SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD

March 24, 2004  
 

Ku:Cidda Ay Khusayso.
Og:Shacabka Deegaanada Sool Sanaag Iyo Cayn.
Og :Radio Laascaanood.

19 March, 2004

Ujeeddo:Beenin Eedayn Iyo Dicaayado  Uu Faafiyay Website Ku Been Abuurtay Idaacadda Laascaanood (Radio Laascaanood).

Shirkadda Dahabshiil xafiiskeeda laascaanood oo wakiil ka ah dhamaan xafiisyada shirkadu ku leedahay deegaanada SSC, isagoo tix-raacaya maqaal lagu daabacay shabakadii hore ee idaacada laascaanood (radio laascaanood) date, feb 26  2004 iyo 5, march 2004, maqaaladaas oo qof sheegtay inuu tifa-tire u yahay radio laascaanood uu ku baahiyay eedaymo uu ugu soo jeedinayo shirkadda dahabshiil isagoo ku hadlaya codka shacabka SSC iyo radio laascaanood uuna ku tilmaamayo in shirkadda dahabshiil ay ka qayb qaadatay arimo dhibaatooyin badan u keenaya dadka deegaankaas arimahaas oo ay ka mid yihiin:-

¨      In shirkadda dahabshiil ay dhiiri gelisay abaabul maamulka somaliland ugu jiro sidii deegaanada SSC, maamulkaasi gacanta ugu dhigi lahaa, dhiig daata iyo xasilooni darana looga abuuri lahaa deegaankaas.

¨      In shirkadda dahabshiil si gaar ah u dhiiri galiso goosashada gobolada waqooyi galbeed.

¨      In shirkadda dahabshiil isku dayday in ay gacanta ku dhigto hogaaminta idaacada laascaanood, isla markaana agaasimaha idaacada (faysal jaamac aadan) ay u ballan qaaday hanti.

¨      In shirkadda dahabshiil ay isku dayday in eedaymaha loo soo jeedinayo ay dambabasto oo ay hoos-hoos u dhamayso.

Haddaba shirkadda dahabshiil xafiiskeeda laascaanood wuxuu halkan ugu soo bandhigayaa dadwaynaha SSC jawaabta la xidhiidha eedaymaha qofkaas sheegtay inuu tifaftire ka yahay radio laascaanood uu ugu soo jeediyay warbaahinta. Eedaymahaas oo ah kuwo aan sal iyo raadtoona lahayn ujeedooyin gaar ahna laga leeyahay, iyadoo marka hore xafiisku warbixin ka siinayo shacabka deegaankaas aasaaska iyo waxqabadka xafiisyada shirkadda dahabshiil ee deegaanada SSC waana sidan:-

ü      Xafiisyada shirkadda dahabshiil ay ku leedahay deegaanada SSC oo intooda badan la aasaasay bilowgii sagaashamaadkii waxay ka kooban yihiin tiro ahaan ilaa 20 xafiis, oo ay ka hawl-galaan shaqaale tiradoodu gaadhayso 100 qof oo aanay ku jirin kuwa ka hawlgala xafiisyada shirkaddu ku leedahay dalka dibadiisa ee deegaanadan u dhashay.

ü      Shirkadda Dahabshiil waa shirkadii ugu horaysae ee adeegeeda loo aqoonsan yahay, (MONEY TRASFER, TELOCOMUNACATION, AND GENARAL TRADING) ka hirgalisay deegaanada SSC.

ü      Shirkadda dahabshiil waxay aaminsan tahay kuna shaqaysaa nidaamka ganacsiga xorta ah ee abuuraya jawiga nolosha, nabadgalyada, iyo horumarka, waxaana ka reeban dhamaan waxyaalaha dadka kala qoqoba iyo wax kasta oo ka hor imanaya nidaamka ganacsiga xorta ah.

ü      Shirkadda dahabshiil waxay dadka degaanadaas wax kala qabataa adeegyada kale ee bulshada sida  nabadgalyada, iyo nafaqaynta danyarta deegaanka iyadoo qayb ka mid ah sakada kaga waajibtay hantideeda sanad kasta ku taakulaysa dadka bukaanka ah ee jiifa cusbitaalka laascaanood, qaybta kale ee sakadana ku taakulaysa qoysaska danyarta ah ee deegaanadaas ku dhaqan.

ü      Sidoo kale waxay shirkadda dahabshiil ka caawisay dadka degaanka SSC hawlihii nabadgalyada ee deegaanka adhicadeeye iyadoo shirkadu bixisay deeq lacageed oo arimahaas wax lagaga qabtay.

ü      Sidoo kale shirkadda dahabshiil waxay hormuud ka ahayd bixintii iyo ururintii qaadhaankii ganacsatada reer hargaysa ay ugu deeqeen dadka abaarta ba’ani ku habsatay ee deegaanadan u dhashay.

ü      Shirkadda dahabshiil wax lug ah kuma laha arimaha siyaasadda ee soomaalida  waxayna ku mashquulsan tahay hawleheeda ganacsi ee u gaarka ah ee ay shacabka ugu adeegayso.

ü      Shirkadda dahabshiil waxay xurmaysaa isla markaana ku dhaqantaa xeerarka ay leeyihiin nidaamyada maamul ee ka jira goobaha ay xafiisyadeedu ka furan yihiin, mana jiro nidaam ay si gaar ah ula dhaqantaa.

ü      Shirkadda dahabshiil laascaanood waxay ku faraxsan tahay inaanay jirin eed ay idaacada laascaanood shabakadeeda ugu soo jeedisay shirkadda dahabshiil, waxayna ogtahay in xafiiska radio laascaanood, istudiyaha radio laascaanood, iyo tifaftiraha radio laascaanood intuba ay ku sugan yihiin magaalada laascaanood, waxay kaloo shirkadda dahabshiil ogsoontahay qaabkii aasaaska radio laascaanood.

ü      Shirkadda dahabshiil laascaanood waxay kaloo ogtahay in shabakadaas eedaynteeda lagu faafiyay ay hore damiin ugaga ahayd idaacada laascaanood, in ay barnaamijyadeeda ku faafiso, hase yeeshee ay dhacday in arimo aanay idaacadu ka war hayn oo eedayntani ka mid tahay uu ninkii shabakadaas damiinka ka ahaa ku faafiyay isagoo magaca radio laascaanood ku hadlaya, taas oo aakhirkii sababtay sida ka muuqata maqaalkiisa 26/02/2004 in idaacadu ka guurto shabakadaas.

ü      Shirkadda dahabshiil laascaanood waxay cadaynaysaa in aanay jirin isku day ay shirkadu isku dayday in ay gacanta ku dhigto hogaaminta idaacada laascaanood, mana jirto wax xidhiidh ah oo gaar ah oo idaacada laascaanood la leedahay, waxayse shirkadda dahabshiil laascaanood ogsoon tahay in idaacadu baahiso arimo badan oo dadka deegaanka SSC wax tar u ah siiba xagga nabadgalyada, caafimaadka, waxbarashada, diinta, iyo dhaqanka. Sidaa darteed shirkada dahabshiil kama xayirna inay dhiiri galiso idaacada laascaanood, sida shirkadaha kale iyo dadwaynuhuba uga gacan siiyaan wax ka qabashada baahiyohooda, mana jirto lacag gaar ah oo shirkadda dahabshiil laascaanood ku siisay ama ugu balan qaaday agaasimaha idaacada (faysal jaamac aadan) si uu eedaymo uga baabiiyo.

ü      Shirkadda dahabshiil laascaanood waxay shacabka SSC u ogsoontahay abaalka ay ugu hayaan hirgalinta adeegooda (MONEY TRANSFER, TELECOMUNACATION, AND GENERAL TRADING), wayna u sii wadi doontaa shirkadu adeegaas.

ü      Shirkada dahabshiil laascaanood waxay ku faraxsan tahay inaanay jirin eedo ay u soo jeediyeen maamulka gobolka, maamulka puntland, iyo dhamaanba dadwaynaha ku dhaqan deegaankan, waxaanuna filaynaa inay kolayba ugaga xoog ogaalsan yihiin xafiisyada shirkada saaxiibadayada shabakadaas isticmaala oo iyagu ku nool meelo fog. Sidoo kale waxay shirkada dahabshiil diyaar u tahay inay ka jid baxdo eed kasta oo loo soo jeediyo oo ka soo baxda Il Xaqiiqi Ah, Ama Aan Ujeedo Gaar Ah Lahayn.

Ugu danbayntii shirkadda dahabshiil laascaanood waxay u soo jeedinaysaa saaxiibkeeda sheegtay inuu tifaftire u yahay radio laascaanood iyo hadii ay jirto cid ku taageertay eedayntiisa shakhsiga ahba in ay ka waantoobaan ceebaynta iyo xag-xagashada ujeedada gaarka ah leh ee ay u gaysanayaan shirkada dahabshiil iyo waliba majaro habaabinta shacabka SSC. Mana haboona in waxksata la siyaasadeeyo iyadoo shirkada dahabshiil ogsoon tahay inaan isku daygiinu midho dhali doonin.

Wabilaahi Tawfiiq.

C/Raxmaan Yuusuf Cali

Dahabshiil Laascaanood.
dhimbiil101@hotmail.com

 Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 24, 2004

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD