SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hooyo Soomaaliyeed oo Indhaha beeshay oo idinka codsanaysa Kaalmo dag dag ah.

Sucaad Yuusuf Geedi Waa hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Muqdisho oo dhowr caruur ah leh, kuna nool Magaalada Muqdisho oo sanadihii la soo dhaafay ay soo wajahday caafimaad daro dhanka indhaha ah iyadoo horay uga caafimaad qabtay indhaha oo kamid ahayd Gabdhaha Soomaaliyeed ee ka shaqaysanayay Magaalada Muqdisho isla markaana si wanaagsan u dhaqan jirtay Reerkeeda.

Sucaad Yuusuf Geedi | Muqdisho, Somalia
Email: 002521-225765 ama 002521-635346

Hooyo Sucaad oo ah gabar da'yar ayaa Afar sano ka hor waxaa ay beeshay indhaha, waxaana ay la kulantay Dhakhaatiir dhowr ah oo ka hawlgala magaalada Muqdisho si ay ugala tashato in wax laga qaban karo Xaaladeeda iyo inkale si ay ugu shaqaysato Ciyaalkeeda oo ay mar kale dib ugu laabato nolosheedii caadiga ahayd hadii ilaahay u qadaro.

Dhakhaatiirta ay la kulantay waxaa kamid ah Dr. Cali Baashe Cumar Rooraaye iyo Dr. Cabdirisaaq dalmar oo labaduba kamid ah Dhakhaatiirta magaalada Muqdihso, hase yeeshee waxaa ay sheegeen in xaaladeeda caafimaad ay la socdaan isla markaana ay adagtahay in lagu dawaynkaro magaalada Muqdisho maadaama aysan jirin adeegyo caafimaad oo hormarsan.

Dhakhaatiirta Magaalada Muqdisho waxaa ay sheegeen in wax laga qaban karo hadii Hooyadaasi lagu soo daweeyo Cisbitaalada Waaweyn ee Dalalka carabta ama kuwa la dariska ah Soomaaliya, iyadoo Soomaaliya inta badan tan iyo bur burkii ay aad u liidatay xaaladda caafimaad ee dalkaasi Soomaaliya.

Waxaana hubaal ah in Sadaqadii aad baxsato ay tahay mid uu ilaahay kaa abaal marin doono maalinta Qiyaamo oo ay kuu noqon doonto kayd aad meel dhigatay.

Hadaba Hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha isla markaana ka nolol roon qoysas badan ayaa waxaa si naxariis leh looga codsanayaa in ay gacan ka gaystaan Kaalmada Dhaqaale loo ururinayo Hooyadaasi Soomaaliyeed ee hadana indhaha beeshay, waana dareen in badan oo hooyooyinka ahi ay dareemi karaan dhibaatada adigoo indhaha beelay oo caruurtaadii hadana kaa sugayaan in aad u shaqayso.

Idinkoo Mahadsan ugu soo hagaajiya Kaalmadiina Xawaalada Dahabshiil ee magaalada Muqdisho. Taleefanka Sucaad Yusuf Geedi laga helo waa sidatan :

002521-225765 ama
002521-635346

Waad ku mahadsantihiin Kaalmadiina. Wabilaahi Tawfiiq.

W.D: Amino Cali
Email: aminocali@hotmail.com
Muqdisho. Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 16, 2005


Gabar Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay. Guji....


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD