SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 23, 2004

KA: Mohamed Jama madaxgaal 
madaxgaal@hotmail.com

Ku: Maamulka Xawaalada Dhiigshiil
Ku: Maamulka xafiiska Dhiigshiil Laascaanood
Ku: Agaasimaha Radio Laascaanood
Og: Shacabka Deegaanka SSC
Og: Maxakamada Sare ee Maamulka Somaliland
Og: Dhamaan xawaaladaha ka howlgala Soomaaliya

UJEEDO: DIBIN DAABYADA XAWAALADA DHIIGSHIIL

Dadka u dhashay deegaanka Sool Sanaag iyo Ceyn (SSC) waxay wadamada caalamka iyo ummada soomaaliyeed u sheegayaan dhibaatooyinka iyo qulquladaha iyo xasilooni darada ay ka wado deegaankooda xawaalada dhiigshiil. Xawaaladani waxay deegaanka SSC ku soo gaashay sifo xawaaladeed laakiin 10-kii sanadood ee ugu dambeeyay waxay si toos ah uga qeyb qaadatay loolanka siyaasadeed, iyadoo nidaamka iyo farsamooyina ay ku shaqaysaa uusan waxba ka duwanayn kii ay ku shaqeyn jirtay shirkadii xawaalada ee Al Barakaad oo loo sababo argagixisnimo.

Ummadda soomaaliyeed iyo dadka u dhashay deegaanka SSC waxay wada ogsoon yihiin in maamulka xawaaladani si buuxda u taageertay go'aamadii ka soo yeedhay Madaxweyne Daahir Riyaale iyo Golihiisa Baarlamaanka gaadheen bishii Feb 2004 ee ku aadanaa in dagaal lagu qaado deegaanka SSC.

Xawaaladani waxay bixisay 4 bilood mushaharka ciidamada soomaliland ee ku sugan deegaanka SSC, ciidamadaas oo kor u dhaafay 1000 Askri, ilaa hadana waxay bixisaa kharash joogta ah. Ciidamaasi waxay degaanka SSC ka abuureen xasilooni daro marar badana boob iyo dhac ayay u gaysteen dadka reer miyiga ah. Waxay tuulooyinka ka urursadeen 20 Fooniye oo badankooda ay lahaayeen dad maato ah oo bariiskooda ka soo saarta.

Xawaalada dhiigshiil waxay bixay ticket-yo free ah oo lacagtoodu lagu qiyaasay $200,000, ticket-yadaasna waxay ugu deeqday dadka ka qeyb qaadayana mudaharaadka loogu ololeynayo gooni isutaaga soomaaliland ee ka dhici doona magaalada London.

Hadaba, iyadoo dambiyada iyo dhibaatooyinka loo tirinayo xawaalada dhiigshiil ay aad iyo aad u badan yihiin, ayaa xafiiska shirkada ee ku yaalla magaalada laascaanood uu soo saaray qoraal aad u dheer, waxaana daabacay Internetka [Eeg halkan].

Waxaa nasiib daro, qoraalkani ka soo baxay xafiiska laascaanood ee shirkadu leedahay umana muuqdo mid xalin kara dhibaatooyinka iyo eedaymaha loo soo jeedinayo shirkada. Balse waxaa la odhan karaa waa miduu qoray shakhsi aad iyo aad u maan gaaban, wuxuuna si caadifiyad ku jirto u weeraryaa tafatiraha Radio Laascood, waana mid ka fog xaqiiqda jirta.

Waxaan shaki ku jirin in xafiiska laascaanood iyo shaqaalaha ka howl galaa wax badan ka ogaan karin qorshayaasha shirkada u dejisan iyo waxyeelada ay la maagan tahay deegaanka SSC. Waxaa la odhan karaa xafiiska shaqadiisu waxay ku kooban tahay inay bixiyaan lacag la soo diray, lacagta la dirayana qabtaan, marka bishu dhamaatana sameeyaan monthly statement.

Eedayntan iyo dambiyada lagu eedaynayo xawaalada dhiigshiil maaha mid ay ka jawaab waafiya u heli karaan gadhwadeenka xafiiska Laascaanood iyo Agaasimaha Radio Laascood ee waa mid ay jawaabteeda iyo warbixinteeda laga sugayo maamulka sare ee shirkada. Sababtoo ah labadaa nin oo SSC waxyeeladooda ogtahay, marar badana lagu xidhay kadib markay ku cadaatay inay u ololeynayaan maamulka soomaliland.

Eedayntani waa mid socondoonta ilaa xafiiska Unionka iyo Gurida cad ee looga taliyo Maraykan (White House) laguna wargelindoonto inay taageerto argagixisada geeska africana la hawo xaalad nabad galyo xumo ah.


Mohamed Jama madaxgaal 
madaxgaal@hotmail.com

<><><>

WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA OO SHAACISAY QABIILADII AY KA SOO JEEDEN ARGAGIXISADII DILKA KA GAYSATAY WADADA HARGEYSA IYO BERBERA ISKU XIDHA

HARGEYSA SOMALILAND: Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Ismaciil Aadan Cismaan oo shallay shir jaraa'id ku qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa shaaca ka qaaday qabiiladii ay ka soo jeeden raggii dilka u gaystay labadi qof ee ajanabiga ahaa ee kenyati iyo jarmalka ahaa, wadada u dhexaysa Hargeysa iyo Berbera, Wasiirka oo faahfaahinaya cidda ay yahiin wuxuu yidhi

1) mid Isaaq ah oo aan la hubin inuu isaaq yahay iyo inkale balse la ii sheegay inuu Habaryoonis yahay

2) Seddex Hawiye ah oo Habargadir ah

3) iyo mid Dhul Bahante ah (oo ah ninkii ka hogaaminaayey argagixisada kana tirsanaan jiray dawladdii hore ee Siyaad barre ahaana seddex xidigleh Magaciisa oo seddexanna la yidhaahdo Jaamac Maxamed (Kuutiye)

Wasiirka arrimaha Gudaha Mudane Ismaciil oo sharaxaad ka bixinaaya siday ahaayeen Argagixisadani ayaa wuxuu yidhi "Waxay wateen gaadhi Land cuizer ah oo ay ka dhex iibsadeen magaalada Hargeysa, ayna siisteen lacag dhan 18,000$ dollar, gaadhigaasi oo magaalooyinka hargeysa qiimahiisa rasmiga ah yahay 8000 $ dollar, markaa waxay ku dareen 10,000$ dollar, waxaa kale oo lagu qabtay Mobilada gacanta ee satteliteska la shaqeeya oo caddaynaysa ayuu yidhi wasiirku inay xidhiidh weyn la lahaayeen dadka ka danbeeyey, wuxuu Wasiirka oo la weydiiyey cidda ka danbaysa uu ku jawaabay si fudud "Waxaan ku kalsoonahay in ay argagixisadani xidhiidh la leeyahiin Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Cabdilaahi Yuusuf Axmed (yey), xarunta laga soo dirayna ahayd magaalada Garoowe, Wasiirka oo la weydiiyey halka ay ka kala yimaadeen raggani wuxuu yidhi "afarta seddexda Hawiye (Habargadir) iyo ka dhul-bahante waxay toos uga yimaadeen magaalada Muqdisho, balse ka kale lama caddayn karo halkuu ka yimid.

Wasiirka oo wejigiisa cadho badani ka muuqato ayaa wuxuu yidhi marka uu dhamaado baadhitaanka ku socda nimankani oo laba ka mid ahi dhaawac yahiin, waxaanu dhulka dhigi doona halkii laga soo diray, waxaa kale oo uu wasiirku cadeeyey in ay caalamka u sheegen argagixisada dhabta ah ee ka jirta geeska africa iyo halkay ka soo dab-qaatan, taasi oo ayuu yidhi caalamku si weyn noola waafaqay.

Guntii iyo gebo-gebadii ayaa Waxaa tani caddayn weyn u tahay in si weyn Somaliland loo weeraray, waxaanay tusaale u tahay dawladda Somaliland in ay heegan u ahaato ilaalinta qarranimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

WAXAA SOO URUURIYEY MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
E-mail: diridhaba2001@hotmail.com

<><><>

Somaliland: Qofka aan Reerka u Dhalan waa Argagixiso.

Dowladaha dimoqraadiga ah ee caalamka ka jira,kuma degdegaan in ay qof ku edeeyaan danbiile iyaga oo aan wax cadeeyn u hayn,qofka wuxuu danbiile noqdaa marka danbiga lagu soo edeeyey lagu soo cadeeyo oo maxkamad xukunto, hase`ahaate dowlada la magac baxdey Somaliland ma aha markii kowaad mana noqon doonto in iyaga oo aan wax hubsan edeeymo aan la hubin dusha ugu turaan Puntland iyo DKG-ka.Dilkii ka dhacey wadada isku xirta Berbera iyo Hargeysa ee lagu diley Haweeney Kenyaati ah isla markaana lagu dhaawacay nin u dhashay dalka Jarmalka oo labaduba u shaqeynayey hay’adda GTZ ayaa wasiirka arimaha gudaha ee dowlada la magac baxdey Somaliland Ismaciil Aadan Cusmaan ku edeeysey markale DKM iyo maamulka Puntland.

Sanadkii tagey bishii oktobar dilal loo geeystey mr Richard Gardener iyo xaaskiisa oo macalimiin ka ahaa dugsiga Shiikh iyo dr Annalena toneli oo howlo samafal ah ka fulin jirtey magaalada boorama ayaa sidoo kale Ismaciil Aaadan ku edeeyey maamulka puntland in ay ka danbeyeen falkaa. Ismacil Aadan iyo maamulkiisa waxaa u fudud in ay eeda dusha ka saraan Soomaalida kale ee aan asal ahaan Isaaq ka soo jeedin oo Somaliland martida ku ah.Sanadkii tagey bilihii ugu horeyey waxay maamulka Somaliland qabqabteeyn niman Somaaligalbeed ka yimid iyaga oo ku edeeynaya in ay argagixiso. Edeeymaha Ismaaciil Aadan waa kuwa caadifad iyo laab lakac salka ku hayso,ujeedada ka dabeysa ayaa ah in la kordhiyo naceeybka iyo cadaawada reer Isaaq iyo Soomaalida inteeda kale.Arintani waa siyaasad xun oo aan socon karin sidaa darteed waxaan ku waanin lahaa maamulka Somaliland in ay ka jogaan dabka cadaawo ee hurinayaan,Shacab laguma maamuli karo been iyo caadifad qabiil.Ummada Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin,goortey noqotaba wey midoowi donaan.
”in arin lahubin lagu degdegaa waa camal (shaqo) Sheydaan”Shacbka waqooyi degan sidey u leeyihiin qof fiican ayey u lahaan karaan qof xun oo danbiila ah marka wixi waqooyi galbeed ka dhacey oo falal argagaxiso ah ha loo baaro si aqli iyo garasho ku dheehantahay.

Wabilaahi Towfiiq

Saciid Axmed

sagel4@hotmail.com

<><><>

DILKII FLORA, ANNALINA TONELI IYO MAAMULEYAASHII DUGISIGA SHEEKH OO KOOX QUDHI KA DABAYSAY.
mahamud samatar   samatarapt@yahoo.com

Waxa soo shaac baxay ama la ogaaday argagaxisadii ku luglahayd ama ka dambaysay dilalakii shaqaalaha shisheeye ee hay' adaha samafalka ee ka hawlgalyay Somaliland. Iyada oo aan runtii wax caddayna lagu hayn intii loo xidhay dilkii Anna iyo mamuleyaashii dugsiga sheekh , oo ay soo qabashadoodu ku xidhnayd tuhun ama war laga helay helay dad ogaan u marinhabaabinayay baadhista oo ogaa kuwii run ahaantii falka ka dambeeyay, ayaa nasiib wanaag waxa soo baxday runtii.

Falalkan argagaxiso ee ka soo bilaabmay Somaliland tan iyo dilkii ninkii dhalinyarada ahaa ee Swidhishka, ayaa waxa caddaatay in ay koox qudhi ka dambaysay intaas oo dil ,ee lala beegsaday dad aan waxba galbsan, oo u addeegaya dad baahan oo reer Somaliland ah. Weerarkan oo ah mid aad looga soo shaqeeyay ama loo soo habeeyay, ee ay argagaxisadu ugu talagashay in uu aahaado mid waligii socda,tan iyo inta ay gaadhayaan hadafkooda oo ahaa wiiqidda nabadgalyada ka jirta Somaliland ayaa fashilmay.

Iyada oo ay labadii dil ee loo gaystay Annalina iyo maamulayaashii dugsiga sheekh ay u eekaayeen kuwa leh summad gooni ah , taas oo caddaynaysa in ay koox qudhi kadambaysay, ayaa ah inay u caddaato goor hore kooxdii waxbaadhaysay sidii ay isgu xidhi lahaayeen dilalkan inay koox qudhi ka dambaysay, iyaga oo isbarbardhigaya waxyaabihii ama wararkii ay ka kala heleen dadyawgii ay u soo qabteen dambigan, taas oo ah in ay kala ogaadaan in dilkan isku xidhanyahay iyo in dadkan ay yihiin dad la tuhmay oo aan wax shaqo ah ku lahayn dambigan, iyaga kaashaanaya macluumaadka ay ka heleen labdan qolo isna barbardhigaya.

Dilkii Anna Toneli iyo Maamulayaashii dugsiga sheekh ayaa u eg mid ay ka dambaysay argagaxisada hadda loo qabtay dilkii Flora , oo si khiyaamo ah u goostay intii aan la qaban sidii ay isugu dayeen dilkii Flora kadib in ay baxsadaan.

Hadaba ninkii la yidhi maskaxda ayay wax uga dhimanyihiin ee lagu eedeeyay dilkii Anna , ayaa u eg nin ay argagaxisadu addegsatay , ha u dhibeen baastooladii lagu dilay haweenyda amaba ha u samaysteen markhaati ku caddeeya oo ay lacag siiyeen amaba iyaga ka mid ahaa, si ninkan arinku ugu caddaado , madaama uu yahay qof aan isdifaaci karayn. Taas u baahan in aad looga fiirsado wax uu ninku sheegayo iyo cidii isaga ku markhaati furtay amaba ku caddaysay dambiga in laga dabo tago lana baadho waxa ay qabtaan iyo in ay noloshoodii isbadashay haddiiba ay heleen lacag, amaba haddii ay wadanka ka baxeen iyo inkale.

Maamulayaashii Dugsigii Sheekh ciddii loo qabtay dilkooddii ayaa lafteedu u baahan in la baadho , oo aad loogu fiirsado ciddii loo qabtay ,amaba ciddii ku markhaati furtay meesha ay ka soo jeedo waxa ay qabtaann in ay xidhiidh la leeyihiin cidii lacagta soo siisay kuwa imika loohyo dilkii Flora. Haddii ay kooxda waxbaadhaysaa ka fiirsato sida ay u socoto tabta ay shaxda u dagayaan kuwa lahayo iyo kuwii ku markhaati furay intii loo qabtay Anna iyo Maamulayaashii dugsiga Shiikh, waxa ka soo bixi kara war cad oo xidhiidhin kara in argagaxisada hadda lahayaa ay lug ku lahayd wixii dil ahaa oo dhan ee loo gaystay dadyawgii shisheeye u shaqanayay hay' adaha samafalka.

You can run but you can't hide, waligaaba orod hase yeeshee dhuman karimaysid ,ayuu Maraykan yidhi carabina waxa ay tidhi-alharba sana walmaska yawm, ordna waa sanad qaboshana waa maalin.

Hadaba eedaynta Somaliland ee Qaasim (Al-itixaad) iyo gacan ku dhiigle Cabdilaahi Yuusuf, ayaan Somaliland waxba la ahayn , madaama ay labaduba yihiin cadaw Somaliland , oo ah meesha qudha ee ay heshiiska ka yihiin xumayn Somaliland, fardo la isu hayo se maxaa la isga faanin, kolay cidii argagaxisada soo dirtay way soo caddaan.

mahamud samatar   samatarapt@yahoo.com

<><><>

Argagixisada Dhoqoshey lagu qabtey

muuse saleebaan   muuse_saleebaan@yahoo.com

waxay wararku sheegayaan in 19 march 2004 DHOQOSHEY lagu soo qabtey shan nin oo argagixisa ah. Shantan nin oo ay dadkii reer DHOQOSHEY u gudbiyeen poliska magaalaada Burco.Poliska Somaliland waxuu ku eedaynayaa iney ka danbeeyeen dilkii gabadhdhii keniyaanka aheyd iyo dhawacii ninkii jarmalka oo ahaa shaqaalaha hay'ada samafalka oo ka shaqeyneysay meel Hargeysa iyo Berbera u dhaxaysa.

saaka mar aan khadka telifoonka kula xidhii maxamed Ibrahim ciise oo ka mid ahaa ragii argagixisa wax ka soo qabtey. waxa uu ii sheegey in isaga iyo rag kale oo reer dhoqoshey ay ka shakiyeen ninmaan kaa oo baarbuur yar watey.Maxamed ibrahim ciise waxuu yidhi.... markaa damacney inaanu joojino ayey rasaas nagu bilaabeen. badadeed waxaa bilodey dagaal dhowr saacadood socodey{anaga nin bey naga dhaawaciin anaguna sadex ayaanu ka dhaawacney dabadeed wanuu qabqabaney dabadedd waxaanu keeney magaalada dhoqoshey iyagoo xidhxidhan.Shanta nin markaanu wareysaney: 3 HAWIYE, 1 HABAR YOONIS, I DHULBAHANTE ayey noqdeen.

waxa uu intaa raaciyey mahxmed Ibrahim :'yidhi' ragaa agagixisa ahi waxay noo sheegeen iney soo dhexmareen tuulada oodweyne, oo raashin iyo biyona ka soo qaaten.

Marka hore arinta dhacdey way ka weytahay wax dad caadiyi sameykaraan lakiin siyaasiyiin ayaa ku lug leh.waxa isku mid yihiin tii hore sheekh ka dhacdey.

waxaa la yaab leh sababta ay uqaban waayeen reer oodweyne halkey ka qabateen reer dhoqoshey.

waxaa kale oo xusmudan in uu dhowaan Burco yimi CISMAAN KALUUN oo ka soo jeeda tuulda oodweyne ee shanta nin ee argagixisadu soo dhexmareen.markaa malaga yaabaa iney CISMAAN KALUUN IYO AWIL ABAASADOOR ay shirqoolka ka danbeeyaan lala beeg sayo dadka ajenebaga ah?

Ragaa agagixisada loo heystaa waxaa loo gubiyey xarunta polika ee magaalada Hargeysa.

muuse saleebaan   muuse_saleebaan@yahoo.com

<><><>

MADAXWEYNE RIYAAL OO QUDBAD KA JEEDIN DOONA XARUNTA MIDAWGA EUROPE BRUSSELS
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
E-mail: diridhaba2001@hotmail.com

March 21, 2004 5:11:09 PM

LONDON UK: Waxaa maalintii shallaytoole ahayd Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin u qudbad u jeediyey Muwaadiniin badan oo ka kala yimid daafaha europe iyo dacalada dalka britain, xaflad balaadhan oo ay u sameeyen Muwaadiniinta Somaliland ee ku nool waddanka ingiriisku, wuxuu Madaxweyne Riyaale qudbad uu halkaa uga jeediyey u sheegay boqalaal qof oo ka soo qayb gallay in safarkoogii ay ku yimaadeen waddanka Britain uu ku dhamaaday Guul, mar Madaxweynaha wax laga weydiiyey waxa la taaban karo ee ay ka wada hadleen masuuliyiintii dawladda ingiriiska ee ay la kulmeen, wuxuu Madaxweynahu ku jawaabay "in ay ka heleen dawladda britain ballan qaad aad u weyn, aanay dawladda ingiriiskuna waxba ka qabin aqoonsi caalami ah oo beesha caalamku siiso Somaliland" mar wax laga weydiiyey Madaxweynaha Waxa uu ka yeellayo soo xeerinta xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Madaxweynahu ku jawaabay "in ay hadda dhamaatay oo ay gebo gebo ku jirto wixii aanu arrintaa ka yeeli lahayn, waayo caalamku waa fahmay in aan afrika noqon doonin meelo ay saameeyan xuduudo qabyaaladeed, taasina goor dhaw ayaa xalkeedu iman doona" Madaxweynaha oo su,aal kale ay weydiiyeen muwaadiniintii halkaa iskugu timid oo ahayd Argagixisadii shallaytoole shilka ka gaysatay Berbera iyo Hargeysa dhexdooda wuxuu ku jawaabay " waxaa cad in marka aanu u dhaqaaqno horumarka dalkayagaba uu cadawgu nala dagaalamayo, waxaanse ballan ku qaadaya inaanu hadda usoo jeedsan doono sidii aanu ula dagaalami lahayn argagixisada, kuwii gaystay shilkana waanu hayna inta danbana waanu ka daba tagayna"

Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin oo la filaayo inuu khudbad ujeediyo safiirada midawga europe Brusels, Belgium.

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo wefdigiisa ayaa lagu wada in maalinta beritoole ah ay u ambabaxaan xarunta midawga Europe ee Brussels halkaasi oo uu qudbad u jeedin doono safiirada Midawga europe, waxaa kale oo la filaya inuu safiirada midawga europe oo mid mid ula xajoon doono, waxaa kale oo uu Madaxweynaha iyo wefdigiisa u qorshaysan inay usii dhaafan wadamada Germany, Swizerland, iyo Canada.

Guud ahaan safarkan Madaxweynaha ayaad ka dheehan karta guulo waaweyn oo diblomaasiyadeed oo Xukuumadda Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin gaadhay, inkasta oo aan la caymin wakhtiga rasmiga ah ee Safarka Madaxweynahu dhamaan doono hadana, waxaa lagu wada inuu Madaxweynaha iyo wefdigiisu ay safar dheer ay galaan.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
E-mail: diridhaba2001@hotmail.com

<><><>

RIYAALE IYO INGIRIIDKA

ASALAMU CALEYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUHU.

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan bahda Somalitalk iyo akhristayaashaba.

waxaa beryahan ku batey WEBSITE-yada soomaalida dad ku soo qoraya ama ka hadlaya booqashada Daahir Riyaale Kaahin uu ku tegayo dalka ingiriiska,kuwaas oo aad moodid in dadka soomaalilandi oo dhan loogu bishaareeyey janadii ILAAHEY sida ay kugu faraxsan yihiin oo weliba qaarkood ay yiraahdeen 17.03.2004,,wuxuu ka hadli doonaa aqalka barlamaanka ingiriiska maalintaas oo ah maalin arbaco ah ilaa ay qaar ku doodeen waa maalin farxadeed oo ku weyn dadka soomaaliland sidii maalin ciideed oo aad moodid sida maalmaha ciidaha barakareysan ee islaamka lala mid dhigo.

Haddaba kuwa sidaa dhahaya miyaaney ogeyn in meeshu tahey caro gaallo,dadka lala hadlayaana ay yihiin gaalo necebba jiritaankaaga(sida Allah ku sheegey qowlkiisa),waxa loogu yeereyna ay tahey maslaxad iyaga ay dani ugu jirto,ee aysan marnaba dantaada ka shaqeyneyn.kuwaa sidaa ku hadaaqayow ilaahey u noqda oo waa gefteene ka toobad keena gaal waxba idinma Hayee ha karaamo seegina.waxey aniga ila tahey somaliland waxey wax ku tahey soomaalida inteeda kale ,waxaana maanta ay aheyd in lagu farxo Daahir Riyaale oo ka dega Nairobi iyo shirka soomalida,ama meel kale oo dan soomaaliyeed lagu hayo.

Ingiriis miyuusan aheyn kii ina gumaysan jirey oo aan xoriyaddenna kaga soo ceshaney cududeena iyo maalkeena,shaley wuxuu ahaa cadowgeenee sidee maanta ku noqdey xabiibkeen??.

muxuu ka qabtey muddadii uu gumaysanayey dhulkeena oo horumar ah,hal wershed oo uu ka tegey yaa ii sheegi kara??

muxuuse maanta u qabtey dadka soomaaliland oo muuqda ??

wax weyn maaha in daahir riyaale tago ingiriis,waayo waa la tegi karaa sida dalalka kaleba,laakiin waxaa wax weyn ah muxuu inoo qabtey horeysa iyo dembeysaba,,waa in la xisaabtamaa!

anigu waxaan qabaa soomaaliland waxaa aqoonsi ugu filan nabadgelyada ay heysato,waana il Allah loogu mahadnaqo,manaba haboona in gaallo la hoos cararo oo la yiraahdo i aqoonso,oo loo arko in taas magac iyo manfacba ku jiro

haddiise laga maarmi waayo aqoonsigu wuxuu dhexyaal soomaalida inteeda kale,,ee iyaga halaga doono.

WABILAAHI TOWFIIQ

IBRAHIM RASHIID
 
ibradhunkal@hotmail.com ama HAWD04@HOTMAIL.COM

<><><>

WARARKA HARGEYSA....

Faafin: SomaliTalk.com | March 23, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk

WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD