WARARKA
SOOMAALIDA EE MAANTA 29/3/04
- Ciidanka Isbaheysiga oo markale
dagaal ku soo qaaday Xaramka
- 10 qof ayaa dhimatay, 15
kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka Xaramka
- Nairobi: Beesha caalamka oo ka
shiray dagaaladda Jubba.
- Sheekh Aadan Madoobe: Majiraan cid si gaar ah xil
iiga qaadi karta
- Itoobiya oo Xuduuda Soomaaliya
Ciidan Keentay
Ugu yaraan 10 qof ayaa dhimatay, 15
kalana dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii Dagaalo Qaraar ay
shalay Galinkii dambe ka dhaceen Deegaanadda Dhaay tubaabko iyo Xaramka oo
ka tirsan Gobalka Jubbada Dhexe.
Dagaaladan oo la isku adeegsaday Hubka
noocyadiisa kala duwan ayaa wararka qaar waxay Sheegayaan in Khasaaruhu uu
intaasi ka badan yahay, iyadoo wararkii ugu dambeeyayna ay sheegayaan in
dagaalku uu mar kale Saaka Waabarigii bilawday,
Dagaalkan oo salka ku haya aano qabiil
ayaa waxa uu sababay inay deegaanadaasi marti u noqdaan Maleeshiyooyin
Beeleedyo, Waxaana gabi ahaanba Xaramka iyo Deegaanadda ku dhaw dhaw ka
barakacay dadkii rayidka ahaa ee deegaanadaasi deganaa,
Ciidamadda Isbahaysiga Dooxadda Jubba oo
uu horkacay Taliyaha Ciidamadda Isbahaysiga, Goobaale ayaa lagu soo
waramayaa inay ku soo jeedaan Aaga uu dagaalku ka dhacay, Waxaana ay
qorshaynayaan inay ciidamo kala dhex dhigaan labada Maleeshiyo ee isku
haysata Xaramka.
Maalmihii ugu dambeeyay ayaa deegaanka
Xaramka waxay ahayd Goob Colaadeed, Waxaana isa soo taraya cabsida laga
qabo inuu go’o jidka isku Xira Gobaladda Jubbooyinka iyo Muqdisho,
W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
garyare@msn.com
Muqdisho, Soomaaliya
<><>
Wakiiladda beesha caalamka oo saakay ka shiray
dagaaladda ka jiro Goboladda Somaliya ,iyagoo shirkooda kadib Aqriyay
Qoraal uga yimid Dooxadda Jubba.
Wakiiladda beesha Caalamka,Gudoomiyaha shirka
Kiblaget, safiirka Uganda u joogo shirka ayaa saakay shir saacado Qaatay ku
yeeshay Hotelka Grand Regancy Ee Magalaadda Nairobi.
Shirka beesha caalamka ayaa saakay looga hadlay
dagaaladda soo noq noqday ee ka socdo goboladda Soomaaliya gaar ahaan ka
jubooyinka , beesha caalamka iyo IGAD ayaa saakay Aqriyay Qoraal uga Yimid
dhinaca Maamulka Dooxadda Jubba kaas oo lagu sheegay in dagaaladda ka socdo
degaanadda xaranka aysan waxba kala socon maamulka dooxadda jubba balse uu
dhexmarayo beelaha shiikhaal iyo tunni.
waxaa kale oo qoraalkaas lagu sheegay in dhibaatooyinka ka taagan wadada
isku xirto mudul baraawe ilaa kismaayo uu ka dambeeyo C/qaadir luga dheere
oo maleeshiyadiisa ay dhac iyo boob ku hayaan gaadiidka halkaas isagga
goosho.
Sidoo kale kulanka maanta oo loogu yeeray hogaamiyayaal farabadan waxaa
su,aalo lagu weeydiiyay Gudoomiyaha USC/PA oo laga codsaday inuu
faahfaahiyo sababaha ka dambeeyo dagaaladda degaankaas iyo qaabka loo dego
halkaas.
C/Qaadir luga dheere ayaa sheegay in dagaaladda
halkaas ka socdaa ay salka ku hayaan maleeshiyooyin ka soo jeedo gobolka
galgaduud, wuxuuna in uu dagaal u dhaxeeyo tuni iyo shiikhaalisagoo sheegay
inay yihiin dad walaal ah oo isku degaan ah.
Beesha caalamka ayaa Lugadheere ka dalbatay inuu
soo gudbiyo qoraalo cadeeynaya xaaladda dhabta ah ee degaanka.
Si kastaba ha ahaatee arrintaan ayaa ku soo aaday
xilli warar madaxbanaan aya sheegayaan in C/qaadir luga dheere iyo Max,ed
dheere ay iska kaashanayaan duulaano ay ku qaadaan gobolo ka tirsan
jubooyinka ,iyo xilli C/qaadir luga dheere uu safar ugu ambabaxayo dhinaca
dalka itoobiya oo ay saaxiib yihiin.
Dahir Abdulle ALasow Nairobi kenya.
asoj@hotmail.com
Associates of somali Journalists
Nairobi, Kenya
<><><>
Ciidanka Isbaheysiga oo markale
dagaal ku soo qaaday Xaramka iyo dad rayida oo lagu dilay dagaalkaas.
Sida aanu ka helnay ilo muhiima oo ku dhow
dhow isbaheysiga dooxada Juba, waxaa markale dagaal uu xalay ku dhexmaray
ciidanka isbaheysiga iyo ciidanka beesha Shiikhaal.
Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka
gedisan yahay dagaalkii maalindhaweedka dhacay Xaramka, sida ay sheegeen
saraakiil ka tirsan isbaheysiga waxaa ciidamo tekniko ku hubeysan in ay ka
soo socdaan Baraawe iyo Kismaayo oo la filayo in ay ku soo biiraan ciidanka
isbaheysiga dooxada juba ee halkaas ka dagaalamaya.
Dhinaca kale wararka aanu ka helnay
tuulooyinka Galgal’gaabo iyo Gal’shiikh oo u dhow Xaramka ayaa waxaa lagu
soo waramayaa in dadkii shicibka ahaa ay bilaabeen ineyka qaxaan
tuulooyinka ku teehsan Xaramka, kadib markii ay ciidamada isbaheysiga ee
halkaasi yimid ay bilaabeen in ay dil iyo kufsi iyadoo intaasina ay u
dheertahay ceelashii oo maanta lawada xiray.
Gudoomiyaha dhinaca siyaasada ee Beesha
Shiikhaal Md.Maxamed Xusen Cadow ayaa u digay sidoo kale isbaheysiga dilka
aan kala sooca leheyn waa sida uu hadalka u dhigay ee ay ku hayaan dadka ku
abtirsada beeshiisa, waxaa kale oo uu sheegay hadii ay joojin waayaan
dagaalkaas lagu kufsanayo haweenka iyo ceelasha la burburinayo isbaheysiga
waxaan anagana sameyndoonaa buu yiri dhacdo aan hore looga maqal Soomaaliya
oo dhan.
Wariye:Cabdi Cali-London
said_ahmed@hotmail.com
Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji
»
M.DHEEROOW WAXAAD LA DAGAALAMEE DAD MAAHANE
WAA DIINTA DAA'IMKAA (Ra'yi) D.F.Kulmie... GUJI
<><><>
WARARKA KALE EE MAANTA 29/3/04
W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com
Wararka naga soo gaaraya deegaanka is
maamulka soomaalida ee Itoobiya, ayaa waxa ay sheegayaan in dowlada
Ethiopia ay xuduuda soomaaliya u soo dirtay ciidamo aad u hubaysan oo
tiradoodu ay kor u dhaafasyo Kun Askari,
Ma cadda illaa iyo hadda sababta ay
Ethiopia xuduuda Somalia oo aan Nidaam lahayn u soo dhoobtay Tiro intaa
le’eg oo ciidamo ah, Laakiin Warar hor dhac ah oo laga soo xigtay Askarta
Ethiopia ayaa sheegaya inay sugayaan Ammaanka Xuduudaha Ethiopia,
Qaar ka mida Ciidamadan ayaa la xaqiijiyay
inay gudaha u soo galeen Xuduuda Somalia, waxaana ka mida deegaanadda ay
saldhigyada ka samaysteen Ceel Barde iyo Feer Feer,
Goob joogayaal ku sugan Ceel Barde ayaa
sheegay inay qal qal wayn galiyeen Ammaanka Ceel Barde iyo deegaanadda ku
xeeran Joogitaanka Ciidamadan, Wuxuuna sheegay inay soo kordhayso Cabsida
laga qabo in Bay iyo Bakool ay ka dhacaan Dagaalo Sokeeyo, iyadoo ay
suuragal tahay in marka uu dagaal bilowda ay ciidamadan Ajanabiga ahi lug
ku yeeshaan,
<><><>
Sheekh Aadan Max’ed Nuur Sheekh Aadan
Madoobe ayaa sheegay inaysan sharci ahaan Xilka Guddoomiyanimadda ka qaadi
Karin Xaabsade iyo Xubnaha Kale ee Baydhabo ka sheegay inay Doorteeen
Hogaan Cusub,
Sheekh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in
aysan jirin cid isaga si gaar ah xil uga qaadi karta, isla markaana uu weli
yahay gudoomiyaha ururka RRA-da ee garabka ka soo horjeeda Col.
Shaatiguduud.
Sheekh Aadan waxuu sheegay in isagu aysan
xilka u dhiiban shaqsiyaad, sidaas darteedna uu isku dayi doono inuu saxo
kuwo xilka ka qaaday isaga,
Hadalka Shiiq Aadan Madoobe ayaa soo baxay
xilli cabsi wayn laga qabo In Gobaladda Bay iyo Bakool ay ka dhacaan
dagaalo Sokeeye oo sababi kara barakac iyo Khasaaro baaxad leh,
<><><>
Kulan ay dhawaan ku yeesheen Magaaladda
Dubai, Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, iyo Imaaraadka Carabta,
Atto Seyoum Mesffin iyo Shiiq Xamdaan Bin Rashiid Al-Makhtuum ayeey iskula
soo qaadeen Arrimaha Somalia iyo sidii looga bad baadin lahaa Shirka
Soomaalida Fashil ku yimaada,
Kulanka labada dhinac oo ahaa mid looga
hadlayey xiriirka labada dowladood ee Itoobiya iyo Imaraadka Carabta, ayaa
waxaa si gaara leys kula soo qaaday arrimaha murugsan ee Soomaaliya gaar
ahaan shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee Kenya oo bilahan danbe
dowlada Itoobiya ay u keyd mid Xagal Daacinaysa,
Wasiirka arrimaha dibada ee Dalka Itoobiya
Atto Mesffin ayaa waxa uu u sheegay dowlada Imaaraadka in Itoobiya ay ku
dadaaleyso sidii loo soo afjari lahaa dhibaatooyinka Soomaliya ka taaganaa
13-kii sano ee la soo dhaafay isla markaana ay taageereyso sidii looga mira
dhalin lahaa shirka dib uheshiisiinta soomaalida
Labada dhinac ayaa waxaa ugu danbeyntii ay
isla meel dhigeen ka sokoow sii xoojinta xiriirkooda dhinaca siyaasada iyo
dhaqaalaha, in arrimaha soomaaliya sidii wax looga qaban lahaa ay
taageeraan. Isla markaana gacan ka gaystaan sidii Natiijo wax ku ool ah ay
uga soo bixi lahayd Shirka Kenya,

Cabdul Majiid Xuseen
oo Geeriyoodey
W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com
Muqdisho, Somalia
WARARKA MUQDISHO 27/3/04
»DKM oo cambaaraysay Go’aankii
Xijaab manuuca ee Maxamed Dheere
»5qof ayaa ku dhintay dagaal ka bilowday Xaramka ee Jubbooyinka
»Hogaan Cusub ayaa maanta loo Magacaabay Jabhadda RRA
Dhammaan ka akhri halkan....
Masaajidda Muqdisho Oo cambaareeyay Go’aankii uu
Maxamed Dheere ku mamnuucay Xirashadda Xijaabka Indha Shareerka:
»Isbitaal
Loogu Magac daray Istarliin Oo Laga Furay Guriceel
»Aadan
Saransoor oo sheegay inay ka hortagayaan Moorgan
»Dad
Soomaali ah oo ku dhintay Saxaraha u dhaxeeya Libya iyo Sudan
»Daahir
Riyaale oo sheegay inay qabteen rag ka tirsan Al_Qaacidda
Dhammaan ka
akhri wararka Muqdisho ee maanta 26/3/04
WARARKA MUQDISHO 28/3/04
»Shaatiguduud: Waxba igama Khuseyso Xil ka Qaadista Sh.Aadan
»Faah faahin: Dagaalkii Tuulada Xaramka ee Degmadda Jilib
»Walaal laga muujiyey Soomaali lagu daadiyey saxaraha Libya
»Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta oo dib loo dhigay,
»Iddaacada Iyo Talafashinka STN Hirgaliso Telefeshin Caalamiya
Dhammaan ka akhri halkan.... 28/3/04