SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
Daryeelka Afka hooyo iyo Dayactirka Hal-abuurka Qoran
Kulan-suugaaneed isugu dhafan aqoon-isweydaarsi iyo suugaan-wadaag ayaa ka dhacay magaalada London Guji
AFSOOMAALIGA OO QARKA U SAARAN IN UU KASUULO LUQADAHA AFRIKA
usheeg waraabow baa igu dhacaye waxaa loo tarjumey...
Af-qalaad Aqoontu Miyaa?
Maxaa keenay in dadka Soomaaliyeed ay afkoodii hooyo kadoor bidaan afaf qalaad? [Cibaar]
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
Qofkii aanan garanayn afka Ingiriisiga waa jaahil
Arrintaasi ma dhabbaa? Inteese- in la’eg ayaa lagu gumaystaa?
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
.Sunta ku duugan Soomaaliya

.Macdanta ku duugan Soomaaliya

Qoraalkaaga oo aad Loo Fahmo Waa Muhiimadda Koowaad [A.Sheikh]

Qaamuuska maamaahyada Soomaaliyeed
DHAWRITAANKA XUQUUQDA QORAALKA  

 



  • Reysalwasaare Geedi oo u guuri doono Magaalada Muqdisho Bisha Septembar
  • Xisbiga S.Y.U.P oo war ka soo saaray Xaaladda uu Dalka Maanta ku suganyahay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.

Reysalwasaare Geedi oo u guuri doono Magaalada Muqdisho Bisha Septembar

Milano, Italy | Aug 28, 2005

Reysalwasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliyeed Prof-Geedi ayaa shaaca ka qaaday in uu dhamaadka Bisha Septembar rajeynayo in uu si toos ah Dawladiisa ooga hawlgeli-doonto magaalada Muqdisho.

Prof-Geedi waxa uu hadalkan ka sheegay xaflad loo qabtay wafdigii uu hogaaminayey, xafladaas oo uu qaban-qaabiyay Wakiilka Dawlada Talyaaniga u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mario Rafalili oo ka dhacday Magaalada Milano ee Dalka Talyaaniga.

Reysalwasaaraha oo khudbad gaaban ka jeediyay xaflada ayaa sheegay in isagoo tixgelinaaya danta guud iyo maslaxada Shacabka Soomaaliyeed in uu mustaqbalka dhaw la kulmi doono Xubnaha Golahiisa Wasiirada ee mucaaradka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Wakiilka Dawlada Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Mario Rafalili oo ku hadlayey magaca Dawladiisa ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo tegista Reysalwasaaraha ee Magaalada Muqdisho ayna tahay talaabo geesinimo ah oo loo qaaday dhinaca Nabada. Wakiilka oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in Dawlada Talyaaniga ay ka qeyb qaadan doonto dib-udhiska iyo guud ahaan barnaamijyada deg-deg ah ee ay Xukuumadu u baahan tahay, wuxuuna tilmaamay in Dawladiisu ay gacanta ku heyso sidii loo soo de-dejin lahaa dhaqaalihii ay Wadamada Reer Yurub u qorsheeyeen Dawlada Soomaaliya.

Prof-Geedi iyo Mario, waxay sidoo kale kulankaasi iskula soo qaadeen sidii loo meeleyn-lahaa Maleesiyaadka hubka sita, isla markaana shaqo loogu abuuri lahaa. Reysalwasaaraha iyo wefdigii la socday ayaa markii ay Xaflada dhamaatay u ambabaxay Wadanka Kenya, iyadoo wararka caawa na soo gaaraya ay sheegayaan in uu soo gaaray Magaalada Neyroobi.

W.D: Xuseen Yaasiin Gode-Gode

email: godegode_6@hotmail.com

Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor" oo Lagu Qabtay Minneapolis.
(SomaliTalk.com, Minneapolis, MN, USA): Waxaa galabnimadii Sabtida (Aug 27, 2005) magaalada Minneapolis lagu qabtay xaflad lagu soo bandhigay buugga "Xasuus Qor" ee uu qoray Faarax Maxamuud Maxamed. Buugga oo ku saabsan taariikhda Soomaaliya laga soo bilaabo 1400 ilaa 2000... Guji.....


Xisbiga S.Y.U.P oo war ka soo saaray Xaaladda uu Dalka Maanta ku suganyahay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.

Aug 28,2005

Warsaxaafadeedkan oo ay soo saareen Xisbiga S.Y.U.P ayaa waxaa looga hadlay arimo dhawr ah oo ku saabsan Soomaalida iyo Xaaladda ay ku sugantahay Dawladda Federalka Ku meel gaarka ah ee Soomaaliyeed.

arinta ku Saabsan Khilaafka Dawladda waxaa ay S.Y.U.P ku baaqeen in Xubnaha Jooga Magaalada Muqdisho ay ka shaqeeyaan sidii ay ugu hirgali lahayd Xukuumadda Dalka Soomaaliya iyaga oo ku Canbaareyay Guruubka jooga Muqdisho in ay iygu ka mas,uulka yahiin kala qaybsanaanta Xukuuumada Federaalka Soomaaliya soo kala dhex gashay,waxayna S.Y.U.P ku eedeeyeen Qolyooyinka Xamar joogaa in ay ayagu Mar kasta ka mas,uulka ahaayeen Fashilaada ku timaada Shira walba oo dib u hishiisiin ah oo Soomaalida loo sameeyo,Sababta ay u fashiliyaan kooxaha Xamar jooga Dib u hishiisiinta Soomaalida ayey Xisbiga S.Y.U.P ku tilmaameen in aysanba ugu jirin wax dan ah Nidaam iyo kala danbeyn ka dhacdaa Soomaaliya Sababtoo ah bey yiraahdeen waxaa ay haystaan oo ay ku noolyihiin Hantidii Qaranka iyo tii Shacabka Soomaaliyeed ay lahaayeen oo ay xoog ku haystaan, hadii Dawladi timaadana Dadka ugu horeeya oo uu sharcigu qabanayo ay ayaga yihiin saas daraadeedna ay ku diidayaan Nidaam iyo Nabad ka aslaaxdaa Dalka Soomaaliya.

Xisbiga S.Y.U.P waxaa uu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in ay iyagu Taageersanyihiin Dhaqdhaqaaqyada ay Xukuumadda Ku meel gaarka ahi ka wado gudha Soomaaliya kaas oo lagu hishiisiinayo Dhamaan Umadda Soomaaliyeed iyo sidoo kale Hawlaha ay Dawladda ka wado gudaha Soomaaliya kaas oo ay ugu hortageyso Aragagaxisada Caalamka oo Baryahay la hadal hayo in ay AL-Qaacida ay doonayaan in ay Fariisimo ka furtaan Gudaha Dalka Soomaaliya oo Dad oo Soomaali ah oo Taageersan oo aan badnayn ay joogaan gudaha Soomaaliya ,(waa sida hadalka lagu dhigaye).sidoo kalena waxay S.Y.U.P ay sheegeen in ay iyagu taageersanyahiin Xukuumadda Federaalka ku meel gaarka ah ee lagu soo dhisay Dalka kenya taas oo uu hogaaminayo Madaxweyne C/laahi Yuusuf axmed,waxayna ugu baaqeen Shacabka Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan sidii ay ugu meel mari lahayd Dawladooda oo aduunku haatan aqoonsaday.

Dhanka kalena mar looga hadlayey War murtiyeedkan arimaha ku saabsan Dhibaatada ay Ganacsatada Soomaaliyeed ku haayaan Shacabka Soomaalida ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba la joojiyo Jaridda Dhirta laga jrayo keemaha Soomaaliya si looga iibiyo ayada oo laga sameeyay Dhuxul Wadamo daris la ah Soomaaliya taas oo lagu timaamay in ay sababi karto Nabaad guurid ku timaada Dhirtii Soomaaliyeed,sidoo kale iyana waxaa looga digay Ganacsatada in ay joojiyaan daawooyinka Waqtigooda dhamaaday oo la soo galiyo Gudaha Soomaaliya taas oo iyan Sabab u noqota Cuduro fara badan oo ka dilaaca Gudaha Dalka Soomaaliya.iyo sidoo kale Raashinka isagana Waqtigiisu dhamaaday oo la soo galiyo Gudaha Soomaaliya taas oo ay keenaan Ganacsato Soomaaliyeed oo ka faa,ideysanaya Dawlad la,aanta ka jirta Dalka Soomaaliya,taas oo ay ku sumuubeen amaba ay ku nafwaayeen Muwaadiniin Fara badan oo aanan waxba galabsanin.waxayna ugu Digeen S.Y.U.P dhammaan Ganacsatada Soomaaliyeed in la diiwaangalinayo Ganacsada walbaa oo ku kaca Falal Noocaan oo kala ah, Mustaqbalkana la horkeenayo Sharciga.

dhanka kalena mar looga hadlayey Warsaxaafadeedkan Arimaha Bulshada ayaa waxaa lagu booriyay Shacabka Soomaaliyeed in ay dhawraan Xuquuqda Haweenka oo Wadanka Soomaaliya Xiliyadan danbe uu noqdey meel markaas lagu tunto Xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed,Haweenka Soomaalida ayaa iyagu waxay xaquuq u leeyihiin in ay helaan inta Ragga ay heestaan oo kale hadey noqon lahayd waxbarashada,shaqada iyo Maamulkaba ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedkan.sidoo kale waxaa iyana lga digay in la dhawro xuquuqda Caruurta Soomaliyeed oo loogu baaqay dhammaan Waalidiinta Soomaaliyeed in ay Caruurtooda ay ahmiyadda koowaad siyaan sidii ay wax u bari lahaayeen,lana joojiyo Caruurta aanan Qaan gaarin in lagu shaqeesto ama loo adeegsado Hurinta Dagaalada ka Soconaya Gudaha Dalka Soomaaliya.

ugu danbeyntii ayaa Xisbiga S.Y.U.P ay ugu baaqeen Shacabka Soomaaliyeed Dal iyo Dibadba in ay isku xirnaadaan isna jeclaadaan.si ay u soo noqoto karaamadii iyo sharfkii ay Umadda Soomaaliyeed lahaan jirtay.

Xisbiga S.Y.U.P ayaa isagu waxaa uu ka mid yahay Xisbiyadda Siyaasadeed ee ka jira Dalka Soomaaliya ee dhawaantan la aas aasay,isaga oo aaminsan amaba ku shaqeeya fikirka Madhabta LIBIRALKA oo ka tirsan Dimuqraadiyadda, waxaana ay inta badan xubniiisa ay ku noolyihiin qurbaha iyada oo dhawaan la rajeynayo in ay si toos ah ugu guuraan Gudaha Dalka Soomaaliya,iyada oo ay sii badanayaan Xubnaha Xisbiga Maalinba Maalinta ka danbeysa.

Warkana waxaa ku Saxiixnaa oo si wadajir ah ugu soo Saaray Magaalada Qaahira

Gudoomiya Xisbiga Md:Maxamed Abukar Sh/Xasan(M.Deeq) iyo Xigahayaha Warfaafinta iyo Xariirka Dadweynaha ee Xisbiga Md:Ismaaciil Macallin Cabdulle(Saxaaf) oo iyagu haatan ku sugan Dalka Masar Magaala Madaxdiisa ee Qaahira.

waxii Talo iyo Tusaale ah kala Xariir E-mailka Xisbiga S.Y.U.P oo ah:
somaliyouthunited@hotmail.com  ama
somaliyouthunited@yahoo.com

warkana waxaan ka soo xiganay Wargayska WARSAN oo ah Wargays ka soo baxa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.
www.warsan.tk


WARARKII ::: Aug 27, 2005

  • Baarlamaanka FKMG oo ku guul daraystay isu imaanshihii Kulankii Maanta...
  • Sh. Xasan Daahir Aways “arrimihii Argagixisada waxay noqdeen Arrimo ganacsi iyo mid siyaasadeed ” 
  • Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil ”Dowladda Sucuudiga waxaa iska kaashaneynaa arimaha Argagixisada
  • Saddex qof oo u dhimatay saddex kun oo shillin Somaali ah
  • Xirsi Aadan Rooble “Eng. Muunye waxa uu bedalay shan markab Magacyadooda
  • Mu’asasada Banaadir ee tacliinta sare oo xustay saannad guuradeedii sadexaad.
  • Ururka saxafiyiita xorta ah ee gobolada jubbooyinka ee (JIJA)oo sheegay insaysan ka mid ahayn isbahaysiga cusub ee saxaafada ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada muqdisho  

Shariif Xasan iyo Xubnaha ku sugan Muqdisho oo markii Afraad ku fashilmay in ay Isugu Yimaadaan Kulankii Baarlamaanka...

W.D: Xuseen Yaasiin Gode-Gode

Shariif Xasan Sh. Aden

Shirkii Gudoomiyaha Baarlamaanka ku dhawaaqay in la qabto maanta oo ay bishu tahay 27da ayaa baaqday kadib markii uu soo xaadiri waayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, ilaa iyo hada wax-war ah lagama soo saarin dib-udhaca lama filaanka ah ee ku yimid waqtigii loo qabtay shirka. Kulankan maanta baaqday oo uu horey u iclaamiyay Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan ayaan suuragal aheyn inuu qabsoomo, iyadoo aaney Muqdisho ku sugneyn Xildhibaano kooram buuxin kara, hadiiba xitaa laga maarmo maqnaanshaha Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Dhinaca kale mudo Bil iyo bar ah ayaa laga joogaa markii uu qabsoomi waayey kulankii oogu horeeyay ee uu iclaamiyay Gudoonka Baarlamaanka, sida aan la socono 17kii-May ayey aheyd markii oogu horeysay uu Gudoomiyaha Baarlamaanku isugu yeeray Baarlamaanka inay ku shiraan,taasina sida la xasuusan yahay ma suuragalin oo waxay ku fashilantay iyadoo aanay goobjoog aheyn tiradii loo baahnaa. Markii labaad ee la isugu yeero Xubnaha Baarlamaanka ayaa waxay ahayd 25-June,oo la iclaamiyay in dhamaan Xubnaha Baarlamaanka iska soo xaadiriyaan Magaalada Muqdisho, nasiibdaro waqtigaas ma suuragalin oo waa lagu fashilmay in meel dhexe la isuugu keeno Xubnaha Baarlamaanka.

Markii Sadexaad ee hadana la isugu yeero dhamaan Xubnaha Baarlamaanka ayaa waxay aheyd 2dii-July oo la iclaamiyay in dhamaan Xubnaha Baarlamaanka ay ka soo qeybgalaan shir lagu qaban doono Magaalada Muqdisho, nasiibdaro ma suuragalin oo waa lagu fashilmay in meel dhexe la isuugu keeno Xubnaha Baarlaamaanka. Maanta oo ay ku beegan tahay 27-Agoosto ,ahna markii Afraad oo uu Gudoomiyuhu ku dhawaaqo in uu qabanayo kulan Baarlamaani ah ayaa ku dhamaaday fashil iyadoo aan haba yaraatee wax-hadal ah ama qoraal-ah uusan Gudoomiyuhu ka soo saarin ilaa iyo hada sababta loo baajiyay kulankan la iclaamiyay in uu qabsoomo maanta.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta ka socda kulan uu daadihinayo Gudoomiya-kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Boqore, iyadoo aan ilaa iyo hada wax war-ah uusan ka soo bixin shirka. Xeeldheerayaasha siyaasada ka faalooda ayaa aaminsan in Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo taageriyaashiisa ay la soo gudboonaatay dhabar-jab siyaasadeed, halka Xunaha Baarlamaanka  kusugan Magaalada Jowhar ay maanta Dhaanto tumanayaan.

W.D: Xuseen Yaasiin Gode-Gode

Sh. Xasan Daahir Aways “arrimihii Argagixisada waxay noqdeen Arrimo ganacsi iyo mid siyaasadeed ” 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Sheikh Aweys:Sheekh Xasan Daahir Aweys "Wanaagga dadka Soomaaliyeed ayaa igala muhiimsan danahayga gaarka ah" Nov 2004

Sh. Xasan Daahir Aways oo ka mid ah Culumaa’udiinka waawayn ee Soomaaliyeed ahna Gudomiyaha shuurada Maxkamadda Islaamaiga ah ee IFKA XALAN   ayaa  mar aan dhawaan kula kulmay Maxkamadadda Islaamiga ah ee IFKA XALAN ayaa waxa uu sheegay in Maxkamaduhu ay yihiin kuwa waxbadan ka gaystay nabad galyada Gobolka Banaadir “waxaa gabaabsi maraya afduubkii dadka loo gaysan jiray, dhacii gawaarida iyo nabad galya xumadii baahsanayd” waxa uu sheegay in aysan marnaba taageeri doonin  Dowlaada aan ku dhisnayn Shareecada Islaamka “wixii lagu qabtay Nairobi waxay ahaayeen baadil taasina waxay keentay in ayaga dhexdoodu iska hor yimaadaan oo ay laba qaybood kala noqdaan”.

            mar uu ka hadlayey dhinaca  Argagixisada  waxa uu yiri “ aadbaan uga xumahay dad sheeganaya Islaam intay Culumadooda afduubtaan ay cadowga u gacan galiyaan kuwaasna waa la soconaa cidda ay yihin meeshaa ay joogaan iyo meelaha laga soo abaabulo  ee ha ka toobad keenaan waxa ay gacanta kula jiraan” waxa uu intaas ku daray “arimihii Argagixisada waxay isu badeleen labo  arimood midi waa Ganacsi  midna waa arimo Siyaasadeed hadii aan soo qaadano midda Ganacsiga ah waxaa ku kaca qaar ka mid ah Hogaamiyeyaasha Siyaasadda oo xoogaa lacag ah uga raadsanaya Gaalada balse arintaas gaaladii waa ku fahamtay,  tan siyaasadduna waa mid Gaalada ay ku meel dayanayaan waxa ay u yaqaanaan Argagixisada si aay u wiiqaan awoodda Islaamka oo marba marka ka dambaysa sii xoogaysanaya”.

            waxaa la waydiiyey  soo kama cabsatid kooxaha wadaadada afduuba  waxa uuna kaga jawaabay Sh. Xasan Daahir Aways “ markii ilaahay ii qadaro ayaan dhimanayaa barnaamijkeenana u joojin mayno cabsi galis iyo afduub, ciidamada ilaalada ii ahna waa arin taxadar ah ama digtooni ah”

Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil ”Dowladda Sucuudiga waxaa iska kaashaneynaa arimaha Argagixisada


"Dalkaygu Waa Ubucda Argagaxisada" Wasiirka Arimaha Dibada DFKMG

C/laahi Sh. Ismaaciil oo ah Wasiirka arimaha dibadda ee Dowladda Federaalka  kana mid ahaa wafdigii Madaxwene C/laahi Yuusuf ee gaaray Dalka Sucuudiga  ayaa waxa uu ka waramay arimihii ay isla soo qaadeen Boqorka Sucuudiga iyo wafdigoodu  waxa uuna sheegay in ay isla soo qaadeen arimo fara  badan oo ay ka mid yihiin  dib u dhiska dalka iyo la dagaalanka kooxaha Argagixisada “ waxaan u sheegnay Dowladda Sucuudiga in ay Soomaaliya ku sugan yihiin kooxo badan oo Argagixiso ah waxaanan ognahay in goobaha ay ku sugan yihiin iyo goobaha ay tababarka ay ku siiyaan ciidamada” ayuu yiri C/laahi Sh. Ismaa’iil  oo aan cara baabin halka ay ku sugan yihiin kooxahaasi isagoo sheegay in kooxahaasi carqalad ku yihiin nabad galyada guud ee kooxaha geeska Africa.

            Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa intii uu joogay wadanka Sucuudiga waxa uu ugu baaqay in kooxaha Argagixisada ah oo uu sheegay in ay joogan Soomaaliya ay si deg deg ah uga baxaan inta aysan la kul min dharbaaxo kaga timaada Dowladiisa, dadka Soomaaliyeed ayaa si buuxda u aaminsan in Soomaaliya aysan ka jirin wax la yiraahdo Aargagixiso balse erayaas ay ku xoola doontaan qaar ka mid  kooxaha Siyaasadda oo aan sumcad ku dhexlahayn bulshaadooda.  

Saddex qof oo u dhimatay saddex kun oo shillin Somaali ah
[3,000 Somali Shilling = 1.28 US Dollar | Sarifka Lacagaha...]

DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000.  Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 

Maalintii shalay ahayd ayaa kooxo dabley ah oo ku sugan Bosteejada laga raaco baabuurta Afgooye ee agagaarka BlackSea waxa ay rasaas ku fureen gaari Caasi ah oo ay markaasi saarnaayeen dad rakaab ah kaddib markii gaarigu uu bixin waayay saddex kun oo shillin taas waxay keentay in gaarigii uu dhaqaaqo dabdeedna rasaas lagu furo Gaarigaasi waxayna rasaastii ku dhacday labo qof oo saarnaa gaariga iyo labo qof oo kale oo maraysay wadada maadaama ay goobtu ay ahayd goob dad aad u fara badan ku sugan yihiin waxaana halkaasi ku dhintay saddex ruux midna waa uu ku dhaawacmay iyadoo ninkii dableyda ahaa ee falkaasi gaystay uu goobtii ka cararay waxay arrintaasi walawal iyo walaac ku abuurtay dadweynihii halkaasi ka dhawaa, iyadoo laga dalbaday Maxaakiimta Islaamiga ah in ay gacanta ku soo dhigaan ninkii gaystay falkaas aadka u naxdinta badan.

            Ma ahan markii ugu horeysay ee lacag sidaa u yar ay u dhintaan bulshada iyadoo sanadihii sagaashameeyadii  ay  sideed qofood u dhinteen Kun shillin.    

Xirsi Aadan Rooble “Eng. Muunye waxa uu bedalay shan markab Magacyadooda

MARAAKIIBTA KALLUUMAYSIGA SOMALIYEED... GUJI..

Wasiir ku xigeenka dekadaha iyo gaadiidka badda Xirsi Aadan Rooble oo u waramayay Saxaafadda ayaa sheegay in xildhibaan Eng. Muunye Saciid Cumar uu caqabad ku yahay dhismaha qaranka Soomaaliyeed isla markaana uu mas’uul ka yahay dhibaatada xoogan ee ka taagan kheyraadka badda Sooamaliyeed. “Eng. Muunye waxa uu bedalay magacyada lix maraakiib ah oo shan ka mid ah ay yihiin kaluumeysato, waxayna si sharci daro ah maraakiibtaas uu magaca ka bedalay uga kaluumeystaan xeebaha dalka Soomaaliya waxa uuna maraakiibtaas si shaci daro ugu adeejiyay dad shisheeye ah isagoo ka cayriyay shaqaalihii iyo Kabtanadii Soomaaliyeed ee horey uga shaqeyn jiray” ayuu yiri wasiir ku xigeenka uu intaa ku daray in dhaqaalaha maraakiibtaasi ay soo saaraan loo adeegsado burburinta dowladda Federaalka ah isagoo sheegay in Eng. Muunye uu taageero garabka dowladda ee ku sugan Magaalada Jowhar, Wasiir ku xigeenku waxaa kaloo oo uu sheegay in shirkad laga leeyahay dalka Talyaaniga ay gadato kalluunka dalka Soomaaliya oo ah mid aad uga qiimo badan kalluulka kale ee Dunidda. “Maalim maalmaha ka mid ah ayaa Engneer-ka iyo dadka kale ee khiyaanada qaran wada la soo hortaagi doonaa sharciga, waxaana ka codsanaynaa dowladaha Yemen iyo Talyaaniga in ay faraha kala baxaan maraakiibteena iyo kalluunkeena, is gooni ah waxaana Yemen uga dalbanaynaa in ay nagu soo wareejiyaan lixda markab ee ay naga haystaan” ayuu sii daba dhigay wasiirku oo sheegay in dhawaan ay diyaari doonaan ciidamada Badda oo wata doomo aad u dheereeya oo ilaaliya xeebaha Soomaaliya.

Mu’asasada Banaadir ee tacliinta sare oo xustay saannad guuradeedii sadexaad.

            Waxaa maalintii khamiista xarunta Jaamacadda Banaadir ka dhacay xaflad aad u balaaran oo isugu jirtay labo qaybood mid waxay ahayd sanadguuradii saddexaad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Mu’asasada tacliinta sare ee Banaadir, xaflada kale waxay ahayd Jamaacadda Banaadir oo sanadkaan Kulyadaheeda ku soo biiriysay kulyadda Injineeriya waxaana ugu horeyntii halkaasi ka hadlay gudoomiyaha kulyadaasi Eng. Aweyn

Cadde oo sheegay in sababaha ay u fureen kulyadaani ay tahay baahi ka jirta guud ahaan dalka, waxaa kalloo uu sheegay in kulyadaani ay wax ka dhigi doonaan macallimiin isugu jirtay shisheeye iyo Soomaali, waxaa kallo xafladasi ka hadaly gudoomiyaha Mu’asasada tacliinta sare ee Banaadir Dr. Shahiid oo sheegay in muddadii ay dhisnayd Mu’asasadaasi ay qabtay waxyaabo fara badan oo dhinaca tacliinta sare ah.

            Xubnihii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa gudoomiya ku xigeenka golaha Baalamaanka Cismaan Cilmi Boqore oo sheegay in ay soo dhaweynayaan Kulyadda cusub ee ku soo biirtay Jaamacadda Banaadir.

            Xubnihii kale ee ka hadlay waxaa ka mid ahaa Prof. Dufle, C/qaybdiid, Maryan Cariif Qaasim, Prof, Ciise Max’ed Siyaad iyo xubno kale waxayna dhamaantood sheegeen in dadka furay kulayadaan ay yihiin dad geesiyaal ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Ururka saxafiyiita xorta ah ee gobolada jubbooyinka ee (JIJA)oo sheegay insaysan ka mid ahayn isbahaysiga cusub ee saxaafada ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada muqdisho

(SomaliTalk.com | Kismaayo | Aug 27): ururka saxafiyiinta gobolada jubbooyinka ee marka magaciisa la soo gaabsho loo yaqaano (JIJA) ayaa war saxaafadeed  ay soo saaren maanta waxaa ay ku sheegeen in aysan waafaqsanayn sheegashada ururka dhawaan looga dhawaaqay magaalada muqdisho oo loogu magacdaray isbahaysiga xoriyada saxaafada uu sheegtay in ay ka mid yahiin dhamaan saxaafada gobolada soomaliya taas oo ay ku sheegeen mid afduubasho ah oo aysan jirin cid ay kala soo xariireen dhankooda islarmakaana ay tahay arin xun in ay sheegtaan dhamaan saxaafada soomaalida oo aan maanta iska war hayn. 

ururka saxaafiyiinta  gobolada jubboyinka oo marka magaciisa lasoo gaabsho loo yaqaano ( JIJA)  ayaa warsaxafadedkan uu maanta soo saaray ku sheegay in ay tahay in urur walba la siiyo tixgalintiisa iyo ka mid noqoshada isbahaysigan balse aysan ahayn in arinku uu afduub noqdo ayagoo si weyn oga dhiidhiyay arinkan sheegashada saxafada somalida oo dhan ah gaar ahaan tan gobolada jubboyinka. 

ururkan dhawaan looga dhawaaqay magaalada muqdisho ee loogu magacdaray isbahaysiga xoriyada saxaafada ayaa waxaa ay sheegeen in ay ku idil yihiin dhamaanba ururada saxaafada ee gobolada dalka iyo waliba goobaha warbaahineed ee ka jira dalka sida mas,uul uhadlay ururkaas oo u waramayay warbaahinta taasoo muujinaysa sida looga xadgudbaya xushmada iyo xeerarka uyaala ururada saxaafada ee ka jira   gobolada dalka, waa sida warku u dhigaye.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 27, 2005


  • C/Laahi Yuusuf oo ku soo laabtay Jawhar
  • Wasiir Soomaaliyeed oo Soomaaliya ku eedeeyey Argagixiso
  • Haya'd ka dayrisay Xaalada Soomaaliya (Caafimaad & Ammaan)
  • Qaramada Midoobey oo Weli Wada Dhexdhexaadinta Soomaalida:::

Tarjumadii SomaliTalk.com | Wararkii Aug 26, 2005

Wasiirka Arimaha Dibada DFKMG: "Soomaaliya waa Ubucda ay ku kobcaan Kooxaha Xagjira ee Caalamiga ah"...

Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ah Wasiirka Arimah Dibada ee Soomaaliya ayaa Soomaaliya ku eedeeyey in ay Xarun u Tahaya Ururada Argagaxisada...


Cabdullahi Sheekh Ismaaciil , Wasiirka Arimaha dibada ee DFKMG. Sawirka: AFP | Nairobi Aug 26, 05

NAIROBI (Aug 26, 2005): Soomaaliya oo ah dal ku yaal bariga afrika oo 14-kii sano ee ugu dambeysey aan lahayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa, waa meesha ay ku kobcaan kooxaha xagjira ee lagu eedeeyey in ay argagxiso ka wadaan daafaha adduunka, sida uu sheegay wasiirkeeda arimaha dibada. Waxaa sidaa warka ku bilabay hay'adda wararka u faafisa dalka Faransiiska ee loo yaqaan AFP.

Wasiirka arimaha dibada ee DFKMG ee Soomaaliya oo warsaxafadeed ku qabtay magaalada Nairobi ayaa yiri "Waxaan ognahay in xarumo argagxiso ay ka hawl galaan Soomaaliya."

"Wadanka (Soomaaliya) waa ubucda ay ku kobcaan argagixisada caalamiga ah" ayuu yiri Cabdullahi Sheekh Ismaaciil, wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu hadalkaas yiri mar uu ku hakaday Caasimada Kenya ee Nairobi asagoa ka soo laabtay Sucuudiga, safarkaas Sucuudiga oo uu ku weheliyey madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo booqasho rasmi ah oo afar maalmood ah uu ku tegey.

Saraakiil sare oo ka tisan DFKMG ayaa sheegay in ay soo xaqiiq sadeen dhaqaale ay ugu deeqday boqortooyada qaniga ku ah Saliida ceeriin, dalkaas oo xiriir sokeeye la lahaan jirey Soomaaliya ka hor intii aan Soomaaliya burburin 1991 xilligaas oo xukunka laga tuuran Maxamed Siyaad Barre, ayey tiri hay'da wararka ee AFP.

Waxayna hay'addu intaas ku dartay in wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliya uusan faahfaahin magaca, tirada iyo nooca xarunta argagxisada ee ka jirta dalkiisa, waa sida warku u dhigaye.

Waxa kale oo hay'addu soo xigatey war ay bishii July soo saartay koox xarunteedu tahay magaalada Brussels oo lagu magcaabo ICG (International Crisis Group) kuwaas oo sida ay sheegeen ka digey "Jihaadka Cusub" oo ay sheegeen in ay tahay koox cusub oo xiriir la lah eAl-Qacida oo ka sida ay sheegeen ka jira caasimada rasaastu halakaysey ee Muqdisho, waa sida warku u dhigaye.

C/Laahi Yuusuf oo Ku Laabtay Jawhar:::

Jawhra: waftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha DFKMG ayaa gaarey magaalada Jawhar kaddib markii ay ka soo laabteen safarkoodii. C/Laahi Yuusuf intii uu joogey Sucuusiga waxa uu la kulmay boqorka dalkaas, Cabdallah bin Cabdul Casiis.


Sawirada MSF : [Eeg halkan... (English)]

Hay'ad ka dayrisay Xaalada Soomaaliya:::

Soomaaliya: Waxaa kale oo beryahay si xiriir ah qoraalo dalka Soomaaliya uga qortay hay'adda lagu magaabaaco MSF, oo loo yaqaan Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn, waxayna si weyn wax uga qortay gaajada iyo ammaan darada ka jirta Soomaaliya. Qoraal aad u dheer oo ay hay'addaasi ka qortay meelo badan oo dalka Soomaaliya ka tirsan ayey ka muujisay arimo mururgo leh oo muujinaya Carruur Soomaaliyeed oo gaajo la il daran, hooyooyin Soomaaliyeed oo saf dheer ku jira si ay bal u helaan wax ay quutaan. Waa arimo argagax leh waxyaabaha ay hay'addaasi muujisay. [Eeg halkan... (English)].

Qaramada Midoobey oo Weli Wada DHexdhexaadinta Soomaalida:::

UN: François Lonsény Fall oo ah egeyga gaarka ah ee xoghayaga guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan u qaabilsan arimaha Soomaaliy aayaa waxa uu kusii jeedaa dalalka Masar iyo Ethiopia, arin lagu macneeyey si uu wax uga qabto arimaha la isku mari waayey Soomaaliya ee la xiriira halka caasimada u noqoneysa DFKMG iyo keenida ciidamo nabad ilaalin ah oo la geeyo Soomaaliya.

Mr. Fall waxaa la filayaa in uu maalinamada Sabtida Qaahira kula kulmi doono wasiirka arimaha dibada ee Masar, Ahmed Aboul Gheit iyo xog-hayaha guud ee ururka Carabta, Camar Muusa.

Maalinta Axadana waxa uu u safri doonaa Ethiopia si uu ula kulmo Alpha Omar Konare oo ah madaxa ururuka Midowga Afrika. Waxa kale oo la filayaa inta uu Addis Ababa joogo in uu la kulmo madax ka tirsan xukuumada Itoobiya.

Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedi waxay taagan yihiin in Muqdisho aysan nabad ahayn, sidaas darteedna inta ay nabad ka noqoneyso in dawladu sii deganaato Baydhabo iyo Jawhar. Laakiin Afhayeenka Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aaden iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo in badan oo ka tirsan Baarlamaanka FKMG waxay taagan yihiin in ay dawladu Muqdisho hadda degto maadaama ay rumaysan yihiin in ay caasimadu hadda nabad tahay.

Tarjumadii SomaliTalk.com

Isha: AFP | MSF| UN | Aug 26, 2005

Faafin: SomaliTalk.com


Ururka Crisis Group oo Qoraal Dheer Ka Qoray Soomaaliya iyo Sida la Isugu Cayrsanayo.....

Qoraal ka kooban 29 bog oo bishan July 11, 2005 uu soo saaray ururka lagu magcaabo Crisis Group ayuu ku falanqeeyey Soomaaliya iyo ururada ka jira iyo sida dalka gudihiisa la isugu cayrsanayo, qoraalkaas oo aad u dheer oo ku qoran luqadda Ingiriiska waxaa laga soo rogan karaa Halkan... Guji... [PDF-- waxaad u baahan tahay "Adobe Acrobat Reader" si aad qoraalkaas u daalacatid]



Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD