SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

REER SOOL SANAAG BERI IYO DEGMADA BUHOODLEH GACMO FURAN MADAXNIMADA
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

 

 

"...waxaa soo huleeshay xoogagii USC oo aan runtii sidaa looga aqoon hirdankii halganka, Maxamed Faarax Caydiid, oo wakhtigaasi hammi badan ugu jiray sidii uu reerka uu ka dhashay ugu celin laha mansabka Siyaasadeed ayaa wuxuu isticmaalay Hammuun aan cadawga lala beegsan balse xanuun ku noqotay runtii birma gaydo farabadan oo degenayd xaruntii dhexe ee dawladi siyaad bare waa Muqdisho eh, waxaa halkaasi ay xoogagii USC ee magaalada soo gelay ka gaysteen falal foolxumo ah oo aargoosi lala beegsaday dumar iyo caruur... "
Diridhaba: June 15 2003
 

"...hortaantii 91 kii ayaa ciidamadii halyeeyada ahaa ee SNM waxay si ismiidamisa u hujuumeen magaalooyinka Burco, berbera, iyo weliba xaruntii ay muddoyinka badan hiigsanayeen ee Hargeysa, Keligii taliye Maxamed Siyaad Barre iyo weliba Hogaankii Ciidamada aagga gobolka Hargeysa ee loo yaqaanay qabta 26aad, Gacan ku dhiigle Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, iyo xubno sare oo kalaba waxay ku sugnaayeen tuulada Hawash oo ay kala arrinsanayeen hogaankii sare ee dalka Ethiopia...", Diridhaba: June 15 2003

"... SNM Hargaysa iyo burco waxay soogaleen 1988.."
Aden Mohamed: Oct 11, 2003

Mahad waxay u sugnaatay ilaahay subxanahu watacalaye, naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato nebigeena suuban Maxamed (C.S.W), akhristow intaanan u gudo gelin maqaalkaygan iyo murtida uu xanbaarsanyahay aan isku dayo inaan beeniyo qoraal ku soo baxay shabakadda Somalitalk oo ciwaan looga dhigay "Dirirdhabe Duce Qabe iskuulkaaga iska Dhigo" Walaahi horta shakhsibaan ahayo qofka waxaasi sidaa usoo qoray markaan macno hufan uga hadlo ma istaahilin jawaab, weligay intaan qoraalo qorayna shakhsi qoraaladayda abaaray xaaram ayey iga ahayd inaan jawaab kale ku celiyo, balse waxaa igu kelifay wuxuu doono shakhsigaasi qof ahaan ha ii weeraro eh inaan jawaab ka bixiyo been abuur uu iga sameeyey, wuxuu qoraaga maqaalkaasi sheegay in aan idhi ama qoraalo aan leeyahay ku darray ururka USC, weligay iyo allahay qoraal aan qoray USC kuma darin waxbana kama sheegin taariikh ay USC leedahayna raadraac kuma samaynin waanse ka xumahay inay arrintaas! i uu qoraagu iga been abuurto, midda kale ee ah weerarka uu qoraagu igu sameeyey (Personal attack) waa mid u taalla bogga Somalitalk, oo aan la yaabay sida tafatirahu usoo gudbiyey ama u ogolaaday qoraalkaasi, haddii taasi sii socotana waxaan ballan ku qaadaya in aanu qoraal aan leeyahay oo danbe ku soo bixi doonin shabakadda somalitalk.

 Aan akhristow usoo dego dulucda guud ee dareenka darmaanteeda aan xanbaarsanahay daadihinayso, laga soo bilaabo 1991 ilaa sannadkani aynu ku jiro ka hor bishii april 14 keedii waxaa shacabka reer Somaliland ku dhaqmayeen xeerhoosaadyo lagu dejiyey shir beeleedyo ka dhacay dalka gudahiisa kuwaasi oo lagu salaynaayey hab beeleed (tribal System), inkasta oo xeerhoosaadyadaasi dalku ku dhaqmaayey mudada ka badan tobanka sanno (a decade) aanay ku oolin qodob dhigaaya in qabiil gaar ahi tallada dalka xukumo hadana akhristow lama odhan karo hawshu waxay ahayd mid isku dheeli tiran, sababo xagga farsamada ah oo jiray awgeed,

DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ...
Diridhaba June 7, 2003

Sool iyo Somaliland Yaa Ugarnaqa [Assad]

waxaan tusaale ug! a soo qaadan kara maamulka dawladnimo oo la xayndaabay muddo y! ar ka di b iyo arrimo xagga maamulka iyo dhaqaalaha ah oo iska jiray awgeed, balse nasiib wanaag waxaa la yagleelay sannadkii 1997-kii dastuur qaran inuu dalku yeesho, alla naxariistii janno ha siiye Madaxweynahii geeeriyooday ee Somaliland Mudane Maxamed Xaaji ibraahim cigaal wuxuu dedaal dheer u gallay sidii dastuurkaasi uu uga hirgeli lahaa dalka, balse dabcan samaynta iyo dejinta dastuurka qodobadiisu waxay u baahnayd muddo dheer oo laga baaran dego loona yeelo xikmad iyo maamuus iyada oo lala kaashanayo khubaro ajanabi ah,

akhristow waxaa xusuus mudan in Xukuumadda Somaliland ay dalbatay khabiir xagga sharciga qaabilsan oo u dhashay waddanka Sudan inuu qayb ka qaato dejinta qodobada dastuurka (constitutional articles), ka dib markii sannadkii 1998-kii uu khabiirkaasi ku guulaystay inuu furdaamiyo qodobo badan oo ku jiray dastuurka Somaliland waxaa khilaaf cirka isku shareeray oo ka dhex dhacay Barlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madaxweynahii Geeriyooday ee Somaliland alla ! naxariistii janno ha siiye Maxamed Ibraahim Cigaal, waxyaabaha ay dalbanayeen xildhibanada golaha Barlamaanka Somaliland waxaa ka mid ahaa inaan la taaban qodobo badan oo saamaynaya beelaha Somaliland, balse Madaxweyne Cigaal alla ha u naxariistii wuxuu geed gaaban iyo ku dheerba u koray sidii uu u dejin lahaa xaaladda siyaasadeed ee dalka (political Comprimise) looguna qancin lahaa dhammaan beelaha dalka oo dhan in laga saaro meesha hanaankii beelaha loona gudbo habka axsaabta badan,

SNM Waxay Meel Marisay Aragtidii Xasayn-Kayd [Caqiil]

» Qowleysatada Waqooyi Soo Dhigatay [Dr. Saciid]
 

waxaa nasiib wanaag ah oo marag ma doonto ah in uu madaxweyne Cigaal alla naxariistii janno ha ka waraabiye uu arrintaasi furdaaminteeda ku guulaystay isaga oo ka faa,idaysanaayey khibrad dheer oo uu u lahaa beelaha dhexdooda, iyo waayo aragnimada siyaasadeed ee uu mudada badan lahaa, taasi waxay sababtay in si fudud loogu gudbo hanaanka axsaabta badan, dhamaanna la tirtiro hanaankii hab beeleedka ku salaysna, waxaa siyaasiyiinta Somaliland ay yagleesheen axsaab siyaasadeed oo ku salaysan nida! amka dimuqradiyadda (Jeffersonian Democracy) iyada oo habka ke! liya ee la isla waafaqayna noqotay in wax lagu doorto (One man One vote), hanaankani oo aan kaba jirin haba yaraate dhammaan mandaqadda beriga africa,

 XASUUQII LOO GAYSTAY SHACABKA SOMALILAND
Diridhaba

akhriste waxba yaanan hadal idinku daaline sannadkani aynu ku jiro horaanteedii ayaa waxaa shacabka reer Somaliland si xishmad iyo karaamo ku jirto ugu dareeren inay codkooga siiyaan axsaabtii iyagu u tartamaayey mansabka ugu sareeya qaranka Somaliland, waxaa shacabka Somaliland ay garteen inay xilka u doortaan Mudane Daahir Riyaale Kaahin Madaxweynaha Seddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo shacabkii doortay aanay u eegin qabiil, asal, jinsi iyo dhinac uu janjeedho midna toona balse waxa keliya ay ku doorteen, aqoon, xeelad, iyo deganaan ay malaha is yidhaahdeen waa kaga duwana ragii kale ee axsaabta kale hogaminaysay, waxaan ku kalsoonahay hadaba maanta walaalahayaga Gobolada Beriga Somaliland haddii ay sannadka 2008 ku guulaystaan inay axsaabta siyaasadeed soo camiraan inay si fudud ugu guulaysan karaan madaxnimada iyo hoga! anka Qaranka Somaliland, waxaan shaki ku jirin in anigu shakhsibaan ahayo haddii siyaasi

» 1 JULY MAALINTII MADOOBAYD EE SOMALILAND [Diridhaba]

Maxamed Mooge oo 1-da Luuliyo/July maamuusay
iyo Maxamed Dirirdhaba oo maalin madoow ku sheegay! [Cabdiwaaxid]

XIRIIRKII SSDF iyo SNM ... GUJI [XagarYare]

TAARIIKHDA LAGAMA BEENSHEEGO [Kancaan]
 

Gobolada Sool, Sanaag beri, iyo Degmada Buhoodleh ka socda oo dalkiisa iyo dadkiisa u daacad ah oo hawlkar ahi ka soo dhax baxo axsaabta Siyaasadeed ee Somaliland inaan codkayga si hagarla,aan ah usiin doono haddii allaha awoodalahi idmo, waxaan kale oo aan ku kalsoonahay in kumanaan iyo kumanaankun qof oo ku nool gudaha iyo dibadda Somaliland ay ila qabaan fikradaasi, hadaba waxaan ka codsanaya Siyaasiyiinta Gobolada beriga Somaliland inay heelan u galaan sidii ay u kasban lahaayeen codka shacabka Somaliland, cidda ku doodaysa ama odhanaysa Qabiil keliya ayaa u badan qaranka Somaliland waxaan kula tallin lahaa inay horta yimaaddan Somaliland ogadaana xaqiiqda ka jirta dabadeed tagaan Muqdisho ama Garoowe soona eegan farqiga u dhexeeya, walaalayaashada Sool iyo Sanaag Beriyo waxaanu idinleenahay Gacmo furan kusoo dhawaada, dalkiina kaalaya oo maamula la shaqeeya dadkiina, umadeena dante! eda dhinac uga soo wada jeesta. waxaanan ilaahay ka beryaya in! uu sida xaqqa ah ilaahay inna waafajiyo.

 
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 12, 2003

 QORAALADII HORE EE DIRIDHABA  

Sool iyo Somaliland Yaa Ugarnaqa [Assad]


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Xaalada Magaalada Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka akhri warbixintii Asad Cadaani

YAASABABAY DAGAALKII KADHACAY LASCAANOOD?
Qoraalkii IBRAAHIM MAXAMED HURUUSE.... Dec 14, 2002

BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa  

Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay.... GUJI  8/12/2002
 

Bayaan ay soo saareen jaaliyada SSH ee Kuwiat
Annagoo ah Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag iyo Hawd in badan ayaanu   GUJI  12/12/2002

Jaaliyada dhulbahante ee w/america warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in GUJI  11/12/2002

Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ku sugan Eldoret ayaa.. GUJI  8/12/2002

Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood, kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha... GUJI  8/12/2002

DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji June 7

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD