SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Viruska Dhaliya AIDSka oo Europe ku sii Fidaya.
 
15/3/2004

Ridwaan Xaaji Cabdiwali

London, UK.

ridwanhaji@yahoo.com

 
Cudurka halista ah ee AIDSka ayaa si xoogan waxaa uu  ugu faafayaa Qaaradda Yurub sida lagu sheegay warbixin dheer oo ay diyaarisay hay'ada caafimaadka aduunka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano WHO.
 
MINNESOTA: 18 Soomaali ah ayaa Qaba Cudurka AIDS-ka Guji...
Warbixintan waxaa lagu sheegay in in ugu yaraan 2,5Million dadka ku nool qaaraddan yurub ay qabaan viruska dhaliya cudurka AIDSka , bariga qaarada yurub waxaa  la ogaaday in cudurkan uu haleelay 370,000 sanadkii aynu soo dhaafnay.
 
Waxaana tiradan ay ka badantahay baaristii 1995 oo lagu sheegay in xiligaasi cudurkan uu ku dhacay 27,000 isla bariga qaarada Yurub. dhinaca Galbeedka qaarada Yurub ayaa waxaa WHO ay ku warantay in ay laba jibaarantay oo ay gaartay in cudurkan uu haleelo 365,000 oo xaaladood.
 
Dalka ingiriiska waxaa uu gaaray 20% sanadkan oo kaliya, waxaana viruska cudurkan dhaliya qaba ingiriiska 6,400 oo qof, dadka u ololeeya ka hortaga cudurkan waxaa ay muujinayaan in dhibaatada cudurkan aysan ku ekayn oo kaliya qaaradda Afrika.
 
waxaana sidoo kale lagu muujiyay warbixintan in inta badan dadka cudurkan uu soo haleelo ay yihiin kuwo daroogaysan ama isticmaala waxyaabaha qofka miyir doorsoonka ku rida kadibna uu ku dhaco marka uu ku dhaqaaqo fal zina ah.
 
Cudurkan waxaa ugu geeriyooday wadamada saboolka ah in ka badan 20 million oo qof  iyadoo sanadkii ugu danbeeyayna uu ku dhacay dunida 5 million oo ruux.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk Jan 14, 2003 

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD