SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Falka lagu tuhmay Yaasiin Xasan Cumar oo saamayn ku yeeshay Soomaalida.

Faaladii Canab Mumtaz
canabmumtaz@yahoo.com

 
Waxay ahayd bishii November sanadkii 2001-da markii maraykanku uu farta ku fiiqay Soomaaliya in ay ka mid ah Wadamada ay ka soo baxi karaan dad is qarxiya kuna daray dhowr wadan oo ku yaala Afrika oo asalkoodu Islaam yahay,kadib qarxintii Daarihii Mataanaha ahaa ee ku yaalay Magaalada Newyork,xiligaas oo warbaahinta caalamku ay si wayn u soo buuxiyeen magaalada mogadisho iyo Tuulada shimbiraale oo ku taala W/bari Soomaaliya.
 
Dhacdadaas ayaa Soomaali badan Argagax galisay,waxa ayna ku abuurtay walwal ah in ay raad xun ku reebi karto arrintan lagana dhaxli karo in Soomaaliya dhib ka wayn kan hadda haysta loogu daro laguna tilmaamo in dadkeedu yihiin kuwo ismiidaamiya taas oo dad badan haba u badnaadeen kuwa ku nool qurbaha ay saamayn wayn ku yeelatay,waxaana lagu waayay dhaqaale shacabka Soomaaliyeed u yaalay bangiga barakaat.
 
Shacabka Soomaaliyeed waa kuwa aad uga soo horjeeda in lagu tilmaamo "Argagaxiso" qofkii ku tilmaamana ka soo horjeesta,Laakiin waxaa ah la yaabka ugu wayn in hogaamiyayaashu ay yihiin kuwo jecel in dadkooda ay ku tilmaamaan argagaxiso iyagoo markaas kaga soo horjeeda dad ay siyaasad ahaan aysan isku aragti ahaydn,laakiin sida runta ah og in dadkoodu aysan ahayn kuwo argagaxiso ku lug leh.
 
Saamaynta uu reebay falkii Yassin Xasan Cumar.
 
Hadal-haynta ugu badan ee xiligan Dad badan oo Soomaaliyeed ay is waydiinayaan ayaa ah Fal dambiyeed lagu soo oogay Yaasiin Axmad Cumar oo Booliisku London ay sheegeen in uu ku lug lagaa Qarax lagu samayn lahaa mid ka mid ah basaska dadweynaha ee magaalada London oo asalkiisa ay booliisku ay sheegeen in uu yahay Soomaali.
 
Yaasiin oo ah wiil dhalinyaro ayaa ka mid ahaa afar nin oo ay booliisku sheegeen in ay uga shakiyeen qarxintii lagu fashilmay ee jimcihii la soo dhaafay lala maagay basaska iyo tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaalada london in lagu qarxiyo,laakiin booliisku ay sheegeen in ay hortageen iyagoo tilmaamay hadii falkaasi dhici lahaa in uu galaafan lahaa dad ka badan intii ku dhimatay 7dii bishan july.
 
Warbaahinta dalka Britain iyo guud ahaan kuwa caalamka ayaa aad u soo bandhigayay sawirka iyo sida lagu qabtay Axmad yaasiin cumar,waxa ayna booliisku xuseen in ay ka soo qabteen magaalada Birmingham oo ay Soomaali badan ku nool yihiin,Ka sokow walwalka ay arrintan ka muujiyeen Soomaalida reer London ama guud ahaan Britain ayaa si la mid ah waxaa uga yaabay dad badan oo Soomaaliyeed kuna nool meelo kala duwan oo Aduunka ah,waxa ayna ahayn Hadal haynta ugu badan ee Labadii maalmood ee Tagtay dadku si wayn isku waydiinayeen.
 
Soomaalidu Dhaqan ma leedahay in ay is-miidaamiyaan.
 
Waa mid shaki badan abuuri karta in la arko soomaali naftiisa biimaynaya una bareeraya in naftiisa uu ka bilaabo ka hor inta uusan halaagin nafaf badan si sharci daro ah,waana mid ay Soomaali badan la yaaban yihiin in la arko qof soomaali ah oo ilaa xadkaas u bareeraya in uu qarax ka sameeyo meel mujtamac kala duwani ku nool yihiin oo aan dalkiisana ahayan ujeeda la'aan hadiiba uu cadaado falka lagu tuhmayo yaasiin axmad oo Soomaali ah sida ay booliisku sheegeen.
 
Soomaali badan oo arrintan ka hadlayay mar aan waydiiyay su'aashan kor ku xusan,waxay baddi sheegeen in hadii ay jirto is miidaamin ama nafhuridnimo ay samaynayaan Soomaalida ay ka bilaabi lahaayeen kuwa qaribay ee nabadii u diiday,walow ay sameeyaan dhexdooda falal xun xun hadana si walba ha uga damqadeen soomaalida dhibaatada ku dhacaysa dadka Islaamka ah ee ku dhaqan Falastiin,Ciraaq ama kuwo kale hadana iyaga ma gaysteen dhibaato ay kula kacayaan dad dhan oo aan dambi ka galin.
 
Soomaalida iyaga waa kuwo is dila runtii dhibaatona is gaarsiiya,laakiin wali lama arkin dhibaato ay ka sameeyeen dibada,waxaa in badan dhagaha dad badan oo Soomaali ah soo gaara in la maqlo badanaa dad Soomaaliyeed oo dhibaato loogu gasytay qurbaha laakiin lama maqlin in ay iyaga ay si bareer ah u gaystaan dhibaato cad hadii aysan maskaxdoodu wax u dhimanayn.
 
Aragtida caalamka ee Soomaaliya
 
Soomaaliya waa dal muslim ah,waxaana ka jira ururo diimeed oo iyo culumo hadda ka hor lagu daray qaarkood  liiska argagaxisada ama in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-qaacida oo ay dunida hadda si wayn uga walwal qabaan in ay yihiin dadka gaysta falalka ismiidaamineed ee ka dhaca wadamo badan oo ku yaala dunida waxaana si wayn waxyeelo Soomaali badan uga soo gaaray arrintan sanadkii 2001 xiligaas oo la xayiray shirkadda Al-barakaat oo hanti ay Shacabku leeyihiin lagu xiray,iyo waliba shaqsiyaad kale oo loo xiray falka Argagisanimo balse la fasaxay markii dambi lagu waayay.
 
Hadii arrintani ay cadaato ah in falkan uu gaystay Yassin,Soomaali la yaqaanana uu noqdo waxa ay caalamku ka aaminayaan in Soomaalida ay yihiin dad wax qarxiya,iyagoo horay uga aaminsanaa in dalka Soomaaliya uu hoy u yahay argagixadda ama Ururka Al-qaacida,
Dalka Soomaaliya ka sokow Dowlad la'aanta iyo nidaam la'aanta ka jirta iyadoo ay ogyihiin caalamka ayay haddana aad uga cabsi qabaan in ay qatar ka imaan karto,dowlad walba oo u dhalataan waxaa ku dhaca karti la'aan waxaana  wiiqanta awoodeeda iaydoo magac uun ku shaqaysa aaqirtaankana iska burburta,waxaana ay badan oo ah Soomaali markii aan la kala hadlay arrintan ku tilmaameen in ay qayb ka tahay la dagaalanka ay maanta wadamada waawayn  ugu jiraan in ay yareeyaan awooda wadamada islaamka ah si aysan u badanin wax ay ka aaminsan yihiin dadka muslimka ah ee ah in yihiin dad u taagan uun in ay wax qarxiyaan.
 
 
Wadamo badan oo ku yaala dunida sida yurub iyo Maraykanka ayay ku nool yihiin Soomaali badan,kuwaas ooo wax ku bartay kana shaqaysa iyagoo ka helay sharciyadda daganaanshaha halka qaarkoodna ay ku jiraan baarlamaanada dalalka ay ku badan yihiin kadib markii ay gobolada qaarkood si wayn u dageen,meelaha ay ka mid dowlada hoose ayay wadamada qaarkood kaga jiraan kaalin muuqata waxa ayna ku leeyihiin tixgalin,laakiin lama dhihi karo waa mid wada dabooshay baahidooda dhinac walba haba ugu badnaadeen wadamada qaarkood in ay ku dhibaan Soomaali badan dhinaca diimaha taasna dabcan waa mid la wadaagaan dadyowga kale ee Islaamka ah.
 
Wadanka Britain oo hadda ay taagan tahay xiisadda ah in falal argagaxiso ay dhaceen,ayaa sheegay in ay la yaab tahay in ay qarax u gaystaan dadkii ay dowladdu siisay Magangalyadda si ay u helaan nabad iyo iyo waxbarasho,dabcan Soomaalidu waxa ay ka yihiin qayb,walow Ra'iisul wasaaraha dalkaasi Tony Blair uu sheegay mar uu ka hadlayay shir jar'aad 7dii july in Islaamku aysan ahayn dad wax qarxiya balse ay jiraan dad ku qaraaba magaca islaamka,taas oo ay dad badan soo dhaweeyeen,waxana arrintan ka hadlay ururada Muslimiinta ah ee ku nool London oo sheegay in ay bari ka yihiin kana xun yihiin.
 
Marxaladda Soomaaliya ay ku jirto xiligan.
 
Soomaaliya waxa ay xiligan ku dhex jirtaa xaalad aan la aqoonin meel ay ku socoto,in ka badan 10 sano waxaa socda dagaalo aan laga gaarin xal,shirar aad u badan oo la qabtay wax guul ah lagama soo hoynin,dadkeediina waxa ay qaxooti yihiin daafaha dunida iyagoo aan tixgalin badan ku haysanin meelaha ay ku yihiin qaxootiga haba u darnaato kuwa ku jira xeryaha ku yaala Qaarada Afrika qaar ahaan kuwa afrikadda bari,inta badan dhaqaalaha uu ugu tala galo UN-ka waxa uu maraa santuuqa kuwa ay wadankooda maciinka badeen inta ka soo gaartana waa wax aan baddi daboolin baahidooda.
 
Kuwa ku sugan dalka gudahiisa wax ay darris u yihiin xabad,waxa ayna ku jiraan rajjo nololeed oo aan dhamaad lahayd,intii ay nabadda ka sugayeen waa kuwa aan waxba ku heshiin karin,caalamkiina waxa uu noqday kuwo la kala safan hogaamiyayaasha ee aan la safanin danta shacabka ee ah in ay helaan nabad.
 
Guud ahaan marka hal meel la iskugu keeno Dalka Soomaaliya isagaa xiligan u baahan in loo gargaaro xalna loo raadiyo,Caalamkuna waa in uu gartaa kaalinta kaga aadan in uu wax ka qabto sidii ay Soomaaliya ku heli lahayd Nabad iyo Amaan si kumanaanka Soomaaliyeed oo ku baahsan dunida ay dalkooda ugu helaan Nolol xoriyad leh,waxaana hubaal ah in xoriyad ku noolaanshaha uu qayb wayn ka qaato nolosha aadanaha.

Faaladii Canab Mumtaz
canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2005


WAA QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR
Ninka ay warbaahinta UK ku sheegeen in jinsiyadiisu tahay Soomaali oo lagu tuhmayo qaraxyadii London "qabiilkee buu Soomaali ka yahay"... Guji..


Wararka Qaraxyada London ka Akhri halkan...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 
kaah
Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare
.



HTML CD