SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

15 July,2005 

  • Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada gumaysiga Itoobiya.
  • Golaha Ammaanka oo Itoobiya ugu baaqay inay aqbasho go’aankii xadka.
  • Booliska Itoobiya oo laba suxufi oo kale xidhay .
  • Budhcad Itoobiyaan oo dad ku laayay Kenya.
  • Dad badan oo ku dhintay shil baabuur oo Eritereya ka dhacay.
  • Hay’ad caalami ah oo ka digtay in xayiraada hubka laga qaado Soomaaliya.
  • Iyo Barnaamij gaar ah oon ku magacownay "Dareenka runta ah dubbuhu ma hor-joogsan kar".

 ====================== 

Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada gumaysiga Itoobiya 

Ciidammada maxaysatada ah ee lagu soo ururiyay dhulka Ogaadeenya ayaa sidii caadada ahayd mar kale loo gaystay dhaawacyo waaweyn, ka dib markii ay iyaga iyo cidammada xoreynta Ogaadeenya foodda isku dareen meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah. 

27/06/05 Gasaangas, oo degmada Fiiq ka tirsan, dagaal mir ah oo ka dhacay ayaa ciidamada cadowga itoobiya loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin. 

28/06/05 meesha layidhaahdo Simane, oo degmada Fiiq ka tirsan, ayaa lagu qaqabtay koox Dabaqoodhi.kooxdaas ayaa laga qaatay 5 qori, ka dibna la iska sii daayay. 

Dagaal ka dhacay28/06/05 halka lagu magac-aabo Dhanqa, oo ka tirsan degmada Fiiq, ayaa ciidamada cadowga itoobiya lagaga dilay 1 askari, 1 kalana lagaga dhaawacay. 

30/06/05 dagaal ka dhacay Haar-galool, oo ka tirsan degmada Fiiq, ayaa ciidamada cadowga itoobiya lagaga dilay 6 askari, 4 kalana  lagaga dhaawacay. 

03/07/05 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Isdaba-deg, oo ka tirsan gobolka Jarar, ayaa ciidamada maxaysatada ah lagaga dilay 2 askari,halka dhaawucuna gaadhay  4 kale.  

09/07/05 dagaal mir ah oo lagu qaaday magaalada Dig, ayaa ciidamada gumaysiga Itoobiya loogu gaystay khasaare badan oon faahfaahintiisa la haynin. Dagaalkan waxaa ciidammada gumaysiga lagu qaaday xilli habeenimo ah iyagoo fiilo u taagan. 

Dhinaca kale daba-yaaqadii bishii hore waxaa magaalada Haar-dhagax lagu xidhay labo nin oo rayad ah, kuwaasoo laga qaatay labo qori oo ay wateen. Ilaa iyo haddana lama garanaya meesha labadaas nin la geeyay, waxayna kala yihiin:

1-Mubaarag Cabi Xaashi

2-iyo Nin Xuseen lagu magacaabo oo magiciiso buuxa aanaan haynin.

Ciidammada gumaysiga Itoobiya waxay sidoo kale 11/07/05 nin rayad ah ku dileen meesha lagu magacaabo Garwaan, oo ka tirsan gobolka Doollo. Ninkan waxaa lagu magacaabaa Xayi Gaas Jaamac Marwaas. 

Golaha Ammaanka oo Itoobiya ugu baaqay inay aqbasho go’aankii xadka. 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa xukuumadda Itoobiya ugu baaqay inay aqbasho go’aankii maxkamadda caalamiga ah ee lagu dhammaynayay khilaafka xuduudeed ee iyada iyo Eritereya u dhexeeya. Madax sarsare oo ka tirsan Qaramada midoobay iyo dowlada Eretariya ayaa sanadkan dhexdiisa marar badan ka digay  in colaadu ay sii kordhayso oo laga yaabo inuu dagaal labaad ka dhex qarxo labada waddan 

“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay aad uga walwalayaan inaan wali wax horumar ah laga samaynin fulinta go’aankii kama denbaysta ahaa ee fulintiisa lagu qasbanaa, waxayna Itoobiya ka codsanayaan inay go’aankaas si buuxda u aqbasho”, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay Golaha Ammaanka. 

Heshiiskii xabbad joojinta ee Itoobiya iyo Eritereya isla gaadheen sannadkii 2000 ayaa dhigayay in labada dhinac ay aqbalaan go’aanka kama denbaysta ah ee fulintiisa lagu qasban yahay ee ku saabsan meesha uu marayo xadka labada dal u dhexeeya. 

Guddigii caalamiga ahaa ee xallinta khilaafaadka xadku markii uu  siiyay magaalada badme dalka Eritereya ayay Itoobiya diiday inay go’aankaas aqbasho. Hase yeeshee sannadkii hore ayay xukuumadda Itoobiya haddana sheegtay inay go’aanka guddiga aqbashay, balse ay doonayso inay marka hore wadaxaajood la yeelato dawlada Eritereya, arrintaasoo ay Eritereya diiday. 

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay kaloo walwal ka muujiyeen dhaqdhaqaaqa ciidan ee xukuumadda Itoobiya ay ka waddo xadka ay Eritereya la leedahay, waxayna sheegeen inay ka walwalsan yihiin ciidammada faraha badan ee Itoobiya ay xadka ku soo uruurisay bishii Disember ee kal hore. 

Booliska Itoobiya oo laba suxufi oo kale xidhay . 

Booliska xukuumadda Itoobiya ayaa horraantii toddobaadkan xabsiga u taxaabay suxufiga lagu magacaabo Fassil Yenalem, oo ah madaxa tifatirayaasha wargayska Addis Zena. Sida uu sheegay Ururka Suxufiyiinta Itoobiya waxaa Yenalem maxkamadda la keenayay maalintii talaadada ahayd. 

Booliska xukuumadda Itoobiya wuxuu sidoo kale xabsiga dhigay suxufi kale oo lagu magac-aabo mare Aregawi, oo ah madaxa tifatirayaasha iyo soo saaraha wargayska Reporter. Aregawi waxaa loo xidhay warar uu ka qoray askar 150 ka koobnaa oo dhawaan gadood sameeyay, isla markaana xoog ku qabsaday jidka ugu wayn ee soo gala magaalada Addis Ababa, kuwaasoo gadoodkan sameeyay, ka dib markii mushaarooyinkoodii la siin waayay. 

Aregawi ayaa isla maalintii la qabtayba maxkamad la horkeenay, waxaana markii denbe la sii daayay, ka dib markii laga qaaday lacag madax furasho oo dhan 500 oo Bir.  

Budhcad Itoobiyaan oo dad ku laayay Kenya. 

Ugu yaraan 76 qof ayaa lagu dilay weerar ay budhcad Itoobiyaan ahi ku soo qaadeen tuulo ku taalla woqooyiga dalka Kenya.Sida uu cadeeyey booliska dalka Kenya budhcaddan Itoobiyanka ahi waxay talaadadii soo weerareen tuulada Turbi oo ku taalla woqooyiga Kenya, waxayna dileen 76 qof oo rayad ah oo 22 ka mid ahi ay carruur yihiin. 

Ciidammada ammaanka ee Kenya ayaa iyaguna weerar ku qaaday budhcaddan Itoobiyaanka ah oo tiradooda lagu qiyaasay 300-500 oo qof, waxayna ka dileen 16 ka mid ah. Waxay sidoo kale ka soo dhigeen 5000 oo Adhi ah iyo 200 oo Lo’ ah. Waxaa kaloo laga soo dhigay 10 Geel ah iyo 4 Dameer. 

Afhayeen u hadlay booliska Kenya ayaa sheegay in weerarkii talaadadi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 18 qof. Dawlada Kenya ayaa sheegtay inay ciidammo cusub deegaankaas u dirtay, si ay uga daba-tagaan budhcadii weerarka gaysatay. 

Dad badan oo ku dhintay shil baabuur oo Eritereya ka dhacay. 

Ugu yaraan 56 qof ayaa ku dhimatay, 30 kalana waxaa soo gaadhay dhaawac halis ah, ka dib markii axaddii uu bas aad loo buux dhaafiyay shil ku galay koonfurta galbeed ee magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritereya . Shilka baabuur ayaa lagu tilmaamay midkii ugu xumaa ee ka dhacay dalka Eritereya.  

Baskan ayaa u kala socday magaalooyinka Adi Quala iyo Maimene oo ku yaalla koonfurta dalka Eritereya, wuxuuna ka siibtay dhul dhiiqo ah, isagoo ku hoobtay meel dherarkeedu 100 mitir hoos ah dhan yahay. Baskan ayaa la sheegay in loogu talagalay rakaab aan 45 ka badnayn, hase yeeshee waxaa saarnaa rakaab gaadhaya 86 qof.

Dadkii shilkan ku dhaawacmay ayaa hadda lagu dawaynayaa isbitaallo ku yaalla magaalooyinka Adi Quala iyo Mendefera, kuwaasoo ku yaalla dhinaca koonfureed ee xadka ay Eritereya la leedahay Itoobiya. 

Wasiirka warfaafinta ee Eritereya Cali Cabdu ayaa sheegay in shilkani uu ahaa midkii ugu xumaa ee dalkiisa soo mara tan iyo markii uu xornimada qaatay 12 sano ka hor. Wuxuu kaloo intaas raaciyay in dawlada ay u taallo shaqo badan oo ku saabsan sidii loo wanaajin lahaa nabadgelyada jidadka.  

Hay’ad caalami ah oo ka digtay in xayiraada hubka laga qaado Soomaaliya. 

Hay’adda lagu magacaabo International Crises Group (ICG) ayaa walaac ka muujisay codsiga qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee ku saabsan in dalka Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka ee saarnayd in ka badan 10 sano, waxayna hay’addu sheegtay in xayiraada hubka oo Soomaaliya laga qaado ay keenayso dhibaato la soo gduboonaata dadwaynaha soomaaliyeed. Hay’adda ICG ayaa sheegtay inay halis badan Soomaaliya soo wajahayso hadday Qaramada Midoobey oggolaato in Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka. 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka fiirsanaya in Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka, si ay suuragal u noqoto in ciidammo nabad ilaalineed loo diro dalka Soomaaliya. 

Madaxwaynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa hadda ka hor codsaday in dalkaSoomaaliya la geeyo ciidammo nabad ilaalin, arrintaasoo uu ka oggolaaday Midowga Afrika. Markaas ka dib ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramad Midoobey loo diray codsi ah inuu xayiraada hubka ka qaado dalka Soomaaliya, si ay ciidammadaasi hawshooda nabad ilaalinta ah Soomaaliya uga billaabaan. 

Hay’adda ICG ayaa sheegtay in kooxaha soomaalidu ayna isku raacsanayn imaatinka ciidammo shisheeye ah oo Soomaaliya la keeno. Waxay kaloo intaas raacisay in ciidammada shisheeyaha ah ee Soomaaliya la keenayo ay wax ka qaban karaan hawlaha nabadaynta haddii ay kooxaha soomaaliyeed arrintaas isku waafqasan yihiin oo kaliya. 

  Radio Xoriyo

15 July.2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com 
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Lacagtii loo hayey mashruuca Abuubakar waxay gaartey $1,400,000. Warbixintaas iyo waraysi ay Xasan Dhooye arimaha masjidka kala yeelatay Idaacada Codka Beesha ee Minneapolis, iyo Video laga duubay dhismaha Guji

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD