Laascaanood maleeshiyada taabacsan maamulka majeerteeniya, ayaa shalay
barqadii weerar ku soo qaaday ciidamao uu horkacayay wasiirka horumarinta reer
miyiga Md. Fua’aad Aadan cade, oo degay goobta loo yaqaano Boholaha xor-goga,
halkaasi oo uu ka dhacay khasaare leh dhimasho iyo dhaawacba.
Sida ay xaqiijinayaan warar aanu ka helay magaalada Laascaanood, waxa
dhinaca ciidamadii taageersanaa Somaliland kaga dhintay laba askari, halka ay
saddex kalena ka dhaawacmeen.
Dhanka kale maleeshiyada majeerteeniya, waxa kaga dhintay saddex qof, halka
ay ilaa iyo afar kalena kaga dhaawacmeen, sidaasina waxa noo xaqiijiyay
maayarka magaalada Laascaanood C/risaaq Waranle oo ku sugan magaaladaasi.
Wararka aanu ka helay magaalada Laascaanood waxa ay intaasi ku dareen in
meydkii iyo dhaawacii dhinaca taageerayaasha Somaliland in la dhigay
Cusbitaalka guud ee magaaalada Laascaanood, halka meydkii iyo dhaawaicii
dhinaca Majeerteeniyana loo qaaday cusbitaalka Garoowe, iyadoo dadkana loo
diiday inay booqadaan dhawaaca iyo meydka majeerteeniya.
Afar qof oo uu ka mid yahay Chief Caaqil Xuseen Aadan Cade, oo ay walalo
yihiin wasiirka horumarinta reer miyiga JSL iyo wiil uu caaqilku dhalay, aay
maleeshiyada majeerteeniya ka dhex qabqabtay magaalada Laascaanood gudaheeda,
kuwaasi oo ay judhiiba u dhaadhiciyeen Garoowe.
Sidoo kale, waxa maleeshiyada majeerteeniya ay nin ka dishay dadweyne ku
banaan- baxay maleeshiyada majeerteeniya oo aad uga gadoodsanaa qabashada Chief
caaqilka iyo saddexdii kale, kuwaasi oo shalay gelinkii dambe oo dhan ku dhagax
tuurayay magaalada gudaheeda.
Dhalinyarada u aar-gudaysay ninka mid ahaa dadka banaan baxa sameeyay ee ay
sidaku tallo galka ah u toogteen maleeshiyada majeerteeniya,
Ayaa xalay fiidkii tacshiirada la helay laba maleeshiyada majeerteeniya ka
tirsan oo saarnaa gaadhi qori saran yahay, kuwaasi oo judhiiba ku qudh baxay
gaadhiga dushiisa.
Waxaa sida wararka aanu xalay ka helay dad jooga Laascaanood ay
xaqiijijnayaan xaaladda magaalada Laascaanood in ay aad u kacasanayd xalay,
iyadoo shacbiga degmadaasi ay is hubeeyeen, waxaana maleeshiyada majeerteeniya
ay magaaladaasi ku soo rogeen bandoo, isla xalay fiidkiiba.
Dhinaca kale waxa warar aanu xalay ka helay gobolka snag ay sheegayaan in
maleeshiyo ku hubaysan toddobo gaadhi oo ikniko ah ay ka soo gudbeen xadka u
dhexeeya majeerteeniya iyo gobolka sanaag, kuwaasi oo u soo dhaqaaqay gudaha
hore ee gobolkaasi.
Ciidan beeleed kale oo iyagu hore looga ururiyay deegaanka bariga sanaag, oo
ku sugnaa magaalada badha, ayaa iyaguna la sheegay in halkaasi uga soo
ruqaansadeen dhinaca galbeedka gobolka sanaag, hase yeeshee wararku weli ma
xaqiijin halka ay labadaasi ciidan ku dambeeyeen.
Abdifatah Hassan Adan
Hargeysa
cabdifataax_96@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk Jan 10, 2003
QORAALADII HORE EE ABDIFATAX XASSAN