SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 8, 2004

AL- Islaax waa indhaha Soomaaliya.
Mohamed Haji
radioraaso@yahoo.com
Denmark.

Naqdinta Ururada Islaamiga Ah: Talo
Siciid Cali Axmed

AL-ISLAAX WAA URUR DIIN IYO ADUUNYO
maxamed axmed c/hi goosaar 

» ISLAAX: Ma Ururur Diineedbaa mase mid Daneed!!!
Axmed Cabdi Shire

Sh.Nuur Baaruud (Al-Islaax) vs Maxamed Dheere?
Abdisaid Musse Ali-Koor 

Run ahaantii waxaa muhim ah in dad isku dhaqan ah ay is waydaarsadaan fikrado ama dad aan isku dhaqan ahayn isla markaana waxa ay ka wada ahdalyaan ay noqdaan waxyaabo ku salaysan xaqiiqda.

Intaas kadib waxaan ka akhriyay somalitalk fikrad uu dhiibay walaalkay Cali-Koor uu kaga hadlayo al islaax iyo dhacdooyinkeeda soomaaliya, runtii qof walba waa u madax banaanyahay fikirkiisa sidaas daraadeed waxaan anigana jeclahay in aan arintaas wax ka iraahdo.

Soomaaliya waxaa ka dhacay dagaal sokeeye oo soconaya ilaa hadda waxaana dalka ka muuqda bur bur dhinacyo badan isugu jira oo soomaalida ay ku keceen isla markaana waxaa jira dadaalo badan oo soomaalidu ay ku dhaqaaqeen.

Tusaale ahaan Ururka al islaax waxaa dad badan ay ku amaanaan dadaalka uu ka gaystay tacliinta soomaaliya iyo in uu dhiso aqoonta dhalinyarta soomaaliyeed ee jecel in ay ka bad baadaan duufaanta qabiil ee dalka.

Al Islaax waxaa khayr allha siiyee ay u istaageen in ay umadda kala bad baadiyaan oo shirar badan ay qabtaan ilaa haddana la oran karo waxaa ay ka dhex muuqdaan siyaasadda iyagoo u wajahay qaab cilmi ku dhisan oo aan ahayn jaahiliyad cid walbana waa ay ku qanci kartaa marka ay xaqiiqda aragto.

waxaan tusaale usoo qaadanayaa in maanta hogaamiyayaasha kooxaha ee muqdisho ay saaxiib la yihiin al islaax iyadoo Dr Dusuuqi iyo Muuse suudi maanta ay heshiis ku yihiin arimaha nabada oo isku fikir ay ka qabaan markii xaajigu uu itoobiyaanka raacsanaana uu dagaal kula jiray.

Dr Cali Sheekh axmed waxaa uu ku mashquulsanyahay hormarinta shacabka soomaaliyaeed iyo tacliinta oo waxaa lagu garan karaa in uu furay iskuulo badan oo duhsiyo hoose ah iyo jaamacadda muqdisho oo runtii xiriir caalami ah la wadaagta jaamacadaha aduunka.

Guud ahaan masuuliyiinta kale sida cali baashe ama baadiyoow waxaa ay qabtaan waxyaabo la taaban karo guud ahaan markaa waxaa muhim ah in arintan aan laga dhigin qabiil iyo dhaqaale raadis waxaa ay mudanyihiin in loo mahadceliyo.

waxaa kaloo iyadana wax qabadka qayb wayn ka qaata saxaafadda soomaaliyeed sida BBCda iyo Hornafrik oo aad uga hadlay wax qabadka DR Cali sheekh axmed iyo Aqoonyahanada kale.

Waxaa nasiib daro ah in soomaali badan maanta ay cadaw la yihiin dadka fidonaya dacwada iyo aqoonta oo ay leeyihiin waa taqliiq waa al islaax waa al itixaad iyagoo ku qaraabanaya ama isleh waxaad ku helaysaan magac.

magacu wuxuu ku yimaadaa shaqo iyo hawl ee kuma yimaado in dadka laga been sheegto ee soomaaliyay cidii wax qabata aan u mahad celino hadii kale oo ninwalba la caayo maxaa inoo dan ah, hogaamiyayaasha soomaalida ninkii wanaaga sameeya waa qab qablayaashee waa in loo mahadceliyaa.

Waad ku mahadsantihiin soo daabicitaankiina fikradaha soomaalida.

Mohamed Haji
Denmark.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

<><><>

Al-Islaax iyo dhacdooyin dhacay Guji...

Faafin: SomaliTalk.com | April 8, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD