Dilkii Sheekh
Ibraahim Cali Xaashi oo weli baaritaan lagu wado

Maxamed Ingiriis
|
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Mbagathi, Nairobi
E-mail: Ingiriis@yahoo.com
Xiisad ayaa weli ka jirta magaalada Nairobi, taas oo ku saabsan dilkii
shalay subax loo geystay saddex nin oo Soomaali ah oo nin ka mid ah uu ahaa
ergada rasmiga ah ee shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Ninkan oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim Cali Xaashi, loona yiqiin
Sheekh Ibraahim Xuub-Caaro waxaa lala dilay darawalkiisii iyo nin kale oo
ganacsade ah iyagoo maraaya waddada dheer ee Kajiado ee duleedka magaalada
Nairobi.
Waxaa kaddib maydkooda laga helay meel u dhexeysa xerada Mbagathi iyo
magaalada Nairobi oo hawd ah. Booliska ayaa sheegay in ragga la dilay ay
xabbaduhu uga yaalleen madaxa iyo xabbadka.
Gaarigii ay wateen ayaa la helay, waxaana boolisku ay ku warrameen inay
baarayaan dhacdada. Maydkoodu weli waxa uu yaallaa isbitaalka Kenyatta, halkaas
oo la geliyey qaboojiyaha. Qoyska uu ka dhashay Sheekh Ibraahim ayaa u sheegay
weriyeyaasha inay waayeen habeen hore abbaarihii 07:30 fiidnimo.
Televisionnada waddankan ayaa ku soo cel-celinaya maydkii
Marxuumkaas iyo dadka lala dilay. Illaa iyo hadda lama oga cidda ka dambaysa
dilkiisa, hase ahaatee, saxaafadda waddanku waxa ay daabaceen in kooxo burcad
ah oo hubeysan lagu tuhmaayo dilkaan.
Dilka Sheekh Ibraahim oo ahaa xildhibaan ka tirsan TNG, kana
mid ahaa ganacsatada waaweyn ee magaalada Muqdisho waxa uu naxdin iyo welwelba
ku abuuray ergooyinka shirka dib u heshiisiinta iyo Soomaalida ku nool Kenya.
Ibraahim Cali Xaashi wuxuu ahaa ninkii wada hadallada nabadda
wakiilka uga ahaa Madaxweynaha dowladda KMG ah, Cabdilqaasim Salaad Xasan.
Magaalada Ceel-buur ayuu ku dhashay, halkaasoo uu ka ahaa sheekh caan ah, intii
uusan ku soo biirin howlaha ganacsiga.
Shirkadda Towfiiq oo mucaawinada hay’adda WFP ka qaadda
Mombassa ee geysa Soomaaliya ayuu sidoo kale wakiil uga ahaa Nairobi. Ugu
yaraan afar xaas iyo carruur badan ayuu ka geeriyooday.
Guddoomiyaha Guddida Farsamada IGAD, Bethuel Kiplagat oo
maydka ku booqday isbitaalka Kenyatta waxa uu weydiistay booliska inay soo
ogaadaan cidda falkan ka dambaysay, gaar ahaan haddii uu la xiriiro siyaasad.
Boolisku, waxa ay ballan-qaadeen inay baaritaankooda sii wadayaan.
James Kiboi oo u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya
wada hadallada Mbagathi, waxa uu maanta ku booriyey ergooyinka shirka
Soomaalida inaysan is gelinin dhiillo iyo walaac, maadaama hay’adaha ku shaqada
leh ay baari doonaan falka lagu dilay saddexdaas qofood.
Laba bilood ka hor ayaa nin isna ka mid ahaa ergada shirka
waxaa ku dhaawacay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi koox tuugo ah oo ku
hubeysan bistoolado, waxaana ay ka qaateen cell phone iyo lacag uu watay.
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Mbagathi, Nairobi
E-mail: Ingiriis@yahoo.com
Somali
politician slain in Kenya
... had spurned the talks in July, accusing a committee steering the peace
conference
and other Somali delegates of sanctioning the "dismemberment" of Somalia. ...
Three
Somali delegates at peace talks murdered in Kenya - Xinhua
and
more »
Somali peace talks delegate shot dead in Kenya
Reuters AlertNet, UK - 3 hours ago
... He named the dead Somali as Ibrahim Ali Abdulle, a businessman and member
of parliament
in a defunct transitional government for Somalia, which has been carved ...
Sheekh Ibraahin Cali Cabdulle oo Lagu diley
Kenya.
Sheekh Ibraahim oo kamid ahaa xildhibaanada DKM ee jooga shirka
Nairobi iyo laba qof oo kale oo toogasho lagu diley ayaa meydkoodii laga heley
meel kayn ah oo kutaal Nairobi.
Tacsi Tiiraanyo leh
Qore: Mohamed Haji \(Ingiriis\)"
ingiriis@yahoo.com
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Dr.
Maxamed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacmadheere), Maxamed Xaashi Dhuxulow, Hilowle
Imaam Cumar, Maxamed Dheere, iyagoo ku hadlaaya magaca ergooyinka shirka dib u
heshiisiinta Soomaaliya waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Allaha u
naxariisto Sheekh Ibraahin Cali Cabdulle oo shalay ku geeriyooday magaalada
Nairobi. Waxay Alle uga baryayaan inuu naxariistii Janno ka waraabiyo.
Sheekhaas oo ahaa nin oday ah, kana mid ah xildhibaannada TNG waxay sheegeen
in haddii Soomaaliya ay maanta dowladi u dhisnaan lahayd la baari lahaa
dilkiisa.
SOMALIA: LATEST NEWS