Maxamuud
Saalax Jaamac oo Magdhaw Waydiisanaya
Dowladda
Britain.
-
Canab Mumtaz | cmmumtaz@somalitalk.com
| SomaliTalk.com |
Kampala, Uganda | Nov
25, 2005
Maxamuud Saalax Jaamac
waxaan kula kulmay magaalada
kampala ee dalka Ugandha
isagoo todobaadkii hore
wargayska The New Vision 16
kii bisha siiyay warbixin ku
aadan dhibkii ka soo gaaray
badbaadinta Mudanayaal ka
tirsanaa Baarlamaanka
Britain, haddaba si
aan wax badan uga ogaano
ayaa xogtan uga qaaday ku
saabsan bilowga dhibkiisa
halka uu ka yimid iyo hadda
waxa uu filayoba.

Maxamuud Saalax
Jamac
|
Maxamuud Saalax Jaamac
(Email:
msjaamac@yahoo.com)
isaga ayaa nooga sheekaynaya
sida ay wax u dhaceen iyo
hadda halka ay marayaanba
waana tan.
Sanadkii 1994 magaalada
ceerigaabo ee gobolka sanaag
oo ka tisan gobolada W/galbeed
ee Soomaaliya ayaa lagu
afduubay laba mudane oo ka
tirsanaa baarlamaanka
Britain laguna kala
magacaabi jiray Tony
Worthington iyo Mark
Robinson iyo Jeff Chinnock
oo ka tirsanaa Hay’adda
Action Aid UK iyo laba
wariye oo isla wadankaas u
dhashay xiligaas oo ay ka
wadeen magaalada ceerigaabo
Howlo samafal.
Afduubayaasha oo ahaa
maliishiyaad beeleedyo ka
tirsanaa Somaliland ayaa
waydiistay in la siiyo lacag
gaaraysa $100,000. Dadkii u
gurmaday waxaa ka mid ahaa
Maxamuud Saalax Jaamaca oo
ku guulaystay in uu dadkaas
ajnabiga ah uga saaro
gacanta afduubayaasha muddo
24 saacadood gudahood ah
iyadoo aan la bixin wax
lacag ah.
Markii ay duuleen muddo ka
dib waxaa weerar lagu soo
qaaday gurigayga waxaana la
iiga dhaawacay wiil aan
dhalay markii aan u adkaysan
waayay weerarka iyo
hanjabaada iiga imaanaysay
dadka deegaanka ayaan u
kaxeeyay reerkaygii
magaalada Jigjiga si aan uga
badbaadiyo weerarada kaga
imaanayay maliishiyaadkii
afduubka gaystay.
Sanadkii 1997 waxaa
dhaawacii u geeriyooday
wiilkii aan dhalay kadibna
waxaan soo aaday magaalada
Nairobi ee Dalka Kenya
waxaana beegsaday Safaarada
Britishku ku leeyahay
magaalada Dalka Kenya si aan
u waydiisto Magangalyo oo
aan ugu badbaadiyo reerkayga,
Nasiib wanaag waxaan helay
address mid ka mid ah
labadii Mudane ee aan
badbaadiyay oo lagu
magacaabo Tony Worthington
isla markiiba wuxuu iisoo
diray jawaab ahayd
Mahadcelin taariiqdu markii
ay ahayd 13 juun sanadkii
2001 laakiin warqadaad ka
dib wax jawaab ah kama helin
waxii aan waydiistayna wax
la iiga qabtay malahan.
Iyadoo xaalku sidaas yahay
oo aan wali ku suganahay
Magaalada Nairobi ayaa waxaa
la ii soo sheegay in
xaaskaygi ku geeriyooday
magaalada Jigjiga iyada iyo
inan yar oo aan dhalay waxa
ayna u dhinteen cudurka
Malaariyada taas oo walwal
igu abuurtay waxa ay ku
dambayn doonaan caruurta
iyadoo aanan ilaa haddana
aanan wax war ah ka haynin
meel ay ku sugan yihiin.
Sanadkii 2004 ayaan imid
magaalada kampala ee dalka
Ugandha si aan halkaas uga
sii waddo codsigaygi ahaa
inaan magangalyo ka helno
dalka Britain waxaan la
xiriiray Dowladda Britain oo
dhan laga soo bilaabo
boqortooyada,
Ra'iisulwasaaraha,
Baarlamaanka iyo Arrimaha
dibada waxaanan u gudbiyay
dhibka aan kala kulmay
badbaadintii nimankaas reer
Britain iyo labadii wariye
ee la socotayba.
Ra'iisul Wasaaraha dowladda
Britain Tony Blair ayaan ka
helay warqad Mahadcelin ah
sida aan ula tacaalay ragaas
khatarta ku sugnaa ee ka
tirsanaa baarlamankiisa ee
aan badbaadiyay laakiin wax
intaas dhaafsiisan "THANK YOU" kama
helin oo ah waxqabad ilaa
iyo hadda.
Haddaba akhriste Anigoo
hadda ku sugan magaalada
kampala ee dalka Ugandha
ayaan ka qabsaday todoba
loyar oo ila gala arrintan
si aan u helo dib u dajin
maadaama aanan ku noqon
Karin dalkaygii aan u
dhashay sabaha sii daynta
ajaanibtaas awgeed laakiin
wax war ah wali ku saabsan
waxa aan u gudbiyay kama
helin.
Sidaas awgeed akhriste walba
oo Soomaaliyeed waxaan si
xushmadi ku jirto uga
dalbanayaa in ay gacan iga
siiyaan si aan dowladaas uga
helo magdhaw maadaama
madaxooda uu dhibkani igu
soo gaaray.
Maxamuud Saalax Jaamac waxaa
toos loogala xiriiri kara
emailka hoose:
WARAAQAHA HALKAAN KA FIIRI....
GUJI
Maxamuud Saalax Jaamac
msjaamac@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com
Nov 25,
2005
|