Somaliland Ictiraaf
ka dheer nin doonayna wareer !!!!
Siciid Cismaan Maxammed
m_saciid@hotmail.com
Dad waynow waxaa wali
mugdi iga saranyahay magaca somaliland iyo Map-ka
Somaliland goortuu kuso biiray astamaha juqurafiyadeed
ee u dagan dunida bal taana waxaan lakashan doona
culumada cilmiga juqurafiga inagoo ku xusi dona qoraal (uderprocess
ah)
yaabay aniguye wax garadow
mayla haysaaan? waxaa mugdi dhex jeexay cidlana isku
xooray nin isagu ka doorbiday inuu ood dhaxan macelisa
ah hareeraha iska saaro, kana raadiyo sumcad,isla
markaana sharaysta haybadii iyo sharaftii magaca
somaliyeed lahaa
Hadaba waxaa is waydiinleh
hadii maanta sheekadaan maan daaliska ah ilays uso baxo
xagee noqon doonta somaliland (ma hargaysa mise mel
kale)??
Hubaal waxaa ah hadii
lakashado feker saliima iyo caqli fiyow in maanta
xaqiiqada meesha taala ay tahay cayr yaamo hadhked
sheekada ictiraf doon kuna tahay beer qadada lagu sugayo
balse marnaba aanay suurtoobayn in lahelo wax u suurad
eg astaan dowladeed ee ka dhalata dhulka looyaqaan
waqooyi galbeed. waxaa wacnan lahayd in si qota dheer
loo baadho xaqiiqada ka jirta sheekada loogu sheekeeyo
shacabka hargaysa iyo berbra ee ah ictirafku waa fooda,
bilaa ka hadhay, Boqortooyada ingiriikayna ogolatay,
codsiyanu udirnay meela fara badan sida dowlada
maraykanka, wadamada africa, dalalka jaarka ah,waxay
socotay sheekadaan lagama quustanka ah mudo hada laga
joogo 14 sano ee ahayd intii somaliya ay ku jirtay
dagalada sukeeye iyo jaah wareerka, ilaa iyo hada lama
oga ujeedada ku kaliftay iyo danta laga leeyahay doonida
gooni istaaga iyo bidcaysiga haybta soomaliyeed lakin
waxaa ii cadaatay markaan baadhitaan badan ku sameeyey
iyo daraasada is daba jooga in ay tahay arin ku salaysan
dudmo, balse ya laga duday????
Maraan fasax gaaban ku
jooga magalada hargaysa bilowgii sanadkii 2004 ayaan
dhowr subxood arday waxaanu wada shekaysi yeelanay
dhalin aad ay de'doodu u yaryartahay oo iskuulay ah,
ayaan idhi iskuulka miyad ka daahsantihin waxayna iigu
jawaabeen haa, marka ayaan idhi ina keena aan idin si
dhoweeyee markaanu cabar ku sii jirnay jidka iskuulka
loo maro ayaanu ka wada hadalnay xalada wax barasho iyo
manhajka ay wax ku bartaan isla markaana waxay
iisheegeen inay ku qaatan manhaj uu samaystay maamulka
lamagac baxay somaliland oo tayadiisa waxbarashona
hoosayso, anigoo siyaabo badan u waraystay ayan waxaan
ardayda waydiyey lacagta fiiga ah ee laga qaado arday
kasta iyo inay ka helaan maamulka somaliland taagero wax
barasho, hase ahaatee waxaa si lama filaana iigu
jaawabay ardaygii aanu wada hadalka lahayn ee marka ugu
wayna ardaydaas wuxuuna yidhi waxaa aniga waxbarashada
iga bixiya adeerkay oo dalka wasiir ka ah waayo malihi
manta aabe ii garaba waxaana halka idhigay FAQASHTII.
maamulkanu wax taageero wax barasho ah nama siiyo.
waxaan geeyey iskuulkii
caruurtii anoo ka damqanaya cuqdada iyo somali nacaybka
lagu ababiyey ubadkaas, runtiina maha in ay cuqdadaasi
ku koobantahay dhalaanka kaliye waxa sidoo kale laqaba
dadka lagu tilmaamo inay yihiin wax garadka deegaamadaas
ku hoos nool maamulka lamaagac baxay somaliland.
waxaynu wada ogsoonahay
dhulkii la oran jiray british protector somaliland inuu
aha magac ku baxay qaaab gumaysi lakin maxay tahay
damiir xuda ku kalifaysa inay daba socdaan magicii
gumaystaha iyago u arka inuu leeyahay sucmad una soo
hoynayo sharaf aysan lahayn somalida inteeda kale?
Maaha dulucdu inay tahay
dowlad doon lakin waxaa la oran kara waxaa ku kalifay
caadifad qabiil iyo inay u arkeen shakhsiyaadka cidla u
cararka ahi inay taariikh iyo magac ku helayaan balse
marnaba waxaynan daymoon in bari kamalin waxani soo
dabar go i doonan islamarkana ay taariikhdooda iyo
magacoodu noqon doono mid haybtiisa la iska dhaafo
DHIBATOYINKII LAGA DHAXLAY
SOMALI DIIDKA:
Waxaa iska cad qof haduu
haybada iyo sharaftiisa dhaafsado shaati qabiil uu noqon
doono miday lasoo daristo dhibaatooyin samayn ku yeesha
jirintaankiisa iyo noloshiisa mustaqbalka waxaan manta
daah qofna ka saarnayn in kooxda somaliland oo
musdalxeedu yahay somalidiid ay kala kulmeen sucmad xumo
aad uwayn kuwaso kala ah sidaan:
1: Nebcaysiga haybta
soomaliyeed
2: Nebcaanta calankii
soomaliyeed
3: Samaysiga lacag fojari
ah oo aan lahayn astaan dowladeed iyo mid somaliyeed
islamarkana sababtay sicir barar
4: Kamaqnaanshaha
shirarka somaliyeed ee laqabtay intii is barbaryaaca
lagu jiray
5:waxyeelaynta dadka
somaliyeed ee aan udhalan Hargaysa iyo Berbeera.
Kuma koobna intaan
dhibatooyinka laga dhaxlay soomalidiidka ee way fara
badanyihiin hadii laysku dayo in buugaag laga qoro waxay
noqon karta suurta gal, waxaa laga orankara si loogu
caqli celiyo dadka bidcaytay abtiriska soomaliyeed
sidaan:
Hilaacu mabeegsobaa
Habeenkii socod miyaa
Hadhkii ma haseexanbaa
Wakhtigu mahaloosibaa
Ninkii hakada gadiidka
habaaska miyuu dhaxlaa
Quruuma hora ugaadhay
barwaqada haybsanaaya intaad hakan layd gadasha harerta
ka raac miya
Ragaa buurta roobku helay
gunteda ka heesayow figteedaa nolol haboon
waxaa tusaalayn inoo ku
filan sumcad xumada laga dhaxl soomalidiidnimda sida
hada ay maanta qof kastoo soomalinimo maskaxdiisa ka
guuxayso uu ula yaabo dadka cidlada ooda dhaxan
macelesida ah isku saaray, waxaase ka daran maanta dadka
iyagu shacabkooda ugu khudbadeeya ictiraafkii somaliland
wa fooda iyo wixii la halmala kuwa iyagu ka rumaysta oo
marna aan damiirkoodu ka damqanayn beenta bilaashaarka
ah ee malin walba lala horjoogo lakin waxaa meesha
taala maxaa marna looga wayey dadkaas beenta lagu
nasnuujinayo mudada dheere cid ka hadasha? mise sheekadu
waa mid sixir lagu suugeeyey?
Run ahantii lama oran karo
bulshada dhan ee deegaanka degani wa mid laga wayey qof
feker kiisa si saaxi ah u cabira balse waxaa dadkaas loo
kashaday in maskaxdooda laga lumiyo qaybta fikirka iyo
wax abuurka iyo in aragtidaan asal ahaan kasoo jeeda
dad aqoontooda dabiiciga ahi ay gaadhsiisantahay meel
aad u dhow isla markaana laga dhigay dadka intiisa
kale dad wakiil looga yahay jiritaankooda iyo qaab
nololeedkooda,Waxa hore looyidhi nin haduu waasho
walalkiisaa u bad qabee yaanu ku dhafin walida markaa
umada somaliyeed meel kastay joogto siiba dadka ku
lugleh saxafada haday noqon lahdy website yada qoralka
ah iyo kuwa maqalka ah inaysan kala dalin sama
usheegida walaalaha nebcaytay abtiriskii somaliyeed una
arkaya inuu yahay shay bidco ah
WABILAHI
TOWFIIQ
Afeef:
Aragtida Gabaygan waxaa leh qopraaga ku saxiixan
Maqaalkii
Khudbaddii Madaxweynaha
Faafin: SomaliTalk.com |
July 29, 2005
WAA QABIILKEE
YAASIIN XASAN CUMAR
Ninka ay
warbaahinta UK ku sheegeen in jinsiyadiisu tahay Soomaali oo lagu tuhmayo
qaraxyadii London
"qabiilkee buu Soomaali ka yahay"... Guji..
Wararka Qaraxyada London ka Akhri halkan...
|