SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

May 18, 2004

WARARKA MAANTA

  • TNG-da oo sheegtay inay xakamaynayso Baasaboorka Soomaaliya.  
  • Dawlada Kenya oo baabi’isay Kiiska Dilkii Xildhibaan Ibraahim Xuubcaaro. 
  • Daahir Riyaale oo maanta Fagaaraha Khayriyadda ka jeediyay Khudbad
  • C/qaasim oo Libya Wadahadallo kula leh Qadaafi.
  • Dabaylihii Maansoonka oo ka billawday Xeebaha Koonfurta Soomaaliya
  • Qaar ka mida Hay’adaha Samafalka oo hawlahoodii dib uga bilaabaya  K/Soomaaliya

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
 
Garyare20@hotmail.com  Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com 

C/qaasim oo Libya Wadahadallo kula leh Qadaafi. Kadib markii uu ka soo laabtay Shir Madaxeedkii Mali. 

Madaxwaynaha Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, C/qaasim Salaad Xasan ayaa lagu soo waramayaa inuu wadahadallo kula leeyahay Magaaladda Tripoli. Hogaamiyaha Libya. Col Moamar Al-Qadaafi. 

C/qaasim oo shalay gaaray Tripoli ayaa kulan uu la yeeshay Hogaamiyaha Libya. Col Moamar Al-Qadaafi waxa uu kala hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Sii Xoojinta Xiriirka labada dal ee dhinacyadda Ganacsiga iyo Diblomaasiyadda. Iyo Taabagalinta Shirka Soomaaliga ee ka socda Kenya. Waxaana Xubno ka tirsan Wafdiga C/qaasim ay sheegeen in kulankaasi ay labada hogaamiye iskula garteen in Libya ay door muuqda ku yeelato Dib u heshiisiinta Soomaaliya. Isla markaana ay sidoo kale Sii waddo Taageeradda dhaqaale ee ay siiso Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia,  

Warar kale oo isla Xubnaha Wafdiga TNG-da laga soo xigtay ayaa iyaguna sheegaya in C/qaasim uu waydiistay Hogaamiyaha Libya inuu dalkiisa ku martiqaado qaar ka mida Hogaamiyayaasha Miisaanka ku leh Somalia si ay heshiis ula galaan TNG-da. Waxa uuna Qodobkaasi Qadaafi ku xiray in marka hore Shirka Kenya ay Natiijo ka soo bixi wayso. Laakin waxa uu ku gacan sayray in iyada oo Soomaalida googol loogu fidiyay Kenya inuu mid kale dhinac dhigo. 

Dhawaan ayaa Libya waxaa booqday Col C/laahi Yuusuf oo ka mida Hogaamiyayaasha Diidan Jiritaanka TNG-da. Laakiin ma cadda sababta keentay in wax yar markii uu Libya ka soo tagay Kornaylku in haddana lagu martiqaado dalkaasi C/qaasim Salaad. 

C/Lahi Yusuf oo Booqday Liibiya, Jabuuti iyo UK

TNG-da oo sheegtay inay xakamaynayso Baasaboorka Soomaaliya.  

May 17: C/laahi Yuusuf oo saddex maalmood lagu xayiray Airoprka Dubai baasaboorka Soomaaliga awgiis, Guji...

May 15: C/qqasim oo ka ashtakoonaya mamnuucida baasaboorka Soomaaliga ee Kenya iyo UAE..Guji

May 13: Mar uu C/Qaasim Salaad Xasan ka hadlayay baasaboorka Soomaaliyeed ay joojisay dowladda Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.. Guji

MAY 12: Xuseen Maxamed Bulaale oo ah Safiirka u fadhiya DKMG Waddanka Imaaraaadka ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin in Baasaboorka Soomaaliya laga mamnuucay Imaaraadka... Guji..

MAY 11: Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka DKMG  Xuseen Saalax  ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Go’aanka ay Imaaraadka Carabtu ku mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga... Guji..

MAY 10: Warar ayaa waxay sheegayaan in dowladda Imaraadka Carabta ay fulineyso qoraal ay dowladda KMG ah horey ugu dirtay ee ahaa in ay soo sameysanayso Baasaboor, kaasoo la sheegay in ay bixin doonaan safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalalka Jaamacadda Carabta. Guji..

DGPL: Maya Baasaboorka Kenya

Puntland oo Mamnuucday Baasaboorka Kenya

Kenya oo mamnuucday in dalkeeda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga

Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, ayaa markii ugu horaysay sheegtay inay samaynayso Hanaan lagu Xakamaynayo Baasaboorka Soomaaliga oo meelo badan oo Caalamka ah laga mamnuucay. 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah, Axmad Gacal Caraboow ayaa Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho waxa uu ku sheegay in Dawladdu ay diyaarinayso Calaamado lagu dhajiyo Baasaboorka Soomaaliga ah si looga hortaggo in cid walba ay iska qaadata Baasabooradda Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in Calaamadaasi ay soo diyaariyeen Khuburo Dhinaca Socdaalka ah. Isla markaana ay adag tahay in la been abuuro. 

Caraboow waxa uu sheegay inay xiriiro la soo sameeyeen Dawladdo badan oo Caalamka ka tirsan isla markaana ay waydiisteen in la xakameeyo Baasaboorka Soomaaliga ah. Wuxuuna sheegay in iyaga oo maraya Shuruucda Caalamiga ah maadaama ay ka tirsan yihiin Qaramadda Midoobay. Midowga Afrika. Jaamacadda Carabta iyo Ururo kale oo Caalamiya ay dal kasta u gudbin doonaan Astaanta ay ku dhajinayaan Baasaboorka Soomaaliya si loo joojiyo Dadka ku safra Dukumintiyadda Been abuurka ah ee Soomaaliya. 

Baasaboorka Soomaaliya ayaa waxa uu ahaa baylah tan iyo markii ay bur burtay Dawladii dhexe ee Somalia. Waxaana Baasaboorka Soomaaliya laga bixiyaa Suuqa Cabdalla Shideeye ee Bakaaraha oo buuxiyay Shaqooyinkii ay qaban jirtay Laantii Socdaalka ee Somalia. Iyadoo taasina ay fursad u siisay in cid kasta ay qaadato Baasaboorka Soomaaliya. 

Guddoomiyaha Gobalka Shabeeladda Hoose. Shiiq Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade ayaa ku eedeeyay Hay’adaha Samafalka ee ka hawl galla Soomaaliya inay iyagu sabab u yihiin Dhibaatadda ka jirta Somalia. 

Indhacade oo ay soo xiganaysay Jariirad Maalinle ah oo ka soo baxda Muqdisho ayaa sheegay inaysan Hay’adahu u joogin Somalia hawlo samafal. Balse waxa uu sheegay inay faraha galeen Arrimo Siyaasadeed oo ka baxsan Hawlaha Bini’aadanimo ee ay u yimaadeen. Wuxuuna sheegay in Dhaqaalaha loogu talagalay Somalia ay ku bixiyaan Hay’adaha Samafalku Hurinta Colaada Sokeeye ee aafaysay Soomaalida 14 ka sanno Dawlad La’aanta ah. 

Indhacadde waxa uu sidoo kale sheegay inay Hay’aduhu arrimo Siyaasadeed uga shaqeeyaan Gobalo aysan nabadi ka jirin. Isla marakaana ay iska indha taraan Nabadda ka jirta Gobalka Shabeeladda Hoose. Wuxuuna sheegay inay fureen Garoonkii Diyaaradaha ee Ceel Axmed oo ku yaala Duleedka Marka sidaas darteedna uu la yaaban yahay sababta ay Garoonka Ceel Axmed u imaan la yihiin Diyaaradaha Samafalka oo sheegtay inay Diinsoor Nabadgalyo xummo uga carareen. 

Ma ahan markii ugu horaysay ee eedayn loo jeediyo Hay’adaha Samfalka. Horay ayaa Madaxwayanaha Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, C/qaasim Salaad Xasan waxa uu eedayn kulul u jeediyay Hay’adaha Samafalka oo uu sheegay inay ku takrifalaan dhaqaalaha Somalia ay Beesha Caalamku ugu tala gashay. Wuxuuna C/qaasim ku hanjabay inay ka mamnuuci doonaan Hay’adaha Somalia. Haddii aysan wax qabad dhab ah la imaan. 

Somali Land oo maanta laga xusayo Sannadguuradii 13 aad ee ka soo wareegtay markii ay ku dhawaaqeen inay Soomaaliya inteeda kale ka go’een. 

Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayo Sannad Guuradii 13 aad ee ka soo wareegtay markii ay Somali Land ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa ka soconaysa Fagaaraha Khayriyadda ee Magaaladda Hargaysa. 

Dadwayne aad u farabadan ayaa isugu soo baxay Fagaaraha Wayn ee Khayriyadda. Waxaana ay dadkaasi lulayaan Calanka Somali Land iyo Boorar ay ku qoran yihiin Halku dhigyo ay ku taageerayaan Kala go’a Somalia. Iyadoo qaarkood ay ku dhawaaqayeen Erayo ay ka mid ahaayeen Soomaaliya lama Midoobi Karno. Iyo gorgortan ka galin mayno  Madaxbanaanideena aan halganka dheer u soo galnay. 

Kooxaha Bambooyda ayaa iyaguna fagaarahaasi ka tumaya Astaamaha gooni isu taaga Somali Land. Waxaana sidoo kale iyaguna Munaasibadaasi door muuqda ka ciyaaraya Kooxaha Fanka oo illaa iyo Saaka Waabarigii ku cel celinayay Heesta Caanka ah ee Somali Land waa Dalkayga. Somali Land Waa Dadkayga.  Iyado Dadwaynaha Fagaarahaasi tubana ay gadaal ka wada jiibinayaan Heestan oo la hanaqaaday gooni isu taaga aan la Ictiraafin ee Somali Land. 

Somali Land ayaa 13 sanno kadib markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale waxay Maanta ku dabaal dagaysaa iyadoo aan wali Aqoonsi ka helin Beesha Caalamka isla markaana aysan muuqan ifafaale muujin kara in Somali Land loo aqoonsado dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale. 

Daahir Riyaale oo maanta Fagaaraha Khayriyadda ka jeediyay Khudbad ku aadan 13 guuradii ka soo wareegtay markii Somali Land ay sheegtay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale. 

Madaxwaynaha Maamulka la Magac Baxay Somali Land. Daahir Riyaale Kaahin ayaa sheegay inaysan marnaba wax xiriir ah la samayn doonin Kooxaha Koonfurta Soomaaliya ee ku shirsan Dalka Kenya. 

Daahir Riyaale oo ka hadlayay Maanta Fagaaraha Khayriyadda oo ay isugu soo baxeen Dadwayne xusayay Sannadguuradii 13 aad ee ka soo wareegtay markii ay Somali Land sheegatay inay ka go’day Soomaliya inteeda kale ayaa sheegay inuusan isagu aaminsanayn in wax xiriir ah lala sameeyo Kooxaha Koonfurta Soomaaliya oo uu sheegay inay iyagu dhexdooda heshiin waayeen. Wuxuuna sheegay in Somali Land aysan waxba ka qusayn Shirka Soomaalida uga socda Kenya. 

Riyaale waxa uu sheegay in Somali Land Mudadii ay jirtay ay soo baxeen Cadaw Farabadan oo Qatar ku ah sida uu sheegay Qaranimadda Somali Land. Wuxuuna sheegay in cadawgaasi ay ka gaysteen weeraro dhawr ah oo Argagixiso Deegaanadda Somali Land. Laakiin waxa uu ka gaabsaday inuu sheego cidda uu arko Cadowga Somali Land. 

Riyaale waxa uu Sheegay in Socdaaladii uu ku tagay Dalal ka mida Yurub ay Tusaale wacan u yihiin Dadaaladda ay Somali Land ku raadinayso Aqoonsi Caalamiya. Wuxuuna waydiistay Beesha Caalamka inay u aqoonsadaan Somali Land oo sida uu sheegay Xornimadeedii kala soo laabatay Soomaaliya inteeda kale. 

Riyaale waxa uu dhinaca kale wax lala yaabo ku tilmaamay in Somali Land loo diido Shirarka Caalamiga ah iyo Kuwo Heerka gobal ah. Taas badalkeedana loo oggolaaday sida uu sheegay C/qaasim oo xittaa aan xukumin Xaafad ka mida Muqdisho. Wuxuuna Midowga Afrika. Iyo Jaamacadda Carabta ku eedeeyay inay si gaar ah u buun buuniyaan Mansabka Siyaasadeed ee uu sheegto C/qaasim oo uu ku tilmaamay Hogaamiye aan cidna xukumin. 

Riyaale waxa uu sidoo kale sheegay in Doorashooyinka Baarlamaanka ay ka billaaban Doonaan Somali Land Bisha March ee Sannadka 2005-ta. Wuxuuna dhinaca kale sheegay inuu wax ka qabanayo Adeegyadda Bulshadda ee ay ka midka yihiin Korontadda, Biyaha, Caafimaadka iyo adeegyadda kale ee Lagama maarmaanka ah. 

Intii uu socday Dibadbaxayaasi Laakiin uu Goobta Banaanbaxa ka tagay Riyaale ayaa waxaa ka dhinac furmay Banaanbixiii waynaa ee Khayriyadda mid kale oo looga soo horjeedo Dawladda Daahir Riyaale. Waxaana koox dhalinyaro ah oo socod ka billaabay Fagaaraha Khayriyadda ay dalbanayeen inuu Riyaale Xukunka isaga dago. Laakiin markii ay dhalinyaradaasi tageen Madaxtooyadda iyaga oo ku dhawaaqaya Dooni Mayno Riyaale ayaa waxaa rasaas ku kala cayriyay Illaaladda Madaxtooyadda Somali Land. Waxaana warar goor dhawayd na soo gaaray sheegayaan inay ku dhaawacmeen 3 qof halka wararka qaarna ay Tiradda dadka dhaawacmay ka badinayaan intaasi. 

Dabaylihii Maansoonka oo ka billawday Xeebaha Koonfurta Soomaaliya. Iyadoo aysan Doomaha iyo Maraakiibta yar yar ku soo xiran Karin Dekadaha Macmalka ah ee Koonfurta Soomaaliya. 

Xilliga Bad Xiranka ayaa la xaqiijiyay inuu ka billawday Xeebaha Somalia. Iyadoo Doomaha Yar yarna aysan Isticmaali Karin Badwaynta Hindiya ee ku  dherersan Somalia. 

Kabtan C/qaadir Maxamed Cabdi oo ah Badmareen Soomaaliyeed ayaa sheegay inay shalay billawdeen Dabaylaha Maansuunta ee Koonfur Galbeed Somalia. Wuxuuna sheegay Kabtanku inaysan Badwaynta India isticmaali Karin Doomaha iyo Maraakiibta yar yarka ah ee Badeecooyinka Soomaaliya uga keena Imaaraadka iyo Kenya. Iyadoo uu sheegay in Dekaddaha Macmalka ah ee Koonfurta Soomaaliya ay ku soo xiran karaan oo kaliya Maraakiibta waawayn oo laf ahaantooda ay Qatar soo wajihi karto. 

Kabtan C/qaadir waxa uu sheegay in Xawaaraha Dabaysha Maansuuntu ay jarayaan Saacadiiba 8 Nut oo u dhiganta sida uu sheegay 16 Kiiloo Mitir. Wuxuuna sheegay in Xawaaraha Dabayshu ay Qatar ku noqon karto Maraakiibta Waawayn ee Imaanaya Somalia. Iyadoo xillga Bad xirankuna uu socon doono illaa iyo Bisha September ee Sannadkan. 

Xilliga Bad Xiranka ayaa Somalia marka uu ka billawdo waxaa kor u kaca Ascaarta Badeecooyinkii Soomaaliya uga imaan jiray DIbadaha. Iyadoo ay Maciishadda iyo wax walba oo aadanuhu u baahan yahay ay sare u kacaan Xilligan oo kale. Mana jirto Hay’ad Qaran oo ka sii taxadarta inay wax ka qabato Xilliga Badxiranka. 

Qaar ka mida Hay’adaha Samafalka ee ka hawl gala Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay inay dib u billaabayaan Duulimaadyadii ay Diyaaradahoodu ku tagi jireen Gobaladda Koonfurta Soomaaliya. 

Madaxa Hay’adda MSF ee Soomaaliya. Mr David Querol oo ka hadlayay Nairobi ayaa sheegay inay isla garteen inay sii wadaan Hawlahii Samafalka ee ay ka hayeen Soomaaliya. Kadib markii ay damaanad qaad Buuxa oo ammaankooda ah ka heleen Maamuladda ka jira Gobaladda Koonfurta Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in Afar Shaqaalahooda Ajanabiga ah oo ay kala soo baxeen Koonfurta Soomaaliya ay dib ugu celinayaan Goobihii ay ka shaqaynayeen. 

Querol waxa uu qiray inay jirto Qatar Dhinaca Ammaanka ah. Wuxuuna sheegay in Miinadii laga helay Garoonka Diyaaradaha ee Diinsoor la xaqiijiyay inay ahayd nooc ka mida Miinooyinka laga haga goobaha fog fog ee ay isticmaalaan Kooxaha Argagixisadda ah. Isla markaana la dhigay Garoonka Labo Maalmood ka hor intii aan la arkin. Laakiin Waxa uu sheegay in Haddii Maamuladda ka jirta Koonfurta Soomaaliya ay taxadar dheeriya muujinayaan ay taasi keenayso inay yaraato Walwalka dhinaca Ammaanka ah ee ay qabaan. 

MSF ayaa noqotay hay’adii ugu horaysay ee ku dhawaaqda inay dib u billaabayso Hawlihii ay ka haysay Somalia. Laakiin Hay’adaha kale ee Midowga Yurub iyo Qaramadda Midoobay ayaan iyagu illaa iyo hadda ku dhawaaqin inay ka laabteen Go’aankoodii hore iyo in kale. 

Dawlada Kenya oo baabi’isay Kiiska Dilkii Xildhibaan Ibraahim Xuubcaaro. 

April 11, 2004: Qofkii 23aad ee Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Africa

Mid ka mida Dadkii loo xiray Dilkii Nairobi loogu gaystay Xildhibaan Shiiq Ibraahim Cabdulle Xuub Caaro oo ka tirsanaa Baarlamaanka Somalia  ayaa Xabsiga laga sii daayay. Iyadoo aan wax Maxkamad ah la soo taagin. 

Aadan Keynaan oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Kenya isla markaana laga soo doorto Gobalka Waqooyi Barre ayaa marar dhawr ah oo la soo taagay Maxkamadda Sare ee Kenya waxaa dib loo dhigay Dacwadii loo haystay. Waxaana imminka sii dayntiisu ay timid iyadoo aan Keynaan lagu soo oogin Dacwadda loo haysto. Isla markaana aysan Maxkamadi xukumin sii dayntiisa. 

Shiiq Ibraahim oo ahaa Mudane ka tirsan Baarlamaanka Ku Meel Gaarka ah ee Somalia ayaa waxaa sannadkii hore lagu dilay Magaaladda Nairobi xilli uu gaari yar watay. Waxaana dilkiisa loo xiray dhawr qof oo uu ku jiro Keynaan oo ay dano ganacsi ka dhaxeeyeen Shiiq Ibraahim. Iyadoo marki ugu dambaysay ee Maxkamadda la horkeeno Keynaana la soo hor istaajiyay Maxkamadda Horteeda dad Marqaatiyaal oo cadaynaya ku lug lahaanshaha Kenyaan ee dilkaasi. Waxaana Sidoo kale Maxkamadda la soo hordhigay Dukumintiyo laga soo helay Guriga Keynaan oo muujinaya ku lug lahaanshaha Mu’amaradaasi.

Marxuum Shiiq Ibraahim Xuub Caaro waxa uu ka mid ahaa Ergadda Soomaalida ah ee ka qayb galaysay Shirka Kenya. Waxa uuna ka mid ahaa tiro ergo ah oo la dilay intii uu socday Shirka Kenya. Iyadoo Dawladda Shirkaasi marti galinaysana aysan wax ahmiyad ah siin inay soo qabato Dambiilayaasha Dilalkaasi gaystay. 

Karbala oo wali ay ka socdaan dagaalo Qaraar. 

Magaaladda Karbala ee Dalka Ciraaq ayaa lagu soo waramayaa inay Maalintii Afaraad ka socdaan dagaalo Qaraar.  

Dagaalkan oo la isku adeegsday Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa u dhaxeeya Ciidamadda Maraykanka iyo Ciidamo Taageersan Wadaadka Shiicadda ah ee Muqtada Sadr.  Waxaana dhinaca Ciidamadda Mahdiga ee Shiicadda dagaalkaasi uga dhintay 9 Askarta daacadda ah Sadri ka mida. 

Ma jiraan illaa iyo hadda faah faahin uu Maraykanku ka bixiyay Khasaaraha dagaalkaasi ka soo gaaray. Laakiin wariyayaasha la socda Ciidamadda Maraykanka ayaaa soo sheegaya inay arkeen Dhawr askari oo dhaawac ah isla markaana laga qaadayo goobta dagaalka. 

Xaafadda Sadr ee Baghdaad ayaa iyadana lagu soo waramayaa inay wali iskaga soo horjeedaan Maleeshiyooyinka Shiicadda ah iyo Ciidamadda Maraykanka. Waxaana heshiis qabyo ah ay labada dhinac ku gaareen in Maraykanka la siiyo Waddo uu uga baxo Xaafadaasi.

Ammaanka Dalka Ciraaq ayaa faraha ka sii baxaya. Waxaana isi soo taraya Iska hor imaadyadda u dhaxeeya Shacabka CIraaq iyo Quwadaha Xooga ku qabsaday. 

Hogaamiyayaal ka Biyo Diidsan Shirka Kenya
Faarax Wehliye Cadoow Sendiko oo ka mida Hogaamiyayaasha Siyaasadda ku soo biiray intii uu socday Shirka Kenya ayaa Guji 18/5

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare) 
 
Garyare20@hotmail.com  Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com


Faafin: SomaliTalk May 18, 2003 

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

April 11, 2004: Qofkii 23aad ee Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Africa
 

Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD