ah oo isku keenaya xubnaha
dowladda waxaa kaloo heshiiskaani ka hadlay afhayeenka xubnaha labada
gole ee Muqdisho Cumar Xaashi Aadan, waxaana uu sheegay in dhinacooda
muddo ay sugayeen in la soo afjaro khilaafka xukuumadda dhinaca kale
dowladda Talyaaniga ayaa iyana si aad ah u soo dhaweysay heshiika ay
wada gaareen madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka waxaana ku
dhawaaqay wasiirka ku xigeenka arrimaha dibadda ee Talyaaniga oo shalay
soo gaaray magaalada Jawhar wuxuuna heshiiskaasi ku tilmaamay mid
Soomaaliya u horseedaaya dib u heshiisiin dhab ah.
W/D: Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
|
Heshiiskii Cadan oo ka kooban shan qodob ee ay
ku kala saxiixdeen Cabdullaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo ku qoran Af-Igiriisi
hoos ka akhri...[Xusuus: Weli DFKMG ahi ma soo bandhigin heshiiskan oo ku qoran
AfSoomaali, qaybtan heshiiska ee Af-Igiriisiga ah oo ah heshiiska waxaan ka soo
xiganey warbaahinta Yemen...]
Heshiiska Caden oo
dhamaystiran oo ku qoran PDF ka eeg halkan... GUJI...
ADEN DECLARATION
president of Somalia (L), President of Yemen (C) and the Speaker of the
Transitional Federal Parliament of Somalia (R)..
Under the blessing invitation of H.E
President Ali Abdullah Saleh of Yemen, a dialogue took place between H.E
Abdullahi Yusuf Ahmed, president of Somalia and H.E Sharif Hasan Sheikh,
the Speaker of the Transitional Federal Parliament of Somalia. They held
direct talks and dialogue which took place in Aden during January 2-4,
2006.
The president of Federal Republic of
Somalia and the speaker of the parliament:
- Conscious of the primary importance of the national interest of the
Somali people over any other issue.
- Deeply behaving in the pursuance of the dialogue started under the
auspices of H.E Saleh with the view of reconciling the differences of
opinion among the members of the institutions of the state;
- Guided by the provisions of the Transitional Federal Charter of
Somalia;
- Believing that all sacrifices and unlimited efforts should further be
made to restore security and stability in Somalia;
- Considering and showing full response to the relentless efforts of H.E
Saleh to ensure that Yemen
- Of all divergences which have existed among the Transitional Federal
Institutions of the State;
- Have agreed to issue this declaration, with the following provisions:
1. That both leaders have reached
to start a new page and end their differences, which have brought
serious damage to the discharge of the duties and responsibilities of
the institutions, in an spirit of cooperation on which the Somali people
were spinning their highest hopes.
2. That both leaders have agreed
the necessity that interactive coordination among the organs of the
state should be based fully on the total respect of the principles and
norms of the Transitional Federal charter, in a manner characterized by
constant consultations and respect to the constitutional separation of
powers.
3. That the Transitional Federal
Parliament should be called upon for an official session that shall be
held within 30 days from today, inside the country in a venue to be
agreed upon.
4. That both leaders jointly call upon the members of the
Parliament and Government to put aside their fruitless squabbles and
differences, urging them to unite, placing the supreme interest of the
nation above other interests, while appealing to them, for their full
cooperation in fulfilling the provisions of this declaration.
5. That the International
Community fully supports the efforts to convene the first ordinary
session of the Parliament to be held inside the country.
The President of the Somali Republic and the Speaker of the Parliament
of the TFP, address jointly a vibrant appeal to the Somali people to
contribute towards the implementation of self-disarmament, putting to an
end to their conflicts and differences using all peaceful means of
mutual respect and dialogue.
They also appeal to the International
Community to extend an emergency aid to areas and regions of Somalis
which are now suffering from severe drought.
The president of Somalia and the
speaker of the TFP (Transitional Federal Parliament ), jointly address ,
on behalf of the Somali people ,deep thanks and gratitude to H.E. Ali
Abdulla Saleh for the brotherly role he has displayed in a sincerely
effort to solve the protracting crises that the Somali people had been
confronted with.
Heshiiska Caden oo
dhamaystiran oo ku qoran PDF ka eeg halkan... GUJI...
|
WARARKA MAANTA: JAN 5,
2006
- Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee
Soomaaliya oo UAE uga tacsiyeeysay Geerida Ra'isul wasaarihii Imaaraadka,
-
C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan heshiiskii ay shalay wada.saxiixi
lahaayeen oo dib u dhac ku yimid.
- Xubno
ka tirsan Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo istiqaalad u gudbiyey..
-
C/risaaq Max’ed Xalane “waa in laga hor yimaadaa kuwa siyaasadda ku
fashilmey…”
- Max’ed
Dheere oo si dhaqsi leh ugu laabtey Magaalada Jowhar ka dib.
- Nin u dhashay
Wadanka Ciraaq oo ku xiran Xabsiga Mgaalada Jowhar..
- Ra’isul Wasaare
Cali Max’ed oo baaq u direy Hayadaha samafalka..
-
Xubnaha ku sugan Magaalada Jowhar oo sheegay in uusan waxba soo kordhineyn
heshiiska....
C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo
Khamiista (Jan 5, 2006) Heshiis ku kala saxiixan doona Yemen
Tarjumadii SomaliTalk.com Yemen |
Wararka
ka imanaya magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday in
madaxweynaha Dawlada Federaalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo
guddoomiyaha baarlamaanaka FKMG ay Arbaca (Jan 4, 2006) heshiis kama
dambays ah ku gaareen dalka Yemen, heshiiskaas oo ah in la soo afjaro
khilaafkii u dhexeeyey labada garab ee dawlada (Jowhar & Muqdisho), isla
mar ahaantaasna dawlada Kumeelgaarka ah loo raro magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo
Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aaden waxa ay maalmahan
wada hadal ku lahaayeen magaalada Cadan ee dalka Yemen.
Waxaa wararaku intaas ku dareen in
Madaxweyne C/Laahi iyo Shariif Xasan ay isla gaareen heshiis rasmi ah,
heshiiskaasna la saxiixi doono maalinta Khamiista, waxaana saxiixaas
goob joog ka noqon doona madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax
oo in dhoweydba ku jirey dhexdhexaadinta labada garab ee dawlada FKMG.
Warar dheeraad ah oo ka imanaya dalka
Yemen ayaa tibaaxay in heshiiska ka dib kulanka ugu horeeya ee
baarlamaanka FKMG ee Soomaaliya lagu qaban doono magaalo aan weli la
cayimin, waxaana loo malaynayaa in ay noqon doonto Baydhabo ama Kismaayo.
Dhanka kale waxaa saraakiil reer Yemen
ah laga soo xigtey in marka hore ay wasiirada iyo xildhibaanada DFKMG ah
ay tegi doonaan magaalada Muqdisho ka hor inta aan madaxweyne
Cabdullaahi uusan tegein Muqdisho. Waxaana wararku intaas ku dareen in
uu madaxweynuhu sii joogi doono magaalada Jawhar ilaa uu ka xaqiiqsanayo
amaankiisa Muqdisho.
Dalka Yemen
dhawr jeer
ayuu isku deyey in uu dhexdhexaadiyo labada garab ee dawlada ee kala
joogey Jowhar iyo Muqdisho. Waxaana wararku hadda muujinayaan in ay
Yemen uu muuqato in ay ku guulaysatey markaan in ugu yaraan ay isa
salaamaan labada hoggaamiye (Jowhar & Muqdisho), kuwaas oo shacabka
Soomaaliyed ay ka sugayeen in ay u horseedaan nabad gelyo, colaadana soo
afjaraan.
Dowladda
Federaalka KMG-ka ah ee Soomaaliya oo UAE uga tacsiyeeysay Geerida
Ra'isul wasaarihii Imaaraadka, ahaana madaxweyne ku-xigeenkii.
Ra'isul
Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda soomaaliya
Prof Cali Maxamed Geedi ayaa Tacsi u diray Dowladda Imaaraadka Carabta
iyo shacabkeedaba, isaga oo uga tacsiyeeyay Geerida Ra'isul wasaaraha
UAE, islamarkaana ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii Marxuum Shiikh Maktuum
Bin Rashiid Almaktuum, oo ku geeriyooday wadanka Australia.
Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Prof
Cali Maxamed Geedi ayaa muujiyay sida ay uga tiiraan yeeysan tahay Dowladda
Soomaaliya geerida ku timid Ra'isul wasaaraha UAE, waxana uu xusay in uu uga
tacsiyeeynayo shacabka iyo dowladaba.
Waxana uu sheegay Prof Geedi in uu ahaa
shaqsi ku weyn dalalka Islaamka oo dhan, wax badana ka shaqeeyay sidii loo
caawin lahaa u madda soomaaliya, oo ay walaalo yihiin shacabi weynaha
Imaaraadka Carabta.
Ra'isul wasaare Geedi ayaa haatan ka hor
sidoo kale ka qayb galay tacsidii loo sameeyay hogaamiyihii Imaaraadka
carabta oo horaantii sanadkii tagay isna geeriyooday.
Xigasho: Xafiiska Ra'isul wasaaraha, waaxda
warbaahinta.
Xubno ka
tirsan Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo istiqaalad u gudbiyey..
Warar hoose oo
aanu helnay waxay sheegayaan in Shan xubnood oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee
dhawaan la magacaabay ay istaqaaladoo-dii u gudbiyeen Gudoomiyaha Golaha
Deegaanka Maxamuud Cumar Tootoow.
Inkastoo aanan
helin magacyada rasmiga ah ee shantaa xubnood ayaa waxa ay istaqaaladoodii sabab
uga dhigeen kaddib markii kala qaybsanaan xoog leh soo kala dhex gashay xubnaha
Golaha Deegaanka gaar ahaan doorashadii Guddoomiyaha, sidoo kale waxa ay
sheegeen in doorashadaasi ay sababtay in dib loo soo celiyo isbaarooyinkii
yaalay Magaalada Muqdisho qaarkood, kuwaas oo ay sheegeen in ay dhibaato ku
hayaan bulshada Soomaaliyeed iyo Gaadiidkaba.
Shantaan xubnood
ayaa iyagu horey uga qaybgelin doorashadii Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee
khilaafku ka dhashay, waxaana la sheegay in Guddoomiyaha Golaha Deegaanka uu
haatan ka fiirsanayo in uu istaqaalada ka aqbalo Golaha Deegaanka. Maalmaha soo
socda ayaa la ogaan doonaa cidda ay yihiin shantaa xubnood ee istiqaalada u
gudbiyay Guddoo-miyaha Golaha Deegaanka ee Gobalka Banaadir.
C/risaaq Max’ed
Xalane “waa in laga hor yimaadaa kuwa siyaasadda ku fashilmey…”
C/risaaq Max’ed Xalane oo ah
Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobalka Banaadir waxa uu si aad ah uga hadlay
Isbaarooyinka ku soo siyaaday Magaalada Muqdisho oo dhibaatada ku haya Bulshada
Soomaaliyeed iyo Gaadiidkaba, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yiri “Waxaan
ugu baaqayaa Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Banaadir in ay ka hor
yimaadaan kuwa Siyaasadda ku fashilmay, ee diiday 16-sano in maamul loo sameeyo
Gobalka Banaadir, iyaguna ay sameystaan hogaan mideysa” C/risaaq oo hadalka sii
wata waxa uu intaa sii raaciyay “way dhamaatay xiligii dadka lagu beerlaxowsan
jiray hebel iyo hebel baa idinka hor joognaa, dantiina ayaan ka shaqeynayaa iyo
ereyo kale oo la mid ah”.
C/risaaq waxaa kalloo uu
sheegay in dadka ay leeyihiin waan idinka hor joognaa, waxay sameysteen maamulo
dadkoodana waxay ku jiraan nabad iyo barwaaqo, waxaana xaqiiqo ah in ay haboon
tahay in la taageero kuwa ay nagu cabsi gelinayaa, sababtoo ah waxay dhiseen
maamulo si kastaba ha u shaqeeyeene.
“Weligeed ma aysan dhicin
Isbaaro ku saleysan dhib lagana dhigtay siyaasad lagu korkortamo” ayuu yiri C/risaaq
oo intaa raaciyay waxay markii hore ka dhiidhiyeen in C/llaaahi Yuusuf iyo
xubnihiisa kale ay jabiyeen dastuurkii, waxaa la yaab leh, dastuurkii Gobalka
Banaadir ay u degsadeen oo ka koobnaa 31-ka qodob ay maalin cad jabiyeen, taasoo
ay macnaheedu yahay in ay yihiin dad aan rabin wax nadaam ah in uu yimaado, ugu
dameyntii waxa uu u soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool
Gobalka Banaadir in ay sameeyaan banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan kuwii 16-ka
sano ay u afduubnaayeen, oo dhega xumada iyo ceebta ku raray.
Max’ed Dheere
oo si dhaqsi leh ugu laabtey Magaalada Jowhar ka dib.
Max’ed Cumar
(Max’ed Dheere) oo ah Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe ayaa deg deg ugu soo laabtay
Magaalada Jowhar kaddib markii uu labo maalmood ku maqnaa Magaalada Nairobi ee
dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo kula soo yeeshay Saraakiil ka socotay
safaaradda uu Mareykanka ku leeyahay Dalka Kenya, waxaana kulankaasi la iskula
soo qaaday sidii xiriir Iskaashi uu u dhex mari lahaa iyaga iyo Guddoomiyaha
Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere oo la xiriira dhinaca waxa loogu yeeray
Argagixisada.
Max’ed Dheere waxaa kalloo uu
Magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha
dibadda ee dalka Talyaaniga oo ay isla soo qaadeen sidii Dowladda Talyaaniga ay
gacan u siin lahayd Dowladda Federaalka isla markaana ay mashaariic uga hirgelin
lahayd Magaalada Jowhar.
Wasiir ku xigeenka ayaa la
filayaa in uu maanta soo gaaro Magaalada Jowhar, waxaana haatan Magaalada Jowhar
ka socda diyaargarow loogu jiro soo dhaweynta Wasiir ku xigeenka.
Nin u dhashay Wadanka
Ciraaq oo ku xiran Xabsiga Mgaalada Jowhar..
Wararka naga soo gaaraya
Magaalada Jowhar waxay sheegayan in xabsigaa Magaalada Jowhar uu ku xiran yahay
Nin u dhashay wadanka Ciraaq laguna magacaabo Cali Miqdaar Al-Taksiisi.
Ninkaasi oo mudo taban
maalmood ah ku jira xabsiga Magaalada Jowhar, ayaa waxaa la sheegay in
xaaladdiisa caafimaad laga deyrinayo, lamana garanayo sababaha ninkaasi loo
xiray, waxaana wel wel ka muujinaya eheladiisa oo ku sugan Magaalada Muqdisho,
waxayan ka codsadeen Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha iyo Shacabka Soomaaliyeedba
siideynta niknaasi ciyaarqiga ah.
Ciraaqiyiin fara badan ayaa ku
sugan dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho, kuwaas xoogoodu soo qaxeen markii uu
Mareykanku duulaanka ku qaaday dalka Ciraaq saddex sano ka hor, waxayna isugu
jiraan Takhaatiir, Injineero, iyo iyagoo qaarkood Muqdisho ka furtay Maqaayado,
waxaana dhowr jeer lagula kacay afduub, iyagoo qaarkood loo gacan geliyay
Dowladdu shisheeye kaddib markii la sheegay in ay xiriir la leeyihiin
argagixisada balse markii dambe la sii daayay markii lagu waayay wixii lagu
tuhunsanaa.
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed
oo baaq u direy Hayadaha samafalka..
Qoraal ka soo
baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha ee Dowladda Federaalka ee Magaalada Jowhar ayaa
waxa loogu baaqay beelaha ku dagaalamaya Gobalka Bakool gaar ahaan deegaanka
Tiyeeglow in dagaalkaasi ay joojiyaan wixii khilaaf ahna ay ku xaliyaan wada
hadal iyo is afgarad.
Ra’isul Wasaaraha
waxa uu sheegay in waqtigaan aan loo baahneyn dagaal iyo iska hor imaad maadaama
qaar ka mid ah Gobalada Dalka ay ka jiraa abaaro iyo Biyo la’aan, wuxuu Ra’isul
Wasaaruhu u soo jeediyay Hay’adda Samafalka in ay gargaar deg deg ah la gaaraan
Gobalada ay saameysay abaaraha iyo Biyo la’aanta.
Ra’isul Wasaare
Cali Max’ed Geedi waxa kalloo uu sheegay in Dowladda ay ka go’an tahay in ay
waan waan dhex dhigto beelaha ku dagaalamaya Gobalada Bay iyo Bakool, gaar ahaan
deegaanka Tiyeeglow, balse waxa uu sheegay in loo baahan yahay in marka hore in
Odoyaasha ay kala dhex galaan labada Beelood ee dagaalku dhexeeyo,
Xubnaha ku
sugan Magaalada Jowhar oo sheegay in uusan waxba soo kordhineyn heshiiska....
Iyadoo Magaalada Cadan ee
dalka Yemen ay heshiis u fadhiyaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiye
Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa soo baxaysa kala aragti duwanaasho ku
saabsan xubnaha ku sugan Muqdisho iyo kuwa ku sugan Magaalada Jowhar.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa si hordhac ah loo
sheegay in qodobada ay ku heshiiyeen ay sal u yihiin in dhamaan xubnaha Dowladda
ay isugu yimaadaan casimada dalka ee Muqdisho, in Madaxweynuhu uu ka tanaasulo
ciidamada shisheeye ee dalka la keenayo, in xal loo heliyo xubnihii la
magacaabay iyo kuwii xilka laga qaaday intii uu jiray khilaafka Dowladda iyo in
talaabo kastoo oo ay Dowladu qaadeyso laga ansixiyo Baarlamaanka, iyadoo taas
bedelkeedana uu codsaday Madaxweynuhu in inta laga xasilinayo Magaalada Muqdisho
uu isagu sii joogi karo meel ka baxsan Magaalada Muqdisho taas oo Guddoomiyaha
Baarlamaanka sida wararku sheegayaan uu soo dhaweeyay.
Iyadoo ay sidaas tahay ayaa
Xubnaha ku sugan Magaalada Jowhar waxay siyaabo kala duwan uga hadleen
heshiiskaas, gaar ahaan tanaasulka uu Madaxweynuhu ka sameeyay tegintaanka
Magaala-da Muqdisho, iyadoo Wasiirka Dastuurka iyo Federaalka KMG ah Cabdalla
Deerow Isaaq oo la wareystay uu sheegay in uunsan ka warqabin wax heshiis oo ay
gaareen labada Mas’uul, waxa uuna sheegay in aysan iyagu diyaar u ahayn in
Magaalada Muqdisho ay xiligaan tagaan, waxa uu sidoo kale sheegay in haddii
Guddoomiyaha Baarlamaanka haddii uu tanaasulayo looga baahan yahay in uu shirka
Baarlamaanka uu ku guddoomiyo Magaalada Jowhar.
C/llaahi
Yuusuf iyo Shariif Xasan heshiiskii ay shalay wada.saxiixi lahaayeen oo dib
u dhac ku yimid.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed
iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan
Shiikh Aadan oo maalinti doraad ahayd heshiis ku
gaaray Magaalada Caddan ee dalka Yemen, ayaa
xafladdii heshiiskaasi ay ku saxiixi lahaayeen
maalintii shalay ahayd uu dib u dhac ku yimid,
kaddib markii ay siyaasadaasi codsatay Dowladda
Yemen oo iyadu dooneysay in heshiiskaasi ay goob
joog ka noqdaa dalalka Deeqda Bixiya,
Mareykanka, kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya iyo
Dowladaha deriska la ah Soomaaliya, waxaana
heshiiskaan ay xafladdiisu dhaceysaa maanta oo
Khamiis ah saacaddu markay tahay 1-da Duhurnimo
ee Waqtiga Yemen, iyadoo maalintii shalay ahayd
Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka ay ka
qaybgaleen xaflad qado ahayd oo ay soo
qaban-qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku
dhaqan wadanka Yemen. Heshiiska ay wada gaareen
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha
Baarlamaanka ayaa si weyn looga soo dhaweeyay
gudaha dalka, waxaana lagu tilmaamay mid soo
afjaraya khilaafkii Dowladda Ragaadiyay kaasoo
keenay in ay Dowladdu ay kala degto
Magaalooyinka Muqdisho iyo Johwar, waxaana
heshiiskaan soo qabanqabiyay Dowladda Yemen
waana markii labaad oo ay labada Mas’uul ee ugu
sareeya Dowlada Federaalka ay isugu keento,
iyadoo bishii Juun ee sanadkii hore ay ahayd
markii ay is arkeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif
Xasan.
W/D Amiin
Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 5, 2005
|