SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaflad sagootin ah oo loo sameeyay xulka Qaranka Soomaaliya..

Cabdi Qaybdiid “Waa dhamaatey xiligii la oran jirey Haddi kubaddu ku dhaafto yuusan ninku ku dhaafin “

Waxaa saakay (Nov 24) Hotelka Peace ee Magaalada Muqdisho ka dhacay xaflad si heer sare leh loo soo agaasimay oo lagu sagootinayay ciyaaryahanada xulka Qaranka K/cagta ee Soomaaliya ee ka qaybgalaya Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee 26-ka bishan ka furmaya Magaalada Kigali ee wadanka Rwanda.


Xulka oo lebisan

            Xafladdaas waxa ka soo gaybagalay mas’uuliyiinta ugu sareysa Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin ku simaha GOS C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow, Guddoomiye ku xigeenka arrimaha howl fulinta Aadan Xaaji Yabarow Wiish iyo Guddoomiye ku xigeenka GOS ee dhinaca xiriirada Xaaji Cabdi Cilmi Warsame, waxaana hadal uu xafladdaa ka soo jeediyay ku simaha GOS Abkow uu ku sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin ciyaarahayaas, isagoo ku guubaabiyay ciyaaryahanada xulka Qaranka in hadafkooda koowaad uu noqdo sidii ay u soo hoy lahaayeen guul wax ku ool ah.


Gool-haye  Bakiyaa

            “Waxaan idiin sheegayaa in aad iska ilaalisaan wax kasta oo qalad ah, anaguna ma dooneyno in aan maqalno hebel ayaa calaamada Cas   qaatay, hebelna waa caytamay, taasina waxay fool xumo ku tahay ciyaaryahankii sameeyay iyo dhamaan ciyaaryahanada kale, maxaa yeelay ma jirto wax ka wanaagsan adaabta qofka binim’aadamka ah, isku daya in mar kasta guusho ay xagiina ahaato, og soonaadana in la iga badi karo aadna badin kartaan” sidaa waxaa yiri Abkow oo la dardaarmaya cayaaryahanada Qaranka.


Xulka Qaranka

            Xoghayaha Guud ee xiriirka Soomaaliyeed C/qani Siciid Carab ayaa hadal uu halkaasi ku jeediyay waxa uu ku sheegay ka qaybqaadashada xulka Qaranka ciiyaaraha CECAFA ay gacan weyn ka gaysteen shaqsiyaad iyo shirkado Soomaali ah, wuxuuna sheetgay inay ka mid yihiin Shirkadda Diyaaradaha ee Afrca Air Express oo 40% qiima dhimis ku sameysay wafdiga iyo ciyaarayahanada Xamar ka baxay, Shirkadda Red Stone ee ka ganacsata Taayirada iyo Batariyada Baabuurta iyo Guddoomiyaheeda C/Qaadir Axmed Jaamac oo Xulka Qaranka ugu deeqay dhar labis ah iyo koofiyado iyo waliba taageero kale, Muuse Sujaac oo ah nin Soomaaliyeed oo degan wadanka Finland oo isna gacan weyn ka gaystay Maaliyadaha Xulka Qaranka, Faarax Weheliye Caddow Sindiko oo ah Guddoomiyaha GOS iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay Siciid Mukambe.


Bidix: C/Qani iyo C/Qadir Axmed Jaamac

            Wuxuu kalloo C/qani sheegay in rajada Xulka Qaranka Ciyaaraha CECAFA ay aad u wanaagsan tahay, isla markaana ciyaaryahanadu ay ku dadaali doonaan sidii ay uga guuleysan lahaayeen kooxaha kale ee ka soo hor jeeda, wuxuuna C/qani Siciid Carab hambalyo iy bogaadin u diray ciyaaryahanada ka yimid Qaaradda Yurub ee ciyaarahaas ka qaybqaadanaya.


Badar Cunoowga

            Siciid Maxamuud Nuur (Mukambe) oo isna ka mid ah mas’uuliyiinta xiriiraka Soomaaliyeed ee K/cagta isla markaana Magaalada Nairobi ula doolay Ciyaaryahanada ayaa hadal uu jeediyay waxa uu ku sheegay in dhawaan laga gudbi doono is qabqabsiga xiriirka Soomalaiyeed, wuxuuna sheegay in haatan ay safar u yihin wadanka Switzerland lana soo xalin doono, lana soo xalin doono khilaafka yar yar ee taagan.

Taariikh Nololedkii Marxuum Cabbeey Daahir Rooble: Ciyaar yahan ka tirsanaa Xulkii qaranka Somaliya, una cayaari jirey naadigaii Dawladda hoose ee Minashiibio... Guji...

 “Anagu in muddo ah waxba iskuma ogoleyn laakiinse hadda waxaan muujineynaa samir iyo isku tanaasul, waxaana aad ugu faraxsan nahay in aan ka wada qaybqaadanayo safarka xulka Qaranka ee Soomaaliya, hadda kaddibna waxaan rajeynayaa in aan is qabsi dambe uuna dhici doonin” ayuu yiri Mukambe oo ay ka muuqato kalsooni uu ku qabo xulitinaanka iyo ka qaybqaadashada ciyaaryahanada koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

            Xafladdii quraacda ahayd ee lagu sagootinayay Ciyaarayahanada Qaranka waxaa kaa soo qaybgalay Saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Madaxda Naadiyada K/cagta ee Soomaaliyo iyo Waalidiinta qaar ka tirsan ciyaaryahanada ka yimid dalka Dibaddiisa, waxaana Cabdi Qaybdiid oo lagu soo dhaweeyay Makarafoonka uu yiri “Waxaan dhib iyo fool xumo u aragnaa in Ciyaaryahan u baxay difaacidda Calanka iyo Magaca Soomaaliyeed uu si fudud Roose ku qaato, waxaana idiin sheegayaa in Adduunyadu ay gaartay heerkii ugu sareysay ee Ciyaaraha K/cagta, loona baahan yahay in aad la saan qaadaan casriga cusb ee wata farsamada, maskaxda iyo ciyaar wanaagaba, waagii hore waxaa dhici jiray haddii Kubaddu ku dhaafto yuusan ku dhaafina ciyaaryahanku, taasna waa laga gudbay”.

            C/qaadir Axmed Jaamaca oo ah Guddoomiyaha Shirkadda Red Stone isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka Elman isla markaana ah tababare caalami ah ayaa wax ka weydiiyay sida uu u arko ciyaaryaha xulka Qaranka, waxa uuna yiri “inkastoo diyaargarowga Muqdisho oo aad u hooseeyay haddana waxaa ii muuqata in marka ay iskaashadaan reer Xamar iyo Reer Yurub ay natuujo fiican la imaan karaan, waxaana looga baahan yahay in la isla kaashado Kubbad wanaaga”. 

            Xafladdaas oo sidoo kale ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ay ka mid ahaayeen Salaad Gaab iyo Xasan Diritoor oo ah Guddoomiye xigeenada xiriirka iyo sidoo kale Guddoomiyayaasha kooxaha heerarka kala gadisan ayaa wax ka weydiiyay, sida ay u arkaan ciyaaraha qaranka lada Guddoomiye ee kala ah Cali Goobe oo ah guddoomiyaha Kooxda Savana ee heerka koowaad iyo Bashiir Dheere oo ah Guddoomiyaha  kooxda Camel, wuxuu Bashiir Dheere leeyahay “aada yaan u dhalliil sanahay ganacsatada Soomaaliyeed, maxaa yeelay waxay gabeen kaalintii ay ugu jireen ciyaaraha , haddii loo sameyn lahaa ciyaaryahanadaas balanqaadyo oo la yiraahdo haddii aan soo badidaan waxaad leedihii lacag intaa la eg. waxaana aaminsanahay in dadaalkooda ay dadaal ku sii dari lahaayeen maxaa yeelay taageerada dhaqaalaha iyo tan farsamada aad ayay lagama maarmaan u yihiin, waxaan aaminsanahay in sanadkaan ay gaari karaan weeraga saddexaad ee ciyaarahaas”.           


Maxamuud Saalax Jaamac oo Magdhaw Waydiisanaya Dowladda Britain. Guji

Ugu dambeyntii waxaa xafladda saakay ka soo qaybgalay Aabbaha dhalay mid ka mid ah ciyaaryahanada ka yimid Magaalada London oo ah ciyaaryahanka la yiraahdo Max’ed Xasan Deeq, “Aad ayaan ugu faraxsanahay in Wiilkeygu ay balwaddiisu noqoto ciyaaraha, maxaa yeelay ma ahan Nin is ticmaala balwadaha kale sida Muqaadaraadka, aad ayaana ugu farxay markii aan maqlay waxa uu difaacayaa ama uu xirtay maaliyadda ku asteysan Calanka Shanta Gees Leh ee Soomaaliyeed, waxaana runtii isaga iyo saaxiibadiisa kale ee ka yimid Yurub waad mhadsan tihiin waqtigiina iyo awoodiina ayaad u hurteen difaacidda Xulka Qaranka Soomaaliyeed”.

Xulka wuxuu la ciyaari doonaa maalinta Axada Xulka Wadanka Jabuuti waxayna isku qayb yihiin Xulalaka Itoobiya iyo Ugaandha. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2005


Injineer Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah... ka akhri..
HALKAN... GUJI...
Nov 7


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD