SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 4, 2004
Sh.Nuur Baaruud (Al-Islaax) vs Maxamed Dheere?

Abdisaid Musse Ali-Koor 
aabdisaid@hotmail.com

 

Haddii ay runtahay hadalka kasoo yeeray Sh.Nuur Baaruud ee uu ku cambaareeyey mamnuucidda Indha-shareerka ee Maxamed Dheere, sidoo kalena uu wali sheekhu kamid yahay Xarakada Al-Islaax miyeysan ahayn cidda uga horeysay inay ka horyimaadaan Indha-shareerka, oo ay ugu yeeri jireen 'ninja'...

Midda kale miyeysan ahayn Al-Islaax kuwii diidi jiray in la xirto maryaha nimanka Sacuudiga ay jiidi jireen ee soomaaliya looga yaqaan Jalbaabka?

Maxaa khaldan marka?

Marka hore ma rabno inaan kusoo darno ragga kale ee culimo isku sheega ah, ee ay isku hayaan Maxamed Dheere dhinaca Qabiilka sida ragga ku shiray Shiirkole ee leh Maxamed Dheere wuxuu la midyahay Chirac, Zenawi, iwm..

 Jawaab: Abdulwaaxid Khaliif “JABALJAAN”[Suufi]

Alhu-Sun Wal-Jabaljaan c/waxid

Culumaa’udiinka Somaliyeed oo ku kala qayb san Jawaabta M. Dheere

Maxamed Dheere vs Xijaabka
»Maxkamadaha Islaamiga ah oo Qoraal Ka Soo Saaray Mamnuuciddii Indho-Shareerka ee Maxamed Dheere
»Indhacade: Waxaan Weerar Ku Qaadi Doonaa Jawhar
»Mowliid: Maxamed Dheere Biliqo iyo wartabin shisheeye
»Xalmo: Maxamed Dheere Allah ha u Toobad keeno
»Masaajidda: cambaarayn Go’aankii Xijaabka mamnuuca
»DMG oo Cambaaraysay Maxamed Dheere Mamnuucidiisii Xijaaba

Dhammaan ka akhri halkan.. Guji...

Laakiinse, aan ku ekaano qolyahan uga horeeyey Maxamed Dheere la dagaalanka 'Jalbaabka + ninjaha' ee Al-Islaax, maadaama Al-Islaax ka mid noqotay Kooxda Carta, ayna yihiin xubnaha ugu muhiimsan ee dhinac walba ka taageera kooxda Carta, Maxamad Dheerena yahay dadkii ugu horeeyey ee ka baxa Kooxda Carta ma waan la dhihi karin, sheekadu ka weyn Indha-shareerka?

Maxamad Dheere wuxuu mamnuucay qofwalba waa maqlay 'Qof aan wajigiisa la arki karin inuu magaalada dhexmaro'....Taas haddii ay noqotay wuxuu mamnuucay Xijaabka!...Waa in naloo sheegaa Xijaabka kooxdee buu mamnuucay?

Waxaa nasiib darro ah, in ayadoo maanta Xamar dadkii lagu laynayo, hantidii dadka lagu haysto, masaakiintii lagu gumaysto, dilkii uu caadi ka yahay ay culimo isku sheegu ka hadlaan mas'alo khilaafi ah oo hadday jirto in dad aaminsanyihiin inay ka midtahay xijaabka ay tahay koox aad u yar!

Al-Islaax haddii ay ku adkaystaan mowqifkaas ah difaacidda qadiyadda kooxda u baratay dhaca, iyo boobka soomaalida, waxaad ogaataan inay tahay dagaal toos ah, oo aad la gasheen ummadda soomaalida taariikhdiinana meel xun bay ku dhamaanaysaa!
 

Shiikh Nuur Baaruud, hadduu run sheegayo wuxuu ka hadli lahaa Beerta uu ardaygiisa C/qaasim Salaad Boy uu $1 Million (usd) ku gatay ee uu ka gatay Maxamed Sh. Cusmaan (afgooye), halka gurigiisa hortiisa masaakiintii ku dhimanayso....!

Maqaalada dambe, waxaan uga hadli doonaa nolosha madaxda Al-Islaax, culimadooda, siyaasadooda, meesha dakhliga ka helaan, dadkay ku xiranyihiin iyo waxqabadkooda......
Ka akhri halkan qaybta 2aad...

Abdisaid Musse Ali-Koor 
aabdisaid@hotmail.com

<><><>

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD