SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 5, 2004

Waa Wararkii Maanta: April-5 Isniin

  • Waanwaan laga dhexwado Dhinacyadii Ku dagaalamay Barmuuda
  • Dadaallo la doonayo in dib loogu uruuriyo Ciidankii Xooga Dalka
  • Haweenka Soomaaliyeed oo tafaxayteen daboolida Baahidda dhaqaale ee Qoysaska
  • Roobkii xilliga Gu’ga oo ka da'ay meelo kamid ah Soomaaliya,
  • Beenin war lagu qoray Wargayska Muqdisho ka soo baxa Qaarkood,
  • Khilaaf soo dhex galay Col C/laahi Yuusuf iyo Xaaji Bakiin).

 W/Q.Cabdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Waan waantii laga dhex waday dhinacyadii ku dagaallamayay maalmihii la soo dhaafay Xaafadda Siigaale ee Degaanka Barmuudo ayaa laga gaaray horamar, sida laga soo xigtay Guddigii labada dhinac dhex dhexaadinta ka dhex waday.

Waxgarad ka tirsan labada dhinac iyo mas'uuliyiin ka tirsan Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya, ayaa dadaal ay labada dhinac ugu kala dab qaadayeen waxay ka gaareen horumar la taaban karo, Waxayna shalay iyo maanta ahayd Barmuudo goob daggan oo aysan wax dagaallo ah ka socon.

Mas'uuliyiin ka tirsan Dawladda Ku Meel Gaarka ah oo ay la socdaan Odayaal dhaqameedyo iyo Culumaa'udiin ayaa shalay socod Nabadeed ku soo maray Deegaannaddii ay ku dagaallameen Labada Maleeshiyo, Waxayna ku guulaysteen inay labada dhinac ka dhaadhiciyaan inay sameeyaan Rasaas Joojin dabeetana la isugu yimaado Miiska Wadahadalka.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, C/qaadir Madaxeey oo la hadlay STN ayaa sheegay in lagu guulaystay Xabbad Joojintii la kala dhex dhigay Labada Dhinac, Wuxuuna sheegay in hadda wixii ka dambeeya laga wada hadli doono sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinkii ka dhashay Dagaalkii Barmuudo.

Dagaalka Barmuudo oo saamayn ku yeeshay qaybo badan oo Muqdisho ka tirsan ayaa ka dhashay Muran dhinaca Biyo Galinta ah oo u dhaxeeyay Labo Shirkadood oo mid kastaa ay ku doodayso inay iyadu xaq u leedahay inay deegaankaasi ka samayso Mashruuc biyo Galin ah.

<><><>

Dadaallo la doonayo in dib loogu uruuriyo Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed

Dadaallo la doonayo in dib loogu uruuriyo Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka socda qaybo ka mida Magaaladda Muqdisho. Dood Cilmiyeed ay dhawaan ku yeeshee Muqdisho saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa ugu dambayntii waxay ra'yi uruurin ay dhexdooda ka sameeyeen isku raaceen in la diiwaan galiyo Ciidankii Xoogga intooda dalka ku sugan, waxaana loo xilsaaray hawshaasi Guddi saraakiil ah oo ka tirsanaan jiray Milatarigii hore ee Somalia.

Janaral Badmaceeye oo ka mid ah Guddigaasi ayaa sheegay in qorshahooda Wajigiisii hore ay ugu tala galeen inay diiwaan galiyaan 10,000 Askari si ay qayb uga qaataan suggidda Ammaanka Qaranka, Wuxuuna Janaraalku sheegay inaysan aqbali karin in hawshii muddo dheer loo soo diyaarinayay oo ay ku baxday Miisaaniyadda badan in xilligan ay dayacaan, Isagoo si gaar ah u tilmaamay in loo diyaariyay Suggidda Ammaanka Qaranka sidaas darteedna ay qorshaynayaan inay tallaabadda ugu horaysa noqoto Suggidda Ammaanka Xuduudaha Soomaaliya oo dayacnaa 14 sano.

Mar aan waydiinay Badmaceeyo cidda bixinaysa Miisaaniyadda dhaqaale ee ku baxaysa hawshaasi, waxa uu sheegay inaysan ahmiyaddu ahayn in lacag la helo ee ay tahay in Qaranka Soomaaliyeed loo shaqeeyo, taas oo haddii ay ciidanku ka dhabeeyaan noqonaysa isxilqaan iyo samafal wanaagsan oo shacabkooduna ku mahadin doono iyana ay kaga bixi doonaan mustaqbalka busaaradda iyo bahdilnaanta haatan haysata.

Hawshan dib loogu uruurinayo Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa timid xilli ay soo dhawdahay Sannadguuradii 44aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ku beegan 12ka bishan, Waxaana ay Saraakiisha Milatariga Somalia sheegeen inay sannadkan samayn doonaan Dhoolatus Milatari oo ay ugu tala galeen inay ku muujiyaan Awoodooda Ciidan.

<><><>

Haweenka Soomaaliyeed oo tafaxayteen daboolida Baahidda dhaqaale ee Qoysaska

Iyadoo ay Soomaaliya ka jiraan Duruufo dhaqaale oo baahsan ayeey Haweenka Soomaaliyeed u tafaxayteen inay daboolaan Baahidda dhaqaale ee Qoysaska Soomaaliyeed.

Haween badan oo Soomaaliyeed ayaa aroortii u soo kallaha Suuqyada waawayn ee dalka si ay u raadiyaan Nolol maalmeedka Qoysaskooda, Waxaana ay haweenku abuureen Xilligan adag Fursado shaqo oo qaarkood ay haweenku dhibaato kala kulmaan.

Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu wayn Soomaaliya ayaa waxaa qiyaas la sameeyay lagu ogaaday in dadka ku ganacsada ay boqolkiiba 70 yihiin Haween, Waxaana haweenkaasi ay inta badan iibiyaan dharka, Bagaashka, iyo waxyaabaha kale ee ay dadku u baahan yihiin, Laakiin waxaa jira haween kale oo iyaguna ku shaqaysta Ganacsiga Waratada loo yaqaan kaas oo ah nooc jidadka lagu gado alaabooyin kala duwan.

Shaqooyinka ay haweenku xilligan adag qabtaan waxaa ka mida Xamaaliga oo aan horay looga baran Haweenka, waxaana lagu arkaa suuqa Bakaaraha Haween wata Dambiilo isla markaana dadka alaabaha gata ugu qaada lacago yar, iyadoo mararka qaarkood ay haweenkaasi dhibaato kala kulmaan ragga ay isku xirfadda yihiin ee suuqa la jooga oo aan jeclayn inay haweenku kula shaqaystaan Xirfadda Garabraratada.

Makaay Nuur Cali oo ka mid ah Haweenka Muruq Maalka ah ee Dhabarkooda uga xamaasha Suuqa Bakaaraha ayaa ku calaacashay inaysan xamili karin shaqada ay qabato laakiin ay ku kallifeen duruufaha adag ee uu waqtigu baray, Waxayna sheegtay in Mararka qaarkood ay jirdil u gaystaan dadka ay alaabaha u qaaddo marka ay ka dalbato inay siiyaan Lacagtii ay Xaqqa u lahayd.

Haween kale ayaa iyaguna ka ganacsada Qaadka oo ah maandooriye si wayn looga isticmaalo Somalia, Waxayna Haweenkaasi laftigoodu ka cabanayaan Dhibaatooyin la mid ah kuwo ay sheeganayso Makaay.

Nafiso Nuur Axmed oo Qaad ku iibisa mid ka mida Waddooyinka waawayn ee Muqdisho ayaa sheegtay inay ku jirto Ganacsi Qatar badan, Waxayna sheegtay in marar badan lagu rasaaseeyay Suuqa ay Jaadka ka gaddo, isla markaan ay nafteedu halis ka soo gaarto, Waxayna sheegtay inay wali soo gocanayso Dhaawac Saddex Sano ka soo gaaray Qaadka kadib markii maleeshiyo doonaysay inay qaad dhacdo ay rasaas ku fureen suuqa ay jaadka ku iibiso,

Haweenka ayaa qaar iyagoo hantidooda laga dhacayo ku fara adaygaya qudha looga jaraa, sida haatan ka horba gabar ilmo la dhashay ku korinaysa waxa ay qaadka ka hesho, gaarigii dadweynaha ay saarnayd iinta lagala soo degay, la damcay in qaadkii laga xoogo iyadana ay ku fara adaygtay taasoo keentay in iyadoo dadku wada arkayaan in bartii madaxa looga toogto qaadkiina laga qaato iyadoo mayd ah.

Kuwa dhabarkooda ku xamaasha ee lagu inkirayo lacagta mararka qaar ayaa waxaa ku jira kuwa uur leh oo loor sokor ah ama kiintaal intay dushooda bakaare kaga soo qaadaan ku geeya xaafado fogfog, taasoo dilan u keenta mararka qaar iyadoo laga yaabo in cid ka naxyasaa aysan jirin kii qabay iyo kan ku xamaalanayaba.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa waqtigan adag waxay magan u noqdeen duruufo adag oo Qatar galiyay noloshooda, Waxaana Sanad kasta Kooxaha u dooda Xuquuqda Haweenku ay diiwaan galiyeen Xad udubyo Kumannan kor u dhaafaya oo loo gaysto Haweenka Soomaaliye

W/Q.Cabdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

<><><>

Waa wararkii: April-4 Axad

Qaar ka mida Wariyayaasha Wax ku qora Internet-ka ee Magaaladda Muqdisho ayaa beeniyay war lagu qoray Wargayska Muqdisho ka soo baxa Qaarkood,

Shir ay Maanta ku Yeesheen Dhismaha Al-Khaleej ee Muqdisho inka badan 20 suxufi oo wax ku qora Bogagga Internet-ka ee Soomaalida ayaa gababadiisii qoraal laga soo saaray waxaa lagu sheegay inaysan waxba ka jirin war ku soo baxay Wargaysyadda Madaxa Banaan oo looga been abuurtay Magacyadooda dabeetana lagu dhaliilay Laanta Soomaaliga ee BBC-da iyo Wariye ay waraysi la yeelatay dhawaan,

Wariyayaashan waxay ku tilmaameen wax lala yaabo in iyada oo aan lagala tashan Magacyadooda iyo hay’adaha warbaahineed ee ay u shaqeeyaan loo adeegsado in lagu weeraro Shaqsi ka mida Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo hay’adda uu ka tirsan yahay, Waxayna ugu baaqeen dadka ay isaga qaldantay Mihnadda Saxaafadda iyo cadawtinimadda shaqsiyadeed in haddii ay wax eedaynayaan ay u isticmaalaan Magacyadooda Laakiin aysan ka been abuurin Suxufiyiinta Sumcadda ku dhex leh Bulshadda,

Qoraalkan ayeey sidoo kale Suxufiyiintan ku sheegeen inay horay sidan oo kale looga been abuurtay laakiin ay uga gaabsadeen inay ka jawaabeen kadib markii ay ka xishoodeen in Bulshadda loo bandhigo is jiid u eg inuu dhaxeeyo suxufiyiinta, Laakiin waxay sheegeen in la soo gaaray Xilligii uu ka dhamaaday Dulqaadku isla markaana ay naqdin lahaayeen qoraaladda looga been abuurto,

Saxaafaddu waa Mihnad cilmiyaysan oo Theory iyo Practical-ba leh isla markaana ay waajib tahay in la maro Shuruucda Sources of News marka la soo xiganaya war, sidoo kalana ay waajib tahay in qofka la waydiiyo Xuquuqda ah in magiciisa la isticmaali karo ka hor inta aan saxaafaddu lagu soo bandhigin, laakiin ma ahan in inta qol Madoow oo Bakaaro ku dhex yaala Magacyo Suxufiyiin lagu qoro dabeetanna loo qaybiyo qaybaha Warbaahinta,

Qoraalkan ayaa waxaa ka mid ahaa Suxufiyiintii ku saxiixnaa, C/wali Ibraahim Aadan Garyare, Maxamed Xasan Feynuus, C/casiis Maxamuud Guuleed “Afrika”, Fuaad Maxamed Cilmi, iyo Suxufiyiin kale oo Caan ah isla markaana wax ku qora Bogaga Internet-ka,

Qoraalkan ayaa daba jooga qoraal saaka ku soo baxay Wargaysyadda Muqdisho oo lagu sheegay in Cumar Faaruuq oo ay waraysi la yeelatay BBC-da uusan ahayn Suxufi isla markaana ku hadli Karin Magaca Suxufiyiinta wax ku qora Internet-ka, iyadoo la ogyahay in Cumar Faaruuq uu ka tirsan yahay Bogga Ruunkunet,

<><><>

Gobaladda Somali Land, Nugaal, Mudug Hiiraan iyo kuwo kale ayaa lagu soo waramayaa inuu ka da’ay Roobkii xilliga Gu’ga,

Magaaladda Hargaysa ee Caasimadda u ah Maamulka la magac baxay Somali Land ayaa saaka ilaa iyo galabtay waxaa ka da’ayay Roobabkii gu’ga, waxaana lagu soo waramayaa inay ku diirsadeen dadka Hargayso Raxmadda Eebe ee Cirka uga soo hoortay,

Gobalka Hiiraan oo dhaca Bartamaha Somalia ayaa ka mida meelaha ay Roobabku ka da’een Rooba, Waxaana roobabkaasi ay ka socdeen deegaanadda Gobalka Hiiraan shalay illaa iyo xalay, iyadoo ay dadku billaabeen inay ka dhaansadaan Xeraada Roobka Baliyadda ay biyuhu galeen,

Deegaano kale oo ka tirsan Gobaladda Mudug iyo Nugaal ayaa iyagana lagu soo waramayaa inay ka da’een Roobabkii gu’ga, waxaana roobabkan ay wax wayn ka tari doonaan abaaraha xoogan ee ka jira Meelo kala duwan oo Somalia ka mida.

Somalia ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka jiray Abaaro xoogan oo saamayn ku yeeshay Nolosha dadka iyo duunyadda ku dhaqan Somalia, Waxaana abaarahaasi ay keeneen in meelaha qaarkood ay ka hayaameen Dadkii iyo duunyadii ku noolaa kadib markii ay waayeen baad iyo biyo ay iyaga iyo xoolahooduba ku noolaan karaan,

<><><>

Khilaaf xoogan ayaa lagu soo waramayaa inuu soo kala dhex galay Madaxwaynaha Maamul Gobaleedka Punt Land, Col C/laahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari, Ibraahim Cartan ( Xaaji Bakiin).

khilaafkan ayaa soo ifbaxay todobaadkii hor, ka dib markii ilaalada C/laahi Yuusuf ay ka hor istaageen Xaaji Bakiin inuu galo Madaxtooyadda isagoo doonayey inuu halkaasi kula kulmo C/llaahi Yuusuf.

Ma cadda sababta ay Illaaladda Cabdulaahi Yuusuf uga hor istaageen guddoomiyihii gobolka Bari inuu galo Madaxtooyadda, hase ahaatee wararka laga helayo Boosaaso ayaa sheegaya in madaxweynaha maamul goboleedka Puntland uu bixiyey amarkan looga hor istaagay Xaaji Bakiin Xafiiskiisa, isagoo xilligaasi Kulamo gooni gooni ah la lahaa Xubnaha Maamulkiisa,

Qaar ka tirsan golaha wasiirada Puntland ayaa ku hungoobay Garoowe xilli ay doonayeen in ay kula kulmaan C/llaahi Yuusuf, waxaana ka hor istaagay ilaalada Madaxtooyadda oo lagu amray inaysan soo gudbin Karin qof uusan soo dalban C/laahi Yuusuf,

Wararkii ugu dambeeyay waxey sheegayaan in madaxweynaha Puntland C/llaahi Yuusuf uu wado talaabooyin uu ku doonayo in uu wax kaga bedelo maamulkiisa iyada oo isla shaqeynta golaha wasiirada Puntland ay gaartay halkii ugu liidatay ka dib markii uu batay khilaafkii ka dhashay in xilka loo kordhiyo maamulka Puntland taasoo ay ku kala qeybsameen Xubnaha Labada Gole ee Maamulkiisa. Waxaana laga dhex dareemayay Labadii Maalmood ee la soo dhaaafay Golaha Wasiiradda cabsi xoogan oo ay ka qabaan qaarkood inay wayn karaan xilalka ay hayaan,

Dhinaca kale C/llaahi Yuusuf ayaa u magaacabay madax cusub gobolka Sool oo xiisadiisu aanay weli dhinac u dhicin, isagoo u magacaabay guddoomiyaha Sool C/rashiid Barqadle, halka duqa magaaladana loo magacaabay Axmed Ileeye (Xiir).

<><><>

Xoghayaha Guud ee Golaha Samatabixinta, C/laahi Black ayaa sheegay in Kooxaha Ku shirsan Jawhar ee uu Madaxda u yahay Maxamed Dheere ay qorshaynayaan inay fashiliyaan Shirka Soomaalida uga socda Kenya,

C/laahi Black oo ka hadlayay Baydhabo ayaa sheegay in Kooxahaasi aysan dan Soomaaliyeed u joogin Jawhar balse waxa uu sheegay inay ku shaqaynayaan fikrad laga soo manguuriyay dalal cadow ku ah Jiritaanka Somalia, Wuxuuna sheegay in iyagan laftigoodu ay ogyihiin in Somalia aysan xilligan u diyaarsanayn Martigalinta shir lagu soo afjarayo Dhibaatadda ka jirta Somalia,

Black waxa uu sheegay in Somalia ay xilligan kala qoqobantahay isla markaana ay yartahay is aaminka u dhaxeeya Kooxaha Soomaalida, Wuxuuna sheegay inay taasi keentay in shir loogu qabto Soomaalida dal shisheeye, sidaas darted waxa uu sheegay in shirkaasi uu filayo inay ka soo baxdo natiijo wax ku ool ah oo ay taageeri doonto Beesha Caalamka.

Mar la waydiiyay sida uu shirka Kenya meel mar u noqon karo iyadoo la ogyahay in caqabada ugu wayn ay ka taagan tahay Qodob ka mida dastuurka oo ay kooxaha qaar diidan yihiin waxa uu Black sheegay in go’aan ka gaarista Aaya ka talinta Somalia ay u taalo shacabka Soomaaliyeed, Wuxuuna sheegay inaysan suuragal ahayn in Nabadda Somalia ay u lug xirnaato shaqsiyaad dalal shisheeye u adeegaya.

<><><>

Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka ku jira Urur Gobaleedka IGAD ayaa la tashiyo gooni gooniya ka leh sidii shirka Soomaalida ay uga soo bixi lahayd Natiijo wax ku ool ah,

Wadahadalo ay si gooni gooniya qadka Taleefoonka ugu yeesheen Wasiiradda Arrimaha Dibadda Kenya, Jabuuti iyo Ethiopia, Kolonzo Mosiyooko, Cali Cabdi Faarax iyo Siyoom Musfin ayeey iskula garteen in horay loo waddo Shirka Soomaalida, Waxayna sidoo kale meesha ka saareen Khilaafaad la sheegay inuu horay ugu dhaxeeyey IGAD oo ku aadanaa qaabka loo maaraynayo Wajiga Saddexaad ee Shirka,

Kolonzo Mosiyooko waxa uu si gaar ah u waydiistay dhigiisa Ethiopia inuu gacan ka gaysto sidii madasha shirka dib loogu soo celin lahaa kooxaha gacan saarka la leh Ethiopia ee ku sugan Jawhar, Wuxuuna Musfin ballan qaaday in dhinacooda ay gacan ka gaysan doonaan sidii kooxahaasi loogu qancin lahaa inay dib ugu soo laabtaan shirka, laakiin waxa uu diiday inay jiraan wax si gaar ah uga dhaxeeye Ethiopia iyo Kooxaha Jawhar ku dhistay Isbahaysiga Abaabul Qarameedka,

Wadahadalladan oo ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo Shirka Soomaalida uu halis u galay inuu fashilmo ayaa laga yaabaa inay keenaan in shirku uu horay u socdo, iyadoo Soomaalida qaarkeed ay aaminsan yihiin in shirku uu la socon la’yahay kala jiid jiidashadda IGAD ee Kooxaha Soomaalida,

<><><>

Ugu yaraan 10 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku dhinteen iska hor imaad ku dhex maray Maanta Magaaladda Najaf Taageerayaasha Muqtad Sadri iyo Ciidamadda Maraykanka,

Iska hor imaadkan ayaa ka dhashay kadib markii ay Maraykanku xireen Kaaliyihii Wadaadka ugu sareeya Shiicadda, Waxaana uu iska hor imaadkan ku soo beegmay xilli uu sii kordhayo Khilaafka u dhaxeeya wadaadkaasi iyo Maraykanka.

Khilaafka labada dhinac ayaa soo baxay kadib markii Maraykanku albaabadda u laabeen Wargayska Taageera Wadaadkaas oo ka soo bixi jiray Baghdad, Waxaana Wargayskaasi lagu eedeeyay inuu waddo abaabul uu isaga horkeenayo Maraykanka iyo shacabka Ciraaq,

Tallaabadii labaad ee Wadaadkaasi lagu daan daansanayo ayaa noqotay Kadib markii mid ka mida Kaaliyayaashiisa lagu xiray Najaf, Waxaana markii warkaasii uu soo baxay Caro wayn muujiyay Taageerayaasha Muqtada Sadri.

Ciidamadda Mahdiga loo yaqaan ee Taageera Muqtada Sadri ayaa dhoolatus xoogan ka sameeyay qaybo ka mida Baghdad, Waxaana ciidamadaasi oo gaarayay 20,000 askari ay shalay sameeyeen Awood Muujin iyaga oo aan hubaysnayn,

Shiiq Muqtada Sadri oo si wayn u diidan siyaasadaha uu Maraykanku ku maamulayo Dalka Ciraaq ayaa laga yaabaa in khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Maraykanka uu Qatar galiyo Joogitaanka Xulufadda uu Maraykanku horkacayo ee Dalka CIraaq,

W/Q.Cabdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com garyare@msn.com

Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 5, 2004

Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD