SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
MAXAA KU HOOSJIRA HESHIISIINTA SOMALILAND AY KU DHAWAAQDAY INAY U FIDINAYSO BEELAHA USC

Yonis mohamed dhuh
Nairobi Kenya
yonisdhuh@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Waxaa layaab kunoqotay dadka dhagahooda in siyaasiyiinta somaliland ay hada raadinayaan inay heshiisiiyaan beelaha USC.

hadaba waxaa la iswaydiin karaa in ay ka dhabtahay inay dib u heshiisiiyaan USC. waxay dadka badankiisu lee yihiin dhab maha ee waa ku xumeen in soomaali guud ahaan u heshiiso. beesha SNM waxay hor mood ka aheed kicintii beelaha USC taas oo lagu ridayay dowladii mohamed siyaad bare taas oo beesha USC iyadoon gudaheeda waxba isla meeldhigin ay ku galeen dagaal dhaxalsiisay beesha USC wixii dhexmaray ee dagaal iyo baaba' ba ahaa . bessha SNM nabada ay kutaamayaan waxaa u keenay USC oo xukunkii kaqaaday kaligii taliyihii laakiin abaalkaa may gudin . waxaa la ogaa oo hubaala SNM inay diyaar u ahayd 1990 inay isu dhiibaan dowladii jirtay kadib markii aad loo jabiyay oo loo gumaaday, heshiiskii ay wada gaareen dowldaha ethiopia iyo somaliya 1989 ku gaareen jabuuti, ayaa ahaa in lakala joojiyo taageerada mucaaradka dhinacwalba lana soo saaro jabhada ku jira wadamadaa.

13kii sano ee lasoo dhaafay Somalilanad markaliya maynan isku dayin inay heshiisiiyaan beelaha USC hadaba hada maxaa keenay.

1- kadib markii ay somaliland aragtay in khatar wayn kaga soo socoto shirka dib uheshiisiinta soomaalida ee dib loogu dhisayo qarankii soomaaliya iyagoon wali aqoonsi helin .

2- kadib markii ay xaqiiqsadeen in caalamku aanuu diyaar uhayn aqbalaada wadan cusub oo somaliland layiraahdo.

3- markay ogaadeen Cabdulaahi yuusuf in uu kaqaaday gobolada Sool iyo sanaag kadib markuu u sheegtay awooda beelaha ee dega labadaa gobol. kuna noqotay dhagaxa kaliya ee hortaagan xuduudaha somaliland.

ayaa kaliftay in somaliland ay iskusoo mashquuliso in ay dib u shido dabka dhexyaala soomalida koonfureed , si ay ubur buriso shirka nabada ee nairobi kuna guubaabiso in USC ay qaado dagalkaale oon waji lahayn oo lagu qaado cabdilahi yuusuf si loo hilmaan siiyo Sool iyo sanaag una fusho danaha soomaliland.

Yonis mohamed dhuh

Nairobi Kenya

yonisdhuh@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | September 28, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

UNICEF: Somalia Has Unique Chance to Halt AIDS Read Here.... [Reuters.com]

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD