SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Maqaal:- Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka

Eng. Mohamed Abdinur Ahmed
Bachelor of Science in Information Technology
Email: eng_azif@hotmail.com
Mob: +923009551276

Pakistan, Islamabad.

Marka Laga hadlayo barnaamij yadatan oo kale dadka had iyo jeeralle indho indheeyo jawiga somaliya iyo kan ay somalida ku nooshahay ayaa waxaa inta badan laga mujin karaa walaac aad u wayn oo ku wajahan dalka iyo dadka somaliyeed gaar ahaan dhalin yarada hada u hana qaadaysa dalka somaliya.

Muda badan aya waxaa lamoodi jiray in wax aad u wayn ay kabadali karaan dhalinyarada kunool dalka dibadisa isla markasna ay dalka u horseedi karaan aqoon iyo horumar dheraada, Marka laga fiirsho xaga xaqiiqada waxaad ogan kartaa in musiibada wayn ee somaliya ku habsatay illaa mudo dheer oo hada laga joogo 12 sano in ay sameen ku yeelatay muwadin kasto oo somaliyeed ku dhaqan aduunka daafihiisa.

Waxaa jira meelo badan oo dadka somaliyeed u yaqanaan FADHI KU DIRIR, halkaso lagaga xifaaloodo ariamha somaliya iyo qaabka dalka somaliyeed wax loga qaban karo, dhinaca kale fadhi ku dirirda qaybtood aya waxad modaa in loogaga hadliyo sidii loo hurin lahaa dabcusub oo dadka somaliyeed lagu kala fogaynayo waa marka ay fadhi ku dirirkasi ay ku kulmaan dad aqoontodu hosayso, wilina caadifadii somaliya kala kaxaysay ay ku dheehan tahay hadalkooda.

Dhinaca kale waxaa jirta in badan oo kamida dhalin yarada somaliyeed ee aan ku tilmaami karo kuwa maanta iyagu dalku sugayo, In ay samayn wayn ku yeelatay dhibaatada dalka somaliya ka jirta, halka dhalinyarada somaliyeed ay kala raac sanyihiin ama kala tageeran dhinacyada somaliya ee iska soo horjeeda.

Waxaa jirta hadaba dhalin yaro badan oo ka bad baaday Caadifada xun ee somaliya iyo somalidaba manta gaarsiisay mesha ay marayso xalada dalka somaliya iyo shacabka ku dhaqan dalka gudihiisa, Marka aan wax yar ka faloodo Ururka ardayda somaiyeed ee dalka pakistan (SSA), kuwasoo isugu jira dhamaan dhinacyada somaliyeed ee 18 degmood ee somailiya ayaa waxay kulan balaaran ka yesheen Xurgufta sokeeye ee labada maamul ee Puntland iyo Somaliland.

Baqaa ay u jeedsheen labada dhinac ee Puntland iyo somaliland, kaas oo aad moodo in ay bar katahay Dareenka dheradka ah ee Aqoonyahanka somaliyed uu uqabo dalkisa hooyo ama ardayga somaliyed ee ku nool aduunka dafihiisa.

Waxaa hadaba jira qayb kamida dhalin yarada somaliyeed ee ku dhaqan dalka gudihisa oo runtii aad ka nixi karto qaab dhaqmeedka ay la jaanqadayaan, waxaa jirta saxafi faransiis ah oo boqday dalka somaliya qaybo kamida, halkasoo uu kaso diyariyey qoraalo aad u badan, qayb qoralkisa kamid ah ayuu wuxu ku tilmamay in uu lakulmay dhalin yaro somaliyeed oo fadhida melaha loo yaqaan fadhi ku dirirka, halkaso qayb kamida u su’aalo uu ku waydiyey saxafigasi.

Hadaba mid kamida su’alihisii ayaa ad u cajiib badnayd qabkii uu uga jawabay mid kamid ahaa dhalin yaradi ama bar bartii uu lakulmay Saxafigasi, waxaana la waydiyey( Qori maridi taqaanaa), jawabtii Ninkaa dhalin yarada ah uu baxshay ayaa waxay ahayd mid runtii aad iga nixisay runtiina dareen xun muujinaysa, taso ahayd (I waydii imisa qof ayad ku dishay lakin haywaydin maridi taqaana qori).

TALLO BIXIN.

Waxaan jeclahay in aan meshaan talo bixin guud uga diro dhamaan Qofkasto somaliyed ama dhalin yarada somaliyeed ku waaso manta la filayo in ay wax kabadali donaan jawiga manta somaliya ku dhex jirto.

Aqoon yahan kastow dalkaga iyo dadkaga somaliyeed waxaa kaa saran xil iyo wajib dherada, waxaad xilkaga ku gudataa dacad nimo iyo alle ka baq dherada.

Waxaadna ogataan in dalka somaliya uu u bahan yahay wax ka qabad iyo aqoon yahamiin naftoda u hurra kana hor mariyo dantooda danta guud ee dalka somaliya….

NB: Fadlan wixii talo ama tusale ku sabsan qoralkan ama ka qaldan waad ila so xiriri kartan idinkuu farimihina igu soo tabinaya cinwanka hoos ku qoran.

By: Somali Students Association (Pakistan Office)
Eng. Mohamed Abdinur Ahmed
Bachelor of Science in Information Technology
Email: eng_azif@hotmail.com
Mob: +923009551276

Pakistan, Islamabad.

Faafin: SomaliTalk Jan 9, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD