SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Cambaarayn: Gubistii Xaafada Buulo Eelaay Boosaaso Iyo Dil Jabuuti loogu geystay Xubin Beesha  Gabooye ka tirsan.
  • Masjid weyn oo maanta laga furay xaafadda Guulwade ee magaalada Kismaayo
  • Baaq Nabadeed oo ku wajahan Dilalka Micna darada ah ee ka soo Cusboonaaday Beelaha walaalaha ah ee Wada daga gobolka Mudug,

Cambaarayn: Gubistii Xaafada Buulo Eelaay Boosaaso Iyo Dil Jabuuti loogu geystay Xubin Beesha  Gabooye ka tirsan.

Aniga oo ku hadlaya magaca Beelaha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika waxaan halkan canbaarayn kulul uga soo jeedinayaa Maamul Goboleedka Puntland oo ka baaqsay ilaalinta nabadgelyada beelaha laga tirada badan yahay ee ku nool Puntland, kuwaasoo dab la qabadsiiyay guryahoodii goor habeenimo ah, halkaasina ay ku baaba'een in ka badan 800 boqol oo guri iyo wixii agab ahaa ee hoos yaalay.

Xaafadan dabka la qabadsiiyay oo magaceeda la yidhaa Gubistii Buulo Eelaay oo Boosaaso ku taala waxaa deganaa dad danyar ah oo u badan beelaha gabooye iyo dad qaxooti ah oo ka yimi degaanada koonfureed ee dalka, dadkan masaakiinta ah ee guryahooda la gubay maaha qaar wax danbi ah galabsaday, waxaana si ula kac ah guryahooda loo gudaby si ay uga guuraan xaafadan ay deganaayeen.

Waxaan ugu baqaayaa Maamul goboleedka Puntland inay degdeg gacanta ugu dhigaan, maxkamadna hor keenaan kuwa danbigan weyn geystay, waxaanan ugu baaqayaa waxgaradka, maamulka iyo dadweynaha reer Puntalnd iyo hay'adaha caalamiga ahba inay gacan siiyaan una gurmadaan dadkaas guryahooda la gubay.

Sidoo kale waxaan halkan ka canbaaraynayaa dil loo gaystay Marxuum INA ABOOWE  oo isaga oo gurigiisa oo Jabuuti ku yaala uu muwaadin Reer Hargeysa  ahi uu golxob toorri weyn ah laba ugu kala gooyay, halkaasna uu ku geeriyooday marxuumkaasi.

Waxaan ugu baaqayaa Dawlada Jabuuti inay degdeg gacan ku dhiiglahaas maxkamad u hor keento laguna ciqaabo dhagarta uu galay.

Dhinaca kale iyada oo ay wali socoto dhegaysiga dacwadii lagu soo oogay dhagarqabihii Hargeysa ku dilay Marxuum Khadar, loona ballansan yahay in kiiskaas dacwadiisa la sii wado 11ka bishan Julay, ayaa waxaan ugu baaqayaa laamaha sharciga ee dalka Somaliland inay si adag u ciqaabaan dhagarqabaha Khadar dilay isla markaasna waxaan soo jeedinayaa in xukun dil ah lagu qaado askarigaas sida badheedhka ah u dilay Marxuum Khadar, maadama sharciga Somaliland u degsani uu dhigayo in xukun dil ah lagu qaado qofka si badheedh ah u dila qof kale.

Maxamed Ciise Caabi (Saaqa)
Gudoomiyaha Beelaha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika
gabooye.org99@hotmail.co.uk


Masjid weyn oo maanta laga furay xaafadda Guulwade ee magaalada Kismaayo

Masjidkan oo loogu magac daray Masaajidka Xaaji Xareed Yaroow ayaa waxaa laga furay xaafadda Guulwade ee magaalada Kismaayo, waxana dhismihiisa maalgeliyay Xaaji Xareed Yarow oo sida la sheegay ay uga baxday lacag aad u fara badan.

Masaajidkan oo ay markiiba ku tukan karaan dad lagu qiyaasay 2500 qofood, ayaa waxaa dhismihiisu uu socday muddo saddex bilood ah, waxaana xafladda furitaanka ee masaajidkaan ka soo qayb galay dadweyne aad u tira badan. 

Waxaa kale oo ka soo qayb galay maamulka degmada Kismaayo oo uu hor kacayay guddoomiyaha degmada Kismaayo Xaaji Daahir Maxamed Cilmi (Daahir Carrabeey) iyo mas'uuliyiin kale oo la socday, sidoo kalena waxaa xafladdii furitaanka ka soo qayb galay Ugaas Ciise Ugaas Cabdille iyo ganacsato fara badan.  Sidoo kalena waxaa ka soo qayb galay inta badan culumada magaalada Kismaayo. 

Xafladda furitaanka masjidkan oo maanta salaaddii casar ka dib ka dhacday gudaha masaajidkaas ayaa ugu horreyntii waxaa xarigga ka jaray guddoomiyaha degmada Kismaayo Daahir Carrabey, ka dibna waxaa halkaas ka hadlay culimo fara badan oo ku boorriyay dadkii xafladdaas ka soo qayb galay cibaadada iyaga oo xusuusiyay faa'iidada masaajiddada. 

Waxaa xafladdaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay isna ka hadlay oo u mahad naqay ciddii hawshan soo qabatay guddoomiyaha degmada Kismaayo Daahir carrabey.  waxaana ugu dambeyntii lagu soo gebagebeeyay aayado quraan ah. 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
cabdiqadar84@hotmail.com


Baaq Nabadeed oo ku wajahan Dilalka Micna darada ah ee ka soo Cusboonaaday Beelaha walaalaha ah ee Wada daga gobolka Mudug, oo uu noo soo Gudbiyay, Gudoomiye Maxamuud yuusuf Ciise oo ku sagan Magaalada London ee Dalka Ingiriiska  

Waxaanu aad uga xunahay Hadaanu nahay Beesha dagta Degmada Bursaalax Dilalka aargoosiga ah ee Micna darada ah ee u dhexeeya Beelaha walaalaha ah ee wada daga Gobolka Mudug, dilalkaas oo ka soo biloowday Labadii wiil ee Hotel Kamaaludiin hortiisa lagu dilay, Hadana kii ugu danbeeyayloogaystay Nabadoon Siciid Cumar Tiinle, kaa soo ahaa Mid aad looga wada naxo.

Taariikhda labadaan beel ayaa ah mid aad u durugsan kuna salaysan walaaltinimo,iyo wax wada qabsi, taasoo u baahan in Maskaxda lagu hayo ee aan la ilaawin.

Dilalkaan micna darada ah ee loogaysanayo wax garadka iyo cuqaasha iyo dadka aan waxba galabsanayaa ah mid aad noo taabanaya una baahan in wax laga qabto.

Waxaanu u soo jeedinaynaa dhamaan Cidii ay Khusayso

In laga hortago dilalka Micna darada
In lagu dhameeyo nabad, waxyaabaha lakala tirsano
In lagu soo laabto diinteenii Islaamka ahayd
In lagu dhaqaaqo Tilaabo Horumar ah, oo badalaysa Qaabka aargoosiga Qabiilka
In Ninkii wax dila loo dilo ee aan lagu difaacin dhibka uu gaystay.
In Maamulka Meesha ka jira ee Puntlland loo gudbiyo wixii dhib ah ee soo kordha.

Waxaa Baaqan wax ka saxiixay:
(magacyada dadka ku saxiixanaa qoraalkan oo dhan 25 magac waxaa lagala xiriiri karaa email:
idamaalenews@yahoo.co.uk

Gudoomiyaha Beesha Bursaalax ee Magaalada London
Mudane Maxamuud yuusuf Ciise.

Faafin: SomaliTalk.com | July 6, 2005

WARARKA KALE EE MAANTA::::

  • MUSHARAXII LABAAD EE KULMIYE OO SHAACA KA QAADAY MUSHARAXNIMADIISA
  • "Waligay Kumaan fikirin inaan Noqodo Siyaasi, laakiin Waxaan ku fikiri jiray inaan Noqodo Qoraa iyo Macalin Jaamacadeed"..
  • Horumarka Somaliland Ee Xagga Warshadaha Iyo Xidhiidhkeeda Cusub ee Dalalka Shiinaha Iyo Hindiya
    Akhri halkan.... GUJI.....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD