SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
Keyse Jaamac oo Laga Sii daayey Xabsiga
 
Siideyntaas oo Shuruudi Ku Xiran Tahay...

Keyse Jaamac oo la taagan saaxibadiis iyo qaraabadiisa iyo qareen kiisa ayagoo jooga guri qaraabada oo ku yaal xaafada Wodbury, Minnesota, markii xabsiga laga soo daayey ka dib. | Sawirka : MPR

Minneapolis: Subaxnimadii Sabtida (10kii subaxnimo, July 16, 2005) ayaa xabisiga laga soo daayey Keyse Jaamac. Waxa uu xabsiga ku jirey ilaa 1999 intaas oo uu sugayey in laga masaafuriyo dalka Maraykanka.

Shuruudaha lagu soo daayey Keyse Jaamac waa in uu saraakiisha Laanta Socdaalka (immigration-ka) iska soo xaadirio Isniin kasta ilaa laga tarxiilayo. Taas oo sida uu Radiyaha MPR [Minnesota Public Radio) ka soo xigtey Tim Counts oo ka tirsan laanta Socdaalka uu shegey tarxiilkaasi iman karo mar kasta.

"Mr. Jamac waxa la siiyey amarkii kama dambaysta ahaa ee tarxiilida oo uu amray qareenka dawlada dhexe ilaa maxkamada ugu saraysa Maraykanka oo go'aankaas tarxiilka ku raacday, sidaas daraadeed waxaan rabnaa in aan dhoofino sida ugu dhaqsaha badan" ayuu yiri Tim Counts, sida ay werisey idaacada MPR.

Keyse waxa uu sheegay in uu fahamsan yahay waqtiga kooban ee uu sii joogayo Maraykanka, waxana uu yiri in uu rabo in uu shaqo helo si uu uga kasbada lacag uu u qaato Soomaaliya.

Jaamac waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay kulaabashada dalkiisii hooyo ee Soomaaliya haddii ay Soomaaliya aqbasho.

Saraakiisha Laanta Socdaalka Maraykanku waxa ay sheegeen in ay hayaan qoraal rasmi ah oo  madaxweynaha Puntland uu ku ogolaanayo in uu aqbalayo Keyse marka Immigration-ku gaarsiiyo.

Isha: MPR | Tarjumadii SomaliTalk.com | July 17, 2005

WARARKII HORE EE KEYSE HOOS KA AKHRI


USA: Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland oo ogolaaday in Keyse Jaamac Loo Celiyo Puntland

  • July 13, 2005


Keyse Jaamac

Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse ayaa ogolaaday in Keyse Jaamac oo ah Soomaali ku muddo ku xirnaa Minnesota dib loogu celiyo gobolada Puntland.

Sida ay werisey idaacada NPR, madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland ayaa qoraal soo gaarsiiyey Maraykanka uu ku ogolaanayo in Keyse Jaamac loo celiyo dalka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland.

Keyse waxaa bishii April ee sannadkan laga tarxiilay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaa waqtigaas loo duuleyey Kenya kaddibna diyaarad loo sii saaray Boosaaso, laakiin markii uu Boosaaso ka degey ayaa loo diidey in uu halkaas ka dego, sidaasna dib loogu soo celiyey Maraykanka.

Keyse Jaamac waa 26-jir Soomaali ah, waxana uu dalka Maraykanka yimid saannadkii 1996. Waxaa la xiray sannadkii 1999, dacwadiisuna waxay gaartey maxkamada ugu saraysa Maraykanka ee loo yaqaan U.S. Supreme Court.

Faafin: SomaliTalk.com | July 13, 2005

WARARKII HORE::::


Ninkii Soomaaliyeed ee Maraykanka Laga Tarxiilay oo Dib Loogu Soo Celiyey Minnesota Kaddib markiii Loo Diidey in uu Ka Dego Boosaaso

  • April 24, 2005
Minnesota Somali being deported today
"Straying from his family and his Muslim faith, which prohibits alcohol, Jama's teen years were a blur of drinking and fighting that resulted in an arrest for a drunken knife fight in Waseca in 1999." Startribune...

Minnesota April 24: Sida ay werisey warbaahinta magaalada Minneapolis, waxaa dib Soomaaliya looga soo celiyey Keyse Jamac oo markii hore laga tarxiilay Minnesota, waxaana wararku sheegeen in uu maanta ku xirnaa xabsiga Ramsey County oo ku yaal St. Paul ee gobolka Minnesota halkaas oo dib loogu soo celiyey.

Waxaa warku intaas ku daray in Keyse loo duuleyey Kenya kaddibna diyaarad loo sii saaray Boosaaso, laakiin markii uu Boosaaso ka degey in loo diidey in uu halkaas ka dego, sidaasna dib loogu soo celiyey Maraykanka.

Keyse Jaamac waa 26-jir Soomaali ah, waxana uu dalka Maraykanka yimid saannadkii 1996, dacwadiisuna waxay gaartey maxkamada ugu saraysa Maraykanka ee loo yaqaan U.S. Supreme Court.

Keyse waxa uu dugsi sare ka dhigtay Minneapolis. Waxaa la xiray sannadkii 1999.

Faafin: SomaliTalk.com | April 24, 2005


Keyse Jamac oo ay Dhici karto in Dib looga Tarxiilayo  Maraykanka

  • April 21, 2005

Sida ay qoreen warbaahinta magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis/St.Paul, haddii arintu ay u dhacdo sida ay hadda ku socoto, waxay u badan tahay in Keyse Jaamac oo muddo dheer dacwadiisu ka socotey Maraykanak in dib loogu tarxiilo Soomaaliya, lagana dejiyo magaalada Boosaaso, waa sida ay qortay shabakada. Waxaana dhici karta in maanta la qadi doono.

Keyse Jaamac waa 26-jir Soomaali ah, waxana uu dalka Maraykanka yimid saannadkii 1996, dacwadiisuna waxay gaartey maxkamada ugu saraysa Maraykanka ee loo yaqaan U.S. Supreme Court.

Keyse waxa uu dugsi sare ka dhigtay Minneapolis. Waxaa la xiray sannadkii 1999.

Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2005


"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD