Mudane Isxaaq Waxaa fiican Mar walba inaad eegto cidda aad ka daba
hadleyso Mustawaha iyada iyo adiga idiin dhexeeya
Abdirizak Haji Hussen [Somalia PM 1964-67] |
Salaanta islaamka ee dunida oo idil ugu qaalisan uguna dharafta badan
kadib, waxaan rabaa inaan talo walaatinimo u soo jeediyo walaalkeen
Isxaaq oo isagu markuu qorayay Qoraalkan (Jawaab waraysigii uu siiyey
BBC mudane C/risaaq Xaaji Xuseen) aanan naftiisa su'aalin kuma ayaan
ahay? Yaanse warkiisa naqdinayaa? mana uusan eegin farqiga u dhexeeya
maqaamka uu isagu taaganyahay iyo qoraalkiisa waxa uu ka hadlayo.
Marka hore waxaa hubaal ah in uusan Isxaaq dib u aqrin maqaalkiisa
intuusan soo gaarsiinin shabakadaha wax qora, waayo haduu dib u eegi
lahaa maba soo direen ee intuu weesa qaadka boobo ayuu alle danbi
dhaaf weydiisan lahaa beenta uu ku hadlay darted.
Su'aal Hubka Suuqa Bakaaraha yaal imisa yuu joogay Wareysiga C/risaaq
Xaaji ka hor? imisa ayuuse noqday Wareysigiisa kadib?
Jawaabtaas isaga ayaan u deynayaa, eeg wuxuu yiri. "Ma jeclayn inaan
ka daba hadlo mudane C/risaaq oo ah shakhsi xushmad ku dhex leh
bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, hase yeeshee daniba tiri xil dhalaan
gartaa weynaa ayey Soomaalidu ku maahmaahdaa"
Wuxuu sheegay in uusan jecleen inuu ka daba hadlo Mudane C/risaaq
isagoo haamansanna waxa uu hadana yiri sidan. "Waxaan rabaa inaan
arimaha uu mudane C/risaaq ka hadlay aan ukala saaro saddex qaybood.
Qayb uu kaga hadlay arimaha khilaafka dawlada, qayb uu kaga hadlay
arimaha nabadaynta Soomaaliya iyo qayb uu is barbardhigay degaano
aysan ahayn kolay marakan in la is barbardhigo mar dambe yeelkeede iyo
qiil usamayn burcada isbaarada dhigatay dariiqyada kuna baarata
danyarta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan Muqdisho."
Ruux aad ogtahay inuu xushmad iyo sharaf ku dhexleeyahay Bulsho weynta
Soomaaliyeed hadaad ku tilmaantay nin aan kala aqoon deegaanada
Soomaalida isna bar bar dhigay meelo aysan eheen in la is bar bar
dhigo misna aad ku tilmaantay nin burcadda dhiiro gelinaya colaadna
hurinaya, waxaa bubaal ah caadifadda qabiil iyo taageerada aad u heyso
garab ka mid ah garabyada is haya darteed inaadan kala garan
hadalkaada khilaafka u dhexeeya iska daa in aad saxdo dad qalad
galaye, Soomalidu waxay titaahdaa tiisa daneeyaa tu kale daryeela
Mudane Isxaaq hadalkaada ayaa u baahan dib u heshiisin iyo sixitaan.
Waxaad dadweynaha u sheegtay in Wareysigii C/risaaq haduu Dagaal
Huriyo uu isagu mas'uuliyadeeda qaadayo, waxaan anigoo ka dabqaadanaya
hadalkaas Su'aal kaa weydiinayaa Mudane C/allaahi Yuusuf markii uu
lahaa "Inatuu qofi idinka danbeeyo Garoowe Caasimad ha ahaato iyo ma
waxaad Dooneysaan in aan Reer Xamar Hoostagno? Ma waxaad dooneysaa in
wixii cusub ee soo baxa aan Xamar u doonanno? Ma Hawiye ayaa inaga
Xoog badan halkee nooga xoog badanyihiin meey Puntland naga saaraan
hadey awood na dheeriyihiin, intaas oo hadal oo qallafsan waxaa
shabakadaha Internet-ka loogu faafiyay si aan caadi eheen waana ninka
aad leedahay Shariifka yuu ka saxsanyahay waa sida hadalkaada ka
muuqatee, C/risaaq oo aan Xil ka heen Dowladda Cusub ee Soomaaliya
ayaad leedahay wareysigiisa Colaad buu abuurayaa, Maxaad uga hadli
weyday midkaan kaba daran kana Qallafsan Caqli keenaya inaad kaasna ku
tilmaanto mid dagaal hurinaya Midka Mudane Yuusufna aad u riyaaqdo waa
kaaga oo keliya, Midna ogsoonoow markaad wax qoreysa dad fara badan
baa aqrisanaya ha u maleen in inta kugu fekirka ah oo keliya ay
aqrisanayaa Qoraalkaada.
Talo: Dadka dhacabka ah waxaad doonto hawada waad u marin kartaa
Laakin dadka Magaca iyo Sharafta ku dhex leh umadda Soomaaliyeed ha u
gafin, Rabbigii I qalqay ayaana hortiisa kaaga cadeynayaa in aan heeb
qabiil wadaagin C/risaaq Xaaji isku danna aanan eheen waxaanse ka
xumaaday in qof kaa sharaf iyo sumcad badan aad hadallo qallafsan u
adeegsato misna aad ku tilmaanto ruux aan wax aqoon Dagaal ooge ah ,
sidaas darteed waxaan ku dhihi lahaa ka tooba keen qoraalkaada foosha
xun
Maxamed C/llaahi
mcabdullahi@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan Faafin:
July 14, 2005
Jawaab Ku Socota mudane C/risaaq Xaaji Xuseen
Waa Xaaraam wax ka qorista
mashaariicda Islaamka iyo Culumada ka shaqeysa |