WARARKA:
BOOSAASO |
HARGEYSA |
MUQDISHO |
NAIROBI |
QURBAHA |
XORIYO
April 5, 2004
- SAFARKA CABDULLAAHI YUUSUF EE DUBAI
- COL. C/LAAHI YUUSUF OO DEG-DEG
LOOLA CARARAY DALKA IMAARAADKA CARABTA
Safarka C/Laahi Yuusuf ee Dubai
Waxaa maanta ka kaduulay garoonka
dayuuradaha ee magaalada Boosaaso Madaxweynaha DGPL Cabdulaahi Yuusuf Axmed
oo u kicitimay Dalkaa Emaaraatka Carabta Dubai, sida wararka ay sheegayaan
ayaa wuxuu Madaxweynaha socdaalkiisaa ku saabsan yahay Caafimaadkiisa awgiis.
Madaxweynaha ayaa intuu uusan ka Duulin
garoonka uu Shir Albaabada u xiranyihiin la Galay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo
Amniga DGPL Axmed Cabdi Xaabade, Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horamarinta
Reer Miyiga Cali Cabdi Awaare, General Cade Muuse iyo Madaxkale oo Kamida
Maamulka DGPL .
Madaxweynaha ayaa ugu horeentii uu Bosaso
yimi shirar kala duwan la Galay Madaxda iyo Hogaamiye yaal ka socda Bulshada
Reer Puntland Gaar ahaan Gobolka Bari, waxaase uu ka cudur daartay kulamada
Badan, Dad xogogaala oo kulamadaa ku jiray ayaa noo sheegay Madaxweynaha uu
xanuunsanayo taasna ay kaliftay in uu ka Cudurdaarto Kulamadaa isdaba Jooga
ahaa ee Baaqday, kulamadaa oo odoyaal Beelaha Qaarkood ka mida ay noo
sheegeen ayaa waxaa u badnaa Dacwooyin ay soo jeedinayaan Beelaha oo ay ku
dacweeynayaan Madax maamulka ka mida halka Qaar kalana ay ka Dhan ka yihiin
Beelaha dacwoonaya .
Madaxweynaha DGPL ayaa shaqadii yareeyay
intuu ku sugnaa Magaalada Bosaso Xanuun ku soo saa,iday Owgeed, wararka ayaa
intaa ku daraya inuu madaxweynaha ka raagay Baaris caafimidaad uu ku tagi
jiray Dalkaa Ingriska kadib markuu ku raagay Madasha Shirka Nabadaynta
Soomaalaiyeed Kenya, ilo ku dhawdhaw oo aan wax ka waydiinay Caafimaadka
Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay in ay sahlantahay oo uu Madaxweynahu u baahan
yahay Baristii Cafimaadka ee uu Mari jiray.
Madaxweynaha ayaan la sheegin Xiliga uu ku
soo noqon doono Dalka iyo in uu u sii gudbi Doono Halka ay ka socoto Madasha
Nabadaynta Soomaaliyeed ee Kenya.
SOOMAAL PHOTOGRAPHIC AND PUBLISHING CENTER
SOMALIA
Bosaso, Puntland, Somalia
Cabdifataax Jaamac Mire.
Somalitalkpl@yahoo.com
<><><>
COL. C/LLAAHI YUUSUF AXMED OO DEG-DEG
LOOLA CARARAY DALKA IMAARAADKA CARABTA
C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa saakay loola
cararay Isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu xalay
ku soo booday xanuun.
Col. C/llaahi Yuusuf oo dhowaan dib ugu soo
laabtay magaallada Boosaaso ee maamul goboleedka Putland ayaa xanuunkiisa
waxaa ka soo baxaya warar kala duwan, qaar waxa ay sheegayaan in uu bararay
beerka, warar kale ayaa iyaguna sheegaya in laga qabtay Gows.
Col. C/llaahi Yuusuf waxaa beerka laga
beddelay sanadkii 1996-kii, wixii intaa ka dambeeyeyna marka laga qabto
Beerka waxa uu si toos ah ula xiriiri jirey ama uu tegi jirey wadanka
Ingiriiska, halkaas oo ahayd halkii looga beddelay Beerka. C/llaahi Yuusuf
waxaa garoonka Dalka Imaaraadka Carabta ku sugaya Wasiirkiisa Maaliyadda C/raxmaan
Faroole iyo ganacsato kale oo ka soo jeedda Maamul Goboleedka Putland,
waxayna wararka kale sheegayaan in C/llaahi Yuusuf laga yaabo in loo gudbiyo
dalka Ingiriiska, iyadoo dadweynaha ku nool maamul goboleedka Putland-na ay
wal-wal ka muujiyeen xanuunka ku soo booday Col. C/llaahi Yuusuf, isagoo
maalmahaan ku howlanaa sidii uu u dhameyn lahaa khilaafyo ka dhex jirey
Golihiisa Wasiirrada iyo Agaasimeyaashiisa, gaar ahaan kuwa dekedda Boosaaso.
Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka
Putland Maxamed Cabdi Xaashi oo haatan sii haya jagada Col. C/llaahi ayaa
waxa uu u rajeeyey caafimaad, isagoo sheegay in marka uu soo caafimaado uu
booqan doono magaallada Laas-caanood ee Gobolka Sool, iyadoo magaalladaasina
ay tahay magaallo ay isku heysteen maamullada Putland iyo Somaliland, haddaba
wixii ku soo kordha xaaladda caafimaad ee Col. C/llaahi Yuusuf dib ayaan
idinkala soo socodsiin doonnaa hadduu EEBBE idmo.
Amiin Yuusuf Khasaaro
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
amiinkhasaaro@gawab.com
amiinkhasaaro@yahoo.com
WARARKA
KALE EE MAANTA...
Faafin: SomaliTalk.com | April 5, 2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|