- Wafti uu
Hoggaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Galabta
Booqasho Ku tegey Caasimada Liibiya
- Gollaha Amaanka
Qaramada Midoobay oo xooginaya Cunaqabataynta Hubka
Somaliya.
- Dagaalo ka dhacay
Aaga Raaso ee Soomaali galbeed Ethiopia Maalmihii la soo
dhaafay oo ay ku dhinteen in kabadan 100 Ruux...
Wafti uu Hoggaaminayo
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Galabta Booqasho Ku tegey
Caasimada Liibiya
July 15..Tripoli..Libiya.. Wafdigii uu Hoggaaminayay
Raiisul Wasaraha Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya
Prof Cali maxamed Geedi,uuna ka mid ahaa Wasiirka
Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Cabdirisaaq
Cusmaan xasan Juriile, ayaa galabta saacadda Tripoli
markay aheyd 6dii Maqribnimo ka soo dagay garoonka
Caalamiga ah ee Dalkaasi.
Warkaasi oo aanu ka helnay Afhayeenka Dowladda oo la
socdo Wafdigaasi Mudane Cabdiraxmaan Nuur Maxamed
Diinaari ayaa intaa raaciyay in Booqashada raiisul
Wasaaraha ay la xiriirta Martiqaad uu ka helay
Hoggaamiyaha Jamaahiiriyadda Libiya Mucamaral Qadaafi.
Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in Wafdiga Raiisul
Wasaare Geedi ay joogi doonaan Tripoli muddo sadax
cisha ah ayna Dowladda Liibiya ka filayaan in la siiyo
Taageero Dhaqaale oo ay Dowladda Soomaaliyeed
weydiisatay Dalka Liibiya si ay wax uga qabato
Mashaariicda dib loogu dhisaayo Dalka soomaaliya,gaar
ahaan Mashaaricda degdeg ah ee dib loogu dhisaayo
Maamulka laguna nabadeynayo Dadweynaha ku Degmooyinka
iyo Gobalada dalka Soomaaliya.
Mudane Diinaari wuxuu kaluu sheegay in Raiisul
Wasaaraha uu maalinta Talaada ah usii gudbi doono
Mgaalada Dakar ee caasimada dalkaasi Senigaal oo Kulan
mihiim ah kula yeelan doono maaxweynaha Dalkaasi
Mudane Abdallahi Wade [Abdoulaye Wade] oo isagu ka mid ah
Madaxweynayaasha Qaaradda Afrika ee ugu sumcadda
Dheer.
Madaxweyne Wade iyo Raisul Wasaare Geedi waxay
kulankasi muhiimka ah kaga wada hadli doonaa sii
xoojinta Xirirka Iskaashi ee labada Dal ee Somaliya
iyo senigaal iyo in Madaxweynaha senigaal uu dadaal u
galo in Beesha Caalamka ay gacan siiso Dowladda
soomaaliyeed,gaar ahaan dhinaca Siyaasadda iyo
Maaliyada.
Raiisul Geedi iyo Madaxweyne Wade waxay toddobaadkii
hore ku kulmeen Magaalada Sirte oo lagu qabtay Shirka
ururka Midowga afrika.
ISHA WARKA:
Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya
Gollaha Amaanka Qaramada
Midoobay oo xooginaya Cunaqabataynta Hubka Somaliya.
- Canab Mumtaz |
SomaliTalk | Afrikada Bari
Gollaha Amaanka oo ka
jawaabayay codsi qoraal ah oo ay u gudbiyeen Ururka
midnimada Afrika ee ahaa in ay Somaliya ka qaadaan
QM.Cunaqabataynta dhinaca hubka ee Soomaaliya saaran
ayaa shir ay yeesheen kaga soo saaray in aysan ka qaadi
doonin Somaliya xayiraada hubka ee la saaray sanadkii
1992-kii.
Shir ay Shalay yeesheen
Gollaha amaanka ayaa lagu soo bandhigay qoraalkaas oo si
faahfaahsan uga hadlayay Xaalada Soomaaliya iyo Cunaqabataynta
hubka ee saaranba,waxa uuna gollahu sheegay in xiligan
aysan Somaliya ka qaadi doonin xayiraada hubka ee
saaran,Waxayna ugu baaqeen dhinacyda dowlada KMG ah ee
Somaliya in ay xaliyaan khilaafaadka ka dhex jira si loo
helo is-afrad dhex mara dhamaan qaybaha dowlada
Soomaaliya.
Waxaa kale oo qoraalkan oo
aad u dheeraa ay Gollaha amaanku mahadcelin ugu direen
ururka IGAD iyo wadamada kale ee ku jira ururka
midnimada Afrika oo xi wayn iskaga xilsaaray sidii ay
Somaliya ku heli lahayd Nabad.
Waxaa kale ay sheegeen
Gollaha in ay soo dhawaynayaan dadaalada nabadeed oo ay
wadaan Xubnaha dowlada iyo
baarlamaanka,ganacsatada,Ururada bulshada rayidka ah ee
ka jira dalka iyo kuwa caalamiga ahba si kor loogu qaado
isku keenida bulshada iyo Nabad kuwada noolaanshaha.
Dhinaca kale Gollaha waxa
ay xadgudub ku tilmaameen iyagoo cambaarayeeyay dilkii
dhawaan loo gaystay C/qaadir yaxye oo ahaa Gudoomiyihii
Hay'adda RCD oo fadhigeedu ahaa caasimada Somaliya ee
Mogadisho,mar ay dileen kooxo hubaysan.
Madaxweynaha Somaliya ayaa
todobadkan ka codsaday in qaramada Midoobay ay Somaliya
ka qaado xayiraada hubka ee wali saaran,waxa uuna C/llaahi
yuusuf sabab uga dhigayay in dalka Somaliya ay ka jirto
xiligan dowlada uu isagu hogaamiyo,isagoo ku sugan wali
Magaalada gaalkacyo ee hoos timaada gobolada Puntland oo
uu horay Madaxweyne gobol uga ahaa Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf.
Wasiirka Amniga dowlada
KMG ah iyo Af-ahyeenka baarlamaanka ayaa dhinacooda ka
dalbaday Qaramada midoobay laanteeda Amniga in aysa ka
qaadin Somaliya Cunaqabatayna hubka ee saaran,waxa ayna
cuskanayeen in hubka yaala wadanka gudahiisa laga
badbaadin waayay shacabka mdi kale hadii loo fasaxana uu
keeni karo dhibaato ka xoogan tan hadda jirta.
Dowladii lagu dhisay dalka
Kenya waxa ay noqotay laba garab oo iska soo
horjeeda,Heshiisyo la isku dayay in lagu xaliyo
khilaafka ugu wayn ee ka dhex jiray Madaxweynaha iyo
Gudoomiyaha baarlamanka ayaa ku dhamaaday fashil,Kadib
markii mid walba uu tanaasuli waayay arrinta ugu wayn
ayaa ka dhalatay Halka ay dowladu dagayso iyo Ciidamada
Wadamada Safka hore oo horay qaar ka mid ah baarlamanku
diideen.
Madaxweynaha dowlada FKMG
ah ee Somaliya C/llaahi Yuusuf Axmad,Waxa uu imaan
doonaa magaalada Jowhar oo u dhaw mogadisho,waxaana ku
sugan Ra'iisul wasaaraha iyo xubno ka mid ah labada
golle iyagoo ka dhigan doona fariisin KMG ah,Waxaana ku
booqda xubno ka socda beesha caalamka iyo IGAD.
Sidoo kale Waxa ay mogadisho
fariisin u Tahay Gudoomiyaha Baarlamanka FKMG ah ee
Soomaaliya Shariif Xasan Sh.Aadan iyo qaar ka mid ah
labada golle oo taageersan,waxa ayna sheegayaan in hadii
ay dowladda qaybaheeda kale fariisin ka dhigtaan meel
aan ahayn mogadisho ay weerar ku qaadi doonaan sidoo
kale taageerayaash shirka ee beesha caalamka iyo IGAD
ayaa iyagana mogadisho kula shira xubaha ku sugan ee
dowlada iyo baarlamanka.
Canab Mumtaz |
SomaliTalk | Afrikada Bari
Email:
canabmumtaz@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | July
15, 2005
Dagaalo ka dhacay Aaga
Raaso ee Soomaali galbeed Ethiopia Maalmihii la soo
dhaafay oo ay ku dhinteen in kabadan 100 Ruux iyadoo
tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaaladaasi
ayaa hadda qaboobay.
14.7.2005
Wararka ka imanaya
Magaalooyinka Jigjiga iyo Raaso ayaa sheegaya in dagaalo
labadii Maalomood ee lasoo dhaafay ka dhacayay Aaga
Raaso uu haatan qaboobay isla markaana wali aysan jirin
cid si rasmi ah usoo kala dhexgashay dagaaladaasi oo u dhexeeya
Beelaha Sheekhaal iyo Ogaadeen oo wada daga Gobolka
Somali Galbeed ee Ethiopia.
Dagaaladan ayaa la sheegay
in ay ku dhinteen in ka badan 100 qof labadii Maalmood
ee uu ka socday Aaga Raaso oo ay kamid tahay Meel Buunda
ah , waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo aad u fara badan
oo haatan lagu dawaynayo meelo kala duwan.
Dagaaladan oo marar badan
soo cusboonaaday waxaa inta badan uu ka kacaa muran
dhanka dhulka ah oo u dhexeeya labadana beelood iyadoo
dadka walaalaha ah ee dagaalamayana ay dagaaladaasi uga
dhinteen Shakhsiyaad magac ku leh gobolkaasi.
Dhinaca kale Baaqyo kala
duwan oo ay soo saareen Odayaal Daqameedyo labada dhinac
ah ayaa ugu baaqaya Beelahaasi dagaalamaya in ay
joojiyaan dagaalada noocaasi ah isla mar ahaantaasna ay
ku xaliyaan wada hadal wixii khilaaf ah ee u dhexeeya si
loo gaaro nabad iyo wada noolaansho mar hadii dagaaladu
aysan keenayn wax faa'iido ah.
Sidoo kale waxaa looga
baaqay Maamulka Soomaali Galbeed iyo Dawladda Ethiopia
in ay ka hortagaan dagaalada noocan oo kale ah ee ku
salaysan Beelaha oo dad badani ay ku dhintaan kuwa kalan
ay ku dhaawacmaan, waxaa sidoo kale loogu baaqay
Jabhadda ONLF in iyaduna ay muujiso sidii ay dhexdhexaad
uga noqon lahayd dagaaladaasi oo mararka qaarkood lagu
eedeeyo.
Ridwan Haji
ridwanhaji@yahoo.com
Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada gumaysiga Itoobiya.
Faafin: SomaliTalk.com | July
14, 2005
"228
Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda
aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka
lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo...
Guji...
|