SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DHAROOR

Beelihii Khilaafka ku kala dhex galay Dooxada Dharoor ee Gobolka Bari oo la xaliyay

July 7, 2005

Dooxada Dharoor oo khilaaf ka dhashay ayaa waxaa soo xaliyay oo kala dhex galay khilaafkaa Xaaji Cusnaan X Nuur X Yuusuf. Khilaafkaa oo ahaa mid ka dhashay Dhul Daaqsimeed ayaa waxaa Dhalinyaro Reer Guuraa ah oo uu ka bilawday qilaafkaa ayaa markii ay isku yimaadeen Odayaasha Degaanka ee labada Beelood ay isku afgarteen si waxgarad nimo ku jirta.


Gogashii oo lafadhiyo.

Xaaji Cusmaan oo Gogosha lagu wada hadlaayay soo Abaabulay ayaa ugu horeentii ka hadlay isagoo marwalba soo qaadanaay Aayadaha Quraanka iyo Xadiisyo ayadoo ay dayaashii ay aad ugu soo dabceen meeshii ay markii hore Joogeen oo dhalin kartay in dagaal ka qarxo, waxaa kaloo ka hadlay Odayaashii ayadoo la go'aansaday in la iscafiyo, la'iskana qabto marka ay dhalinyarada bilaabaan xaalado dhib ka dhex dhaliya Degaanka.


Xaaji Cusmaan oo Gogashii heshiisiinta labada Beelood kahadlaya

Xaaji Cusmaan ayaa waxaa uu Booqday Gurigii uu daganaan jiray Boqor Cusmaan iyo Dhulkii ay ku dagaalameen Ciidamadii Boqorka iyo Ciidamadii Sayid Maxamed Cabdule Xasan oo ah Dar Taarikh dheer leh.

Xaaji Cusmaan oo sida uu ii sheegay isaga laftigiisa meesha ku dhashay ayaa ka maqnaa mudo aad u dheer oo lagu qiyaasi karo 50 Sano waxaana ay u ahayd Fursad tagitaanka Magaaladaa Dharoor ayadoo uu halkaa lagu tusay Lo, Geel iyo Fardo uu u helay Dhaxal oo uu aabihii ka dhintay.


Xaaji Cusmaan oo agtaagan Lo'.

Xaaji Cusmaan oo agtaagan Awr kamida awrtiisa

Xaaji Cusmaan oo haya Faraskii.

Xaaji Cusmaan X Nuur ayaa ka mid ahaa Odayaashii ay Puntland u xil saartay Heshiiskii Beelaha Sacad iyo Saleebaan ee Gaalkacyo kasoo uu meel wanaagsan ay gaarsiiyeen.


Xaaji Cusmaan iyo Odayaasha Degaanka Dharoor oo u ducaynaya Qabrigii abihii

Xaaji Cusmaan iyo Odayaasha Dharoor oo u ducaynaay Qabuurihii Boqor Cusmaan

Xaaji Cusmaan ayaa waxa uu ku noolaa Xili aad u dheer Dalka Canada hadana ku sugan Dalkiisii Hooyo.

c/fatax jaamac | SomaliTalk | Dharoor
Email: somalitalkpl@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 6, 2005



Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD