SomaliTalk  DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 30, 2004

CABDUL MAJIID HAL YEY JIRITAANKIISII LAGU HOOGAY
Abdi Ahmed   kahin2002@hotmail.com

Dr Cabdul mjiid Xuseen oo ahaa wakiilka Qaramada midoobay u fadhiya xukuumada dalka Itoobiya ayaan maalintii shalay ee 29/3/04 ku geeriyooday magalada addis ababa isaga oo sida ilo isaga ku dhadhawaayi ay sheegeen in mudo ah ba xanuunsanaa.

Cabdul Majiid Xuseen waxa uu ku dhashay Magaalada Diridhabe Sannadii 1943-dii, Waxa uuna xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadda Melez Zanawi, iyadoo ugu dambayntiina uu noqday Danjiraha Itoobiya u fadhiya Qaramadda Midoobay ee Fadhigeedu yahay New York.

Cabdul majiid waxaa uu hor muud ka ahaa isla markaana ahaa mashiinkii lagu fuliyey dhisidii xisbigii Leegada (ESDL) ee ujeedadiisu ahayd in lagu burburiyo dawladii shacabku soo doortay ee ay hogaaminaysay JWXO isla mar ahaan taasna loo aas aasay in layskaga horgeeyo shacabka soomaalida Ogadenya noqdayna ninkii ugu horeeyey ee qabta hogaanka xisbigaas.

Cabdul majiid xuseen waxaa uu lambarka koowaad kaga jiray raga ay xukuumada ka talisa Adis-abab ay u adeegsato wax yeelaynta guud ahaan soomaalida geeska afrika gaar ahaana Soomaalida Ogadenya had iyo jeerna isku taxalujin jiray raali gelinta iyo u dhega nuglaanta siyaasada kaligii taliye Meles Zenawi isaga oo ka indha qarsanaaya dhibaatada joogtada ah ee ay ciidamada Tigreegu ku hayaa shacaka u sheganayo inuu isagu kasoo jeedo ee soomaalida Ogadenya waxaana la odhan karaa waxaa uu qayb libaax ka qaatay xaalada hada ka jirta wadanka Ogadenya.

Cabdul majiiid xuseen ayaa shaqsiyan iyo siyaasad ahan ba aad uga so horjeeday in ay dalka soomaliyeed ay ka dhalato dawlad loo dhan yahay taasi o loo hayo markhaatiyo badan oo cadcad sida hadaladii ay isaga iyo raysal wasaarihii hore ee dawlada ku meelgaadhka ahi isku waydaarsadeen Golaha ammaanka isla mar ahaantaana sida la sheegay kaalin muhiim ah kaga jiray aas aaskii ururka SRRC ee loo aasaasay curyaaminta dawladii cusbayd ee tuulada carta lagu soo dhisay, jiritaanka cabdul majiid xuseen ayaan noqonin mid faa'iido u soo hooya dhamaan soomaalida geeska Afrika.

Cabdul majiid oo ahaa nin uu Meles Zenaawi si wayn u aaminsanaa ayaa xukuumada Itoobiya ka soo qabtay xilal ay ka mid yihiin wasiirka wasaarada Ganacsiga ,isgaadhsiinta iyo Dalxiiska kadib loo magacaabay safiirka u fadhiya dalka Itoobiya qaramadda midoobay.

Cabdul Majiid waxa uu dirqi kaga bad baaday sannadkii 1996 isku day dil oo la doonayay in lagu dilo isagoo markaasi wasiir ka ahaa Dawladda Fadaraalka eeAdis ababa hase ahaatee uu dhaawac soo gadhay.

Abdi Ahmed  
kahin2002@hotmail.com

<><><>

TACSI: Geeridii Cabdul Majiid Xuseen

Hawl wadeenka somalitalk u fadhiya GERMANY XAGAR YARE, wasiirka wasaarada gaadiidka iyo macdanta Dalka ETHIOPIA Mudane Maxamuud Dirir, madaxweynaha ismaamulka soomaalida ethiopis, iyo dhamaan shacabka ismaamulka soomaalidaba Waxaa ay iyakoo ka tiiraanyaysan ay tacsi u dirayaan dhamaan qaraabadii eheladii axsaabtiii iyo dhamaan shacabka soomaalida  ee ismaamulka, iyakoo uga tacsiyadaynaaya Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid.geesigii waynaa Dr anbasodor Cabdil Majiid xuseen oo ku geriyooday magaalada addis abeba. cabdul majiid waxaa uu baneeyay kaalin ay adagtahay sidii loo dabooli lahaa ilaahay walaalkayagaasi qaaliga ah hanoogu naxariisto, annakana samir iyo iimaan ha naga siiyo. aamiin
XagarYare: xagar91@hotmail.com

<><><>

March 29, 2004

Cabdul Majiid Xuseen, Danjirihii  Ethiopia u fadhiyay Qaramadda Midoobay ayaa Saaka (29/3/04) ku naf baxay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com garyare@msn.com


Cabdi Majiid Xuseen

Cabdil Majiid oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta Looga dambeeyo Jaangoynta Siyaasadda Ethiopia isla markaana ka soo jeeda Kilinka Shanaad ee Soomaalidu degto ayaa lagu aasay Magaaladda Diridhabe ee Ismaamulka Soomaalida, Waxaana aaskiisa ka qayb galay masuuliyiin sar sare oo ka socda Dawladda Fadaraalka Ethiopia oo isugu jira Wasiiro, Xaldhibaano, iyo Xubno ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo uu horkacayay Madaxwaynaha Ismaamulka Soomaalida,

Cabdi Majiid Xuseen waxa uu ka mid ahaa Siyaasiyiinta Ethiopia ee sida wayn dhinaca diblomaasiyadda ugala dagaalamay Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia ee uu Madaxda ka yahay C/qaasim, Waxaana si wayn ay Soomaalidu u xusuusataa doodii kululayd ee Fadhiga Golaha Ammaanka ku dhex martay isaga iyo Ra’iisul Wasaare, Cali Khaliif Galayr,

Cabdil Majiid waxa uu ka bad baaday sannadkii 1996 isku day dil oo la doonayay in lagu dillo xilli uu wasiir ka ahaa Dawladda Fadaraalka, Waxaana dhaawac soo gaaray awgiis loogu qaaday Isreal halkaasoo lagu soo daweeyay,

Cabdul Majiid Xuseen waxa uu ku dhashay Magaalada Diridhabe Sannadii 1943-dii, Waxa uuna xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadda Melez Zanawi, iyadoo ugu dambayntiina uu noqday Danjiraha Ethiopia u fadhiya Qaramadda Midoobay ee Fadhigiisu yahay New York,

Wararka ka imanaya Itoobiya ayaa sheegaya in Dr. Abdul Mejid Hussien uu maanta dhintay saacado kaddib markii uu kusoo laabtay Addis Ababa. Waxaa warku intaas ku daray in markii uu Cabdi Majiid maqlay caafimaadkiisa oo kasii daraya asaga oo markaas ku jirey dhakhtar kuyaal New York uu weydiistey xukuumada Itoobiya in ay Itoobiya ku celiyaan, sidaas ayuu maalintii shalay oo Axad ahayd ugu soo laabtay Itoobiya halkaas oo uu kasoo degey garoonka Bole International Airport, waxaa la sheegay in uu halkaas kusoo dhoweeyey ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadiisa, waxana lasoo werinayaa in geerida Cabdul Majiid ay naxdin ku noqotay xukuumada Addis Ababa.

Faafin: SomaliTalk | Muqdisho | Maarso 29, 2004

-dhammaad-

Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji

» M.DHEEROOW WAXAAD LA DAGAALAMEE DAD MAAHANE WAA DIINTA DAA'IMKAA (Ra'yi) D.F.Kulmie... GUJI

WARARKA KALE EE MAANTA
»Ciidanka Isbaheysiga oo dagaal ku soo qaaday Xaramka
»10 qof ayaa dhimatay, 15 waa dhawac dagaalka Xaramka
»
Nairobi: Beesha caalamka oo ka shiray dagaaladda Jubba
»Sheekh Aadan Madoobe: Majiraan cid xil iga qaadi karta
»Itoobiya oo Xuduuda Soomaaliya Ciidan Keentay
Dhammaan ka akhri halkan... Guji 29/3/04

<><><>
 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji

Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...


kaah
 




Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD