SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - STOCKHOLM

XAGAABAX LAMA ILLAAWAAN AH
Qoysaska soomaaliyeed ee reer Stockholm


Hooyooyin iyo caruur

Maamulka xagaabaxa

Maamulka Xagaabaxa

Salaada jimcada oo loo fadhiyo.

Ibraahin Cismaan buraale: Guddoomiyaha xagaabaxa

Cabdicasiis Cilmi iyo Ibraahin Buraale oo wax sharaxaya

Maansha Allaah! Maansha Allah!. Kelmadahaas waxaa isku salaamayey dadkii ka soo qayb galay xagaabax wada jir ah oo loo sameeyey qaar ka mid ah qoysaska soomaaliyeed ee reer Stockholm. Ma jirin erey aan ahayn MAANSHA ALLAH oo lagu cabbiri karayey nasashada iyo farxadda xagaabaxaas.  Saddex boqol iyo sagaaliyo toban qof (319) ayaa muddo todoba cisho ah joogay bustaan lagu nasto iyagoo doonayey tamashleyn iyo aqoon korodhsi. Dadka sidaas u  tirada badan waxay ka koobnaayeen 45 qoys oo wata caruurtoodii iyo dad kale oo dhalinyaro u badan.
 
Goobta xagaabaxan nasashada ah loo tagay oo lagu magacaabo sjövik, waxay ku taal meel u jirta magaalada Stockholm 150 km. Waa meel bilicsan oo leh garoomo ay ku xardhanyihiin doog cagaaran oo laysku sinsimay iyo dhir damallo ah oo laga shaqeyey. Dhinac walba waxaa kaga wareegsan bad leh kaabado lagu dul istaago iyo kalshooyin lagu dabbaasho. Waxaa bilicda meesha sii kordhinayey caleenta iyo dooga cagaaran ee ay dusha ka hayso qorraxda diirrimaadka badan ee xagaaga. Si kale kuma garatide nafta ayey xiisa gelinaysay in la dhex joogo meel sidan ah oo ay boqollaal dadkaaga ahi ku negi yihiin.
 
Debed baxan waxaa iska kaashaday qabanqaabadiisa saddex xarumood oo guud ahaan ay ka dhaxayso shaqo-wadaag gaar ahaaneed, kana jira magaalada Stockholm. Xarunta koowaad waa iskuulka islaamiga ah ee lagu magacaabo AL-AZHAR oo uu hogaamiyo Sheekh Bashiir Amaan Cali. Xarunta labaad waa urur islaami ah oo xaruntiisu tahay masaajid ku yaal xaafadda soomaalidu ku badantahay ee magaalada Stockholm. Qolada saddexaad waa ururka mustaqbalka dhalinyarada ee marka la soo gaabiyo magaciisa loo yaqaan NUF.


Muxaadaro la dhegaysanayo

DHalinyaro kubbad ciyaaraya

Bilicda goobta nashashada

Guryaha la degenyahay

Dhalinyaro badda ku dabbaalanaysa

Dhalinyaro badda ku dabbaalanaya

Ujeedada ugu muhiimsan ee xagaabaxan wuxuu ahaa inay waalidiintu helaan gaar ahaan hooyooyinku wiig nasasho ah iyo aqoon korodhsi. Si ay taasi u rumowdana waxaa la ballamiyey shaqaale diyaariya wax alla wixii cunto ah ee loo baahdo. Sidoo kale caruurta yaryar ee u dhaxaysa 5jir-15 jir oo tiradoodu ahayd 131 caruur ah, waxaa loo sameeyey goobo lagu hayo iyo shaqooyin lagaga mushquuliyo waalidiinta. Hawshan dambe waxaa si habsami ah ula wareegay dhalinyarada ururka NUF. Taasi waxay waalidiinta siisay fursado ay kaga bogtaan nasashadooda, haddii ay tahay dabbaalasho, ciyaar, sheekaysi ama muxaadaro la dhegaysto.
 
Barnaamijyada nadaamsan ee sida wadarta ah loo fuliyey waxaa ka mid ah; ciyaaro sports ah oo kala duwan, riwaayado, nashiidooyin, dood cilmiyeedyo iyo muxaadarooyin diini ah oo kala jaad jaad ah. Waxaa jiray dad laga soo casuummay waddammo debedda ah iyo qaar gudaha Iswiidhan ka yimid oo muxaadarooyin qiimo leh soo jeediyey, waxaana ka mid ahaa dadkaas:
1. Sheekh Almis Yaxye oo reer Finland ah
2. Dr Maryam Qaasim oo reer England ah
3. Sheekh Ismaaciil Maxamed Faarax oo reer England ah
4. Abwaan Cabdulqaadir Xabiib oo Eriteri ah
5. iyo Sheekh Bashiir Amaan oo reer Stockholm ah


Sheekh Ismaaciil Maxamed

Aqoon isweydaarsi ku saabsan tacliinta carruurta.

Dr Maryam Qasim

Dr Cabdullahi Cilmi (Asad)

Sheekh Bashiir Amaan Cali Mire

Sh. Almis Yaxya, oo Iimaanka ka hadlaayo

Carruurta oo soo bandhigayan maanso.

Dhalinyaro riwaayad jilaya

Astaanta iskuulka islaamiga ee Al Azhar

Xafladdan waxaa loo doortay inuu madax ka noqdo Ibraahin Cismaan Buraale oo ah guddoomiyaha ururka isutagga islaamka ee ka mid ah saddexdan xarumood ee hawshan qabanqaabiyey. Ibraahin Buraale waa nin caan ka ah wadanka Iswiidhan guud ahaan maadaama uu yahay ninkii hirgeliyey ururka Isbahaysiga ummadda soomaaliyeed ee Iswiidhan oo la odhan karo waa calaamadda midnimada Soomaalida. Dhinaca ururka dhalinyarada NUF oo ay xubnihiisu ahaayeen kuwa rasmi ahaan suurtageliyey socodsiinta xagaabaxan waxaa hormood u ahaa guddoomiyahooda da´da yar ee Axmd Faarax iyo xubno labaataneeyo ah oo u badan gabdho isku darsaday karti iyo xilkasnimo.
 
Xagaabaxan oo bilawday 7 Augosto, lana soo gebogabeeyey 13 Aug, wuxuu dhammaaday iyadoo dadku sii jeclaysanayaan inay sii joogaan. Waxaa dhegahayga ku soo dhacayey faallooyin kala duwan oo lagu cabbirayey dareenka la qabo, waxaana ka mid ahaa hadalladan soo socda:
“Weligay kamaan qaybgelin arin sidan u wanaagsan”, “In laba wiig nalooga dhigo ayey ku wacnayd”; “hadda ayaan isu sii qorayaa xagaabaxa sanadka dambe”, “Maansha Allah, Maansha Allah!”. Hadalladaas waxaa ka xoog badnaa farxaddii ka muuqatay dadka wajiyadooda oo muujinaysay sida loola dhacay xagaabaxan. Waxaana laga soo guuray meeshii iyadoon lagu muransanayn in kulankan oo kale laysugu soo noqon doono sanaddo badan oo soo socda.
 
Ilaahay ha rumeeyo riyadaas, khayrna ha kaga abaalmariyo intii ka qayb qaadatay hirgelinta xagaabaxa 2005 oo ay udub dhexaad u ahaayeen dhalinyarada ma daalleyaasha ah ee ururka mustaqablka dhalinyarada, NUF. 
 
Qalinka: Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir)
Abdibashir@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 16, 2005


Hooyo Soomaaliyeed oo Indhaha beeshay oo idinka codsanaysa Kaalmo dag dag ah. Guji...

Gabar Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay. Guji....

Xisbiyada mucaaradka Itoobiya oo diiday natiijada doorashada
iyo Suxufi loo xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay ... Guji... Aug 12

Soomaalida Maraykanka oo Loo Ogolaaday In ay dib u Xerayn karaan Sharciga TPS
Dowladda Maraykanka ayaan bishan August waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo.. Guji... Aug 12


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD