- Raiisul wasaare Geedi oo ku Guuleystay in uu
Xabsiyadda Liibiya ka sii daayo 30,qofood oo
muwaadiniin Soomaaliyeed ah.
- Ninka ugu sareeya
qayebta amaanka (CSA) ee hey'ada UNDP oo maanta soo
gaaray magaalada kismaayo
Raiisul wasaare Geedi oo ku Guuleystay in uu
Xabsiyadda Liibiya ka sii daayo 30,qofood oo
muwaadiniin Soomaaliyeed ah.
Tripoli 17 luuliyo 2005.. Raiisul Wasaaraha Dowladda
Federaalka KMG ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi
oo uu wehliyo Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga
Caalamiga Dr.Cabdirisaaq Cusmaan xasan Juriile ayaa
maanta kulan muhiim oo qaatay muddo saacad ah la
yeeshay Wasiirka amniga iyo cadaaladda ee dalka
jaamhiiriyadda Liibiya Al-sayid Naasir Mabruuk.
Raiisul wasaraha iyo Wasiir amniga waxay kulankaasi si
weyn ugu lafa-gureen qaabkii loo dhaqangalin lahaa
Barnaamijka Baaxadda leh ee ay Dowladda soomaaliyeedku
dooneyso inay ka hirgaliso Degmooyinka iyo Gobalada
Dalka ee ku saabsan Sugida nabadgalyada,dhismaha
Maamulka Degmooyinka iyo dhameystirka dib u
heshiisiinta ee ay ku howlan yihiin xubno ka tirsan
olayasha Xukuumadda iyo Baarlamaanka, waxay Prof Geedi
iyo alsayid mabruuk isku waafaqeen in Barnaamijkan uu
yahay mid wax weyn ka taraya sidii Soomaaliya ay dib
ugu soo ceshan laheyd Dowladnimadeedii,isla-markaana
uu mawaadiniinta Soomaaliyeed siinayo fursad ay uga
qeybqaataan Xukunka iyo maamulka dalka oo ka yimaada
heer Tuulo,Degmo ilaa Gobal.
Raiisul Wasaare Geedi iyo Wasiir cabdirisaaq jiriile
waxay kaloo si weyn uga hadleen qorshayaasha ay
Xukuumaddu wax uga qabaneyso dhinaca amniga,iyagoo
xusay in ay Dowladdu waddo sidii ay usoo nooleyn
laheyd,islamarkaana ay u howlgalin laheyd Ciidankii
Booliska Soomaaliyeed si ay u sugaan una soo celiyaan
Aminiga iyo kaladambeynta,iyagoo tilmaamay in si
Howshaasi looga gun-gaaro ay ka filayaan Dowladda
jamaahiiriyadda Liibiya inay gacan ka geysan doonto
najaxinta Howshaasi.
Prof Geedi wuxuu kaloo wasiirka kala halay in la sii
daayo 30 qof oo ah Muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo lagu
soo qabqabtay inay u tahriibayeen dalalka Yurub oo
lagu hayay Xabsi ku yaala Wadankaasi Liibiya in la sii
daayo dibna logu celiyo Dalka Soomaaliya, taasi oo uu
wasiirku balanqaaday, wuxuuna u sheegay in dadkaasi
Soomaaliyeed la sii deyn doono loona dhoofin doono
Dalkoodii, isagoo ka codsaday Raiisul Wasaare Geedi in
Dadka Soomaaliyeed uu ujeediyay Baaq ku aadan in ay ka
waantobaan Tahriibka ay naftooda ku biimeynayaan oo uu
sheegay in Dad badan ay hore ugu naf-waayeen, dhinaca
saxraha amo Xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo talyaaniga
Isha warka: Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya
Ninka ugu sareeya qayebta
amaanka (CSA) ee hey'ada UNDP oo maanta soo gaaray magaalada
kismaayo

Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayao madaxa qaybta amaanka
ee heyada UNDP ninka lagu magacaabo JOE GORDEN ayaa saakay
barqanimadii ka soo dagay gagida dayuuradaha caalamiga ah ee
magalada kismaayo isagoo ka soo kicitimay magaalada nayroobi
ee caasimada dalka Kenya.
Wafidan ayaa waxa uu
socdaalkoodu ku saabsanaa siidii heyada UNDP oo in mudo ah
ka maqnayd magaalada kismayao sidii ay dib mar labaad ugu
soo laaban lahayad magalada kismayao islamarkaana ay xarun
rasmi ah oga samaynsan lahayd magaalada maadaama ay sheegeen
in maanta magaalada kismaayo amaankeedu uu yahay mid la isku
halayn karo islamarkaana kormeer badan ay sameeyeen u suuro
galisay in ay mar labaad dib oga howl bilaabaan magaalada
kismaayo iyo waliba deegaanada hoosyimaada .
Wafigan ee uu hogaaminayay
mr joe gorden ayaa waxaa ku soo dhaweeyaya magalada kismayo
madax sar sare oo ka tirsan maamulka isbahaysiga dooxada
jubba ee haatan gacanta ku haya amaanka magaalada kismayo,
mas'uuliyiintaas maanta soo dhaweeyey wafdagan ayaa ayagana
waxaa horkacayaya gudoomiyaha isbahaysiga dooxada juba
xildhibaan barre aadan shire barre hiiraale iyo ururada
bulshada rayidak ah maamulka degamda siyaasiyiin oqoonyahano
wax garad iyo cuqaal, soo dhaweyn ka dib wafidagan ayaa
waxaa loo soo dhaadhiciyay hotel marindian ee magaalada
kismayo halkaasoo uu mr joe saxaafada kula hadalay.
Mr joe waxa uu sheegay in
dalabaad badan iyo baahi badan oo ay qabaan dadka ku daqan
gobolkan ay suuro galisay in maanta ay yimaadaan magaalada
kismaayo si ay u suuro galiyaan soo guurista heyada UNDP
islamrkaana ay xarunteedii ay dib u howl galin lahayad
maadama ay in mudo ah ka maqnayd maagalada kismayo ayadoo uu
sheegay mr joe in heyada UNDP ay oga howl bilaabi doonto magaalada
kismaayo mudo ka yar labo isbuuc gudooh .
Mr joe ayaa waxaa uu u
mahad celiyaya xildhibaan barre hiiraale iyo madaxda kale ee
ka tirsan maamulka isbahasiga dooxada jubba sida ay oga
dhabeeyeen islamarkaana ay u muujiyeen amaanka magaalada
ayagoo sameeyey ayuu yiri hubka oo ay ka aruuriyeen
magaalada maleeshiyaadka oo ay ka xareeyeen magaalada
taasoo haatan gun dhig u noqonaysa in ay yimaadaan heyadaha
samafalka ah si dadka gobolkana looga kaabo illaha muhiimka
ah ay u baahan yahiin sida caafimaadak waxbarashada iyo
meelo kale oo muhiim ah .
Mr joe ayaa waxa uu sheegay
in imaantinka uu maanta yimid magalada kismayo uu aad ugu
faraxsanyahay islamarkaana ay tahay markii ugu horeysay ee
uu yimaado gobolkan gaar ahaan magaalada kismayao ayadoo
imaatinkiisa uu casuumaad ka helay gudoomiyaha maamulka
isbahasiga dooxada jubba xildhibaan barre hiraale taasna uu
oga mahad celinayao gudoomiyaha .
Dhanka kale imaatinka
hey'adan ayaa waxa ay suuro galinaysaa in ay magaalada
kismayao yimaadaan dhamaan heyadahii samafalka ahaa ee
kolhoreeto ka huleelay maglaalada kismayao arimo ay ku
sheegeen amaan dari owgeed tasoo in badan ay mas uuliyad
iska saareen haatan maamulka gacanta ku haya magaalada
kismayo.ayadoo ay yididiile weyn ay galinayso ururada
maxaliga ah ee ka jira magaaladan kismaayo dadka qaxootiga
ah ee tabarta dana ee ku dhaqan xeryaha qaxootiga ee
magaalada kismayao oo aan in mudo ahba helin kaalmo ay u
fidiyaan heyadaha caalimiga ah tasoo liiday dadkaas xaga
caafimaad iyo xag aqooneedba maadama aysan jirin cid kale oo
kaalmo siinaysa mar hadii ay gobolkan ka maqanyahiin
heyadahii samafalka islamarkaana ay arinkaan ah imaatinka
heyadaha samafalka ay aad u soo dhawaynayaan dhamaan bulsho
weynta ku dhaqan gobolkaan .
Cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
Kismaayo soomaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Keyse Jaamac oo Laga Sii daayey Xabsiga
Faafin: SomaliTalk.com | July
17, 2005
7-Soomali ah oo lagu
xiray xabsiga Nairobi
dadkan oo loo xirxiray lacagihii hotelada iyo
raashinkooda, haatana ayan ka dhoofi Karin Nairobi...
Guji... July 16
Kooxdaha Göteborg iyo
Liecester oo maanta guul darro soo wajdahay
Tartanka
Ciyaaraha Kubada Cagta 7aad Ee Uro-Som Oo Si Habsami Ah Uga Furmay Magaalada
London ayaa...
Guji... July 16
Wararka Magaalada Laascaanood....
»Isku
shaandhayn daraawiishta..
»Waraysi: Garaad Abshir Saalax..
»Waraysi: Siiciid Jaamac Qoorsheel..
Wararka oo dhan...
Guji.... July 16
"228
Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda
aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka
lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo...
Guji...
Geedi iyo Waftigii Uu
Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran
yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG
ayaa...
Guji...
|