SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Feb 9, 2004  

War-1-09-Febraayo,04,Nairobi.
Kalonzo Musyoka oo Talaadada la kulmi Doona Hoggaamiyayaashii diidey Saxiixa heshiiskii 29-Janaayo.....

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Wasiirka wasaarada Arrimaha Dibada dalka Kenya Kalonzo Musyoka ayaa lagu wadaa in uu beri ka dhaadhiciyo hogaamiyayaasha Soomaalida qaarkood oo diidey saxiixa heshiiska 29-janaayo ee Hogaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta Soomaalida ku saxiixeen Guriga Madaxtooyada Kenya ee STATE House-ka magaalada Nairobi.

Hogaamiyayaasha SRRC-da ayaa diidey heshiiskaasi oo ku doodey in qoddobadan la hoos mariyey ,qoddobada ayaa kala ah :-

1-in ayan jirin hogaamiyayaal Soomaaliyeed oo meel wada fariistay oo kawada hadley saxiixa Heshiiska.

2-Qoraalada ayaa ayaan hal goob looga hadlin ee Gooni Gooni Kooxaha ku shirayey Safari Park loogu geeyey loogana saxiixey gooni gooni, oo SRRC-da tuhunsan tahay in ay qoraaladaasi kala duwanaayeen.

3-Cabdiqasim ayaa la isku ogaa in uu saxiixi heshiiska ,halka goobjooge ahaan uu u saxiixay sida Maxadweynaha Dalka Kenya Mwai Kibaki, Maxamed Cabdi yuusuf ayaa ku saxiixay magaca DKMG.

4-Qoraalada lagu saxiixay Guriga Maxadtooyada ee STATE HOUSE-ka ayaa markaasi laga qaadan oo maalin kadib na loo keenay, haddii uu heshiiska caalami yahay waxaa loo baahnaa in goobta lagu saxiixay qof waliba nuqulkiisa halkaasi ku qaato.

5-waxaa la isku ogaa 24-hogaamiye iyo cabdiqaasim ,halkee ka yimaadeen 14-kale.

IGAD iyo Beesha Caalamka ayaa saxiixa heshiiska 29-ka dib shirar joogta wada yeelanaya iyagoo ka doodaya qoddobada ay sheegteen Kooxda SRRC iyo sidii looga dhaadhicin lahaa.

Wasiirka arrimaha dibada ee kenya muddane Kalonzo Musyoka ayaa maalmo ka hor shir jaraa'id ku sheegay in heshiiska qofkii ka laabtaa loo aqoonsanayo NABAD-DIID, isagoo waliba sheegay in goaankan heshiiskaasi uu yahay mid kama danbeys ah oo ay wadajir u gaarenn IGAD iyo beesha Caalamka oo socodka iyo hogaaminta shirka soomaalida soo waday ilaa 15-kii Oktoober,2002.

WARARKII HORE EE SHIRKA NAIROBI

dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2004 

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD