SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

7-Soomali ah oo lagu xeray xabsiga Industrial Area ee magaalada Nairobi 

Qaar ka mid ahaa Ergada Soomaalida ee ka qayb galay shirkii Nabada Soomaalida ee ka socdey Kenya muddo ku dhowaad 3-sano ayaa wali ku sugan magaalada Nairobi iyagoo u jooga sababo kala duwan.

Dadkan ayaa nasiib u helin in ay ka mid noqdaan  dawlada iyo Barlaamka ,iyagoo rajo ka qabey ama  loo sheegay in laga qayb galinaayo dawlada oo jagooyin loo magaacabayo,gaar ahaan  Guddiyadda Qarran oo ka kooban  6-guddi,laba ka mid ah la magacabey.1-Guddiga Dastuurka   2- Guddiga dib u heshiisiinta ,qaar kalena wali la magacabin.

Dadkan la xirxiray oo ay tiradooda kor u dhaaftay 15-qof ayaa waxay kaloo rajo ka qabeen in loo magacaabo Safiiro ,Qunsiliyada, Agaasime Guud, mid waaxeed ,Maareeyayaal ,Xogheyayaal, Guddoomiye Gobol iyo mid Degmo.

Dadkan oo laba mar la kulmay  Madaxweynaha iyo Raisulwasaaraha dawlada Federaalka Kmg kana balanqaadeen in ay ka bixinayaan qarashayada ku baxay hotelada ay degenaayeen inta ay Dawlada ka guurin Magaalada Nairobi,Nasiib daro waxaa la siiyey tikidho qalalan oo laga soo qaadey UNDP. Waa sida ay sheegeene.

Afhayeenka Ergada Isla Markaasina ah Hogamiyaha Siyaasadda Beesha Ayuub Sheikh Isxaaq Dr.Axmed Daahir Muuse oo aan la kulmay ayaa ii sheegay in dadkan loo xirxiray lacagihii hotelada iyo raashinkooda, haatana ayan ka dhoofi Karin magaalada Nairobi.

Dadkan ayaa magacyadooda la geeyey Garoonka Dayuuradaha ee Jomo kenyata iyagoo magaalada ku dhuumaaleysanayey.

Afahayeenka waxa kaloo ii shaagay in uu hali waayey Safiir Maxamed Abdi Afey iyo Mas`uuliyiinta UNDP.

Sidaa darteed ayaa waxaan la kulmay Faarax Ciise Jamac oo ku sugan Xabsiga Industrial Aera ee magaalada Nairobi aya ii sheegay  in aysan jirin  cid raashin u keenta ,waxa uu ii sheegay in uu Maxkamada la soo taagi doono 21-bishan isaga iyo  6-kale oo ku xiran xabsigaasi,qaar kale ayaa ku xiran xabsiyo kale .

Lagacaha lagu leeyahay nimankasi xirxiran ayaa u dhaxeeya US 300-500 ,hadaba waxaa jirta  raga qaar ka mid ayaa eheladooda ka bixiyey lacago gaaraya ilaa 100-kun oo K/Money ah sida Maxamed amiir ,Timo Jilac iyo Maxamed Aden .

Suldaanka Beesha Jareer  Ugaas Cabdullaahi Sheikh Cabdulqadir (Duub-weyne) ayaa ka mid ahaa raga lacagaasi lagu lahaa ,74-kun ayaa lagu lahaa . 

Suldaanka ayaa ka baxsadey hotelka isagoo dharka iska dul xirtay, ka dibna ka dhoofay garoonka dayuuradaha isagoo an sidan boorsadiisa , Suldaanka aya haatan ku sugan magaalada Muqdishu,Baxsashada Suldaanka ayaa keentay xirxirida Nimankan iyo in magacyadooda la geeyo Air-porka .

Maamulaha Mustalifa Hotel  Sheikh Saleeman ayaa ii sheegay in uu isaga xirxiray ragan uuna doonayao lacagtiisa ,haddii kale la marsiinayao sharciga Kenya waxa uu ka qabo. 

Dadkan la xirxiray ayaa cidna u maqneyn  waqtigan. 

Dhamaad.

Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi ,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 17, 2005

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD