1)
Been hore oo uu xisbigiisa sheegey waqtigii Clinton iyo Gore oo hadda
cadaatay in ay been ahayd ( Clinton iyo la taliyeyaashooda ayaa ahaa kuwii
dadka maraykanka oo uu ka mid yahay Bush u diyaariyay dagaalka Ciraaq, kuwii
dadka ka dhaadhicyay in Sadam iyo wiilashiisu dad xun yihiin, in Sadam dhisay
qusuur badan oo aan cid kale dhisin iyo in ciraaq haysato hubka wax gumaada
ee loo yaqaan WMD
Waxaa intaas dheer in Clinton iska dhega tiri jiray aduunka oo weerari
jiray Ciraaq maalin iyo habeen asagoo dadka u sheegay inuu ilaalinayo wax uu
ugu yeeray “no fly zone” iyo in Sadaam samaysto WMD - Clinton oo kaashanaya
France ayuu ahaa ninka ay UN ka shaqayn weysay oo ku soo rogay cunaqabatayn
Ciraaq taas oo ay ku dhinteen caruur badan oo reer Ciraaq ah iskuulada uga
baaqan jireen cabsi weerarka cirka ee Clinton iyo Tony).
Dacaayaddii Clinton ayaa u sabab ahaa in markii la dilay labada wiil ee
Saddam dadku aad u farxaan ; dadka yaqaan Clinton waxay yiraahdeen haddii
asaga oo haysta xukunka dhici lahayd asagoo wata UN iyo Yurub ayuu weerari
lahaa 10 dal ugu yaraan. Clinton waa uu yaabay markii looga yeeray gudigii
baarayay 9/11 iyo waxa ay dawladda ka ogayd waayo wuxuu jeclaan lahaa in eeda
sirta WMD ee quruntay asaga aan lagu soo darin kana fogaato.
Sida wararka qaar sheegayaan Clinton ayaa diiday codsigii Saddam ee uu ku
codsnayay in loo ogolaado in uu ku noolaado dal kale oo weliba ugu hanjabay
in haddii fursad la helo lagu qabto saddam inuu gayn doono maxkamad caalami
ah ee dadka gaystay xasuuqa taas oo ku kaliftay in saddam kursiga ku dhego.
Clinton ayaa diiday waxa loogu yeero fursad rajo ah si ay caadi u noqdaan
“the light at the end of the tunnel” in reer ciraaq la siiyo
2) Keery oo hore looga bartay is bed bdel badn xataa intii uusan murashax
noqon iyo kala hadal.
3) Kerry oo uu recordkiisa difaaca uu jilicsan yahay oo hore marar badan
diiday in lacag badan la siiyo ciidamada iyo qalabkooda iyo hubkoodaba.
4) Asaga oo u eg Faransiis – dad badan oo maraykan ah ayaa maanta neceb
faransiiska oo jecel in mar uusan filanayn laga aarguto dhaqaale
ahaan.faransiiska kuwaas oo dhagaysan doona daacayadaha oranaya faransiis
ayuu u eg yahay. Faransiiska oo xagga siyaasadda ku dheereeya ayaa waxa ay
adkeeyeen iskaashiga yurub, waxayna si hoose aad ula soo xiriiraan madaxweyne
Bush ayaga oo safka hore ka galay la dagaalanka argagixisada waxaa ugu
danbeeyay hawlgalkii ay dhowaan ka fuliyeen Afganistaan. Farnsiiska waxaa ay
dhowaan mamnuuceen xijaabka iskuulada..
5) Lacagta ololaha doorashada oo la dheer yahay hadda
6) Xaas kiisa oo la yiri sadaqo ayay siisay urur reer falastiin ah oo
loona fasiray argagixiso.
Dacaayadda xisbiga jamhuuriga iyo Bush
Bush ayaa bilaabay weerar celin dhowaan asaga oo ka faa’iidaysanaya qalad
dhowaan ka dhacay murashax Kerry kaas oo ahaa baro shacbka aad rabtid inay ku
doortaan iyo waxa ay rabaan waayo ayaga keliya ayaa awoodaas leh “All
politics are local”. Kerry ayay ka soo fakatay u fiirsi la’aan kelmadda ah
WAXAAN LA SOO SHIRAY MADAX SHISHEEYE WAXAYNA YIRAAHDEEN WAAN KULA SHAQAYN
DOONAA HADDII AAD GUULAYSATO.
Dhibta hadalkan leeyahay waa shacabka muwaadiniinta ah oo aan rabin in
ajnabi u taliyo ama u dooro madaxdooda ama lacag ugu deeqa doorashadooda.
Bush oo arrintaas ka jawaabayay ayaa yiri waxaan ka rabnaa Mr. Kerry in uu
noo sheego madaxdaas ajnabiga ah iyo kuwa ay yihiin haddii uu diidana aniga
waxaan leeyahay ololahayga doorashada dalka gudihiisa ayaan ku koobayaa
asagana dibadiisa haka loolamo. Mashiinada dacaayadda ee xisbiga jamhuuriga
ayaa kelmadii ku soo cel celinaya oo gaarsiinaya meel kasta oo ka dhigaya wax
lagu qoslo ama xun.
Waxaa kale oo ay ku dacaayadeeyaan Kerry in uu canshuurta badin doono iyo
in uusan qool lahayn oo jir jiroole yahay. Kerry ayaa 2002 u codeeyay awoodii
Bush la siiyay ee ahayd in uu dagaal ku qaadi karo Ciraaq ahadana Kerry waxaa
uu ka soo horjeedsaday lacagtii dagaalka iyo ciidamada u baahdeen oo dhamayd
$87 billion. Hadda Kerry waxa uu balan qaaday in uu sii wadi doono la
dagaalanka argagixisada laakiin uu u dad badsan soono waxaana uu yiraahdaa
dagaalka keli ku ahaan mayno ee waa in safka hore ay ku jiraan Allies badan.
Maalin dhow ayaa hadana Kerry qalad ka dhacay oo uu yiri “Actually, I did
vote for the $87 billion before I voted against it” oo macnaheedu yahay “waan
u codeeyay lacagtan $87 billion ka hor intii aanan diidin” kalmadahan ayaa
loo isticmaalaa murashax Kerry oo meel walba la gaarsiiyaa oo laga dhigaa
kuwo lagu qoslo dad badan oo taageersan Kerry ayaa walaac ka muujiyaya
mashiinka dacaayadda ee xisbiga jamhuuriga oo hadda uun bilowday soconna
doona ilaa November kowdeeda 2004
- God qanaayno ha qodin ku dhici doontaana ma ogide
- Hadalada ay soo saareen Clinton/Gore iyo la taliyeyaashoodii ayaa
maanta loo isticmaalaa in lagu cabsiiyo xisbigoodaama looga adkaado rayiga
dadweynaha sida
- Sadam wuxuu dhisay Palaces dadkiisa oo gaajaysan qof kale oo dhisay ma
leh addunka
- Addunka Saddam la ‘aantiisa waa nabad
- Qatartii soo soctay ee Sadam waa laga hortagay
- Ciraaq waa la xoreeyay
- Sadaam UN ayuu u qayaanay
Maanta arrimahan dimoqraadiga waa neceb yihiin laakiin maka hadli karaan
waayo ayagaa keenay kelmadahan kana dhaadhiciyay addunka sideedii sano
dacaayadii ay ku hayeen Ciraaq waxay keentay in maanta dadka maraykanka
rumaystaan in Ciraaq lug kulahayd 9/11 ka dib markii si kasta loogu sheegay
in aanay lug ku lahayn.
Tixgelin:
Hadaladan waa dacaayadaha la iska fidinayo qaarkood oo la soo ururiyay iyo
kuwii hore loo fidiyay ee ma ahan warbixin cilmiyeed. Dadka maraykanka waa
qaybsan yihiin oo isku si wax uma arkaan siyaasadda iyo aqoonta iyo
ogaanshaha waxa adduunka ka dhacaya isku mid kama aha. Doorashada 2004 cidii
ku guulaysan lahayd hadda ma la garan karo waayo hadda ilaa November waxbadan
ayaa dhici kara ama isbedeli kara kara cilmul qaybka ilaah uun baa og. .
Maxamuud N. Wardheere
mnwardere@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 22, 2004
Minnesota: Inaad Soomaali tahay xaqiiji
Maanta waa laguu baahan yahay ee wixii dhiig lehow kaca!...
warbixintii
Wardheere
Minnesota:
Macallimiin iyo arday Soomaaliyeed oo xusay Taariikhda Dadka Madow
Sida la wada ogsoon yahay dadka madow ee ku nool dalka maraykanka mar
awoowayaashood badankood..
Guji