MINNESOTA: 18 Soomaali ah ayaa Qaba Cudurka
AIDS-ka SomaliTalk.com | Minneapolis,
MN, USA | December 1, 2003
Ma waxaan ka hor tagga AIDS-ka,
mase waxaan la dagaalanaa Macsida!!!
Kulankii caawa ee lagu qabtay Masjid Shaafici |
Kulan
ballaaran oo ay wadajir usoo qaban qaabiyeen Ururka
Somali Health project iyo masaajidka Imaam-shaafici ayaa caawa (Nov 30)
lagu
qabtay masjidka Imaam Shaafici, kulankaas oo looga hadlay arrimo ku saabsan
caafimaadka bulshado waynta Soomaaliyeed.
Waxaa si gaar ah kulankaas loogaga hadlay
cudurada Qaaxada iyo Aidska, iyo waliba sida ay Qaaxadu u fududayn karto in uu
qofka ku dhaco Cudurka Aidska.
Waxaa kulankaas ka hadlay:
- Dr. Osmaan Ahmed (Xaraare)
- Dr. Mohamod Daahir Afqarsho
- Dr. Siidow Shariif
- Shiikh Abdirasaaq M. Aadam (Lafoole)
- Abdirazaaq Mohamed "M.P.H"
Ugu horayn waxaa magarafoonka lagu wareejiyey Dr. Siidow Cabdi Shariif oo kahadlay in
masaajidyadu yihiin meelaha bulshada looga arimiyo. Taas oo uu ku tilmaamay in
ay haboon tahay in masaajidda lagu qabto wax kasta oo mujtamaca dan u ah,
hanoqoto cilmi iyo baraarujin
bulshada iyo waxkasta oo ay mujtamaca ka fa'iidayo.
Kaddib waxaa hadalkii lagu wareejiyey Dr.
Osmaan Ahmed (Xaraare) oo ka hadlay cudurka Aidska.
Dr. Osmaan "Xaraare" waxa uu xusay siyaabaha guud ahaan cudurada lagu qaadi karo,
waxana uu yiri waxa cuduradu soo mari karaan:
- Hawo mareenka
- Kaadi mareenka (xubnaha taranka)
- cunta mareenka
- iyo jirka oo furma.
Haddaba "HIV waxa ugu badan oo lagu kala qaadi
karaa waa
xubnaha taranka." ayuu yiri Dr. Osmaan.
Waa
Maxay CD4:
CD4 waa unugyada jirka qofka ugu
qaabilsan iska difaacida cudurada. Dhakhaatiirtu waxay qofka ka qadi karaan
dhiig si ay u ogaadaan tirada unugyada CD4. Qofka caafimaadka qabaa tirada
CD4-ka ee kujiraa waa ugu yaraan 800 / halkii cubic millimeter oo dhiiig
ahba (hal cubic millimeter waa tiro aad u yar oo qiyaastii u dhiganta hal
dhibic.). Halkaas waxaad ka garan kartaa in tirada badan ee CD4 my la macne
tahay in qofkaas difaaca jirkisu wanaagsan yahay, haddii tiradaasi
yaraatona uu qofku halis geli doono.
Maxaa
HIV ka Khuseeya CD4:
HIV-gu waxa uu weeraraa unigyada difaaca ee CD4, waxaana la arkaa in qofka
qaba HIV ay hoos u dhici doonaan unugyadaasi, marka ay unugyadaasi
yaraadaana waxaa qofku halis u noqonayaa cudurada halista ah. Marka CD4 ay
ka hoos maraan wax ka yar 200 markaas waxaa qofku halis ugu jiraa cudur aad
u daran.
Waxaa
tiradaas CD4 lagu ogaankara qofka oo dhiig laga qaado, waxaana jira habab
gaar ah oo la adeeegsado si loo ogaado sida uu HIV-gu u cunayo unugyadii
difaaca, nidaamyadaas la adeegsado waxaa kamid ah: habka loo yaqaan PCR
(polymerase chain reaction) ama bDNA (branched DNA)
waxaana hababkaas la isku yiraahdaa: "viral load tests ama T-cell
count". |
Cudurka HIV oo ah jeermiska cudurka, waxaana
lagu ogaan karaa in qofka dhiig laga qaado. Marka uu HIV-gu qofka soo rido ayuu
isu bedelayaa AIDS. Waxaa dhici karta in qofku qabo HIV balse uusan weli qabin Aids,
laakiin ma dhici karto qof Aids qaba oo aan qabin HIV taas oo macneheedu tahay
"Qofkii AIDS qabaa HIV-na wuu qabaa, laakiin HIV-gu waa tallabada koowaad ee ka
horaysa AIDS oo qofku muddo ayuu ahaan karaa HIV-side asagoo aan weli qabin
AIDS balse uu sii faafinayo jeermiska HIV ee ah kan keeni doona AIDS-ka".
Dr. Osmaan oo sifaynayey sida lagu garan karo
qofka
AIDSka qaba, waxa uu yiri: ugu horayn marka uu qofka uu cudurkani ku dhaco wax
lagu garan karo aan ka ahayn in dhiigiisa la qaado majiraan, wuxu u muuqan
karaa qof caadi ah oo shaqaysanaya, waqtigaas oo ah kan ugu khatarsan waayo
qofkii oo u muuqda mid caafimaad qaba ayaa hadana sii faafin karaya cudurka.
Muddo ka dib ayaa qofkii tabar darayna doonaa, taas oo uu gaarsiinayo in
cudurko soo rido ilaa uu qofkii ka dhinto.
Waxa qofka dhibta ugu weyn u geysanaya waa cudurka
AIDSka oo weeraraya unugyada difaaca jirka, taas oo qofkii halis u noqonayo
dhammaan cudurada jirka soo weerara. qofka caadiga ah waxaa uu jirkiisa kujira 800-1200 oo unugyada dhiiga
cas ee loo yaqaan CD4, laakiin qofka uu ku dhaco Aids unugyadaasi aad ayey u
yaraadaan waxayna gaaraan in ka yar ilaa 200. Taas oo muujineysa in
difaacii jirku uu yaraaday.
Dr. Osmaan waxa uu xusay in Aidsku uu
sannadkiiba adduunka ku dilo dad tiradoodu gaareyso 3 million oo qof.
18 qof oo Soomaali ah oo layaqaan oo deggan
gobolka Minnesota ayaa qaba cudurka dilaaga ah AIDS-ka , sida uu halkaas ka
caddeeyey Dr. Osmaan Ahmed (Xaraare).
Arintan naxdinta leh waxay isoo xusuusisay
qoraal uu Maxamuud Wardheere kusoo daabacay SomaliTalk
March 7, 2001,
qoraalkaas oo cinwaankiisu ahaa: "Soomaali HIV/AIDS Qabaan oo Lasoo Dejin Doono
Twincities" - waxaa waagaas muuqatey in aan dad badan oo reer
Minnesota ahi arintaas dheg u jalaq siin, laakiin hadda halistii berigaas laga
degayey ay hadda si buuxda usoo shaac baxday. Waxaa kale oo jirtey digniin kale
oo SomaliTalk soo gaartey bishii
Febraayo ee
2001 taas oo ka digeysey AIDSka halista ku ah Soomaalida. Taasi waa
xusuusin aan kusoo dhex daray'e aan dib ugu laabano kulankii caawa
Dr. Osmaan waxa kale oo uu xusay in cudurka
Qaaxadu uu kamid yhay cudurada ugu badan ee Soomaalida ku dhaca, cudurkaas oo
wiiqa difaaca jirka, taas oo qofkii uu AIDSku ku dhaco isla markaasna qaba
Qaaxada uu noqon doono mid halis dheeraad ahi soo food saari doonto.
"Marka aad direysaan lacag xawaalada ah
ehelkiina u sheega halista Aidska, iyo sida loo kala qaado."
Dr. Osmaan |
"Marka aad direysaan lacag xawaalada ah
ehelkiina u sheega halista Aidska, iyo sida loo kala qaado." ayuu yiri Dr.Osman
"Xaraare".
Usheega ehelkiina jooga Soomaaliya in aysan
isticmaalin irbadaha la isku duro oo lawada isticmaalay, gada irbado cusub, oo ah
nooca loo yaqaan "One-time-use" ama irbadaha ay tahay in "mar-qura-la-isticaalo".
Waxaa kaddib hadalkii qaaday Dr. Mohamod
Daahir Afqarsho oo kamid ah dhakhaatiirteenii Soomaaliyeed ee ka qalin jibiyey
jaamacadeenii Soomaaliya ee gahayr ee dalkeenii hooyo intii aan dagaalka ahliga
ahi burburin.
Xanuunka Aidska ma la daweeyaa mase lama
daweeye? ayuu weydiiyey Dr. Mohamod Afqarsho.
Taas waxaa ka horeeya in aan is weydiino:
Haddii aan nahay dad Muslim ah maxaa marka hore inoo keenay AIDS? Haddii qofku ka
qaado dhiig lagugu shubay ama irbad taas dembi kuma liha, laakiin haddii uu ka qaaday macsi taas in marka hore laga hor tago weeye oo la iska ilaaliyo
macsida,
ayuu yiri Dr. Mohamod Afqarsho.
Haddaba haddii aan fiirino qofka Aidska qaba
marka ugu horeysa qofkaas ka garan meysid dadka caadiga ah ilaa in muddo ah,
waa qof quruxdiisii leh oo shaqaysanaya oo aan lagaran karayn, laakiin
aakhirkii qofkaas cudurkaasi waa soo rid doonaa, waana dili doonaa. Waxaase
taas ka daran mudadaas qofkaasi wuxuu ahaanayaa side cudurkaas waaan faafin
karaa.
Qofka Aidska meelo badan oo jirka ah ayuu ka
dhici karaa, waxaana qofka ku dhacayaa waa 'infection-kii" uu cudurkaasi keenay.
Ilaa hadda waxaa jira 16 dawo oo lagula
tacaalo AIDS-ka, waxaana inta
badan qofka la siiyaa ilaa 3 saddo ilaa intuu nool yahay. Waxaa jira daawooyin
aan qofka wax u tarayn, taas oo keeni karta in daawadii laga bedelo. Laakiin
ugu dambayntii cudurku qofka waa dilayaa.
Dalka
mMaraykanka waxaa khasab ah marka qofka lagu sheego AIDS oo dhakhaatiirtu taas
cadeeyaan in qofkii uu ehelkiisa u sheego in uu cudurkaas qabo, haddii kale
Dawladda Maraykanka ayaa
qofka uu ku dhaco Aidsku ehelkiisa u sheegeysaa in uu cudurkaas qabo, ayuu
hadalkiisa kusoo xiray Dr. Mohamod Daahir Afqarsho.
Waxaa kaddib hadalkii lagu wareejiyey Abwaan
Cismaan Ducaale oo abwaan Soomaaliyeed oo had iyo jeer u heelan wacyi gelinta
mujtamaca Soomaaliyeed, gaar ahaan jaaliyadda ku dhaqan Minnesota. Abwaanka oo
markasta goobkasta oo uu tago ummada si xigmad leh ugu soo tebiya gabay. Cismaan
Ducaale caawa gabay dheer oo xigmad salka ku haya oo uu tiriyey waxa dulucdiisu ahayd
sidan: "U qalab qaado aroos ama qaadirkaaga u soon." taas oo uu ku tilmaamayey
cudurka Aidska waxa keliya oo looga hor tegi karaa in ay tahay in Allah laga
cabsado oo laga fogaado macsida uu cudurkani kusoo gaban karo.
Kaddib waxaa magarafoonka lagu wareejiyey
Shiikh Abdirasaaq M. Aadam (Lafoole) oo ka hadlay baraarujinta mujtamaca, gaar
ahaan ku baraarujinta waxyaabihii uu islaamka dunida kusoo kordhiyey iyo
sida uu uga soo qayb qaatay cilmiyada carsiga ah iyo horumarka uu islaamku ka
qayb qaatay. Waxana uu xusay xadaaradihii soo maray Islaamka taas oo
Cabdirsiaaq ku tilmaamay in Islaamku soo xukumay 1/3 (saddex meelood oo meel) dunida aan maanta
garaneyno.
Waxa uu Lafoole soo tiriyey waxyaabihii ay
islaamku dunida kusoo kordhiyeen sida cilmiyada xiddigiska, caafimaadka,
Injineeriyadda, sayniska, farshaxanka iwm.
Waqtigii Cabaasiyiint waxaa la qoray
buugaagtii ugu waaweynaa xagga daawada, kuwas oo gaarey daafaha xilliyadii ku
xigey dawladdaas, ayuu yiri Cabdirsaaq Lafoole oo si gaar ah u tibaaxay sida
cilmiga caafimaadka ay horumarka uga gaareen dawladii Islaamka ee xilligaas
jirtey.
Lafoole oo ka jawaabayey su'aal ahayd "Masaajika
gabay ma laga tirinkaraa?" waxa uu yiri dib haloogu laabto diinta Islaamka oo
hala eego in xilligii rasuulka ay jireen gabayaa dhanka wanaagsan u isticmaala
gabaya, wax kasta oo diinta Islaamka ogoshahayna waa lagu qaban karaa masjidka.
Waxa kale oo hadalkii lagu wareejiyey
Abdirazaaq Mohamed "M.P.H" oo ka hadlay caafimaadka bulshada, waxana uu xusay
cudurada u baahan in bulshada laga wacyi geliyo, waxana uu tusaale
usoo qaatay sigaarka oo uu yiri markii la ogaadey dhibaatooyinka uu keenay ayaa
la bilaabay in lala dagaalamo Sigaarka, hadda meelaha dadka u dhexeeya laguma
cabbi karo sigaarka.
Cabdirisaaq waxa uu ka digey in aan dadka uu
cudurkani ku dhacay oo dhan dusha laga saarin in ay cudurkaas ka qaadeen macsi,
waayo ayuu yiri waxaa dhici karta in ay ka qaadeen dhiig lagu shubay iyo wax la
mid ah.
"Lasheeg in cudurka AIDSku soomaalida ku jiro'e,
su'aashu waxay tahay ma is baarnaa, mase waa iska aamusnaa? haddii la isbaaro
waxay noqon in qofkii laga waayo ama laga helo, haddii laga waayo waa sidii
aad rabtey, qofkii laga helo muxuu faa'iidey, wuxuu faa'iidey in uu reerkiisa
ka ilaaliyo waayo kuwaas ayaa ah kuwa ugu horeeya ee uu aafaynayo cudurka, marka
intii aad reerkaaga galaafan lahayd is hubi." ayuu hadalkiisa kusoo xiray
Abdirazaaq Mohamed.
AIDS-KA - Su'aal uu
kajwaabey Dr. Ibrahim
Dr. waan
kusalaamay,marka xiga aad ayaan kaaga mahad celinayaa sida aad uga soo
jawaabto su,aalaha. su,aal? Mudo haatan laga joogo afar sano ayaan u
galmooday haweenay jirkeeda ka ganacsata anigoon isticmaalin protection ama
condom,ka bacdi aad ayaan uga werweray inaan ka qaaday cudurkan.
1)jirtaa calaamado lagu garto AIDSka muda intee leeg guduheed ayuu qofku
isku arki karaa calaamadahaas?
2)mudo intee leeg ayuu noolaan karaa qofka AIDSka qaba?.
ilaa mudadaa laga soo bilaabo waxaan go,aansaday inaan galmo danbe oo
xaaraana samayn,fadlan iiga soo jawaab su,aashan. aad baan u mahadsantahay
Jawaab.... |
December 1, oo maanta ah, waxaa dunidu u
bixisay maalintii AIDSka, waxaana la qiyaasay in cudurkaas ay qabaan 40 million
oo qof, waxaana dadka cudurkaas qaba ugu badan dadka deggan inta saxaraha
Afrika ka hooseysa. Sida muuqata Soomaaliya waxay deris la tahay ama ganacsi ka
dhexeeyaa dalal uu cudurkani aafeeyey, halista ugu wena waa in Soomaalidu
aysanba ku baraarugsanayn halista qarsoon ee uu cudurkani ku keeni karo xagga
dhaqan-dhaqaale ee mujtamaca Soomaaliyeed. Waxaase cad in reer Minnesota
ay ka mid noqon doonaan kuwa sida fiican indhaha u kala fura mar haddii caawa
shaaca laga qaaday in 18 kamid ah dadka la yaqaan ee deggan magaalooyinka
mataanaha in uu cudurkaasi ku dhacay.
Dad sheekaysanaya ayaa isweydiiyey: "oo haddii
xaal halkaas marayo oo cudurkii AIDS uu Soomaalida soo dhexgalay, tolow labada
qof ee isguursanaya matahay in marka hore ay iska baaraan AIDS inta aysan isla
aqal gelin!!!", waa su'aal jawaabteedu u taal shacabka Soomaaliyeed....
Gabagabadii kulanka, intii aan la gelin
salaadii cishaha, waxaa dadweynihii weydiiyeen su'aalo, kuwaas oo ay ka
jawaabeen marti sharaftii, waxaana su'aalahaas ka mid ahaa:
Aidska ma lagu kala qaadi karaa meelaha timaha
lagu jaro?
Haddii meesha timaha lagu jarayo aysan ahaayn
meel nadaafad leh oo marka timaha la xiirayo la
isticmaalo sakiin (makiinad), oo sakiintaasi ay sartay qof cudurkaas qaba oo markaas adiga
ay ku sarto markaas waa laga qaadayaa AIDS, laakiin maqaska laga qaadi maayo haddii
uusan qofka sarin.
Kaneecadu ma gudbisaa Aiska?.
Maya! kaneecadu ma gusbiso cudurka AIDS-ka.
Dhibteeda kale oo ay dadka u geysan karto ayaa iska badan (oo ah in ay duumo
keeni karto.), Laakiin AIDS ma gusbiso.
Cudurka Gaastariiga ma leeyahay daawo dabar
goyn karta?
Xanuunka caloosha gala oo dhan ayaa Soomaalidu u
taqaan gaastirig:
haddii xuubka caloosha xanuun ku dhaco Gaastirig ayaan u naqaan, haddii
caloosha nabar yeelato gaastirig ayaan u naqaan, balse haddaan isla eegno gaastiriga
waxaa ka
mid ah laab jeexa iyo nooc ay keento bakteeriyo loo yaqaan
H.Pylori tan oo laga yaabo in aan
soomaalidu weli ku baraarugsanayn laakiin lagayaabo in ay tahay tan ugu badan
ee keenta Gaastiriga Soomaalida ku dhaca, bakteeriyada oo dunidu ay cilmi
baarisyo badan ku samaysay, taas oo la dawayn karo. Haddii daawadu wax ka tari
weydo waxaa qofka gaastiriga qaba lagu sameeyaa qalliin kaas oo meshii lasoo
gubayo. Sidaas daraadeed gaastirigu dawo ayuu leeyahay ama waa la daaweyn karaa.
Dhakhaatiir Soomaaliya joogtaa qofka uma
sheegaan in uu cudurkaas qabo?
Anigu hadda Soomaaliya ma joogo, markii aan
joogeyna cudurka Aidsna ma jirin, waxaan ogahay in dhakhaatiirta Soomaaliya
jooga ay
yihiin kuwo umadooda u shaqaynaya oo ixtiraam inaku leh, waxaana qiyaasayaa in
dhakhaatiirta Soomaaliyeed ay qofkii cudurkaas qaba u sheegayaan marka ay
xaqiijiyaan baaritaanka ka dib.
Waa maxay Cudurka Sonkorowga ee Type
1 iyo Type 2:
Cudurka sonkorowgu wuxuu ka
yimaadadaa waxa loo yaqaan "insulin". Insulin-tu waa waxa sahlaya in cuntadu ay unugyada jirka gasho, haddii
taasi kugu yaraato, haka timaado dhaxal (hiddo) ama in aad cayishey oo sidaas ay ku
yaraatay, markaas waxaa jirkii ku badanaya sonkorta. Labada nooc ee sonkorowga
waxay kala yihiin; type 1: carruurta ayuu badanaa ku dhacaa,
insuliin ayaana lagu daweeyaa. type 2: wuxuu ku dhacaa dadka da'da weyn ee
cayilan ama buurbuuran oo inta ay iska fadhiyaan wax iska cuna, noocan wuu
kusoo batay soomaalida qurbaha inta ay casiir ka dhergeen oo iska cayileen ayey
iska fariisteen sidaas ayuu ugu soo batay. Taasi waxay isoo xusuusisay
in Dhadhtar ka tirsan cisbitaal
kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka uu sheegay in Soomaalida uu kusoo
badanayo cusurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto
kaadi-Sonkorowga KA
AKHRI HALKAN GUJI....
Waxaa hadalkii soo
gabagabeeyey Cabdiqani Maxamed oo kamid ah dhallinta isku soo dubaridey
barnaamijka, isla markaasna ahaa xiriiriyihii barnaamijka qaybinayey, waxana uu
u mahad celiyey dhammaan intii kasoo qayb gashay kulanka, waxa kale oo uu
Cabdiqani xusay kulan Islaami ah "Mutamar" oo aad u ballaaran oo dhammaadka
bishan December 2003 lagu qaban doono Minneapolis, faahfaahin dheeraad ah oo
kulankaas ku saabsan waxaa lagala xiriiri karaa emailka C/Qani oo ah:
qardhaawi@yahoo.com
Waxaa qoraalkan isku soo dubaridey:
Maxamed Cali |
SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA
Faafin: SomaliTalk.com | December 1, 2003.
..HABEENKII SHOWRKA SOOMAALIDA MINNESOTA
..GALABTII "BARO XUQUUQDAADA" IYO SOOMAALIDA MINNESOTA
...Laba Halisood oo Soo Food
Saaray Soomaalida Qarnigan
AIDS |
CHOLERA |
SOKOROW |
JABTADA
Faarax Axmed Muuse | M.Sc Clinical
Microbiology, University of Karachi
>
Digniin
Cudurka AIDS-ka
> Maxaa keeni kara
AIDS
> PREVENTION OF HIV/ AIDS SPREAD IN
SOMALIA
> cabsi AIDS afar
sano ka bacdi
AIDS-2000...
GUJ
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|