Jawaab waraysigii uu
siiyey BBC mudane C/risaaq Xaaji Xuseen
Osman Ahmed Sheekh
isxaaq@yahoo.com
July 14, 2005
Bismillaahi raxmaani raxiim, ku
bilaabid magaca eebe weyne ka gadaal waxaan jeclaystay inaad xoogaa ka
iraahdo waraysigii uu shalay oo ku taariikhaysnayd July 12, 2005 ee uu
idaacada BBC siiyey mudane C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa ra’iisul
wasaare hore ee Soomaliya lixdamaadkii.
Kuma soo wada koobi karo qormadan
waraysigaas oo aad udheeraa dartiis, waxaanse rabaa inaan wax yar ka
taabto. Waan jeclaan lahaa inaan qodob qodob utaabto hayeeshee waxaan ka
baqayaa inuu qalinku ila tago oo qoraalkayganina uu dheeraado kadibna
akhristayaasha qaarkood oon ogahay wakhtigooda ciriiriga inay suuragal
unoqon waydo inay wada dhamaystaan qoraalkan.
Ma jeclayn inaan ka daba hadlo mudane
C/risaaq oo ah shakhsi xushmad ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed
dhexdeeda, hase yeeshee daniba tiri xil dhalaan gartaa weynaa ayey
Soomaalidu ku maahmaahdaa.
Waxaan rabaa inaan arimaha uu mudane C/risaaq
ka hadlay aan ukala saaro saddex qaybood. Qayb uu kaga hadlay arimaha
khilaafka dawlada, qayb uu kaga hadlay arimaha nabadaynta Soomaaliya iyo
qayb uu is barbardhigay degaano aysan ahayn kolay marakan in la is
barbardhigo mar dambe yeelkeede iyo qiil usamayn burcada isbaarada
dhigatay dariiqyada kuna baarata danyarta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa
ku dhaqan Muqdisho.
Aan ugu horeeyo dal daloolada iiga
muuqday waraysigaas, aana ku bilaabo khilaafka dawlada dhex yaal. Mudane
C/risaaq wuxuu ahaa ama dadbadaniba ka rajaynayeen inuu khilaafkaas dhex
dhexaad ka ahaado maadaama uu yahay oday Soomali udhexeeya, xushmadna ku
leh bahweynta Soomaliyeed waliba haduu isku dayo inuu dhameeyo wax ka
gaysan kari lahaa. Haday noqoto waaya aragnimadiisa siyaasadeed iyo
haday noqon lahayd xushmadaas loo hayaba.
Ma dhicin in mudane C/risaaq uu ka
faa’iidaysto fursadaas qaaliga ah, wuxuuna ka doorbiday inuu raaco oo
taageero dhinac ka mida dhinacyada is haya gaar ahaan hogaamiyayaasha
hubaysan ee Muqdisho.
Si fiican udhuux jawaabtii uu ka
bixiyey su’aahsii ahayd in dawlada madax weynaha uu ka yahay mudane C/laahi
Yuusuf waxay gudoomiyaha baarlamaanka mudane Shariif Xasan ku sheegtaa
inuu shariifku masuul ka yahay dhibaatooyinka ba’an ee dalka maanta ka
taagan ee dawladiisana hortaagan.
Mudane C/risaaq aad iyo aad ayuu uga
maagay inuu ifiyo khaladaadka gudoomiyaha baarlamaanka iyo shaqooyinka
uusan lahayn ee uu shanta kula jiro mudane Shariif Xasan, sida uu wax
uga sheegayey madaxweynaha ugama uusan hadlin waana uu ka war wareegay,
ifinta khaladaadka kooxaha Muqdisho ee jalaafooyinka dawlada ku haya
kuna gabanaya dhabarka mudane Shariif Xasan. Waxaa jirtay hees
Soomaaliyeed oo ahayd.
Kii dhuumanaayow dhabarku muuqdoow, waa
dharaar waa dharaar lugu dhawrayaaye dadkaa dhinac ka raac hooy hooy
dhinac ka raac yaadan lumine dhinac ka raac oon ula jeedo
hogaamiyayaashaas raba inay shacabka reer Muqdisho siriq ku sii hayaan.
Waxaa wax lala yaabo ahaa markuu yiri
mudane C/risaaq, madaxweynuhu wuxuu shanta kula jiraa shaqo uusan lahayn
markaas micnuhu sow la ma oran karo mudane C/risaaq wuxuu taas ula
jeedaa in Shariifkuna shaqada uu faraha kula jiro inay shaqadiisii tahay
oo hawlihii dawlada inuu shariifku dhex boodo ay waajib tahay sow uma
dhacayso mar hadii mudane C/risaaq uu ka meermeeray inuu si buuxda uga
jawaabo eedaynta dawlada ee gudoomiyaha baarlamaanka.
Taas sow ku tusi mayso sida uusan
mudane C/risaaq uusan daacad ama dhex dhexaad uga ahayn arimaha
Soomaaliya uuna si bareer ah utaageeray koox ka mida kooxaha is haya.
Dad badan oon ka mid ahay ayaa
isweydiinaya maxaa ku kalifay in mudane C/risaaq inuu lumiyo
masuuliyadii cuslayd ee dalka iyo dadkaba ka saaraa ee ahayd inuu oday
uwada yahay dhamaan Soomaali ee uusan dhinac ujan jeersan iskuna wado
dhamaan, kuwa khadlana khaladkooda daacadnimo ku saxo, kuwa saxana uu
garab istaago.
Qodobka labaad ee mudane C/risaaq uu ka
hadlay waxay ahayd qaabka loo nabadaynayo magaala madaxda iyo inay
dawladu aysan wax xil ah iska saarayn nabadaynta magaala madaxda. Hadaba
waxaa is weydiin mudan ma jirtaa cid inkirsan Muqdisho inay tahay
caasimad, yaase yiri waxaa caasimada loo wareejin meel kale oon Muqdisho
ahayn, mase la hubaa sideedaba in Muqdisho mustaqbalka ay buuxin doonto
shuruudaha caasimad nimada?.
Ciimadii dalka oo idil laga uruurinayey
ee xooga qaranka ahaa lana rabay in tababarka loo furo si ay usugaan
amaanka qaranka in lagu furo tashwish oo dareen la galiyey lagana dhigay
kuwa ka imanaya Hiiraan iyo Puntland oo qura oo duulaan ku soo ah
degaano kale,taasoo aan oran karo mudane C/risaaq warba uma hayo waxa
dalka ka socda ama dhinacyada siyaasada isku haya midkood ayuu warka ka
helaa maadaama uu yiri waxaan maqlay in Hiiraan iyo Puntland ay ciidamo
ka imanayaan malaha kuwana Jowhar hore waa ujoogeen ayuu sii
raacshay.Taas ayaa ku tusaysa in mudane C/risaaq uusan si fiican ula
socon wararka gudaha dalka.
Hadaba waxaad moodaa in mudane C/risaaq
uu meeshii uu ka hadli lahaa kuna baraarujin lahaa dadka ku nool
Muqdihso sidii ay unabadayn lahaayeen magaalada dawladuna ay ugu soo
dhiiran lahayd inay imaatinka iyo ka shaqo bilaabida caasimada, waxaad
moodaa inuu muujiyey in dawladu cadaawad uqabto reer Muqdisho oo asyan
dawladu danba ka lahayn in magaaladu ay nabad noqoto iyo inay sideeda
sii ahaato taasoo aad moodo inay dhalin karto dhibaato iyo cadaawad in
dadweynaha reer Muqdisho ay dawladooda uqaadaan.
Ka waran hadii waraysigaas uu dhaliyo
dagaal, ay dad ku hoobtaan yaa masuuladeeda qaadaya?.Warar ayaa durba
sheegaya waraysigii kadib in hubkii oo maalmahan qiime dhac uu ku yimid
in suuqa hubka lagu kala gato kan ugu weyn ee Bakaaraha inuu kor ukacay
hubkii kadib markii waraysigii mudane C/risaaq uu muujiyey sidii in
hubka laga dhigayo oo qura reer Muqdisho oo qura. Waxaa fiicnaan lahayn
mudane C/risaaq inuu booskii hadalkaas uu ka doorbido inuu dadka
Muqdisho ku dhiiri galiyo inay ka wada qayb qaataan nabadaynta muqdisho
hubkana iska dhigaan.
Tan saddexaad oo kuwaas oo dhan ka sii
darayd waxay ahayd markii mudanaha la weydiiyey su’aal ahayd, madaxweyne
C/laahi Yuusuf iyo dawladiisu waxay sheegaan kuna eedeeyaan had iyo goor
hogaamiyaasha hubaysan ee Muqdisho haatana noqday wasiirada inaysan
dawladnimo doonayn oo ay ka doorbidayaan isbaarooyinka magaalada
udhexyaal oo lacago badana ay ka helaan,waxay kaloo dawlada C/laahi
Yuusuf sheegeen in hogaamiyayaashaasi ay yihiin kuwii dawladii C/qaasin
jilbaha dhulka udhigay oo burburiyey adigu taas mid ka duwan baad qabtaa
miyaa?.
Mudane C/risaaq wuxuu ka baxshay
su’aashaa jawaab dhagaystayaashii dhagaysanayey waraysigiisa ay aad ula
yaabeen sida uu qiilka ugu sameeyey hogaamiyayaasha hubaysan ee
isbaaradu utaal Muqdusho. Jawaabtii mudane C/risaaq uu ka baxshay waxay
noqotay sedan.
Nimankaas kaligood in lagu eedeeyo ma
qabo qolo aan dekado iyo airport ama meelo lacago ka soo galaan aan
lahayn ma jirto , Puntland baa leh, Somaliland baa leh, Bay baa leh,
Kismaayaa leh.
Waxaan aad ula yaabay sababta uu mudane
C/risaaq uu isu barbardhigay degaano maamul iyo nidaam uu ka jiro iyo
kooxo burcada oo masaakiinta jidadka ku furta oo isbaaro ku jaqa dhiiga
shacabka. Ma la is barbar dhigi karaa canshuuraha laga qaado dekadaha
maamulada Puntland iyo Somaliland iyo kuwa koonfur ka jira, haba ugu
daraadeen kuwa Muqdisho oo aan marna lagu tilmaami Karin canshuur.
Waxaa dad badani la yaabay, iyadoo
mudanuhu uu ogyahay in degaanadaas ay yihiin goobo aysan ka jirin
isbaaro dadka lagu dhaco,uuna ogyahay mudanuhu in lacagta canshuuraha ee
dadka laga qaado ama garoomada diyaaradaha ha ahaato ama dekedaha in
mushaar ay uqaataan shaqaale fara badan oo degaanadaas ku nool ayna ku
nool yihiin waa canshuurtaase qoysas badan oo Soomaaliyeed.
Hadaba aan eegno qaabka ay ushaqayso
isbaarooyinka Muqdisho yaase ka fa’iida lacagaha baada iyaguba ay ku
sheegaan ee uu mudane C/risaaq ugu qiilka sameeyey hogaamiyayaasha
hubaysan ee Muqdisho.
Ugu horayn isbaarada ay dhigteen ma aha
mid qaab canshuureed ee waa qaab burcad nimo oo maalinba burcada
goobtaas joogta ay waxay doonaan ka qaadaan gawaarida.
Tab labaad lacagtaas waxay gashaa
jeebka ashkhaas gaara oo waxba looguma qabto shacabka, balse waaba lagu
dhibaa isu socodka magaalada.Haday bixin waayaana xabad baa lala dhacaa,
halka meelaha maamuladu ka jiraan jidadku aysan isbaaro oolin, cidii
canshuuraha ganacsiga ku waajiba aan bixina xabsiga loo taxaabo een
xabad lala tiigsan.
Dekadaha iyo garoonada Muqdisho waa la
mid isbaarooyinkaas magaalada dhexyaal oo waxba ugama duwana, hadaba
side loo barbar dhigi karaa degaano canshuurta dadka laga qaado looga
faa’iideeyo dadka degaanka ku dhaqan kuna faraxsan marka laga qaadayo
canshuurtaas ogna inay iyaga dib ugu laabanayso.
Waa suuro gal in mararka qaar
canshuuraha laga qaado degaanada maamulka iyo kala dambayntu ay ka jirto
in si khaldan loo maamulo dhaqaalahaas, hase yeeshee marna looma barbar
dhigi karo jid gooyooyinka Muqdisho iyo meelaha aan nimaadku ka jirin
yaala.
Ugu dambayn, waxaan ka codsan lahaa
mudane C/risaaq inuu dib u’eego waraysigiisii oo intaas oo daldaloola ah
iyo kuwa ka sii badan laga heli karo, balse aanan halkan dhamaan lagu
soo wada koobi Karin in mudanuhu uu ka baxsho raali galin dibna usaxo.
Waxaan si xushmadi ku jirto uga codsan
lahaa mudane C/risaaq inuu raali galiyo gaar ahaan shucuubta samaystay
maamulada ee tusaalaha unoqday shacabka kale ee Soomaaliyeed een wali
samaysan maamul hanaqaada inuu siiyo raali galin buuxda maadaama uu ka
soo qaaday hal bacaad lagu lisay wax qabadkooda, iyo nidaamka ka
hirgalay degaanadooda mararka qaarna uuba shaki galinayey degaanadaas in
nidaamba uu ka jiro markii uu qiilka usamaynayey isbaarooyinka
hogaamiyayaasha hubaysan ee Muqdisho isagoo tusaale usoo qaatay in
isbaarooyinka ama meelaha dakhliga uu ka soo galo dalkoo dhan ay ka
jirto .
Waxaan qoraalkaygan ku soo afjarayaa
su’aal ay shacabka Soomaaliyeed ee dawladnimada iyo in kala dambayntu
mar soo noqoto uhamuun qaba ay isweydiinayaan.
Hadii dawladii ay jaleefaynayaan kuwii
hubaysnaa, kuwii aqoonta lahaa ama siyaasadoodu ay dalka badbaadin
lahaydna ay usacab tumayaan duminta dawladaas ucuratay Soomaali oo idil
xagay ku dambayn dawladani? mase ka samatabixi doontaa intaas oo
isbiirsaday oo idil?.
Dawladu sixid bay ubaahantahay ee
mucaaradnimo uma baahna, mana lihi sax iyo khalad haloogu sacab tumo ama
haloo taageero. Waxaan oran lahaa wixii ka khaldana hala tuso, wixii ay
ku saxan tahayna halagu taageero waana sidaas sida kaliya ee aan dib
ugula soo laaban karo dawladnimo ka hirgasha Soomaaliya oo idil iyo
midnimo Soomaaliweyn.
Qoraalkan uguma talo galin inaan qof
ama dad gaara wax ugu dhimo, balse waxaan garowsaday in loo baahan yahay
in waraysiyada ay bixiyaan had iyo goor siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada
Soomaaliyeed in shacabka loo iftiinsho si ay ukala fahmaan kuwa wax
dhisaya iyo kuwa wax duminayaba. Afka hal qof waxa ka soo baxa ayaa wax
weyna dhisi kara wax weyn oo dhib ahna gaysan kara. Sidaa darteed waxaa
fiican in had iyo goor tacliiq ama fasiraad lagu sameeyo waraysiyada si
dadku uwada faho ujeedada waraysigaas ka dambaysa.
Wabilaahi tawfiiq.
Osman Ahmed Sheekh
isxaaq@yahoo.com
Minneapolis,Minnesota
USA
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
July 14, 2005
QORAALADII HORE EE
C/RISAAQ XAAJI XUSEEN:
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soo Saaray Warqad Furan March 2004
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soo Saaray
Dhanbaal u socda Madax-dhaqameedyada Soomaaliyeed ee jooga Shirka
Nabadaynta
Ma runbaa
in shirkani yahay nabadayn mise waa abaal marin qabqablayaasha
dagaalka?
Nidaamka Federalku Makashaqayn Karaa
Soomaaliya!
Dhanbaalkii
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo AfSoomaali Loo Rogey:
|