Narch 23, 2004
-
Argagixisada Dhoqoshey lagu qabtey
-
MADAXWEYNE RIYAAL OO QUDBAD KA JEEDIN DOONA XARUNTA MIDAWGA EUROPE BRUSSELS
-
DILKII FLORA, ANNALINA TONELI IYO MAAMULEYAASHII DUGISIGA SHEEKH OO KOOX
QUDHI KA DABAYSAY.
- WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA
OO SHAACISAY QABIILADII AY KA SOO JEEDEN ARGAGIXISADII
WASAARADDA
ARRIMAHA GUDAHA OO SHAACISAY QABIILADII AY KA SOO JEEDEN ARGAGIXISADII DILKA
KA GAYSATAY WADADA HARGEYSA IYO BERBERA ISKU XIDHA
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com
Mobile:
00-92-300-2600907
HARGEYSA SOMALILAND: Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane Ismaciil Aadan Cismaan oo shallay shir jaraa'id ku qabtay xarunta
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa shaaca ka qaaday qabiiladii
ay ka soo jeeden raggii dilka u gaystay labadi qof ee ajanabiga ahaa ee
kenyati iyo jarmalka ahaa, wadada u dhexaysa Hargeysa iyo Berbera, Wasiirka
oo faahfaahinaya cidda ay yahiin wuxuu yidhi
1) mid Isaaq ah oo aan la hubin inuu isaaq yahay iyo inkale balse la ii
sheegay inuu Habaryoonis yahay
2) Seddex Hawiye ah oo Habargadir ah
3) iyo mid Dhul Bahante ah (oo ah ninkii ka hogaaminaayey argagixisada
kana tirsanaan jiray dawladdii hore ee Siyaad barre ahaana seddex xidigleh
Magaciisa oo seddexanna la yidhaahdo Jaamac Maxamed (Kuutiye)
Wasiirka arrimaha Gudaha Mudane Ismaciil oo sharaxaad ka bixinaaya siday
ahaayeen Argagixisadani ayaa wuxuu yidhi "Waxay wateen gaadhi Land cuizer ah
oo ay ka dhex iibsadeen magaalada Hargeysa, ayna siisteen lacag dhan 18,000$
dollar, gaadhigaasi oo magaalooyinka hargeysa qiimahiisa rasmiga ah yahay
8000 $ dollar, markaa waxay ku dareen 10,000$ dollar, waxaa kale oo lagu
qabtay Mobilada gacanta ee satteliteska la shaqeeya oo caddaynaysa ayuu yidhi
wasiirku inay xidhiidh weyn la lahaayeen dadka ka danbeeyey, wuxuu Wasiirka
oo la weydiiyey cidda ka danbaysa uu ku jawaabay si fudud "Waxaan ku
kalsoonahay in ay argagixisadani xidhiidh la leeyahiin Cabdiqaasim Salaad
Xasan iyo Cabdilaahi Yuusuf Axmed (yey), xarunta laga soo dirayna ahayd
magaalada Garoowe, Wasiirka oo la weydiiyey halka ay ka kala yimaadeen
raggani wuxuu yidhi "afarta seddexda Hawiye (Habargadir) iyo ka dhul-bahante
waxay toos uga yimaadeen magaalada Muqdisho, balse ka kale lama caddayn karo
halkuu ka yimid.
Wasiirka oo wejigiisa cadho badani ka muuqato ayaa wuxuu yidhi marka uu
dhamaado baadhitaanka ku socda nimankani oo laba ka mid ahi dhaawac yahiin,
waxaanu dhulka dhigi doona halkii laga soo diray, waxaa kale oo uu wasiirku
cadeeyey in ay caalamka u sheegen argagixisada dhabta ah ee ka jirta geeska
africa iyo halkay ka soo dab-qaatan, taasi oo ayuu yidhi caalamku si weyn
noola waafaqay.
Guntii iyo gebo-gebadii ayaa Waxaa tani caddayn weyn u tahay in si weyn
Somaliland loo weeraray, waxaanay tusaale u tahay dawladda Somaliland in ay
heegan u ahaato ilaalinta qarranimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.
WAXAA SOO URUURIYEY MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com
<><><>
Somaliland: Qofka aan Reerka u Dhalan waa Argagixiso.
Dowladaha dimoqraadiga ah ee caalamka ka jira,kuma degdegaan in ay qof ku
edeeyaan danbiile iyaga oo aan wax cadeeyn u hayn,qofka wuxuu danbiile noqdaa
marka danbiga lagu soo edeeyey lagu soo cadeeyo oo maxkamad xukunto,
hase`ahaate dowlada la magac baxdey Somaliland ma aha markii kowaad mana
noqon doonto in iyaga oo aan wax hubsan edeeymo aan la hubin dusha ugu turaan
Puntland iyo DKG-ka.Dilkii ka dhacey wadada isku xirta Berbera iyo Hargeysa
ee lagu diley Haweeney Kenyaati ah isla markaana lagu dhaawacay nin u dhashay
dalka Jarmalka oo labaduba u shaqeynayey hay’adda GTZ ayaa wasiirka arimaha
gudaha ee dowlada la magac baxdey Somaliland Ismaciil Aadan Cusmaan ku
edeeysey markale DKM iyo maamulka Puntland.
Sanadkii tagey bishii oktobar dilal loo geeystey mr Richard Gardener iyo
xaaskiisa oo macalimiin ka ahaa dugsiga Shiikh iyo dr Annalena toneli oo
howlo samafal ah ka fulin jirtey magaalada boorama ayaa sidoo kale Ismaciil
Aaadan ku edeeyey maamulka puntland in ay ka danbeyeen falkaa. Ismacil Aadan
iyo maamulkiisa waxaa u fudud in ay eeda dusha ka saraan Soomaalida kale ee
aan asal ahaan Isaaq ka soo jeedin oo Somaliland martida ku ah.Sanadkii tagey
bilihii ugu horeyey waxay maamulka Somaliland qabqabteeyn niman
Somaaligalbeed ka yimid iyaga oo ku edeeynaya in ay argagixiso. Edeeymaha
Ismaaciil Aadan waa kuwa caadifad iyo laab lakac salka ku hayso,ujeedada ka
dabeysa ayaa ah in la kordhiyo naceeybka iyo cadaawada reer Isaaq iyo
Soomaalida inteeda kale.Arintani waa siyaasad xun oo aan socon karin sidaa
darteed waxaan ku waanin lahaa maamulka Somaliland in ay ka jogaan dabka
cadaawo ee hurinayaan,Shacab laguma maamuli karo been iyo caadifad
qabiil.Ummada Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin,goortey
noqotaba wey midoowi donaan.
”in arin lahubin lagu degdegaa waa camal (shaqo) Sheydaan”Shacbka waqooyi
degan sidey u leeyihiin qof fiican ayey u lahaan karaan qof xun oo danbiila
ah marka wixi waqooyi galbeed ka dhacey oo falal argagaxiso ah ha loo baaro
si aqli iyo garasho ku dheehantahay.
Wabilaahi Towfiiq
Saciid Axmed
sagel4@hotmail.com
<><><>
DILKII FLORA, ANNALINA TONELI IYO MAAMULEYAASHII DUGISIGA SHEEKH OO KOOX
QUDHI KA DABAYSAY.
mahamud samatar
samatarapt@yahoo.com
Waxa soo shaac baxay ama la ogaaday argagaxisadii ku luglahayd ama ka
dambaysay dilalakii shaqaalaha shisheeye ee hay' adaha samafalka ee ka
hawlgalyay Somaliland. Iyada oo aan runtii wax caddayna lagu hayn intii loo
xidhay dilkii Anna iyo mamuleyaashii dugsiga sheekh , oo ay soo qabashadoodu
ku xidhnayd tuhun ama war laga helay helay dad ogaan u marinhabaabinayay
baadhista oo ogaa kuwii run ahaantii falka ka dambeeyay, ayaa nasiib wanaag
waxa soo baxday runtii.
Falalkan argagaxiso ee ka soo bilaabmay Somaliland tan iyo dilkii ninkii
dhalinyarada ahaa ee Swidhishka, ayaa waxa caddaatay in ay koox qudhi ka
dambaysay intaas oo dil ,ee lala beegsaday dad aan waxba galbsan, oo u
addeegaya dad baahan oo reer Somaliland ah. Weerarkan oo ah mid aad looga soo
shaqeeyay ama loo soo habeeyay, ee ay argagaxisadu ugu talagashay in uu
aahaado mid waligii socda,tan iyo inta ay gaadhayaan hadafkooda oo ahaa
wiiqidda nabadgalyada ka jirta Somaliland ayaa fashilmay.
Iyada oo ay labadii dil ee loo gaystay Annalina iyo maamulayaashii dugsiga
sheekh ay u eekaayeen kuwa leh summad gooni ah , taas oo caddaynaysa in ay
koox qudhi kadambaysay, ayaa ah inay u caddaato goor hore kooxdii
waxbaadhaysay sidii ay isgu xidhi lahaayeen dilalkan inay koox qudhi ka
dambaysay, iyaga oo isbarbardhigaya waxyaabihii ama wararkii ay ka kala
heleen dadyawgii ay u soo qabteen dambigan, taas oo ah in ay kala ogaadaan in
dilkan isku xidhanyahay iyo in dadkan ay yihiin dad la tuhmay oo aan wax
shaqo ah ku lahayn dambigan, iyaga kaashaanaya macluumaadka ay ka heleen
labdan qolo isna barbardhigaya.
Dilkii Anna Toneli iyo Maamulayaashii dugsiga sheekh ayaa u eg mid ay ka
dambaysay argagaxisada hadda loo qabtay dilkii Flora , oo si khiyaamo ah u
goostay intii aan la qaban sidii ay isugu dayeen dilkii Flora kadib in ay
baxsadaan.
Hadaba ninkii la yidhi maskaxda ayay wax uga dhimanyihiin ee lagu eedeeyay
dilkii Anna , ayaa u eg nin ay argagaxisadu addegsatay , ha u dhibeen
baastooladii lagu dilay haweenyda amaba ha u samaysteen markhaati ku caddeeya
oo ay lacag siiyeen amaba iyaga ka mid ahaa, si ninkan arinku ugu caddaado ,
madaama uu yahay qof aan isdifaaci karayn. Taas u baahan in aad looga
fiirsado wax uu ninku sheegayo iyo cidii isaga ku markhaati furtay amaba ku
caddaysay dambiga in laga dabo tago lana baadho waxa ay qabtaan iyo in ay
noloshoodii isbadashay haddiiba ay heleen lacag, amaba haddii ay wadanka ka
baxeen iyo inkale.
Maamulayaashii Dugsigii Sheekh ciddii loo qabtay dilkooddii ayaa lafteedu
u baahan in la baadho , oo aad loogu fiirsado ciddii loo qabtay ,amaba ciddii
ku markhaati furtay meesha ay ka soo jeedo waxa ay qabtaann in ay xidhiidh la
leeyihiin cidii lacagta soo siisay kuwa imika loohyo dilkii Flora. Haddii ay
kooxda waxbaadhaysaa ka fiirsato sida ay u socoto tabta ay shaxda u dagayaan
kuwa lahayo iyo kuwii ku markhaati furay intii loo qabtay Anna iyo
Maamulayaashii dugsiga Shiikh, waxa ka soo bixi kara war cad oo xidhiidhin
kara in argagaxisada hadda lahayaa ay lug ku lahayd wixii dil ahaa oo dhan ee
loo gaystay dadyawgii shisheeye u shaqanayay hay' adaha samafalka.
You can run but you can't hide, waligaaba orod hase yeeshee dhuman
karimaysid ,ayuu Maraykan yidhi carabina waxa ay tidhi-alharba sana walmaska
yawm, ordna waa sanad qaboshana waa maalin.
Hadaba eedaynta Somaliland ee Qaasim (Al-itixaad) iyo gacan ku dhiigle
Cabdilaahi Yuusuf, ayaan Somaliland waxba la ahayn , madaama ay labaduba
yihiin cadaw Somaliland , oo ah meesha qudha ee ay heshiiska ka yihiin xumayn
Somaliland, fardo la isu hayo se maxaa la isga faanin, kolay cidii
argagaxisada soo dirtay way soo caddaan.
mahamud samatar
samatarapt@yahoo.com
<><><>
Argagixisada Dhoqoshey lagu qabtey
muuse saleebaan
muuse_saleebaan@yahoo.com
waxay wararku sheegayaan in 19 march 2004 DHOQOSHEY lagu soo qabtey shan
nin oo argagixisa ah. Shantan nin oo ay dadkii reer DHOQOSHEY u gudbiyeen
poliska magaalaada Burco.Poliska Somaliland waxuu ku eedaynayaa iney ka
danbeeyeen dilkii gabadhdhii keniyaanka aheyd iyo dhawacii ninkii jarmalka oo
ahaa shaqaalaha hay'ada samafalka oo ka shaqeyneysay meel Hargeysa iyo
Berbera u dhaxaysa.
saaka mar aan khadka telifoonka kula xidhii maxamed Ibrahim ciise oo ka
mid ahaa ragii argagixisa wax ka soo qabtey. waxa uu ii sheegey in isaga iyo
rag kale oo reer dhoqoshey ay ka shakiyeen ninmaan kaa oo baarbuur yar
watey.Maxamed ibrahim ciise waxuu yidhi.... markaa damacney inaanu joojino
ayey rasaas nagu bilaabeen. badadeed waxaa bilodey dagaal dhowr saacadood
socodey{anaga nin bey naga dhaawaciin anaguna sadex ayaanu ka dhaawacney
dabadeed wanuu qabqabaney dabadedd waxaanu keeney magaalada dhoqoshey iyagoo
xidhxidhan.Shanta nin markaanu wareysaney: 3 HAWIYE, 1 HABAR YOONIS, I
DHULBAHANTE ayey noqdeen.
waxa uu intaa raaciyey mahxmed Ibrahim :'yidhi' ragaa agagixisa ahi waxay
noo sheegeen iney soo dhexmareen tuulada oodweyne, oo raashin iyo biyona ka
soo qaaten.
Marka hore arinta dhacdey way ka weytahay wax dad caadiyi sameykaraan
lakiin siyaasiyiin ayaa ku lug leh.waxa isku mid yihiin tii hore sheekh ka
dhacdey.
waxaa la yaab leh sababta ay uqaban waayeen reer oodweyne halkey ka
qabateen reer dhoqoshey.
waxaa kale oo xusmudan in uu dhowaan Burco yimi CISMAAN KALUUN oo ka soo
jeeda tuulda oodweyne ee shanta nin ee argagixisadu soo dhexmareen.markaa
malaga yaabaa iney CISMAAN KALUUN IYO AWIL ABAASADOOR ay shirqoolka ka
danbeeyaan lala beeg sayo dadka ajenebaga ah?
Ragaa agagixisada loo heystaa waxaa loo gubiyey xarunta polika ee
magaalada Hargeysa.
muuse saleebaan
muuse_saleebaan@yahoo.com
<><><>
MADAXWEYNE RIYAAL OO QUDBAD KA JEEDIN DOONA XARUNTA MIDAWGA EUROPE
BRUSSELS
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com
March 21, 2004 5:11:09 PM
LONDON UK: Waxaa maalintii shallaytoole ahayd Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin u qudbad u jeediyey
Muwaadiniin badan oo ka kala yimid daafaha europe iyo dacalada dalka britain,
xaflad balaadhan oo ay u sameeyen Muwaadiniinta Somaliland ee ku nool
waddanka ingiriisku, wuxuu Madaxweyne Riyaale qudbad uu halkaa uga jeediyey u
sheegay boqalaal qof oo ka soo qayb gallay in safarkoogii ay ku yimaadeen
waddanka Britain uu ku dhamaaday Guul, mar Madaxweynaha wax laga weydiiyey
waxa la taaban karo ee ay ka wada hadleen masuuliyiintii dawladda ingiriiska
ee ay la kulmeen, wuxuu Madaxweynahu ku jawaabay "in ay ka heleen dawladda
britain ballan qaad aad u weyn, aanay dawladda ingiriiskuna waxba ka qabin
aqoonsi caalami ah oo beesha caalamku siiso Somaliland" mar wax laga
weydiiyey Madaxweynaha Waxa uu ka yeellayo soo xeerinta xuduudaha
Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Madaxweynahu ku jawaabay "in ay hadda
dhamaatay oo ay gebo gebo ku jirto wixii aanu arrintaa ka yeeli lahayn, waayo
caalamku waa fahmay in aan afrika noqon doonin meelo ay saameeyan xuduudo
qabyaaladeed, taasina goor dhaw ayaa xalkeedu iman doona" Madaxweynaha oo
su,aal kale ay weydiiyeen muwaadiniintii halkaa iskugu timid oo ahayd
Argagixisadii shallaytoole shilka ka gaysatay Berbera iyo Hargeysa dhexdooda
wuxuu ku jawaabay " waxaa cad in marka aanu u dhaqaaqno horumarka
dalkayagaba uu cadawgu nala dagaalamayo, waxaanse ballan ku qaadaya inaanu
hadda usoo jeedsan doono sidii aanu ula dagaalami lahayn argagixisada, kuwii
gaystay shilkana waanu hayna inta danbana waanu ka daba tagayna"
Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin oo la filaayo inuu khudbad ujeediyo
safiirada midawga europe Brusels, Belgium.
Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo wefdigiisa ayaa lagu wada in maalinta
beritoole ah ay u ambabaxaan xarunta midawga Europe ee Brussels halkaasi oo
uu qudbad u jeedin doono safiirada Midawga europe, waxaa kale oo la filaya
inuu safiirada midawga europe oo mid mid ula xajoon doono, waxaa kale oo uu
Madaxweynaha iyo wefdigiisa u qorshaysan inay usii dhaafan wadamada
Germany, Swizerland, iyo Canada.
Guud ahaan safarkan Madaxweynaha ayaad ka dheehan karta guulo waaweyn oo
diblomaasiyadeed oo Xukuumadda Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin gaadhay,
inkasta oo aan la caymin wakhtiga rasmiga ah ee Safarka Madaxweynahu dhamaan
doono hadana, waxaa lagu wada inuu Madaxweynaha iyo wefdigiisu ay safar dheer
ay galaan.
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 23, 2004
Afeef: Aragtida qoraaladan waa
kuwo u gaar
ah qorayaasha ku saxiixan, kana tarjumi maayaan aragtida SomaliTalk
WARARKA:
BOOSAASO |
HARGEYSA |
MUQDISHO |
NAIROBI |
QURBAHA |
XORIYO
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|