SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - 2004

Maarso 5, 2004  

Reer Minnesota oo Janjeersaday Xagga Garabka Midig(Conservative)

Aden Mohamed
adengas@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print

Maxaa ka jira wararka sheegaya in John Kerry Gogoldhaaf Sameeyay. Guji...

USA:Tartanka Aqalka Cad oo La isla soo Galayo Xayndaabka Muslimiinta Guji...

Usa:Tartanka Aqalka Cad oo Madaxa La Galay Is Gobalysi GUJI

USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka GUJI

USA:Tartanka Aqalka Cad, Ninba Ceesaantii Ceelka Keen ... GUJI


Gobalka Minnesota oo ku yaalla Waqooyiga Dalka Maraykanka, kana mid ahaa gobaladii ka qayb qaatay badbaadada dalka maraykanka oo uhiiliyay Xornimada dadkii madoobaa ee ka dhiidhiyay Is addoonsigii ay rabeen gobalda koofureed, suurta galiyayna inay sii waarto midnimada dalwaynaha Maraykanka ayaa Muddooyinkan waxay reer Minnesota u muuqdaan kuwa ka bayraya wadadii lagu yiqiinay ee garabka Bidix iyagoo ku sii sinqanaya Xagga garabka Midig.

Gobalka Minnosota oo Casrigan Cusub lagu tilmaami jiray habka loo Yaqaan Hubert Humphrey-Style Liberalism oo in kabadan 20 sano ay ka dhex muuqdeen rag lagu tiriyo Garabka bidix(Liberal),ahaydna meel ay isku tiriyaan Xisbiga Dimuqraadigu ayaa muddoyikan dambe war fiican laga soo sheegayn.

Haddaba tan iyo intuu si wayn ugu guulaystay badhasaabnimada gobalka Minnesota Tim Pawlenty, isagoo kala wareegay guddomiyihii hore Jesse Vantura sanadkii 2002 dii oo ahaa nin ka madaxbanaan Xisbiyada waawayn (Independent), waxay reer Minnesota garabka ujeediyeen Xisbiga dimuqraadiga taasoo laga dhadhansan karo sida ayna ugu soo bixin isreebreebkii xisbiga Dimuqraadiga oo ka dhacay bishan March 2deedii.

Dadka deggan Gobalka Minnosota waxaa lagu qiyaasaa in ku dhow 5 malyan oo qof, waxaana talaadadii dhawayd ee Super Tuesday usoo baxay wax uu dhan 50 kun oo qof kaliya, in kastoo doorashadu ahayd habka loo yaqaan Caucaska haddana calaamadaha ka soo baxaya Minnesota waxay xaqiijinayaan inuu yahay gobal dhanka midig si xawliya ugu sinqanaya, kaasoo dhawaan xitaa uu ku faanay governatoore Tim Pawlenty isagoo ka qayb galay shir sanadeedka 50 gobal badhasaabyadoodu ay ku qabteen Magaaladan Washington D.C. Waxuuna yiri Gov.Pawlenty:Xisbiga Dimuqraadigu waa uga dhamaatay Minnesota waxaana sanadkan ku guulaysan doona Madexweyne Bush, ugana dayriyay Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga inuuna waqti isagalumin Minn.waayo waa xero Jamhuri ayuu Yiri Badhasaabku.

Gov.Tim Pawlenty oo sida ay sheegayaan ragga u dhuun daloola arrimaha gobalkaas ku guulaystay waxyaalihii uu balan qaaday markii uu u tartamayay jagada uu hadda hayo oo ay ka mid yihiin isagoo isku dheeli tiray misaaniyaddii hoos u dhacsanayd waliba isagoon kordhin wax canshuura,waxaana uu kabay lacag hoos udhac ahayd oo dhamayd 4.5 Bilyan$, waxaa kaloo ka dhabeeyay arintii ay rabeen consevatiga oo ahayd in gobalkaasi dumarka ay ilmaha isaga soo tuuri jireen muddo 24 saac ah meesha ka baxdo, waxaa kaloo ololihiis ka mid ahaa xaqa qofku u leeyahay inuu qaato hubka gacanta iyadoo la daboolayo. Gov.Tim oo hogaaminayay badhasaabyada ayaa indhaha saxaafaddu aad uqabanayeen waxaana ugu yaab badnayd markuu yiri wax jago ka sareysa tayda uma socda mana doonayo inaan mar labaad isku soo sharaxo governatoornimada Minn. Marka waqtigu ka dhammado, waxuuna u ololeenayay isagoo hogaaminayay badhasaabyo badan in Washington u fasaxdo inay dawooyin ka soo iibsadaan Canada, si looga raysto qaalinimda kuwa iibiya dawooyinka mareykanka, waliba waxuu aad u canaantay hay'adda loo yaqaan FDA(Food &Drug Association).

Doorashooyinkii u dambeeyay ee madaxtinimada dalka maraykanka waxaa ku guulaystay xisbiga Dimuqraadiga tusaale ahaan sanadkii 2000 Algore waxuu ka helay 48%,halka uu Bush helay 45.5%.Sanadkii 1996dii Bill Clinton waxuu uga raayay 51.1% Dole 35%.

Laakiin hadda arrimuhu sidii ma ahan oo xaajadu waa ku xuntahay Xisbiga Dimuqraadiga, waxaa sanadkii 2002da Bishii oktobar diyaaradi la dhacday ninkii ugu caansanaa xagga liberalnimada ahaana senetka kaliya oo si qayaxan uga soo horjeeday dagaalada uu maraykanku la galayo caalamka sida Ciraaq waana senetkii laga soo dooran jiray Gobalka Minn. Paul Wellstone , kursigiisiina waxa xayuubsaday xisbiga GOP(Jamhuuriga),iyadoo waliba oday ruug cadaaya marna noqday madexwene ku xigeen Walter Mondale uu ka guulaystay nimaan saas looga aqoon Washington waana duqii magaalada St.Paul, Norm Coleman, sidoo kale kursi ay ku lahaayeen xisbiga dimuqraadigu ayaa waxaa ka hantiyay jamhuuriga oo sanadkii 2000ka John Kline waxuu ka adkaaday Bill Luther oo Dimuqraadiya.

Haddaba sababaha reer Minnosota uga bayreen wadadii lagu yiqiinay ee qunyar socodka ayaa qolyaha faaleeyaha dhacdooyinkaas, waxay leeyihiin gobalka Minn.waxaa sanadihii dambe kusoo badanayay xagga maalgashiga oo waxaa samaysmay dabaqado hodan ah doonayaana inay muxaafid ku noqdaan arrimaha Bulshada sida qiimaha qoyska(Family Value)oo looga fiicanyahay Kuwa liberalka,waxaa kaloo dadka dabaqada hodanku doonayaan xagga qaadashada Hubka la isku difaaco,waxaan kaloo meesha ka marnayn xagga dadka soo galootiga ah oo ayna jeclayn kuwa garabka Midig(Conservatiga).

Gobalka Minnosota dadka ku nool waxay isugu jiraan Caddaan 89%, Madow 4%, Aasiyan 3.5%, Hispanic(Madow xitaa ku jiro) 3.2%, Native (Amer.Indian) 0.8%. Dadka midabkoodu isku jiro(Mix Race) 1.5%.

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Isku soo xooriyo gobalka Minnosota oo ah gobal caan ka ah dalka soomaaliya waayo waxaa ku nool dadka ugu badan ee usoo haajiray dalka maraykanka,waxayna saamaynaysa hab nololeedkooda hadba dhanka ay ujanjeersanto siyaasadda madaxda Washington amase Dowlad goboleedka laga maamulo St.Paul. taasoo aragtideeda leh maadaama aanu nahay dad madow ah,kuwa naga horeeyay oo dhidibada utaagay xornimada aad ku maashoonayso waxaad la qabtaa dhankay dantoodu ku jirto.

Adengaas

Aden Mohamed
adengas@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 5, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

»USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka Aden
»USA:Tartanka Aqalka Cad, Ninba Ceesaantii Ceelka Keen [Aden]
»OLOLAHA XISBIGA DIMUQRADIGA MARAYKANKA [Diridhaba]

»USA: DOORASHADA XISBIGA DIMUQRADIGA EE  2004 [Diridhaba]
 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD