SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
“QUURSIGU QIIL MA LEEYAHAY U.S.A 2”

Waxaa dadwaynaha Somaaliyeed ee qaddarinta iyo qaayahaba mudan lala socodsiinayaa in Ururka ardayda Somaaliyeed ee Minnesota oo kaashanaya gudiga bulshada ee la dagaallanka haybsooca iyo takkorka in ay qaban doonaan shiirkii sanadlaha ahaa ee la magacbaxay “QUURSIGU QIIL MA LEEYAHAY U.S.A 2”

Shirkaan wuxuu daba joogaa mid la mid ah oo ka horreeyay laguna qabtay Jaamacadda Minnesota sanadkii hore ee 2003. Shirkii hore waxaa uu noqday mid aad u najaxay una xiiso badnaa marka loo eego xaga abaabulka iyo mawaadiicda oo si cilmiyaysan loo lafo guray xaga taariikhda, diinta iyo dhaqankaba dhibka haybsooca joogtada ah ee lagu hayo qaybo muhiim ah oo ka tirsan bulshada Soomaliyeed.

Waxaa si cilmiyaysan afka loogu dhuftay in dulmiga haybsooca iyo quursigu uu ahaa waxyaalihii ugu waawaynaa ee sababay halaagga iyo burburka ilaa hadda ka taagan waddankii Soomaaliya. Waxaa shirkaas lagu soo jeediyay talooyin miro dhalay oo durbaba sababay in mowduuca la dagaallanka haybsooca iyo quursiga uu noqdo joogto ilaa la tirtiro dulmigaas foosha xun leh.

Tan iyo intii ka dambaysay qabashadii shirkii hore waxaa Ururka ardada Soomaaliyeed ee Minnesoata ( Minnesota Somali Student Union”MSSU” iyo gudiga ladagaallanka haybsoocaba Soomaaliyeed ay dhambaallo isugu jira qoraallo, taleefanno iyo cajalado maqal iyo muuqaalba leh oo xambaarsan hambalyo, guubaabo, iyo mahadcelin ku socota dadkii soomaaliyeed ee soo abaabulay iyo intii ka qaybqaadatayba gaar ahaan reer Minnesota ay ka helayeen ururro aan dawli ahayn iyo dadwayne soomaaliyeed oo isu jira culumaa’uddiin, dhallinyaro, oday dhaqameedyo, hooyooyin , siyaasiyiin, iyo aqoonyahanno kula kala nool dunida cirifyadeeda iyo waddankii hooyo.

Dadka aan kor ku soo xusnay oo isugu jira kuwa la hayb sooco iyo kuwa wax haybsoocaba waxay sheegeen in shirwaynihii Jaamacadda Minnesota ee 2003 uu noqday mid taariikhi ah ayna diyaar u yihiin in ay ka qaybqaataan la dagaallanka lagu tirtirayo haybsooca, takoorka, quursiga, iyo dulmiyada la midka ahba.

Hadaba, Ururka ardada Soomaliyeed ee Minnesota waxay mar kale ka codsanayaa dadwaynaha Soomaaliyeed ee qaddarinta iyo qaayaha mudan inta ku nool waqooyiga Maraykanka, gaar ahaan gobolka Minnesota iyo nawaaxigiisa in ay ka soo qaybgalaan shirka sanadkan oo lagu qaban doono isla Jaamacadda Minnesota xarunteeda wayn ee Minneapolis, qolka shirarka ee lagu magacaabo Willey Hall oo ku yaal daanta galbeed ee xigta xaafadda Ceder ee Soomaalidu dagto.

Wixii faahfaahin ah kala soo xariira
Cismaan Daahir (612) 879-4439 email: tayasir7198@yahoo.com 
Saciid Saalax (612) 290-1521 email: koorle@yahoo.com
TAARIIKHDA: JULY 10Keeda, 2004
Waqtiga: 4:00pm-9:00pm
Goobta: Willey Hall, University of Minnesota, West Bank

Ka soo qaybgal wacan.
Mahadsanidin

DEYN HADUU KUGU RAAGO   IYO DIYADA WAA LA BAXSHAA  [GABAY}

Faafin: SomaliTalk.com June 18, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD