SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

XAALADA GUUD EE XUQUUQDA CARUURTA SOOMAALIYEED IYO XADGUDUBYADA LOO GEYSTO

Waxaa isku soo dubaridey:
 AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail  
amiinkhasaaro@hotmail.com 

 

 

Xaalada guud ee xuquuqda caruurta soomaaliyeed ayaa ah mid cakiran marka loo fiiriyo maamul  mideydsan oo dalkoo dhan xakuma oo aan jirin , taasoo sababtey inaan laysku dabagelin oo ay iska sii socdaan xadgdubyada xanuunka badan ee loo gaysanayo caruurta soomaaliyeed.

 

Waxay weli dhibaato weyni ka taagan tahay sidii loo dhowri lahaa xuquuqda caruurta soomaaliyeed oo ah mustaqbalkii berrito ee uu wadanku fiirsanayey, ayadoo ay inta badani harqiyeen dagaalada ahliga ah ee kooxaha dagaalamaya tiiyoo ay waliba u dheer tahay ka qaybgelinta dagaalka, iyadoo loogu sheekeynayo iney difaacayaan qoysaskooda ama qabaai’ladooda ay ku abtirsadaan, in badan oo ka mid ah caruurta soomaaliyeed ayaa si ula kac ah loo dilaa, la afduubaa, loona gaystaa jirdil iyadoo qaarkoodna lagu dhibaateeyey goobahooda waxbashada gudahooda.

 


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Caruurta ayaa ku barakacay dagaalada iyagoo qaxooti ku ah dalka gudihiisa iyo dibadiisa, halka kuwo kalana dariiqyada ku dayacan yihiin iyagoo waliba isticmaalaya muqaadaraad, iyagoo kuwo ka mid ahna lagu shaqaysto oo aan la siinin waxa ay qabteen musharad u dhiganta.Caruurta soomaaliyeed ayaa ah kuwa dayacan oo ku soo qaangaarey wadan ay ka jirto fowdo iyo dagaalo ahli ah mudo dhan afar iyo toban sano oo aan lahayn dowlad damaanad qaad buuxa siisa xuquuqda caruurta ay leeyihiin, caruurta soomaaliyeed ee la marin habaabiyey ayaan ah kuwo waxna qori Karin waxna akhrin Karin balse si fiican u kala garanaya magacyada qoryaha lagudagaalamo iyo dhawaaqa noocyada madaafiicda iyo rasaasta.

 

Caruurta Soomaaliyeed ma helaan inta badan waxbarsho hufan oo lacag la,aan ah iyadoo halka kuwa  heli kara iney wax bartaan aan  loo dhigin manaahij isku mid ah oo kaabaya hurumarka iyo tayada waxbarshadooda iyo waliba mustaqbalkoda danbe.  Caruurtu waxay xaq u leeyihiin si nabadgelyo ah ku noolaadaan helaana rabitaankooda muhiimka u ah jiritaankooda sida hoy, cunto nafaqaysan, biyo nadiif ah, helitaanka adeeg caafimaad, waxbarasaho, helida aqbaaraadka iyo xornimda fekerka garashada,iyo diinta iyo dhaqdhaqaaqooda ciyaareed ee ay u baahan yihiin si ay u noqdaan kuwo heerkooda nololeed uu fiican yahay.

 

Waxaa muhiim ah in laysla xaqiijiyo in xadgudbyo badan ay ku dhaceen caruurta soomaaliyeed haba ugu badnaadeen waqtiyada dowlad la,aanta, WAXAANA WAAJIB AH IN CARUURTA LAGA ILAALIYO U ADEEGSIGA KA QAYB QAADASHADA DAGAALADA, DILALKA, BARAKICINTA, AFDUUBKA, GUDNIINKA FIRCOONIGA AH, KU SHAQYSIGA DHIIGMIIRADKA,  MAANDOORIYAHA, ANSHAX XUMADA, DACAAYADAHA IYO WAX KASTOO WAX U DHIMAYA DAMIIRKOODA IYO MUSTAQBALKOODA DANBE  IYO WALIBA XUQUUQAHA AY LEEYIHIIN, sidaas darteed munaasabadan qiimaha badan leh ee lagu xusayo maalinta xaquuqda caruurta afrika waxay xarunta Dr.Ismaaciil Jumcaale ee xuquuqda aadamiga  hoosta ka xariiqaysaa uguna baaqaysaa Shacbiga Soomaaliyeed;-

 

BAAQ:

·       In la dhowro Xaquuqda caruurta iyo Nabad ku noolaanshahooda, lagana ilaaliyo waxkastoo wax u dhimaya horumarkooda.

·       In aan loo isticmaalin caruurta ka qaybqaadashada dagaalada nooc walba oo ay yihiin, kuwa hadda dagaalada loo isticmaalayana hubka laga dhigo loona jiheeyo dhanka waxbashada si ay u helaan  mustaqbal iftiin leh.

·       IN SHACABKA SOOMAALIYEED AY  TIXGELIYAAN HESHIISYADA CAALAMIGA AH IYO XANAANADA GAAR AHAANEED EE AY SIISAY SHAREECADA ISLAAMKA EE LAGU DHOWRAYO XAQUUQAHA ASAASIGA AH EE AY LEEYIHIIN CARUURTA SOOMAALIYEED.

 

CODSI.

·       Xaruntu Dr.Ismaaciil Jumcaale Ee Xuquuqda Aadamiga waxay Bulshadda Caalamka iyo hay’adaha samafalka caalamiga ah ee ka howgala soomaaliya qaasatan hay’adaha UNICEF, UNHCR, WHO iyo UNESCO ka codsaneysaa in ay gacan naxariiseed oo muuqata u fidiyaan ubadka soomaaliyeed ee ku dhexnool xadgudubyada joogtada ah ee argagaxa leh iyo daruufaha qalafsan iyo waliba dal aan sharci iyo kala danbeyn iyo dowladi ka jirin.

 

Tacadiyadii ugu Dambeyey ee ay Ururisey Hayadda Nabada iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman

 

Waxaa isku soo dubaridey:
 AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail  
amiinkhasaaro@hotmail.com 

Maalinta carruurta Afrika oo si weyn looga xusay Magaalada Muqdisho…

Waxaa maalintii shalay ahayd dalka laga xusay maalinta carruurta Qaaradda Afrika, waxaana xaflad arrintaa ku saabsan ay ka dhacday Hotel City View ee Muqdisho, waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha samafalka, kuwa xuquuqda Aadanaha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana xafladdan soo qaban-qaabisay hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale, iyadoo ugu horreyntii halkaasi uu warbixin ka soo jeediyey Kusimaha Guddoomiyaha hay’adda Salaad Jimcaale Cosoble, wuxuuna sheegay in munaasabaddan ay ku soo beegantay xilli ay carruurta Soomaaliyeed ku jiraan dhibaatooyin muddo 14-sano ah, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay sidii carruurta looga saari lahaa dhibaatada, waxaa kaloo ka hadashay Nuuro Xaaji C/llaahi iyo Xabiibo Xaaji Jimcaale oo labaduba sheegay in carruurta Soomaaliyeed ay haystaan waxbarasho la’aan iyo caafimaad darro, loona baahan yahay in gacan la siiyo, waxaa kale oo ka hadlay Guddoomiyaha hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Wanlwaweyn Human Rights Eng. Siidow Xasan Mahdi oo isna sheegay in 14-kii sano carruurta Soomaaliyeed loo geystay xadgudub aad u ballaaran, ugu dambeyntii waxaa baaq halkaa ka soo jeediyey madaxa baarista xuquuqda Aadanaha Dr. Ismaaciil Jimcaale C/llaahi Calas Jimcaale oo sheegay in loo baahan yahay in la dhowro xuquuqda carruurta iyo sidii ay nabad ugu noolaan lahaayeen dalka  waxauu qornayd baaqii ay soo Xarunta Dr Ismaciil Jimcaale eek u aadanaa maalinta caruurta Afrika

Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ansixiyey 20-kii november 1989 markii uu aqbaley xoghayaha guud ee qaramada midoobey heshiis ku saabsan xuquuqda caruurta, heshiiskaas oo ka kooban 54-qodob mid kastana qodobadiisu ay ku cadahay xuquuqyo damaanad qaad buuxa siinaya xuquuqda caruurta loona qaas yeeley, waxaa kaloo muhiim ah in la xusana mudan bayaankii geneva ee 1924 ee xuquuqda caruurta ee golaha guud ee qaramada midoobey uu ansixiyey. 

Haddaba xarunta Dr.Ismaaciil Jumcaale waxay maalintan qiimaha weyn leh ugu  talagashey (1) iney ku soo bandhigto xadgudubyada loo gaysto caruurta soomaaliyeed iyo (2) sidii loo ciribtiri lahaa xadgudubyadaas  iyo (3) in ay ku wacyigeliso qaybaha kala duwan ee bulshada sidii si wada jir ah loogu difaaci lahaa Xuquuqaha Asaasiga ah ee ay leeyihiin caruurta Soomaaliyeed.  

W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail  
amiinkhasaaro@hotmail.com 

 

Faafin: SomaliTalk.com June 17, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD