SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
50 Hogaamiye Dhaqameedyo oo Reer Somaliland ah oo Kusoo aadan Muqdisho
  • Salaadiinta Somaaliland oo nabadeyntooda ka bilaabaya beelihii ku dagaalamay Gobalka Mudug.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 
Warar lagu kalsoonahay ayaa tibaaxaya in dhawaan ay soo gaarayaan magaalada Muqdisho hogaamiyo Dhaqameedyo reer Somaliland ah.ayagoo casumaad ka helay dhigooda koofureed,si ay uwada falaqeeyaan habkii nabad loogu soo dabaali lahaa koofurta soomaaliya,oo 13kii sano ee la soo dhaafay dabku ka holcayay.

Waftiga la filayo oo kor udhaafaya 50 Isim ayaa howshooda ugu horeysa waxay ka bilaabayaan sidii ay gogol nabadeed ugu fidin lahaayeen beelaha dagaalka qaraari ku dhexmarayo Dooxada golol ee Gobolka Mudug, beelahaas oo kala Sacad(Habar gidir) iyo beesha Saleeman Cabdalle(Dir), dagaalkaas oo soo jiitamayay muddo ka badan shan sano ahna dagaalka ugu waxyeelada badan dalka soomaaliya Mudooyinkan dambe, iyadoo dagaalkii ugu dambeeyay ay iska dileen in ka badan 66 qof dhaawaacuna gaarayay 100 qof hanti badanna iska gubeen dad badanina ka qaxeen degaankoodii asbuucii la soo dhafayna ku dagaalamay gudaha magaalada Galkacyo.

Warku waxuu intaa ku darayaa in Salaadiinta imaanaysa badidoodu ay waayo aragnimo dheerad ah uleeyihiin heshiisiinta dagaalka beelaha, ayagoo salaadiintaasi hore ugu guulaysatay heshiisiinta beelaha Fiqi Shini iyo beel ka tirsan Dhulbahante oo ku dagaalami jiray degaan ka tirsan Goblka Sool, waxaa kaloo isimada ka mid ah kuwo ka qayb qaatay guulihii laga gaarey damintii iyo soo afjaristii Dirirtii udhaxaysay qolyihii isku haysatay maamulka Puntland ee Genaraal Cadde Muuse iyo Col.Cabdullaahi Yuusuf.

Waxaa kaloo la xaqiijiyay in maamulka Somaliland ay ku raacsantahay doorka sallaadiinta ee ku wajahan nabadaynta soomaaliya,balse arrinka siyaasadda ee kuwajahan shirka ka socda Nayrobi wali dowladu mawqifkeedii hore ayay ka taagantahay oo ah shir na quseeya ma ahan.

MAXAA KU HOOSJIRA HESHIISIINTA SOMALILAND AY KU DHAWAAQDAY INAY U FIDINAYSO BEELAHA USC

waxaa kaloo la filyaa in salaadiinta somaliland ay wada xaajoon doonaan hagaamyia dhaqameedyada koofureed oo ka wada tashan doonaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka soomaaliya oo dagaalku ragaadiyay,mar aanu wax ka weydiinay mid ka mid ah dadka u xil saaran soo dhaweynta waftiga oo magaciisa la yiraahdo Axmad Xaaji Seed,oo lagu naanayso (Timacadde) su,aashaasoo ahayd.Hogaaamiya dhaqameedyada koofurta ee la xaajoonaya waftiga ka imaanaya somaliland ma Hawiye kaliyaa ?

Waxaa uu noo sheegay Timacadde in hogaamiya dhaqameedyada koofurta ayna ahayn hawiye kaliya ,balse ay ka kooban yihiin dhamaan 4.5 beelood ,dhammaantoodna waa ka qaybgalayaan oo beelaan isim ka joogim muqdisho ma jiraan,waana lagu casumay gogosha wada xaajoodka ayuu yiri.

Ugu dambeyn waxaa magalada muqdisho laga dareemaya soo dhaweynta waftiga ka imaanaya Somaliland,ayadoo hareysay hadalhayntii shirka Mbagathi oo maalmahan dambe rajadiisi soo yaraatay.


Cabdi Xasan Cali Somalitalk Muqdisho

abdi172@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | September 28, 2003

MAXAA KU HOOSJIRA HESHIISIINTA SOMALILAND AY KU DHAWAAQDAY INAY U FIDINAYSO BEELAHA USC

FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD