SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKII MAANTA:

W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail  
amiinkhasaaro@hotmail.com 

 

MAXKAMADDA ISLAAMIGA AH EE WARSHADDA CAANAHA OO MAANTA DIB LOO FURAY

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta waxa ay ka dhacday xarunta Maxkamadda Islaamiga ah ee warshadda caanaha, waxayna xafladdani ku saabsanayd dib u furiddii maxkamaddaasi oo muddo sanad ah aan shaqeyn.

Xafladdan oo ay ka qayb galeen madaxda maxkamadaha Islaamiga ah ee magaallada Muqdisho, culimaa'udiin, aqoonyahanno, ganacsato, dhallinyaro iyo haween ayaa ugu horreyntii waxaa halkaa ka hadlay Sh. Cali SH. Cabdi oo ah Guddoomiyaha Guddiga Shuurada Maxkamadda, wuxuuna sheegay in ujeeddada dib loogu soo nooleeyey maxkamaddan ay tahay iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii xumaaneyso xaaladda nabadgelyo ee dalka iyo weliba gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay in maxkamaddani la aas-aasay sanadkii 1992-kii, ayna soo martay marxalado kala duwan, isagoo sheegay in ay ku guuleysatay in ay xakamayso kooxaha burcadda ah, wuxuuna u soo jeediyey ganacsatada iyo cid kasta oo gacan ka geysanaysa maxkamaddani in la soo dhoweynayo.

waxaa kale oo ka hadlay Maxamed Cabdulle Geeseey oo isna ka mid ah Guddiga Shuurada, wuxuuna sheegay in maxkamaddani saacadaha soo socda bilaabi doonto howlgal ay kula dagaallamayso kooxaha burcadda ah.

Mar wax laga weydiiyey sabibihii uu saaka ku maqnaa guddoomiyaha maxkamadda Sh. Ciise Sh. Axmed, wuxuu arrintaasi kaga jawaabay Sh. Geesey "Guddoomiyaha Maxkamadda waxa uu ku maqnaa howl safar ah iyo weliba mid la xiriirta maxkamadda, wax khilaaf ah oo uu ku maqan yahay oo la xiriira beesha dhexdeedana ma jirto", waxaa kaloo xafladdaasi ka hadlay xubno ay ka mid ahaayeen Abwaan Abshir Bacadle oo isagu sheegay in Beesha Sacad iyana dhowaan ay ku dhawaaqi doonto maxkamad islaami ah oo aysan ka hari doonin beelaha kale ee iyana furtay maxkamadaha, wuxuuna sheegay in dhibaatada Soomaaliya looga bixi karo iyadoo la qaato Kitaabka ALLE, waxaa kale oo ka hadlay Guddoomiyaha dhaq-dhaqaaqa Bulshada rayidka C/llaahi Maxamed Shirwac oo sheegay in maxkamaduhu ay qabteen howl aad u muhiim ah, loona baahan yahay in ay iyagana iskaashadaan, Muqdisho haatan waxaa ka furan dhowr maxkamadood oo kala ah Maxkamadda Xararyaalle, Maxkamadda Shiirkole, Maxkamadda Ifka Xalan, Maxkamadda CC iyo Maxkamadda Dugsiga Farsamada, dhammaantoodna howlgal mideysan oo la dagaallanka burcadda ah ayay ka sameeyaan Muqdisho.

HAY’ADO CAMBAAREEYEY FALALKII LAGULA KACAY SADDEX WERIYE OO KA TIRSAN….

          Hay’adda Nabadda iyo xuquuqda Aadanaha Elman iyo Somali Media Center ayaa si kulul u cambaareeyey ama uga xumaaday falkii lagula kacay saddex weriye oo laba ka mid ah ay u shaqeynayeen Idaacadda QUr’aanka Kariimka ah ee kala ah C/raxmaan Cali Suubiye, Xasan Xaaji Xanafi iyo Fardowso Maxamed Cabdulle oo u shaqeyneysay Idaacadda Horn Afrik, waxayna ku tilmaameen hay’adahani tacaddigii loo geystay weriyeyaashaasi in ay yihiin kuwo ka soo horjeeda xoriyadda saxaafadda, waayo waxa ay hay’addu sheegtay in weriyeyaashani ahaayeen kuwo gudanayay howshooda.

          Labada hay’adood ayaa waxa ay maamulka Muuse Suudi ugu baaqeen in deg-deg loogu soo celiyo qalabkii laga bur-buriyey weriyeyaasha, isla markaana raalli gelin ka bixiyo arrintaasi. Saddexdan weriye ayaa loo geystay jirdil, handadaad iyo xoriyad ka qaadis iyo weliba qalabkoodii shaqo oo laga jejebiyey, hase yeeshee maamulka Muuse Suudi ayaa ku eedeeyey weriyeyaashani in ay u basaasayeen waxa uu ugu yeeray kooxda kale, waxaana qoraalkan dhinaca Somali Media Center C/qaadir Maxamed Cismaan, dhinaca Hay’adda Nabadda iyo xuquuqda Aadanaha Elmanna waxaa ku saxiixnaa Eng. Sudan Cali Axmed.

DOWLADDA MAREYKANKA OO SHEEGTAY IN AY KHARASH UGU DEEQEYSO SHIRKA…

 

Wararka naga soo gaaraya magaallada Nairobi waxay sheegayaan in dowladda Kenya ay dooenyso in ay dar-dar la geliyo wejiga 3-aad ee shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, wuxuuna shirku maalmahaan la dhutinayay kharash la’aan xoog leh ee soo wajahday, hase yeeshee warar laga helay saraakiil ku dhow-dhow shirka waxa ay sheegayaan in dowladda Mareykanku ay haatan bixineyso kharash lagu socodsiiyo wejiga 3-aad ee shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee haatan maraya marxaladdii ugu dambeysay, iyadoo lagu warramay in dowladda Mareykanku ay aad u danaynayso sidii mirodhal uu u noqon lahaa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, isla markaana ay uga dhalan lahayd dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, lama caddeyn kharashka ay bixineyso dowladda Mareykanka, iyadoo ururka Midowga Yurub oo isagu inta badan bixiyey kharashka shirka muddadii labada sano ku dhowaadka ahayd ayaa joojiyey kharashkaai, kaddib markii uu hore u socon waayay shirka dib u heshiisiinta, isla markaana ay ku yimaadeen caqabado fara badan, waxaana wararka haatan sheegayaan in Soomaali fara badan ay ku sii qul-qulayaan magaallada Nairobi, si ay u ogaadaan gunaanadka shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, balse waxaa la sheegay in ay si aad ah ugu dan-dareysan yihiin magaallada Nairobi, gaar ahaan xaafadda Islii ee ay ku badan yihiin dadka Soomaalida ah.

 

General Moorgan oo Dowladda Itoobiya ku diiday codsi ay u soo gubiyeen….

General Maxamed SIciid Xirsi Moorgan ayaa magaallada Ceel-barde ee Gobolka Bakool kulan kula yeeshay Saraakiil ka socotay Dowladda Itoobiya oo iyagu waayadaan waday sidii hoggaamiyeyaasha dhinacooda taageersan ay uga qayb gali lahaayeen shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana kulankan la iskula soo qaaday sidii hoggaamiyeyaashu uga qayb qaadan lahaayeen wejiga 3-aad ee shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

General Moorgan oo la soo gaarsiiyey warqad qoraal ah oo ka socotay Dowladda Itoobiya ayaa waxaa laga codsaday in uu ka soo qayb galo shirkaasi, balse General Morgan si toos ah ayuu ugu sheegay saraakiishaasi in uusan marnaba ka qayb geli doonin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Kenya.

 Dhinaca kale Maxamuud Siyiid Aadan oo ah Guddoomiyaha Ururka SNF/SRRC, haatanna ku sugan degmada Doolow iyo General Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, kana wada tirsan Golaha abaabul Qarameed ee kal hore lagu aas-aasay magaallada Jowhar ayaa haatan labadooda waxaa soo kala dhex galay khilaaf aad u xooggan oo la xiriira dagaalladii ka dhacay degmada Buulo-xaawo, kaddib markii tikniko uu leeyahay General Moorgan ay ka qayb qaateen dagaalkaasi.

Maxamuud Sayid Aadan waxa uu ku eedeeyey General Moorgan in uu haatan abaabulayo sidii mar kale maleeshiyo ku sugan Ceel-barde ay u soo weerari lahaayeen degmada Buulo Xaawo, hase yeeshee General Moorgan waa uu beeniyey, wuxuuna ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

.

Xarunta SSWC oo lagu dood ku saabsan dib u heshiisiinta soomaliya…

Waxaa shalay Xarunta SSWC ee magaallada Muqdisho lagu qabtay dood ku saabsan sidii uu u najixi lahaa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda magaallada Nairobi, waxaana qodobbadii sida aadka ah aa looga dooday ka mid ahaa Siyaasad wax tan ah oo aan dhinac raacsanayn oo lagu ilaaliyo danta guud, faa’iidooyin iyo caqabadaha bar-bar socda, qodobka kale ayaa waxa uu ahaa dib u jaleecidda ka qayb galka haweenka ee shir qaran iyo caqabadaha soo if baxay wejiga 3-aad ee shirka, dareenka Bulshada rayidka ah ee ku wajahan mowqifka haweenka oo ah in ay si xaq ah uga qayb qaataan wejiga 3-aad siyaasad ahaan iyo go’aan ka gaarisba, istiraatiijiyadda, horumarka, iskaashiga, aragtida mideysan ee codka ee maareynta iyo bareeraha bulshada rayidka ah, taageeridda ujeeddooyinka ka wada qayb galka nabadda iyo go’aan ka gaarista muddada kala guurka ee Soomaaliya, iyadoo qodobbadan oo si aad ah loo lafa guray ay ka qayb galayaashu sheegeen in loo baahan yahay in marka hore si weyn loo taageero shirka, maadaama ummaddu ay ku jirto dhibaato xoog leh, waxaana ka mid ahaa xubnihii halkaa ka hadlay Eng. Max’ed CIlmi Guure oo sheegy in caqabadaha ugu waaweyn ee shirka ay ugu wacan tahay is afgaran waaga u dhexeeya dowladaha deriska ah, waxaa kale oo ka hadashay Xabiibo Xaaji Jimcaale oo iyaduna sheegtay in loo baahan yahay in haweenku ay dowr muhiim ah ku yeeshaan shirka dib u heshiisiinta, ugu dambeyntii waxaa soo xiray Hinda Axmed Faarax oo sheegtay in fikradihii iyo aaraa’dii halkaa la isku weydaarsaday gaarsiin doonaan Bulshada ku sugan shirka, iyagoo sheegay in siminaarro noocan oo kale ah ay u qaban doonaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.           

 

Maalinta carruurta Afrika oo si weyn looga xusay Magaalada Muqdisho… [Akhri]

W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail  
amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com June 17, 2004

"Baro Xuquuqdaada" Guji Halkan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD