SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OSLO, NORWAY

Ogaysiis: Mudaharaad Ka Dhici Doona Oslo, Norway, oo laga soo hor jeedo billad ay Shirkad Reer Norway ah siineyso Zenawi::: Sabti, September 3, 2005             


Yara Prize to Prime Minister Meles Zenawi

Ururka Ethiopian-Americans for Democracy ayaa Aug 19, 2005 waxay warqad cabashado ah u direen madaxweynaha jaamacada Columbia University ee ku taal magaalada New York, USA, warqadaas oo ay ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin in bilada la sheegay in shirkadda YARA (NORWAY) ay siineyso Zenawi in ay lug ku leeyihiin Profosooro ka tirsan Jaamacadaas. Waxana ay qoraalkooda ku xuseen in Profosoor katirsan jaamacaadaas uu magaalda Oslo, Norway billada ku guddoon siin doono Zenwi, sidoo kale waxay qoraalka ku xuseen in profosoor kale oo jaamacdaas ka tirsan uu xubin ka yahay guddiga gudiga shirkada YARA ee bilada bixinaya. Waxayna Jaamacada ugu baaqeen in ay magaceeda lug kuyeelan xaaladaas magac xumada ah. Waxaa biladaas la sheegay in Zenawi lagu gudoon siin doono magaalada OSLO September 3, 2005.

Ururka Ethiopian-American for Democracy waxa ay xuseen sida uusan Zenawi ugu qalmin in billad noocaas ah la siiyo, ayagoo xusay in doorashadii May 15, 2005 ee ka dhacday Itoobiya markii ay dadweynuhu u codeeyeen diidmo qayaxan oo ay ku diideen xusunka Zenawi, in uu dalka kusoo rogey amar degdeg ah. Waxa kale oo ay xuseen in June 8  uu Zenawi amar ku bixiyey xasuuqii 36 qof oo si nabad ah ugu mudaharaadayey Addis Ababa. Guji Halkan....:

SHIRKADA YARA:::: waa  shirkad reer Norway oo samaysa waxyaabaha lagu bacrimiyo beeraha ee loo yaqaan (Fertilizers) loogu talo galay in dhirtu ku kobcaan.

Also Read:
Update from Anti-Yara Award Commette.

Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan dadwaynaha Soomaaliyeed ee dagan Dalka Norway gaar ahaan Magaalada Oslo iyo nawaaxigeeda in uu dhawaan ka dhici doono magaalada Oslo mudaharaad lagaga soo horjeedo Billad sharafta ay shirkada YARA siinayso  Melese Zenawi oo ay sheegtay in uu ku mutaystay la dagaalkan gaajada iyadoo aan ognahay in dadka Soomaliyeed ee maamulkaasi gumaysto ay gaajo dhamaynayso, Sanad walbana abaaraha iyo gaajada ku dhaca, uusan ogalayn in wax loo gudbiyo oo walaalahoodii caawin lahaa uu ka ooday xuduudii ay la lahaayeen.

Hadaba waxaan ka codsanaynaa dhamaan walaalaha Soomaaliyeed in ay nagala soo qayb-galaaan mudaharaadkaas aan kaga soo horjeedno xaqdarada ay shirkadaas ku siinayso dhiigyo -cabka sharaf uusan mudnayn .

Waxaa lagu kulmayaa Nationalteater-ka

Mudaharaadka wuxuu ka dhacayaa:

Konserthus adareskana waa sidan hoos ku qoran:

Oslo Konserthus AS
Besøksadresse:
Munkedamsveien 14
0250 Oslo.

Maalinta: Sabti.
Taariikhda: 03.09.05.
Saacada: 11:00 .

Fg: wixii faahfaahin intaa dheer waxaa lagala soo xidhiidhi karaa xafiiska Jaaliyadda Soomaalida Ogadeniya ee dalka Norway.

Adaress: Harslebsgata 19 B
0560 Oslo
Telfax: +4722190663 ama Mobiladan kala ah : +4795170792/+4798637174
Email: dhagacade1@hotmail.com
Maamulka Soomalida Ogadeniya ee Norway.

Oslo.27.08.05

###

Dhanka midig ka eeg waxa ay ururka Ethiopian-American for Democracy kayiraahdeen billada la shegay in la siin doono Zenawi.

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD