SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

GABAY

DEYN HADUU KUGU RAAGO   IYO DIYADA WAA LA BAXSHAA 

Gabaygan oo ka hadlaaya Quursiga iyo hayb sooca soomaalidu ku hayso qaybo ka mid ah bulshadeeda wuxuu cismaan daahir ka tiriyey shirweynihii kowaad ee Quursigu qiil ma leeyahay U.S.A 1 ee lagu qabtay jaamacda Minnesota

·                     Taariikhdu markay ahyd 05/31/04  wuxuu yiri                    

  • Dulku neeflaha aadmi     qofka uu derejeeyee

  • Weligii ka danbeeyee      Derbiyo taalo xasuus ah

  • Daabad ay u dhisaan      Waa daryeel qofka keena

  • Wax dadkiisu aayo         Inana waa dabci yaab lehe

  • Ruuxaasaynu duraayo     Dhamaanteen ka didnaa

  • Dhaqankeeniyo diinta       Kuwo aan dir wadaagno

  • Daladii nolosheena           Iyo dugsigeena ahaa

  •           Oo     Daqiiqad aan laga maarmin

  •  

  • Birta duuban xadiidka      Nimankii dildilaacshey

  • Mindi daab gudinta          Hubka la isku difaaciyo

  • Nooga yeelay dugaal       Dadabtii gurigeena

  • Dusuud dhoobo ah weel   Kuwii daabaca keenay

  • Intii aan dun xariir ah       Iyo maro duudka la saaro

  • Dawaarka aan la aqoon   Kuwii saamaha deebshey

  • Ee dirayskii dhuuga ahaa  Iyo kabo aan lagudaalin

  • Ka sameeyey dambiil      Dadku uu wax ku qaato

  •  

  • Digtoorka maanta hortiina  Dabiibkeena ahaaye

  • Qofka uu dakhar gaadho     Kan laftiisu dilaacdo

  • Ama ay kala duusho          Dalqadaa cunaha iyo

  • Midkay doogi ku taal          Dab ruuxii ku gubta

  • Umushii dihan wayda         Maska duuban abeeso

  • Midkay saarto dibnaha       Ee micidooda daraan

  • Sune diiniya weeyee          Da,yartii la gudaayo

  • Dul ahaan cudur oo dhan    Daweynaayey bukaanka

  •  

  • Baa halkii ay dalacaad        Iyo derejo ay sugayeen

  • Baa dedaalkay na tareen     Iyo farsamadii lagu deyrshoo

  • Lagu daabaqadshoo            Nasabkood ku duray

  • Gaalka diirka cad iyo          Afikaan dul madow oo

  • Daymuu ay ka naxaan        Baa laga door bidayoon

  • Hablihii ku daray                Gun weeyaan dabato ah

  • Ma geyaan dumarkeena      Dalka qayb kuma leh

  • Baa jiil jiil udardaarmay       Oo dariiq bay noqotay

  •  

  • Xumaantaa qof ka diira        Oo ka digiigixanaaya

  • Ay dareenkiisa dhibayso     Oo diiday maynu lahayne

  • Waa la daawanayoo           Siday diintu banaysay

  • Ayaa daw laga yeeshoo      Qiil baa loo daydayaayey

  •  

  • Afartaa dada maanso          Dulmi uu jahli keenay

  • Oo laga yeeshay dabeecad  Iyo distoor aan ku dhaqmayney

  • Daaha saw kama qaadin      Haduu deyn kugu raago

  • Iyo diyada waa la baxshaaye  Toobad yaa u diyaar ah

  •             Oo cafis doonaya maanta

  •  

  • Doqon baan kala saarin           Darib ruuxa ku sooray

  • Iyo hadhuubka ka daadshee     Madaxaa igu daaleye

  • Su,aalahan bal dayoo              Umaddan aynu dir soocnay

  • Ee xaqii daayinku siiyey          Iyo sharaftii laga diiray

  • Maxaa loo durayaayoo            Duudsiga loogu hayaa

  • Shiikh daliilka Qur,aanka         Aayadii dabakhaayoo

  • Ficilkii ku daraaya                  Cid ka daaya tiraahda

  • Wax yaqaan damqanaaya       Duq maxaynu u weyney

  • Nin door beeshu u aydo          Bulshadu daalinsanaa

  • Oo damaacisanaa                  Dabeecadeedu xumaayoo

  • Damiirkeedu yaraa                 Meeday diinti Islaamka

  • Iyo dardaarankii Nebiggeenn CSW   Sinaantay dalbayeen

  • Ma caadaan derejaynoo          Kitaabkii laga doortay

  •  

  • Iney duul naga gaara              Iyo dool shisheeye yihiin

  • Dani kii ka qaboow                Bal duunkaaga qiyaas

  • Dahrigaagiyo muuqa             Isku daawo muraayad

  • Kuwan aad ka didaysona      Dul iyo baar bal u eeg

  • Ma haysaa duwanaan           Astaan daabac u gaar ah

  • Dadka aad kaga soocdo        Dabuubtaa hadalkeena

  • Iyo qalbibigaa kala doorsan    Dibindaayo Islaan

  • Iyo dafiraada xaqiisu              Waa wuxuu degelkeena

  • Dabku uu uga qiiqayee           Ma huraanka is dooxay

  • Iyo deriskaa kala yaacay        la isu soo duwi waayey

  •  

  • Afartaa dada maanso             Dulmi uu jahli keenay

  • Oo laga yeeshay dabeecad     Iyo distoor aan ku dhaqmayney

  • Daaha saw kama qaadin         Haduu deyn kugu raago

  • Iyodiyada waa la baxshaaye    Toobad yaa u diyaar ah ?

  •                   Oo cafis doonaya maanta ?

  •  

  • Dihaalkaa hadhi waayey           Darkii uu ka bilaabmay

  • Iyo doorki uu ku sinaa              Waxa daanada keenay

  •  Ee dawgalkeedu ahaa             Iyo bulshadan aynu dir soocnay

  • Dad ciday ka yihiin                  Iyo taariikhdooda dednayd

  • Anaa diirka ka qaadi                Oo ku sameeyey daraasad

  • Oo dushaan soo dhigayaaye     Cadayntaa qofka diidan

  • Iyo kan daliil u rabaw                Dareenkaaga su,aasha

  • Ha la daahine sheeg                 Kuwan aad durkinaysee

  • Nasabkooda durayso                Dad soomaaliya weeye

  • Waxba keen iska doorin            Duudsigaynu ku hayno

  • Iyo duruuftaa kulmisee               Dir qabiil wada sheegta

  • Oo duud awoowe wadaaga         Duriyad waaxid ah ma aha

  • Abtirsiinta docdeeda                  Sida beesha direed

  • IYO hawiyaa deexda ku foofa      Digilkaa miriflaa

  • Daroodkay la mid yihiin              Inaba haybta duq gaar ah

  • Bay dungigiisa gashaayo            Dusha ay ka taqaan

  •  

  • Xadaarad aad u da,weyn             Baa dabada ay ku hayaanoo

  • Sancadaa u daliil ah                   Dawladii weeye islaamka

  • EeGuray daadihinaayey              Ragii diinta difaacey

  • Iyo waa dagaalyahano                 Nimankii diriraayey

  • Ee daacufley xabashi                  Dab iney shidato

  • Iyo deganaan uga dhaartey          Ee daribta ceedhin ku siiyey

  • Daalinkii boortaqiisku                  Markay soo dugsiyeenee

  • Daljirkii horkacaayey                   Iyo axmed ay ka dileen

  • Baa ciidankii kala daatoo             Dabin ay ku dhaceen

  • Waqeed dawlad jabtaa                 Isticmaar dibedeed

  • Iyo dilaal hoos ku nabnaa             Oo daciifkeeda sugaayey

  • Iyo dibidaabyo ma weydee             Dacaayad baa laga faafshoo

  • Ragii duubka xidhnaa                    Diktaatoorid weeye

  • Diigaanyo aan wax hambayn          Iyo diirataa lagu sheegay

  • Gumeystaa ka danbeeyee             duulaan baa lagu qaaday

  • Deyr intii lagu ooday                      Baa biyo ay dejiyaan

  • Iyo dacaamkii laga dhaarshoo         Dacdaray u dhinteen

  • Midgo waa la duwoo                       Macnihii baa laga doorshee

  • Waa mid baa naftu deysay              Oo darkaasay ku baxday

  •  

  • Afartaa dada maanso                      Dulmi uu jahli keenay

  • Oo laga yeeshay dabeecad              Iyo distoor aan ku dhaqmayney

  • Daaha saw kama qaadin                  Haduu deyn kugu raago

  • Iyo diyada waa la baxshaaye            Toobad yaa u diyaar ah?

  •                           Oo cafis doonaya maanta

  •  

  • Maansadu yey iga duuline            Hal dardaarana hooya

  • Hadaynaan isku duubni                Doc aan loo wada jeensan

  • Godobta duuge dhexdeena           Iyo walaalkeen daqarkiisa

  • Nabarka Doogta xanuunka            Dabiibkeeda la raadin

  • Bulshadan deyrka ku oodan           Takoorka aan lga deynin

  • Lana siinin daryeel                       doorka ay mudan yihiin

  • Saamaxaad ka dalban                  Dadkoo ay dhex galaan

  • Weligeen dar caleen leh                Iyo duda khayr degi mayno

  • Oo hada waynu daciifnee             Dabar go, baa xigi doona

  •                         Aan labada daarba ku seegno

  •  

  • Denbigaad qirata baa                 Dafiraada ka roone

  • Daaci shiikh culimooy                Waa inaad dacwadiina

  • Ficil aad ku dartaan                 Wixii haysta digriiyoow

  • Qalinkiina ku deeqa                  Barihii dugsigow

  • Da, yarteena hanuuni                Dhalinta duubiga xooglaay

  • Ka diqooda xumaanta                Oo ka fogaada dir sooc

  • Dumarka hooyada raaska            Ubadku ay ku daydaaney

  • Darka hoose yegleela                  Daldaloolada awda

  • Duqaydii dhaqankaay                  Waa amaano dushiin ah

  • Iyo dakano aan hadhi doonin       In badan baydin dedeene

  • Dabka naarta cadaabta              Iyo daayinkay ka cabsooda

  • Oo xaqa diirka ka qaadoo            Ku dedaala sinaan

  • Nin damiir leh dareen                  Diric geesi halyey

  • Iyo daljir daacad ahow               Isu taaga dagaal

  • Aad dar ilaah u gashaan               Hal abuurada deexdow

  • Dibnihiina furoo                           Dulmigaa ka hadla

  • Oo bulshada dawga wanaasan       Iyo u tilmaama dariiqa

  • Ana waa igu docdayda                  Caadadaa duminteeda.

  •  

WA BILLAAHI TAWFIIQ
 Osman Dahir
Tayasir7198@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com June 22, 2004

"QUURSIGU QIIL MA LEEYAHAY U.S.A 2"
Kulankii Sanad-laha ahaa ee Soomaalida Minnesota ayaa  la qaban doono July 10keeda, ogeysiiska  ka akhri halkan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD