SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

Wararka Hargeysa ee Maanta::::

  • MUSHARAXII LABAAD EE KULMIYE OO SHAACA KA QAADAY MUSHARAXNIMADIISA
  • "Waligay Kumaan fikirin inaan Noqodo Siyaasi, laakiin Waxaan ku fikiri jiray inaan Noqodo Qoraa iyo Macalin Jaamacadeed"..
  • Horumarka Somaliland Ee Xagga Warshadaha Iyo Xidhiidhkeeda Cusub ee Dalalka Shiinaha Iyo Hindiya

MUSHARAXII LABAAD EE KULMIYE OO SHAACA KA QAADAY MUSHARAXNIMADIISA

  • Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Hargeisa: Waxaa Maalintii Shallaytoole ahayd Xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb galleen odayaal, aqoonyahano,Siyaasiyiin, Culuma-Awdiin, uu ku casuumay Sheekh Cabdicasiis Samaale, uu kaga dhawaaqay Halkaasi inuu yahay Musharax u tartami doona Doorashada Baarlamaanka  Somaliland ee la qoondeeyey inay dalka ka dhacdo 15 September, Sheekh Cabdi-Casiis Samaale oo ah Xubin ka mid ah gudida Fullinta ee Xisbiga Kulmiye ahna ku simaha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa wuxuu Shallay qaddo sharafeed u sameeyey dad tiradoodu gaadhayso 300 Qof oo ka kala socda dhammaan qaybaha bulshada iyo siyaasiyiin magac ku leh bulshada Dhexdeeda laguna qabtay Hotelka Maansoor.

Sheekh Cabdi-Casiis Samaale oo ahaa Siyaasi aad u firfircoona lagana dhex dareemi jiray Saxaadda Siyaasadda ee Xisbiga Kulmiye, laguna tilmaami jiray inu yahay laf dhabbarada uu ku taaganyahay Xisbiga Kulmiye gaar ahaan gobolka hargeysa, Sheekh Cabdi Casiis oo halkaasi khudbad ka jeediyey ayaa sheegay inuu Go'aansaday inuu Musharax ka noqdo Gobolka uu ka dhashay ee Hargeisa, maadama wakhtigani loo baahanyahay isbedel siyaasadeed oo ku dhisan caddaalad, sinnaan, iyo iskaashi

Sheekh Cabdi Casiis Samaale wuxuu noqonaya Musharaxii labaad ee si toos ah ugu dhawaaqa Musharaxnimadiisa, waxaa isaguna todobaadkii hore Musharaxnimadiisa kaga dhawaaqay Qado sharafeed Eng. Cismaan Cabdilaahi Cigaal oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Hargeysa, sidoo kale maalmaha soo socda ayaa la filaya in musharaxiin badani bedka isa soo dhigaan iyagoo iska soo sharaxi doona axsaabta kala duwan.

Warbixintani waxaa soo tabiyey Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Hargeisa, Somaliland.
diridhaba2001@hotmail.com

###

"Waligay Kumaan fikirin inaan Noqodo Siyaasi, laakiin Waxaan ku fikiri jiray inaan Noqodo Qoraa iyo Macalin Jaamacadeed"..

Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamanka Abdiqadir Xaaji Ismail Jirde oo ka hadlay Taariikh Nololeedkiisii ayaa Noo Sheegay In uu ku dhashay Magaaladda Hargeysa Sanadii 1950-kii kuna Barbaaray Hargeysa Waxbarashadiisii Dugsiga Hoosana uu ku qaatay Dugsiga Fisher ee imika Loo Yaqaan Sheikh Bashir Abdiqdir waxa uu sheegay in uu Dugsiga Dhex ka Dhameeyay Ahmed Guray School oo isla Hargeysa ah ka Sarena uu ka Dhameeyay Camuud ,Ugu Danbeyntiina galay College-yo kala Duwan oo Aduunaydda Ku kala Yaal,

Abdiqadir isagoo ka hadlayey Reer-kooga Ilma Jirde waxa uu Sheegay in uu ka dhashay Qoys Balaadhan oo Caan ka ah Hargeysa ,aabahay waxa uu ka mid ahaa xubnaha ay boqorada Ingriisku ku casuuntay Gurigeeda waxa uu ka mid ahaa aabahay dadka sida weyn looga yaqaano hargeysa ee Guryaha waaweyn ku leh, aabahay waxa uu qabay 6 dumara,

Mar uu ka Hadlay Nolashiisa Siyaasadeed waxa uu yidhi,

Horta waligay Kumaan Fikirin Inaan Noqodo Siyaasi,waxan ku fikiri jiray in aan Noqodo Qoraa wax Curiya oo fikirkiisa la qaato laakiin imika ma nqon karo oo anigiibaa Fuliya ah ,Waxaan jeclaa Inaan noqodo Macalin Jaamacadeed laakiin nasiib darro maan Noqon Oo waxan noqoday Siyaasi ka dib Markii Ay Ragg Badani igu Dhiiri-galiyeen Abdiqadir Jirdow waa Laguu baahan yahayegal Baarlamanka ,sidaas ayaan ku noqoday Siyaasi ayuu yidhi abdikadir xaaji Ismail Jirde,

Mar uu ka Hadlaayey Abdikadir Jirde Sida uu Go'aanada U gaadho marka Xaaladd Adagi jirto waxa uu yidhi?

Waxa Aan u Soo Taagnaa Xaalado Fara Badan oo adkaa Sida Tii Salaadiinta ee Marxuum cigaal ku wareejiyay Ciidamadda oo qolada Mucaaridka ahna la Hubaynayey taas anigaa gacan ka gaystay oo cigaalna ku idhi Dalka Dagaal Sukeeye Ha u Horseedine ka Saar Meesha Tikinkadda Waxa kale oo aan wax ka qabtay Tii miisaaniyadda oo aan Diiday iyo tii Xeerka Doorashooyinka , Intaaba Xukumadd Kala Mawqif ayaanu ku ahayn ..Anigu ma Ahi Tarabuun la Ciyaar Markaan Yaraa Kubadda Cagata Ayaan Ciyaari Jiray Ragg ayaa ahaa Tarabuun la Ciyaar oo Dadka istusi Jiray,

Imika waxaad Arkaysaa Ragg Badan oo Siyaasadoodii istus-nimo noqotay oo Dadka is tusay oo Tarabuun la Ciyaaray..oo Markay Doonayaan in ay wax Sheegaan Saxaafadda Kula Cararaya anigu sidaa ma ahi oo Tarabuun la ciyaar ma ahi oo marka aan wax Dhaliilayo Toos ayaan Ula Hadlaa cidii aan Rabo..

Abdiqadir Xaaji Ismail Jirde Aw Cali ayuu ahaa kaas/

####

Faallo:-Horumarka Somaliland Ee Xagga Warshadaha Iyo Xidhiidhkeeda Cusub ee Dalalka Shiinaha Iyo Hindiya
 By Wariye Abdiaziz A Musa

Jamhuuriyadda Somaliland Waxa ka Taaba Qaaday 35 Warshadood Oo ay Ugu Weyn yahiin Warshadda Hargaha Iyo Saamaha Hides And Skines oo ay Ku baxaday Lacag Dhan 2Million Oo Dollar-ka Maraykanka ah Waxa La Abuuray Warshadaha Soo Saara Buush-ka ,Kuwo Kaluunka Qasacadeeyay ,Sida Lasqoray Fishing Company , Madaxweyne Dahir Reyaale Kaahin Ayaa Balan ugu Qaaday Shacbigiisa In uu Dhaqaajin Doono Warshadda Sibidh-ka Ee Berbera oo ah Warshadda Ugu Qaalisan Dalkeena Ee ay ka Soo bxi Karaan Malaayiin Dollar una SHaqa Tagi karaan Dad Kumanaan Kor u Dhaafaya Haddii La Dhaqaajiyo , Waxa Laga Aasasay Duleedka Magaaladda Gabiilay Warshadda Dawooyinka Taas oo lagu Guda Jiro, Madaxda Warshadaha Somaliland Ayaa Sameystay Urur la Yidhaa ,Ururka warshada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Ganacsigeedii Baryahani u Leexisay Dalalka Shiinaha Iyo Hindiya oo Horumar Ka Gaadhay Xagga warshadaha Waxyna Somaliland Imika wax ka Baranaysaa Sida Ay dalalkaasi ku Hormareen,

Hindiya Oo ah Dalka Ugu Dimuqiraadiyada Weyn Aduunka oo ay ku Noolyahiin hal bilyan iyo laba Boqol oo kun oo qof ahana Wadanka Ugu Diimaha Badan Aduunka oo Amnigiisu yahay Mid Heer Sare ah Marka Laga Reebo gobolka Kashmiir , waxa Ka Dhacda Cadaalad Loogu Yeedho Dimuqiraadiyada Aduunku, Si kastaba Ha ahaatee Anigoo u Soo noqon Doona Horumarka Xaga warshadaha iyo Ganacsiga Xorta ah ee Dalkaasi ku Gaadhay Ayaan Marka Hore Eegayaa Siyaasadd Horumarinta Xaga warshadaha ee Dalkeena oo Imika Isbadal Balaadhan Hiigsanaya

Si kastaba Ha ahaatee Dalkeena Somaliland Oo Madaxdeedu inta Badan ay wax ku Soo barteena Dalalka Reer Galbeedka Waxa ay ku Dabaqaana Maamulkooga iyo Siyaasadooda Horumarineeda ta Nolosha Sare Ee Dalalka Reer Galbeedka oo Standard of life-koogu uu yahay Mid Aad u Sareeya Marka loo Eego Nidaamkooga Horumarinta Warshadaha Iyo Ganacsiga kaas oo dalkeenu Aanu Sinaba U qaadan Karahayn,

Way adagtahay In dal Zero ka Soo Bilaabayaa lagu Dabaqo Siyaasada Xaga Horumarinta Warshadaha iyo Ganacsiga dalalkaasi horeumaray

Somaliland waxa ay wax ka Baran kartaa Wadamada Soo Korayaa Habka Ay ku Gaadheen Horumarka Kuwaas oo kala ah south Africa, Malaysia, Indonesia , Pakistan iyo India,

Tusaale ahaan

Dalka Hindiya Isbadalada Xaga Dhaqaalaha Ee Dalkaasi waxa uu Taabo qaaday Sanadahii 1996 Markaas oo uu Wasiirka Maaliaydda iyo horumarinta Warshadaha Ee Dalkaasi oo uu hayey Dr Manmohan Singh oo Imika ah Raysal Wasaaraha Dalka Hindiya Ahaana Macalin Xaga Dhaqaalaha Wax ka Dhiga Jaamacada Delhi University Dr Manmohan Singh Waxa uu kobciyay Wax-dhoofinta Dalka isagoo Dhimay wax Soo dajinta Dalkaasi isagoo ula Jeeda Koboc Xaga Industry-ga Dalka waxa uu Bilaabay Barnaamijyo,Dadka kala Dabaqadaha ah ee dalkaasi u Noolan Lahaayeen oo standard Life-koogu uu kala Duwan Yahay, inkastoo Dr Manmohan Singh uu Xilka Ka Dagay Muda Yar Markii lagag Guulaystay Xukunka dalkaasi waxa Ay Ku Socodeen Raggii ka Danbeeyay Ee Talada Dalkaasi hayey Wadadii uu xaga Dhaqaalaha U jeexay Dr Manmohan Singh Ilaa Uu dalkaasi Gaadhay Mid Ay Dalalka Reer Galbeedku ay Baryaan In ay yeeshaan Xidhiidh Ganacsi oo ay Kaga Faa'iidaysan Karaan Suuqa Dalkaasi ee Xooga weyn oo ay ku Noolyahiin hal Bilyan Oo qof in ka Badani,

Si kastaba ha ahaatee Somaliland oo Imika Dadkeegu uu kala Duwan Yahay Hab-nololeedkeegu waxa aad arki karaysaa in Barnaamijka Dawlada ee Ku wajahan Koboca Dhaqaaluhu Uu gaadhay Heer aad U fiican ka Dib Markii Somaliland Ay u leexisay Siyaasadeeda Dhaqaalaha Dalalka ,Shiinaha,Hindiya iyo Bariga Fog ee Eeshiya,

Dawladu waxa Ay Soo Dhaweysay Horumarka Xaga warshadaha Iyadoo Dhintay wax Soo dajinta waxa ay Sameeyaan Warshadaha Somaliland waxa Ay xukumadu Dhintay Cashuurta laga Qaado warshadaha Wasiirka Maaliayda Ayaa isna Booqashadiisii uu ku Tagay Berber mideeyay Kastamka Cashuuraha iyo ka Dakada Berbera oo laga Dhigay Eng Cali Xoor Xoor , isagoo ula Jeeda in aan Ganacsiga Xorta ah galin laba Caqabadood Oo Hakin kara Horumarka Xawliga ah ee Dalka waxa La Fudaydiyay Cashuurta labada Meelood lagaga Qaadi Jiray Ganacsatada dalka, Dawlada Somaliland Ayaa u Fikiraysa Imika Nidaam Kale oo lagu Helayo Shidaal uga Yimaada Dalalka Khaliijka Carabta,

,waxa Hirgalay Koboca Warshadaha iyo Ganacsiga Guud ee Dalka Inkastoo Ay wali xaniban Yahiin ,Dhoofinta Xoolaha Nool oo ah Adeeg Guud ee Dalka hase ahaatee waxa meel heer Sare ah gaadhay Horumarka Xaga Technology-da ee Dalku Hiigsanayo inkastoo warshadaha Soo Saara Aalada Mobile-ka iyo Computer-ku uu Dalku Aanu lahayn Hadana waxa Horumar laga Gaadhay Is-maqalka casriga ah ee Internet-ka oo fudaydiyay ganacsiga Ay Somaliland la wadaagto dalalka Soo koraya ee Eeshiya ..Shirkadaha Isgaadhsiinta Ayaa Adeegooga u Badalay Dalalka Eeshiya Gaar ahaan,Shiinaha,japan iyo Hindiya, Waxa Abuurmay Ururo hoos Yimaada Rugta Ganacsiga Somaliland oo Kala Ah, Ururka warshadaha, iyo Ururka Ganacsiga Guud, kuwaas oo ka Qayb-qaatay Horumarka Dalka JSL, la Soco warar Ganacsiga iyo Rugaha wajaale iyo Burco oo Soo Kobcaya ..

Wasiirka warfaafinta Somaliland oo Dalka Ethiopia Kula Kulmay Masuuliyiinta Dalkaasi iyo Goob-joogayaasha Caalamiga ah ee la Socoday Doorashada Dalkaasi

wasiirka warfaafinta jamhuuriyadda Somaliland Abdillahi Maxamed Ducaale oo u Sii jeeda dalka Maraykanka Ayaa Kul kulmay Caasimadda Adiss Abab Masuuliyiinta Dalka Ethiopia oo uu ka Mid yahay "Atto Takate oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada Ethiopia,

wasiirku waxa kale oo uu kula Kulmay Caasimada Ethiopia Safiirka Dalka Briton u fadhiya Magaaladda Adiss Ababa dhinaca Kale wasiirka Warfaafinta JSL waxa uu kula kulmay Caasimadda Ethiopia Xubnaha ka Socoda Wadamada Reer Europe Ee Goob jooga ka ahaa Doorashada Dalkaasi ,

wasiirku waxa uu ka codsaday Xubnaha Reer Yurub ee goob jooga ka ahaa Doorashada Ethiopia in ay Goob joogna ka Noqodaan Ta ka Dhacaysa Somaliland,

Abdiaziz A. Musa Mobile 002522419063
or House Telephone Number 0025225819
abdiaziz2@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 6, 2005


MAQAALADA MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD