SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 "C/waaxid" oo laga cayriyay Laascaanood

Faarax Maxamed  faaraxmuxamed@hotmail.com

Bismilaahi raxmaani raxiim.........

salaamau caleykum
In Fu,aad Aadan cadde laga saaray Laascaanood maahayn wax aad uwayn oo laga dhigo war haddii saxaafada somalidu ay ahaan lahayd mid heerkeeedu inta uu haatan yahay kasareeya laakiin nasiib daro dhibka bulashadda haysta baa meelkasta saameeyay oo keenay in waxan war ahayn war laga dhigo qof aan waba ahayn wax laga dhigo sidaa Fu,aad mid aan war iyo xog haynna sidda C/waaxid khaliifna laga dhigo nin wax og.

Hadaba waxaan maqaalkaan ugu talagay ayaa waxay tahay inaan bal is baarbra dhigno labasad nin oo bal eegno waxyaabaha ay isag midka yihin.

Fuu,aad Aadan Cadde waxaa afkiisa laga hayaa aflagaado iyo kabeen abuurasho isimo reer sool ah.
Isagoo yiri "garaadada iyo waxgaradka reer sool ayaa rabba somaliland"
Cabdulwaaxidna waxaan in badan netka ka aragnay isagoo been iyo nabsho kasheegaya isimadda gobolkaas.,
c//waaxid oo kaxun doorka ay isimadda reer sool kaqaateen Puntland jiritaankeeda waxaa uu netka kuqoray oo yiri "garaaddada reer sool iyagaa cabdulaahi shafka u garaacay oo u keenay ciidamo... mowduuc dhan buuna arinkaas kaga hadlaayay isagoo kadhigay in isimadda reer sool ay cabdlaahi u sheqeeyaan.

Waxa kale oo ay isaga eg yihiin kabeensheega wadciga dhabta ah ee kajira iyo ra'yiga guud ee reer puntland.
Ina Aadan Cade wuxuu sheegay in Puntland ay tahay meel ay leeyihiin qabiilka Maxamed Harti (Majeerteenku).
halka Cabdulwaaxidna uu netka kusoo qoraa in Puntland tahay meel ay majeerteen leeyihiin. isagoon keenin qiil sax ah oo la taabn karo.

Jeclaanshaha ama rabitaanka jabka iyo dhibka reer Puntland
Fu,aad wuxuu kuhanjabaaayay inuu ciidankeenayo oo uu Puntland qaarkeed qabsanayo.
Cabdulaawaxidna dagaalku wuxuu lagaaray inuu soo qoro.. Reer puntland ma iska celin karaan "Somaliland".. isagoo magacabay madaxweynayasha labada maamul.

hadaba maxaa ku kalifay inuu qof kabeen sheego ama lugooyo lajeclaysto dhulkiisa iyo dadkiisa.

Haddaan kuhorayno labadooda kan somalia jooga..
Ina Aadan Cadde waxaa uu mushaarkiisa kaqaaata Hargaysa lagana siiyay jago wuxuuna.

Runtiina labadaas arimood oo kaliya maahan baan anigu qabaa waayo jago wuu kaciriirsankaraa reer sool dhexdooda waayo aabihiis wuxuu ahaa nin ciso iyo sharaf badan looga hayo Laascaanood iyo agagarkeeda.. waxaaa uu ahaa nin walalihiis tiro badan kuwaayay daalkii SNM-ta iyadoo waliba qaarkood ladilay iyagoo tukanaaya taas oo u sahli kartay inuu helo shacbiyad badan.
laakiin fu'aad waxaa jiray laakiin qofka insaanka ahi waxa jira waxyaabo badan oo uu kajecelyahay intaas odhan o ah MAGAC....

Fu.aad waxaa uu jeclaan lahaa inuu reerka dhinac kale u kexeeyo oo uu tariikhda meel kagalo in layiraahdo Fu,aad wuxuu ahaa nin u soo halgamay "Somaliland" ninkii dhulbahante soo xerogaliyay.. ninkii burbriyay xuduudii calidhuux iyo sayidka iyo Ina cali shire oo kawadda dhigay xuduudii Ingriis.

Cabdulwaaxid isagu wuxuu jeclaan lahaa sidaan kadareemayno maqaaldiisa inuu kasbado jacaylka somalidda (Reer Puntland maahee). waayo 100% "maqaaladiisa" ama "mala-awaaldiisu" waxay kahadlaan oo kaliya puntland 98% malahan meelo loo tixraaco waxyaabaha uu kaqoro ama dhacdooyinka uu kahadlo. marar aan waydiiyay oo iri C/waaxid xagee kakeentay arintaas waxa kaliya oo uu iigu jawaabay waa "ilolagu kalsonyahay".
Ilah lagu kalsoonyahay waa dad aan gaalkacyo iyo laascaano jooga oo u fakara sida fu,aad aadan cadde
Hadaba labadaas nin waxaa jawaab sax ah siiyay REER LAASCAANOOD oo somalida tusay inaysan macquula ahayn in shacab dhan laga been sheego hadday dhacdona inay mar uun ceeb iyo fadeexo kudhamandoonto sidda Fu'aad.

Hadii Cabdulaawwaxid tagilahaa magaalada ay reerkaan aniga iyo isaguba kadhalanayn uu latagilahaa waxyaabaha uu netka netka ku sooqoro ama u oranlahaa waxan hubaa in sidda Fu;aad aadan cadde laga cayrin lahaa.

Faarax Maxamed  faaraxmuxamed@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 9, 2003 

 Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD